SomaliTalk.com
Tell A Friend
Somali Students Network
. SomStudents Mailing List
. Somali Students Forum

Luuq Ganaane, Somalia 1987

Bilicda Soomaaliya oo nabada.

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
Minneapolis, Minnesota, USA
MINNESOTA SOMALI STUDENTS UNION
Qore: Osman [Sherifosman]
Email: editor@somalitalk.com
June 5, 2000

URURKA ARDADA SOOMAALIYEED EE MINNESOTA

[Maanta waxay ahayd maalin khayr kale oo fiican oo dhamaan ardaydii isugu timi halkaa ay wejigoodu rayrayn iyo farxadi ka muqatay], Sheriffosman

Sidaad horay ola socoteenba waxaa isbuucii lasoo dhaafay lagu qabtay kalfadhigii sanad laha ahaa ee ardayda Soomalida ee wax ka barata gobolkan Minnesota,.

Hadaba qaybtii hore ee kal fadhigaa waxaa ka soo baxay go’aano looga gol lahaa sidii loo horu marin lahaa xiriirka guud ee ka dhexeeya ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Gobolkan Minnesota iyadoo la magacaabay Gudi ka koobnaa dhoowr iyo toban xubnood, kuwaas oo matali doona dhamaan kuliyadaha waxbarashada sare iyo dugsiyada sare ee Gobolka,.

Waxaa hadaba la isugu soo laabtay galabta qaybtii labaad ee kalfadhigaa, kan oo ay isku arkeen ardaydii Soomaaliyeed ee kakala socday dhamaan goobaha waxbarasho ee Gobolka, Kuwan oo iyagu matalayay Goobaha ay ka socdeen, waxa xubnahaasu ay si fiican oo wayn u jeexjeexeen arimo farabadan kuwan oo ay ugu horaysay,.

[1]-Ansixinta xeerkii lagu dhaqi lahaa midaw waynaha aradyda Soomaaliyed ee wax ka barta Gobolkan Minnesota, waxaana halkaa lagu ansaxiyey xeer uu soo bandhigay Cawil Xaashi oo isagu ka socday Mankato State University, xeerkaa oo lagu magacaabay [ Constitution of Minnesota Somali Students Union].

[2]-Magacaabida Madaxwaynaha, Madaxwayne ku Xigeenka, Isuduwaha Guud, Kaydhayaha, iyo Xoghayn, kuwan oo la isku afgartay in loo magacaabo xilalkan iyaga ah, arintaasuna waxay u dhacday sidantan.

[a]-Jamaal Adam Cabdulaahi Madaxwayne
[b]-Nasir Cabdiraxman Maxa’ed Madaxwayne ku Xigeen
[c]-Amuun/Farxiyo Isuduwaha Guud
[d]-Cabdulqadir Xaashi Kayd-haye
[e]-Maxa’ed Xuseen Xayle Xoghany

[3]-Waxaa kaloo iyana la isla garatay in la magacaabo laba gudi oo kale oo hoowshoodu inta badan noqonayso isku xirka iyo kala talinta Bulshada arimo si dhan u quseeya dhaqanka, si looga kaalo Beesha Soomaliyeed in aysan ku milmin ama aysan qaadan dhaqamada Haraadiga ah iyo qaabkii looga saacidayn lahaa sidii ay u fahmi lahaayeen dunidan cusub ee ay soo gaareen imika,.

Waxaa kaloo kal fadhigan la xusay baahida loo qabo qalabka warbaahinta iyo in ay lagama gudbaan tahay in la helo dariiqii loo dawin lahaa barnaamij Nusaac ah oo ku baxa Codka ardayda iyo farsamayaqaanadii howshaa u istaagi lahaa, waxaana isla fadhigaa lagu magacaabay sadex arday oo hoowshoodu noqon doontoWarbaahinta,.

Ugu dambayntii waxay gudigii ardayda ee halkaa isugu yimid isku afgarteen in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay oga soo baxaan dhamaan xilkaa loo magacaabay sida uu yahay ama loogu talagalay,.

Gudiganu sidii aan horay usoo taabtayba waxa uu shaqayn doonaa mudo sanad ah sida ku qoran XEERKA URURKA ARDAYDA SOOMAALIYED EE MINNESOTA Qodabkiisa 6aad Akhriska 4aad,.

Maanta waxay ahayd maalin khayr kale oo fiican oo dhamaan ardaydii isugu timi halkaa ay wejigoodu raynrayn iyo farxadi ka muuqatay, Waxaa gabagabadii kalfadhigaa hadalo dhiiri gelin ah kasoo jeediyay gudoomiyaha Ururuka Mr.Jamal Adam Cabdulahi, waxa uuna sheegay Mr.jamal in lasoo gaaray manta waqtigii aan u guntan lahayn sidii aan ogala dagaalamilahayn Ummaddayada Jahliga iyo aqon darada, [Dhulkaagu waa lama huraane ku dhiso, ku dhaqo, ku dhimo dhulkaagu waa lama huraanee, yaad kaga dhuuman yaa ka xiga dhaxalkiisa]sidaa waxaa yiri Mr.jamaal Adam,.

Ugu dambayntii waxaa halkaa lagu daawaday sawirkii kal fadhigii kan ka horeyay oo uu isku soo duway arday dhaliin yaro ah oo isagu ka socday Minneapolis College Of Art And Design,.

SherifOsman editor@somalitalk.com
Honeywell Hall
University Of Minnesota
Minneapolis
USA

Kalfadhigii hore ee ardada Minnesota


Posted by SomaliTalk.com team
June 5, 2000

Kor / Up

Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
.
Shirweynaha Islaamiga
Toronto, Canada
June 30 - July 3, 2000

Waa kulan Islaami ah oo faa'iido badan u leh Soomaalida kudhaqan qurbaha oo kadhici doono Tornot, Canada.
Akhri....
June 5, 2000






Masaajid Cusub oo Lagafuridoono
Stockholm, Sweden

Waxaa maalinta Jimcada June 9, 2000 magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagafuridoonaa Masaajid aad uweyn. Akhbaarta xafladda furitaanka waan idiin soo tebindoonaa Insha Allah.
SomaliTalk June 5, 2000






Parenting in the West
Minnesota, USA

Islamic Seminar that will be held on Saturday June 10, 2000 at Islamic Center of Minnesota
DON'T MISS IT...






Arday Soomaaliyeed oo Qalinjebinya, USA

Arday Soomaaliyeed oo farabadan ayaa kaqalinjebindoona dugsiyada Sare ee Minnesota June 8, 2000
Akhri....
June 5, 2000







freemail
SomaliTalk.com Freemail

Inta aan qofkale qaadan magacaaga@somalitalk.com diiwaan geli magacaaga
Guji halkan
Get your free email today



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback