SomaliTalk.com
Tell A Friend
Somali Students Network
. SomStudents Mailing List
. Somali Students Forum

Parenting in the West

A Seminar will be held in Minnesota, and its about parents duty, problems faced by our children in North America Society, effect of environment, and TV impact.

When:
Saturday June 10, 2000
Where:
Islamic Center of Minnesota
Address:
1401 Gardena Ave, Fridley MN 55432
What time:
1:00 PM - 8:00 PM
How about food:
will be sold at minimum price @ 4:45 pm
Babysitting:
$5 and kids programs available
Need more info:
Call (612) 571-1339
Live in Minnesota
You won't miss it.


.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
Minneapolis, Minnesota, USA
Kulankii Ardayda Minnesota
Qore: Osman [Sherifosman]
Email: sherifosman1@yahoo.com
May 29, 2000
Waxaa shalay galab isugu yimid Honeywell Hall arday badan oo ka kala socotay dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin kuliyadaha iyo jaamacadaha Tacliinta Sare ee gobalkan Minnesota.

Dhamaan ardaydii halkaa isugu timid ayaa ujeedadoodu waxa ay ahayd[Mid keliya] iyo bal sidii ay u heli lahaayeen aqoon buuxda oo ay isu yeeshaan iyagu iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan oo si dhan u wada quseeya ardayda gobolkan Minnesota,.

Waxaa kaloo aradydaa iyaga ah ku jiray oo wehliyay ardayda wax ka barata qaar ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka gaar ahaan labada magaalo ee mataanaha ah St.Paul iyo Minneapolis,.

Waxaa hadaba kalfadhigaa ardayda hogaaminayay oo isagu hagayay arday ka mid ah ardayda wax ka barata University Of Minnesota oo isagu lagu magacaabo Mr.Jamaal Adam Cabdulaahi isaga ayaana kalfidhigaa albaabada u furay,.

Intaa kadib Mr.Jamal waxa uu kusoo dhaweeyay nin dhaliin yaro ah oo isaguna ka socday Maketa State University Mr.Warsame Sh Maxamuud, waxa uu warsame si adag oo xoog badan uu u faahfaahiyay in ay mudantahay in aynu ilaalino xuquuqda ay leedahay cid waliba oo xaqleh waa marka laga bilaabo xaqa rabigu aadanaha ku leeyahay iyo weliba marka lagu daro kan aadanuhu ku leeyahay aadanaha kale ee walaalkii ah,.

Mr.Warsame isaga oo hadalkiisii sii wata ayuu waxa uu intaa daba dhigay in aymudan tahay in aanu ilaalina falalka aynu ku talaabsano waqti walba, goor walba iyo meelwalba oo aan joogno, iyo in nalooga baahanayahay in aynu si joogta ah u fulino falalka u muuqda in ay na anfacayaan goorwalba halka dhanka kalena ay tahay in aanu ka fogaano inaga oo ka feejigan fal walba oo inoo keeni kara qasaare iyo baaba',.

Waxa kaloo uu Mr.Wrsame iyana wax ka taabtay hadalkii sheekh Xassan Al-banna ee ahaa in ay ku dadaalaan dadku sidii ay ilaahooda ugu keli yeeli lahaayeen falalkooda oo dhan iyagoo isla markaana ola qasdaya isaga oo qudha,.

"Waxaa fiicnaan lahayd hadii aan ogaan lahayn in aan kasoo tagnay oo aan usoo dhoofnay Ummadd dhan oo maanta cid u maqani aysan jirin marka laga reebo inagan caawa isi soo hor fadhina,"
Mr.Warsame
Ugu dambeeyntii waxa uu Mr.Warsame afka ku dhuftay in ay fiicnaan lahayd hadii aan ogaan lahayn in aan kasoo tagnay oo aan usoo dhoofnay Ummadd dhan oo maanta cid u maqani aysan jirin marka laga reebo inagan caawa isi soo hor fadhina, sidaa awgeed walaalayaaloow aan ku dadaalno in aan wax barano oo aan u faa'iidayno walaalahayaga soomaliyeed ee Musllimka ah meel walba oo ay joogaan, oo aan kaalmayno kuwa inaga hooseeya sida kuwa musaacadada inooga baahan e dhigta Dugsiyada Sare ee Gobolkan Minnesota,.

Wacdigaa iyo waanadaa ka dib waxa hadalka dib u qaatay Mr.Jamaal Adam Cabdulaahi waxa uuna ku soo dhaweeyay arday ka socaday Kuliyada [MCTC] Mr. Maxamed Xuseen Xayle, waxa uuna Mr.Xayle hadalkiisii ku bilaabay:

"Shaki kuma jiro kamana dahsoona bay ila tahay qofina sababta aynu galabta halakan isugu nimi ama arinta isu kaaya keentay, waa un sidii aynu oga tashan lahayn qaabkii iyo habkii loo horomarin lahaa ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan Maraykanka gaar ahaan kuweenaan wax ka barta Gobolkan Minnesota iyo sidii aan u asaasi lahayn Ururur ay ardaydu leeyihiin, imikaba wuu jiraa balse waxaa loo baahanyahay in uu noqdo mid lagu baraarugsanyahay islamarkaana u dhexeya ardayda Soomaliyeed meel walba oo ay ka joogaan Gobolkan.

"Waa in ay tani tahay arin wayn oo ay tahay maanta in aan loo kala harin ha noqdaan aradyda dugsiyada sare ama kuwa waxbarashada sare ee Soomalida ah ee gobolkan"
Mr. Xayle
Mr. Xayle waxa uu in badan faaqiday howsha uu qabanayo Ururkan ay aradaydu leeyihiin, oo waxa uu tilmaamay Mudanuhu in ay tani tahay arin wayn oo ay tahay maanta in aan loo kala harin ha noqdaan aradyda dugsiyada sare ama kuwa waxbarashada sare ee Soomalida ah ee gobolkan ,.

Hadaba Mr.Xayle waxa uu soo bandhigay dariiqad wax looga qabanayo arimahaa iyaga ah isla markaana gogol xaar u noqon kara barnaamijkan lagu doonayo in lagu habeeyo oo lagu mideeyo awooda ardayda Soomalida ee Gobolkan,.

a-[in la sameeyo xubno hoos yimaada Ururkan oo hoowshoodu tahay sidii loogala talin lahaa waxa ay baranayaan dhamaan ardayda Soomalida ah ee doonaya In ay wax bartaan hada, iyo kuwa iyagu galay oo ku jira arintaa iyo weliba kuwa imika dhigta dugsiyada sare ee u socda in ay guda galaan tacliinta sare],

b-[in la helo oo la abuuro dariiqad looga saacidaynayo dhamaan ardayda soomaalida ah ee wax ka barata dugsiyada sare ee gobolka, ha noqdaaan kuwa qabanaya howshan dad soomali ah ama dad ajnabi ah],

c-[in loo baahanayahay in uu araday walba kolka hore inta uusan guda gelin tacliinta sare ay tahay in uu si xoog badan ogaga taxadaro doorashada halka u haboon ama maadada uu jecelyahay, tan oo ka baajinkarta ardayga Soomaaliyeed in uu ka caajiso ama iska daayo oo ka tago dhamaan waxbarashadiisa],.

Mr.Xayle waxaa kaloo uu ardayda ku booriyay in si fiican oo niyaad wanaag leh ay ku qaabilaan shirkan isagoo ku tirtirsiiyay in ay faraha xoog ugu dhigan marka damban go'aamada kasoo baxa kulankan',.

Kadib waxaa uu Mr.jamaal ka codsaday dhamaan ardaydii Soomaaliyeed ee halkaa isugu timi in ay iska soo saaraan cidii wakiilka oga noqon lahayd Ururka ardaydu ay leeyihiin mid kasta oo ka mid ah Kuliyadaha iyo jaamcadaha Gobolkan arintaasina waxa ay u dhacday sidan, oo waxaa loo doortay in ay matalaan Jaamacadaha iyo kuliyadahooda ardayda Hoos ku qoran,.


1-Jamaal Adam
2-Farxiya Maxamed
3-Deeq Axmed Xuseen
4-Cali Shire
5-Nasir Axmed Xuseen
6-Jamaal Cumar
7-maxamed Xuseen Xayle
8-jamaal Adam
9-Zaynab Cali
10-Hibaaq Maxamuud
11-Axmed Xuseen Xaashi
12-Cabdulqaadir Xaashi
13-Cabdirisaaq Cali Mire
14-Cabdirashiid Salax
15-Cabdirabbi Guleed

Isbarashadaa kadib waxa hadalka qaatay Mr.Jamaal oo isagu ahaa madaxa Kulanka ardayda Soomalida ee Minnesota iyo Xiriiriyaha barnaamijka waxa uuna guda galay barnaamij in dhawaytaba loo baahi qabay,
"Waa in caawinaa aradayda Soomaliyeed ee dhigata dugsiyada Sare ee Gobolkan"
Mr. Jamaal
tanoo ah sidii loo caawin lahaa aradayda Soomaliyeed ee dhigata dugsiyada Sare ee Gobolkan, waxa uuna soo bandhigay khidad uu aad iyo aad ogaga soo shaqeeyay, tanoo ku jeeda bal sidii ay ardayda Jaamacadaha dhigtaa ugu tagi lahaayeen ardayda soomaliyeed ee dugsiyada sare Guryahooda iyagoo ka saacidaynaya arimo la xiriira duruustooda,.

Waxaa isagana ka waramay arintaa oo uu Mr.Jamaal ku soo dhaweeyay qalabka warbaahinta Mr. Jamaal Cumar oo isagu khibrad siyaada ah u leh waxa loo yaqaano [Tutor]-ka,

Mr. Jamaal waxa uu isaguna ka waramay dhibaatada haysata dhaliinyarada Soomaalida ah ee wax ka barata Dugsiyada sare kuwa dhexe iyo kuwa hoose iyo isaga oo ku booriyay dhamaan ardayda iyagu gaaray ama ku jira tacliinta sare in ay saacideeyaan walaalahooda Soomaliyeed meel walba oo ay kagaari karaan iyagoo guntiga dhiisha isaga dhigaya,.

"Waa in aynaan is xasdin oo aynaan wax iska lexejeclaysan intaydooniba ha la' ekaate"
Mr.Garaad
Intaa ka dib waxaa hadalo waano iyo in la'is weheshado ah ka soo jeediyay Yasin Garad oo isagu ka mid ah ardayda wax ka barata University of Minnesota, waxa uu Mr.Garaad uu aad iyo aad ogaga hadlay in ay waajib ku tahay dhamaan Ummadda Muslimka ah meelkasta oo ay joogaan in ay heelaan arimahan:

a-in ay si dhan oo aan laalaabasho lahayn ugu xidhnaadaan ilaahooda wayn kan abuuray iyaga iyo uunka oo idil,.

b-in ay noqdaan dad is jecel oo isku xidhan oo mid keliya ah, meel walba iyo xili walba oo ay joogaan, marka loo eego walaalhooda Soomaaliyeed iyo kuwa Muslimka ahba,.

c-in aynu ka fogaano hadaan nahay dhalinta berito wax walba oo keeni kara kala fogaansho iyo iska hor imaad, sida aanu ku argno in badan oo ka mid ah dadkeena maanta, inagase aysan suuri gal inaga ahayn mar hadii aanu nahay ama aan sheeganayno dhalintii berito hagi lahayd ummada,.

d-in aynaan is xasdin oo aynaan wax iska lexejeclaysan intaydooniba ha la' ekaate.

e-in aynu qaadano halku dhigii ahaa Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan oo aan ka fogaano wax walba oo keeni kara faquuq iyo kala tagsanaan,.

Gabagabadii waxaa howshii la wareegay dhoowr dhalin yara ah oo ka socday laamaha kala duwan ee University Of Minnesota oo iyagu waydiinayay ardayda su'aalo qayb ka ah dhaqanka iyo taariikhda Ummadda Soomliyeed, kuwan oo qofkii ka jawaaba uu mutaysanayay abaal marin wayn, sida funaanado uu ku daabacanyahay calankii Soomaliya iyo astaamo kale oo xiise leh, kuwan oo ka tarjumaya qiimaha iyo qaayaha dhulkeenii Hooyo,.

Ugu dambayntiina waxaa albaabada loo xidhay kulankii ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Gobolkan Minnesota, (waxaana soo gabagabeeyey kulankan qiimaha leh) Mr.Jamaal Adam, kan oo waqtiga xiga loo balamay in dib la isugu soo laabto si loo dhamaystiro inta hartay goor aan sidaa usii fogay oo ah isbuuca soosocda,.

SherifOsman
Honeywell Hall
University Of Minnesota
Minneapolis
USA

Qore: Osman [Sherifosman]
Email: sherifosman1@yahoo.com
Posted by SomaliTalk.com team
May 29, 2000

Kor / Up

Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
.
Faalada Toddobaadka

Lasoco Khamiis kasta.
Qore: Abshir Abshir




















Maqaayadda
Awees Calaacal
Sandiego

Madegantahay California, ha u dayma la'aan Maqaayadda "Awees Calaacal" ee Sandiego




















saxaabadii
Habnololeedkii Saxaabada

Lasoco isniin kasta.
Qore: Ibrahim Salah Aden
Odense, Denmark




















Halal Mini Market
Minneapolis

Haddii aad degantahay Minnesota ha u dayma la'aan Hilib Xalaaka "HALAL MINI MART" oo kuyaal xaafada Cedar.




















Somali Halal Food
Toronto

Ma ku nooshahay Toronto, Ha u dayma la'aan "Somali Halal Supermarket & Halwa Hilaal" oo kuyaal wadada "Weston".




















Hamarweyne Grocery Store
Columbus, Ohio

Soomaalida degan magaalada Columbus, Ohio waxaa loogu bishaaraynayaa in hilib xalaal laga furay wada "HURY ROAD"




















freemail
SomaliTalk.com Freemail

Inta aan qofkale qaadan magacaaga@somalitalk.com diiwaan geli magacaaga
Guji halkan
Get your free email today



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback