SomaliTalk.com
Tell Your Friends
 ISLAMIC LINKS
· Islamic Sites

.
.
.
.
.
.
.
.
column

.
.
.
.
.
.
.
.
saxaabada

.
.
.
.
.
.
.
.
zakaat

Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Sports-News | News Sources
QUUDKA NAARTA IYO QAADKA
Qore: ADAM HAWAR
May 26, 2000

ASSALAAMU CALAYKUM

Alloow qiiqa iyo qaadka iyo quudka naartaba naga qari oo qarankayaga ka dheeray, Aamiin.
Waa xigmadii BOQOLSOON Allah ha u naxariistee.
Walaalayaal Cilmigu waa amaano e waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo hadal uu ka tegey kuna sifeeyey QAADKA walaalkeen MUXAMED AXMED ROOBLE, oo loo wada yaqaan BOQOLSOON ALLE ha u xaxariistee, anoo runtii aad ula yaabay XIGMADIISA iyo sida ALLE u waafajiyey QEEXIDA suntaas cagaaran iyo mid aan ka ag fogayn oo mar walba la dhinac wado waa QIIQA BADANAHA (SIGAARKA) e. wuxuu yiri Shiikhu raximahullaah:

'WAR GEEDKANI IYO SIGAARKUBA WAXAY U EG YIHIIN CUNTADA AMA GEEDAHA NAARTA ALLE INOOGU SHEEGAY ISAGOO KU DIGANAYA EHLU NAARKA'.

'SUURADA MAGACEEDA LA YIRAAHDO AL MUZAMIL WUXUU ALLAAH INOOGU SHEEGAY INAY NAARTU LEEDAHAY CUNTO LAGU MIIGTO (cunaha ku istaagta) WALAALAYAAL MIYAYDAN QAADKA ARAG SIDA LOOGU MIIGTO IYO DHIBKA KAHAYSTA DADKA MARKAY CUNAYAAN'.

'WAXAY IS AG TUUMIYAAN INTAAS OO TARMUUS OO SHAAHA IYO INTAAS OO DHALO OO KOOKA AH IYO INTAAS OO CAAG OO BIYO AH, IYO WELIBA MARMARKA QAARKOOD INTAASUBA INTAY WAX TARI WEYDO BAY WAXAY KU RIIXRIIXAAN QORYO'. Qaadku quudkii naartuu shaabahaaye walaalayaaloow ka dheeraada, hana isu ekaysiinina ehlu NAARKA.

Shiikhu isagoo SIGAARKA sifaynayana wuxuu yiri:

'GEEDKAN AAD KA QIIQINAYSAAN WUXUU U EG YAHAY DHIRTII NAARTA LAGU SHEEGAY, WUXUUNA ALLE SAREEYE QUR'AANKIISA INOOGU SHEEGAY SUURADA LA YIRAAHDO AL-QAASHIYA OO MACNEHEEDU YAHAY (GAALADU NAARTA DHEXDEEDA KUMA HAYSTAAN CUNTO GEED DARIIC LA DHAHO MOOYAANE, LAGUMA NAAXO GAAJONA KAAMA BI'IYO) MIYUUSAN SIGAARKUNA SIFOOYINKAAS LAHAYN? GAAJO MA IDINKA BI'IYAA OO MALAGU DHERGAA? MASE LAGU NAAXAA?'

'WAR ALLIHII IDIN ABUURAY KA BAQA DIINTANA SIDAY TAHAY U ILAALIYA AAKHIRO IYO ALLE LA KULANKIISANA U DIYAAR GAROOBA, WAXAN AAD KU JIRTAAN WAX WANAAGSAN MAAHA EE DIINTIINA BARTA OO KU DHAQMA'

Walaalayaal saan horeba idiinku sheegay waxaan aad ula yaabay kelmedahaas kooban ee Shiikhu ALLAAH ha u naxariistee ku qeexay QAADKA isagoo Kitaabka ALLAAH wax inaga tusinaya.

Walaalayaal waxaynu haysanaa DIIN dhamays tiran oo wax walba ALLAAH inoogu cadeeyey lagaga bixi karo mugdiyaasha aan maanta ku jiro iyo kuwa aduun weynuhuba ku jiro, aawayse dadkeedii? waxaynu noqonay GEELII qabey cudurka biyo diidka ee DARKA CEELKA hoganaayey, isna biyaha cabi waayey XOOLIHII kalena ceelkii ka horjoogsadey.

Waxaan ALLAHA awooda badan weydiiisanayaa inuu diinteena na baro, na fahansiiyo, noona fududeeyo ku dhaqankeeda iyo u gudbinta Caalamka dhamaantiis oo maanta ay ku badatay MACAASIDII lagu halaagay dhamaan UMMADIHII inaga horeeyey.

ALLOOW QIIQA IYO QAADKA IYO QUUDKA NAARTABA NAGA QARI OO QARANKAYAGA KA DHEERAY, Aamiin.

Walaalkiin Adam Xawar

ADAM HAWAR
Email: ISLAAM@USA.COM


Akhri Gabaygii qaadka ee

Abshir Nuur Faarax (ABSHIR BACADLE)

Akhri qaybtii hore (Back) | Waa socotaa ee guji halkan (Forward)


Posted SomaliTalk.com Team
May 26, 2000

QAYBAHA KALE EE QAADKA
Allah Is Great
.
QAADKA & RA'YIGA DADWEYNAHA

.
.
.
.
.
.
.
.
.
.
.
.
mail


Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback