|
Somalia-Ethiopia-Kenya
1960:
Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu
oo ahaa kuwii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen
in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan.
1 Jul 1960 - 10 Jun
1967
Aadan
Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah
7/1960:
Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba
adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad
gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii
Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna
Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya
Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad
degdega.
1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya,
dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .
4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya
iyo Itoobiya
10/15/1959:
Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii
Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.
21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari
oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
1/1977: Waxaa kor u
kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
July 23, 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka
Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari
ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey
ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
November 1977 Soomaalidu
waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay
Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay
ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya
siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay
wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay
wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay
"scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn
dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo
biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas
oo dhanka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska
awgeed waxa ay dib u qababsatay
Ogaden markey taariikhu ahayd March 15 1978.
Reference: Somalia History |
MADAXWEYNAYAAL |
Aadan
Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Shirkii Carta, Jabuuti: DKMG: Cabdiqassim Salaad
Xassan
27 Aug 2000 - Aug 2003
Shirkii Nairobi, Kenya: DFKMG: cabdullaahi Yuusuf Axmed
10 Oct 2004 - Dec 29, 2008
Shirkii Jabuuti, DFKMG:
Shariif Sheikh Axmed
30 Jan 2009 - Hadda |
RA'IISULWASAARAYAAL |
Maxamad Xaji
Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
DKMG (Carta): Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
DFKMG (Nairobi): Cali Maxamed Geedi
3 Nov 2004 - 29 Oct 2007
DFKMG (Baydhabo): Col. Nuur Xasan Xuseen
(Nuur Cadde)
22 Nov 2007 - 12 Feb 2009
DFKMG (Jabuuti): Cumar C/rashiid
Cali Sharmaarke
13 Feb 2009 - Hadda
 |
:::Guud ahaan Soomaaliya dalalka kala qaybiyey oo gumeystay waa: |
UK
B/Sland |
Italy
I/Sland |
France
Jabuuti |
Ethiopia
S/Galbed |
Kenya
NFD |
S/Galbed
& NFD
Weli
waa la
gumeystaa |
KHARIIDADA
SOOMAALIYA
Somalia Maps
1.(1988)
|
2.(1992) |
3.(1992) |
4.(2001)
|
5.(1860) |
6.(1829)
.
Beeraha
& Macdanta Som [1992]
.
Soomaaliya iyo Jabuuti [1977]
.
Dhaqaalaha som/jabuti [1977]
.
Khariidada qabiilooyinka [1992]
.
Khariidada qabiilooyinka [1977]
.
Qabaa'ilka bariga Afrika [1980]
.
Khariidada dadka -Som [1992]
.
Tusmo dadka-Som/jabuti [1977]
|
Taariikh Kooban Soomaaliya:
1960 - 2009
Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com
_______________
_________
____
July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday
Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa
June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey
C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908
ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo
ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii
Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal
ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas
joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia,
Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay
cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab
takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u
siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid
Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku
maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u
dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].

Siyaad Barre |
Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday
Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.
Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii
xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.
Jan 23, 1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen
sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey
Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim
sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu
jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas
Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.
April 9, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido
xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa
ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh
Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah
raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco
April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay
ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*]
Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay
ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981
isu bedeshey (SSDF).
Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku
xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka
dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay
weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka....
Aug 7, 1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC
(oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay
March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.
Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.

Caydiid |

Cali Mahdi |
Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee
Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.
March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.
April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad
Barre oo dalka isga baxay.
Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.
Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.
Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta".
Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay
Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.
May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.
Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka
iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo
Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho.
Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black Hawk Down".
March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray.
Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria.
[Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995]
Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga
ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii
ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.
Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey.
[Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1,
1996]
1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo
lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si
waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay
jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo
Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in
European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay
baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen
labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi
Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan
yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo
doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu
arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu
sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay
December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii
Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya
lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.
May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan
2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.

Dr.
C/Qaasim |

Prof.
Galayr |
Aug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo
la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.
June 5, 2001 - Maxamed Cawaale
Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey
magaalada Toronto ee dalka Canada.
May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey
magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960.
[Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].
Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd.
Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).
Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay
275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.

Col.
C/Laahi |

Prof.
Geelle |
Oct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya
taageersan tahay, ayey u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.
Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.
Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.
Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen
sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey
Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub
DFKMG.
- Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay
Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari
(IGAD)
si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya.
Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.
Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay
weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga
ay
ka dhaxayso Soomaaliya.
Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii
kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar.
Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.
March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan,
ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in
baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada
safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay
suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo
ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano
gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka
hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in
baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya. Kaddib waxaa
baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna
la isu adeegsadey, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga
daadiyey.
April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,
si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha
la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.
May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Sh. Xasan |

Prof. Dalxa |
May 11, 2005 - Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday
Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey
in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan
& Uganda) (iyo carab) la
geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif
Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka,
Prof Maxamad Cumar Dalxa.
May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka
Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna
xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas
oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u
soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso
dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.
May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u
diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u
celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii
Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka.
Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan.
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku
sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno,
isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha
Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray "Argaggixiso" eedayntaas oo
caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya
iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya..
Jun 13,
2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso
Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad
sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku
sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey
madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga
arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG.
Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar,
baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u
safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.
June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan
Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada
Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor
fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005)
iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu
madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka
Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.
June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo
dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada
arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo
kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu
qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku
shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu
go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib
loogu dhisi lahaa Soomaaliya.
Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo
guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku
kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo
afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo
Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen,
Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.
January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka
qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu
qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga
magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay
Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka
barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.
February 18, 2006: Siddeed
qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay
asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".
February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG
ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey
dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb
gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii
2004.
February 28, 2006: Muqdisho waxaa
looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku
dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la
baxay ladagaalanka "Argaggixisada."
March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka
dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo
u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay
Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in
badana guryahoodii ayey ka qaxeen.
April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga
labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi
doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.
May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi
Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha
dagaalka.
May 4, 2006: Dagaal culus ayaa
markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.
June 2, 2006: Kumanaan tageersan
Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga
soo horjeedaan Maraykanka.
June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta
ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la
dagaalanka "Argaggixisada."
June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali
Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka
qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay
isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka
laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka
Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta
Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha
Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.

Sheikh Sharif Sh. Axmed |
June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka
ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu
maalintaas yiri "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo
deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox
kasta annagoo u danayneyn dadweynaha."
June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha
dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana
uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."
June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG
ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod
bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood,
waxaana diidey 73 xubnood.
June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee
Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.
June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay
in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin
jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood
roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.
June 15, 2006: Magaalada New York
ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana
kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo
Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact
Group". Waxaana goob-joog ka
ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta.
Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa
sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka
digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.
June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi
Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed,
ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada
hadlaan...
June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray
Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka
heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana
shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay
wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi
Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi
iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga
Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo
uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u
saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo
Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa:
(1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari
iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime
Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya.
(5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib
u dejin iyo horumarin.
June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad,
Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho
ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee
Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo
Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii
howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta
Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo
magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh
C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay
Sheekh Xasan Daahir Aweys,
Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka
labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro,
xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay.
Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha
kala duwa ee bulshada.
September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax
ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey
nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtey dhawr gaari,
waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey
kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey
gole wasiiro ah oo uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa
meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu
dhicin.
September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey
gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay
wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada
Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada
Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u
kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo
aan dagaal ka dhicin.
November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan
ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka
Soomaaliya iyagoo ka faa'iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.
December 28, 2006: Maxkamadaha
Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday
Sh. Shariif Sh. Axmed oo
telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: "Waxan
magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl
gelayey." Waxana uu intaas ku daray in "maxkamadaha Islaamigu ay midaysan
yihiin", waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed.
Waxaa markaas magaalaad Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.
January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada
Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa
kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida
kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka
mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir
gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore.
Laakiin Shariif Xasan Sh.
Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay.

Sh. Aden Madobe |
January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG
waxaa loo doortay Shiikh Aadan
Madoobe.. [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada
Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay
7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah
Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku
guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay
50-cod. Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh
Aadan ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG.
“Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco
Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu
la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii
wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada
Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan
Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku
taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha
Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay..
June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha
Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan
hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay
"safar kusoo bood ah"..
June 8, 2007: Aadan
Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde",
madaxweynihii
ugu horeeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyoodey
magaalada Nairobi. [Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908
ilaa June 8, 2007].

Col. Nuur Cadde |
October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra'iisul
wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo
C/laahi Yuusuf.. Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sabata khilaafk aay
sal u ahayd Batroolka Soomaaliya. Geeddi waxa uu ra'iisul wasaare u ahaa
DFKMG intii u dhexeysey
November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.
November 4 - 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada
Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka
qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof.
November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo
magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24,
2007.
December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa
xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo
iyo 31 wasiir xigeen. Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiiro uu
magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan
lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay
ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo
shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay
golaha wasiirada. Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu horeeyey waxa uu Dec 5,
2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.
December 2, 2007: Hay'adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay
in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay
gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo
dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.]
December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley
Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen
Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif
Sheikh Axmed. Musharaxii xigey ee codadka badan ka helay baarlamaanka waxa
uu ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre oo uu dhalay madaxweynihii saddexaad ee
Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya.
Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa
ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, C/rashiid
Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969.
TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::
- Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya
ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya
ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la
sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood
markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).
- February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee
Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo
ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April
1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex
gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.
- 1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar
ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen
iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul
Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay
cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad
cusboonaysiiyeen August 28, 1987.
- July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka
Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay
taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal
khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
- November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa
cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey
USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka
UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku
deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa
kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay
"scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn
sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la
laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo,
taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska
awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey
taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006)
gumeysato.
- June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo
garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal
xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey
markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada
Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii
xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu
Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin
labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta
Itoobiya, magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen
Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso
jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd ku gaartey oo
ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.
- April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea
ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala
galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd
dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka
deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta
cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.
TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::
- 1,500 BC
Fircoonkii la oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan
safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey
dhulkii uduga "The Land of Punt."
- 7-900 AD Carab
iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa
xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
- 1528-35 AD
Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga
difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese
musketeers].
- 1889 Kadib
markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga
Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
- 1894 ayaa
heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey
Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia],
kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka
soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian
Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu
qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
- 1899 Maxamad
Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British],
Talyaaniga iyo Ethiopia.
- 1940
Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland,
qabsashadaasi muddo badan masii jirin.
- 1947 Waxaa la
asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth
League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida
cusub.
- 1950
Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo
gaarsiin oo uu talyaanigu
sii hayo.
- 1955
Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo
Hawd kuwareejisey Itoobiya.
- 1960 bishii
June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey
xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya
intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas
ayaa labadaas qaybood midoobeen.
Intii ka dambeysey shirkii Carta (Jabuuti) ee 2000 waxaa Soomaaliya soo
maray 7 ra'iisul wasaare iyo ku simayaal oo kala ah:
- Cali Khaliif Galeyr: October 8, 2000 ilaa October 28, 2001
- Cusman Jaamac Cali: October 28, 2002 ilaa November 12, 2002
[ku-sime]
- Hasan Abshir Faarax: November 12, 2001 ilaa December 8, 2003
- Muxamed Cabdi Yuusuf: December 8, 2003 ilaa November 3, 2004
- Cali Maxamed Geeddi: November 3, 2004 ilaa October 29, 2007
- Saalim Caliyow Ibrow: October 29, 2007 ilaa November 22, 2007
[ku-sime]
- Nuur Xasan Xuseen : November 22, 2007 - ilaa hadda
ISHA: Reuters |
onwar.com |
Xagaryare |
wikipedia.org |
www.cia.gov |
infoplease.com |
swan.ac.uk
| Somalia shalay &
Maanta |
Madaxweynihii hadafkiisa gaarey |
Siyaad Barre
| Sunta Soomaaliya |
DRAFT: Axdiga DFKMG
| Calanka Soomaaliya
| Taariikhda Nelson Mandela
| Ansixintii May 2005
| Zenawi vs Soomaalida |
Khubadii C/Lahi &
Kibaki ee Sagootinta |
Kulankii yemen oo Guul
Daro ku dhammaaday |
Baarlamaanka FKMG ah
oo dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore. |
Ciidamo ka socda
Dunida Islaamka oo Loo dirayo Soomaaliya |
C/Laahi Yuusuf iyo
Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan |
C/Laahi Yuusuf iyo
Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan |
Heshiis Khartuum ku
Dhexmaray Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG |Qarax
ka dhacay Baydhabo oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG |
Maxkamadaha
Islaamiga oo La Wareegey Magaalada Kismaayo |
XASUUQII WAGALLA |
Xasuuqii taliskii xabishidda ee
Boorama 30 Janaayo 1984.|
Ciidamo Itoobiyaan ah oo
soo galay Galkacyo |Geeddi
oo is casilay |
Col. Nuur Cadde oo La Dhaariyey |
Khudbadii ugu
Horeysey ee Ra'iisul wasaaraha Cusub ee DFKMG iyo waraysi safiirka DFKMG u
fadhiya Shiinaha.. |Madaxweynaha
DFKMG oo khudbad Xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey
Baydhabo |
C/Laahi Yuusuf oo
Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo
WFP... Akhris/cod.. |
Col. Nuur Cadde oo
Magacaabay Gole Ka Kooban 73 xubnood |
C/Laahi Yuusuf oo Is
Casilay Isniin Dec 29, 2008 |
Sheikh
Shariif oo Loo Doortay Xilka Madaxweynaha DFKMG Jan 30, 2009 |
Sawirada: Yahoo & Google Serach.
Faafin: SomaliTalk.com | Updated Sept 2006
| Updated: Dec 2007 | Updated:Feb 2009
*Sixid:
Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka
soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu
dhicisoobay. [Waxaa markii hore qorayd in inqilaabku dhacay April 12, 1978,
laakiin sida uu nasoo xusuusiyey Abdifaysal M.Gaanni waxa inqilaabku dhacay
April 9, 1978.]
**SIXID: Dalalka Afrika ee xorta ahaa 1962 ma ahayn afar waddan oo
keliya, balse Mondela waxa uu khudbadiisii 1962 ugu mahad celiyey afar dal
oo ka mid ah kuwa xorta ah oo ka qayb qaaday halgankii dadka k/afrka. Waxaa
arrintaas nasoo xusuusiyey Sabriye M. Muuse, sidaas ayaan ku saxnay. Waxaan
asalkii qoraalkaas ka tix raacnay bogga
www.anc.org.za
Xamar Daawo
Dacallada |
Hargeysa
Saawo Dacaallada |
Boosaaso
Daawo Dacallada
Bilicda Soomaaliya: 1
| 2 | 3
| 4 | 5
| 6 | 7
| 8 | 9
| 10 | 11
| 12
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|