somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
macdanta  wershedaha    Bogga Bilicda

Macdanta iyo Saliidda
Macdanta
Soomaaliya waxaa ku jira macdan farabadan oo aan laga faaiidaysan. Sababtoo ah macdantaas waxay u baahantahay maaliyan ama lacag fara badan iyo qalab casri ah iyo weliba dad aqoon iyo xirfad u leh macdanta.

Haddii aan wax ka sheegno qaybaha macdanta iyo meelaha ay ku jiraan, waa kuwan hoo ku qoran:

Berbera: Meel u jirta 15 km waxaa ku kaydsan Jibsam[Gypsum]. Waxaa kale oo Berbera agteeda laga helaa shamiitada.

Buur-hakaba: Waxaa lagu qiyaasay [1968] in ay ku jirto 120 million tons[tan] oo macdan ah, waxaana kamida Yuraaniyam iyo Thorium.

Ceel-buur: waxaa ku kaydsan macdanta loo yaqaan Sepiolite.

Diin-soo: waxaa ku kaydsan qiyaastii 50 million tons oo ah bir-dahaba ama[iro-ore].

Majayahan: oo u dhow Boosaaso waxaa ku kaysdan macdanaha kala ah Tiin, Gypsum,iyo Dahab.

Dhalan: oo u dhow Ceelaayo waxaa laga heli karaa macdanta loo yaqaan Tiin.

Xeebta Jasiira iyo Bacaadka Shalambood: Waxaa ku kaysdan Dahab.

Xaafuun iyo Hurdiye: Waxaa laga helaa Cusbada cuntada [salt].

Waxaa kale oo la sheegay in Soomaaliya ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah iyo saliid [iol]. Waxaana laga yaabaa in ay jiraan macdano farabadan oo ku kaydsan Soomaaliya  welina aan ladaahfurin.

Dhammaan macdanadaas aan kor ku soo xusnay xaqiiqa ahaan inta xaddiga ah ee waddanka ku kaysan lama hubo, waana qiyaaso iyo mala awaal lasameeyey. Tirooyinka xusani ma aha kuwo lagu helay cilmibaaris qoto dheer. Waxaana akhristayaasha ka codsaneynaa in haddii ay hayaan wax macluumaada oo arintaas ku saabsan ay noogu soo sheegaan emailka hoos ku qoran.

Saliidda (oil)

Soomaaliya waxaa ku jira Saliid farabadan oo aan weli siweyn looga faa'iideysan. Haddii aan wax kaxusno goobaha hadda lagu hubo saliidda waxaa kamidda:

  • Saylac (Awdal)
  • Lascaanood agteeda (Sanag)
    Meelahaas oo ay ahayd meelihii uu ku socdey baadhistu intii xukuumada la ridin. Laakiin badanka somaliya lama wada baadhin.
  • afgooye (gaaska dabiiciga ah). xadigiisuna aad u badan yahay.
Waxaan mahad ballaaran u jeedineynaa injineer Ibrahim oo caawinaad nagasiiyey arimaha muhiimka ah ee laxiriira saliidda Soomaaliya dhex jiifta.

Hadii aad u baahatid macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan macdanaha Soomaaliya, ka akhri waraysigii SomaliTalk la yeesheen Dr. Cusmaan Salaad Xirsi oo markaas (sept 2000) booqaneyey London, Ontario, canada.

kor macdanta  wershedaha    Bogga Bilicda

Wershedaha
Wershadaha Soomaaliya in kasta oo aysan aad u fara badnayn, hadana waxaa lagu qiyaasay in ay dhaqaalaha waddanka ku siyaadin jireen boqolkiiba-toban [10%]. Qaybo kamida wershadihii Soomaaliya iyo xilliyadii la asaasay waa kuwan hoos ku qoran:
 
Wershedda Sonkorta Jawhar:
1919 ayaa shirkad talyaani ah asaastay wershadda sonkorta ee jawhar. Sannadkii 1960 kii ayaa wershaddaas 50% kamida loo ogolaaday Soomaaliya. Wax soosaarkeediina waa kan hoos ku qoran:

 
Sannad Xaddiga Sonkorta Waqtiga waxsoosaarka
1926 30 Tons Maalintii
1968 35,000 Tons Sannadkii
1969 40,000 Tons Sannadkii
1970 41,000 Tons Sannadkii
Wershedda Cusbada Xaafuun:
1922 ayaa shirkad Talyaani ah asaastay wershadda cusbada [solar Salt production]. Waxaan laga dhisay Hurdiye - xaafuun. Wershaddaasi waxay soo saari jirtey cusbo dhan 250,000 ilaa 300,000 tons sannadkii. Waxaana wershaddaas hawlgab ku noqday dagaalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee 1940-1941.
Wershedda Caanaha Xamar:
1965 ayaa wershadda caanaha ee xamar shaqa bilawday. Wax soosaar keeduna wuxuu ahaa 10,000 litir oo caano ah maalintii.
Wershedda Hilibka Kismaayo:
1968 ayaa la dhamaystiray wershadda hilibka ee kismaayo. Waxayna qali jirtey sannadkii 60,000 neef oo lo'ah, si ay u soo saarto 20 million oo hilib qasacadaysan ah.
Wershedda Kalluunka Laasqoray:
1969 ayaa la dhamaystiray Wershadda Kalluunka ee laasqoray. Waxayna shaqo ku bilawday 5,000 tons oo qasacadood oo Toono ah sannadkii.
Wershedda Dharka Balcad:
1969 ayaa la dhamaystiray wershadda dharka ee Balcad. Waxayna soo saari jirtey dhar kala noocnooc ah, khaas ahaan dharka dugsiyada.
Waxaa kale oo xusid mudan wershedaha kala ah:
Wershadda Kalluunka ee Xaabo,  Qandala, Weshadda Sonkorta ee Mareerey, Wershadda Birta ee Xamar, Wershadda Sigaarka iyo Tarraqa ee Xamar, Wershadda Baastada ee Xamar, Wershadda Shamiitada ee Berbera iyo kuwo kale. Ogow akhristow in wershadahaas kor ku xusan dhammaantood ay hawlgab ahaayeen markii aan qorayey boggan, ogaantayda!.
kor macdanta  wershedaha    Bogga Bilicda

Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12

Cusboonaysiin: Dec 27, 2002

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.