somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
dhulka  cimilada  dhirta  xoolaha  beeraha  Bogga Bilicda
Dhulka
Soomaaliya waxay kutaalaa geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga. Bedka dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran). Soomaaliya waxaa waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia,  waqooyi-galbeedna Djabouti. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km].

Dhulka Soomaaliya waa dhul saxara xigeen ah. Waana dhul aad u siman, marka laga reebo dooxooyinka webiyada shabeelle iyo jubba iyo buuraleyda Golis ee taxan xeebaha Waqooyi iyo Waqooyi-Bari . Taasi waxay sahal kadhigeysaa in reer guuraagu ay si sahal ah u safri karaan meeshii ay doonaan. Soomaaliya waa dhul aad ugu haboon xoola dhaqashada, gaar ahaan xilliga barwaaqada, iyadoo ay kabaxaan dhir aad u kala geddisan oo kuhaboon daaqa xoolaha .

Dhanka waqooyiga ee ku xeeran gacanka Cadan waxaa ku yaala dhulka looyaqaana Guban, dhulkaas oo  bilicsami ku siyaadinaya Berbera iyo buuraha Golis ee aan kor ku soo xusnay. Ceerigaabo agteedana waxaa kuyaal buurta ugu dheer Soomaaliya oo lagu magacaabo Surad, dhererkeeduna lagu qiyaasay 7,900 feet ama (2,408 mitir). Buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheerna waa buurta Baxaya, waxayna kutaal Buruc oo Boosaaso kaxigta dhanka Bari.

Dhanka koonfurtana marka aad u kacdidna waxaad geleysaa Sool iyo Hawd iyo dhulka loo yaqaan galgodon ama oogo . Markaad timaadid dhanka Baydhabo, waa dhul ka samaysan dhagaxa looyaqaan "Granite". Xeebta u dhexaysa Kismaayo iyo Hobyo oo dhererkeedu yahay 1,000 km  waa dhul bacaad ah, taas oo kutusinaysa bilicsamida dhulka soomaaliya marka aad kasoo eegtid dhanka badda. Dhulka kale ee hooseeya (dhul-hooseed) ee Soomaaliya waxaa kamid ah Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal oo kuyaal Waqooyi-Bari. Labaduba waa dhul waadi ah, waxayna biyaha ku daraan badweynta Hindiya. Dharoor waxay badda kaga darsantaa Xaafuun, Nugaalna waxay kaga darsantaa Eyl.

Dhanka koonfurta waxaa ku yaala labada webi ee jubba iyo shabeelle. Waxay labaduba kasoo bilaabmaan buuraha Ethiopia. Jubba wuxuu biyaha kaga daraa badweynta Hindiya meel u dhow Kismaayo. Shabeelle wuxuu ku dhamaadaa meel dhexe inta uusan badda gaarin. Jubba ayaa ka biyo badan Shabeelle. Dhulka Labada webi ku xeeran ee aadka u quruxda badan waxaa kamid ah Afgooye,  Balcad, Jawhar iyo Jamaame.

Sawiradii Muqdisho... daawo.

kor dhulka  cimilada dhirta  xoolaha beeraha Bogga Bilicda

Cimilada
Soomaaliya waxaa mara dhul baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul. Waxayna leedahay afar xilli: waana kuwan hoos ku qoran:
 
1. Gu'  April - June
2. Dayr  October - December
3. Jiilaal  December - March
4. Xagaa  June - September

Roobka ku da'a Soomaaliya sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches (100 millimitir). Inkasta oo gobolada soomaaliya  roobka  ay helaan uu kala duwanyahay. Woqooyi-Bari qiyaastii roobka sannadkii ku da'a waa 8 ilaa 12 inches. Koonfur-Galbeed iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da'a  20 ilaa 24 inches oo roob ah sannadkii. Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen. Xeebaha Berbera iyo Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa September. Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya. Heerkulka Muqdisho wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.

kor dhulka  cimilada dhirta  xoolaha beeraha Bogga Bilicda


Dhirta iyo Daaqa
Dhulka Koonfurta iyo Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da'a meelahaas oo ka badan kan ka da'a dhulka Soomaalida  intiisa kale. Woqooyina waxaa ku badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha. Woqooyi-Bari iyo xeebaha Woqooyiga waxaa ku badan dhirta xabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo Maydiga. Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas laga helo lacag adag. Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa ku badan dhirta mayraxda leh. Soomaaliya waxay leedahay  xoolo aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga dhoco markii uu di'i jirey.

Magacyada dhirta soomaaliya ka baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi, laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin.

Waxa kale oo duurka ama baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan  dhanka koonfurta, ku nool xayawaano fara badan.  Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada, libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka, sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo shimbiro ah.

kor dhulka  cimilada dhirta  xoolaha beeraha Bogga Bilicda

Xoolaha
Khayraadka ugubadan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool. Xooluhu waa meesha dakhliga ugu badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo. Xoolaha Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah. Waxaa kale oo xoolaha laga helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga roobka.

Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaas ay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:-
 

  • 2,800,000 Neef - Lo'
  • 2,500,000 Neef - Geel
  • 2,100,000 Neef - Ido
  • 3,300,000 Neef - Riyo


Waqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million. Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.  [eeg dadka].

kor dhulka  cimilada dhirta  xoolaha beeraha Bogga Bilicda

Beeraha
Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar. Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah. Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy. Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar.

Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka. Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena  waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha .

Waxyaabaha kasoo go'a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe, liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago], babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar], baradho, bataato,cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin], iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan.

Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan.

Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista. Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.

Roobka ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi. Waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.

kor dhulka  cimilada dhirta  xoolaha beeraha Bogga Bilicda

Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12

Cusboonaysiin: Dec 27, 2002

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright somalitalk.com. All rights reserved.