Warbixin
Qaxootigii Mandera
Waxaa soodiyaariyey:
Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
March 24, 2001
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Bacda Salaan, Walaaha Qiimaha iyo Qaayaha Badanoow Halkaan waxaa ku
Daabacan Warbixin aan kasoo qaday walaal Soomaliyeed oo Goob joog ka'ahaa Xero
Qaxooti oo laga Sameeyay Mandera loona yaqaanay -
Mandera Refugee Camp.
Walalka doorbiday iina saamaxay Qoralkan Waxaa layiraahdaa Axmed
Xirsi Faarax oo Kamid ahaa Shaqaalihii Hay'adaha ee ka shaqo galay aagga
Mandera Sanadku Markuu ahaa 1992-dii dabayaaqadiisa iyo 1993dii.
Walaalkeen Axmed waxa uu Warbixintan u doorbiday Umadda Somaliyeed ,kadib markuu
aqristay warbixinadii ku daabacnaa Shabakadda Inter-Netka ee somalitalk.com kana
hadlayay Noloshii Qaxootiyada Somaliyeed ee kunoolaa Xeryihii Qaxootiyada ee
Kenya , faalooyinkaas qaxootiyada Axmed markii uu ka indho bogtay ayuu lasoo
xariiray Qoraga Xeryahaas warbinida kasoo baxshay , dabadeedna Axmed waxaa uu
isna doorbiday Warbixintan in loogudbiyo Umadda Somaliyeed oo ay u
aqristaan maadama dhulka uu aad ukala fog yahay.
Qoralkan walalayaal waxaa uu ka madaxbanan yahay Arrimo Siyaasadeed iyo wax
yeelayn, waxaan uu wax katusinayaa Sida Mujtamaca Somaliyeed ay usaamaysay
Dhibaatada , gaar ahaan kuwii ku haray dalka iyo wadamada dariska ah ee aan soo
gaarin dhulalka fog-fog, qaxootiyadana ku noqday dalalka dariska ah
iyo aagga u dhow Somaliya.
walaalayaal waxaan ka cudur daaranaynaa in ay daruuftu iisaamixi wayday sidii
aan usoo raacin lahaa qoralkan sawiro muujinaya Xeradas iyo siday dadka
unoolayeen tan iyo intii ay jirtay xeradas ,Axmed oo Safar ahaa ayaa iisuura
galin waayay Sawiradaas, hasayeshee waan soo daabici doonaa haddii rabbi idmo
sida uu walakeey Axmed Ii sheegay.
Noloshii Xerada qaxootiga ee Mandera Sidan ayay U bilaabanaysaa.
Xeradan Qaxootiga ee Mandera waxaa loogu Yeeraa Mandera Refugee Camp
Xeradan waxaa lafuray sanadku Markuu ahaa 1992-dii Dabayaaqadiisa waxana
lagu furay dad somaliyeed oo kasoo qaxay dalka Soomaaliya gudihiisa ,dadkaasi waxay kasoo
qaxeen dagaladii sokeeye ee dalkoo idil gaaray , Dadkan waxay kasoo
qaxeen Gobolada u dhow dhow Mandera waxayna kasoo kala qaxeen Gobolada
kala ah (Bay, Bakool,Gado, Shabeelaha Hoose-Marka ,Jubada
dhexe-Bu'aale Iyo Doolow ) Dakan dhammaantood waxay isaga soo lugeeyeen
deeganadaas aan so sheegnay illaa xuduudka Kenya iyo Somaliya ee Aagga Koonfur
galbeed ee somaliya Mandera.
Dadkan waxa sigaar ah usaameeyay dagalkii sokeeye ,sabatu waxay tahay
dadkani waa dad Reer Guuraa ah ,haddana ah Xoolo dhaqato, waxayna u
dhaxeeyeen Abaar iyo Colaad isla mar ahantaan Beerihii waxii ay ka
fasheen oo kasoo saarteen waa laga dhacay Guud ahaan ,waxay laheyeen dadkan
BAKAARO, (Erayga "Bakaar"waxaa laga isticmalaa Koonfurta Somaliya waxana
macnihiisu yahay Meel Laqoday oo Lagu shubto Waxa kasoo Go'a Beeraha Inta
Jawaano Lagu dahaaro.) Dadkaan bakaartoodii
waa lawada furtay oo laga qaatay Kaydkoodii , isla mar ahantana dadkan waxaa
usii dheeraa oo dhibtaas oga darnayd Xoolahoodii ayaa ladhacay ,degankoodii waa
lagu dagaalamay ,intaasi waxaa dheeraa iyagoo aan haysan wax u gurmada iyo
Hay'ado ka howl gala Deegaanadooda.
Dadkan markii ay intaas oo dhibaato ahi soo gaartay ayaa waxaa ay doorbideen
inay uso qaxaan dhul aysan garanaynin ,isla mar ahantana waxa ay lakulmeen
Dhibaato aanan halkan kusoo koobi karin oo ay ka mid tahay Macaluul, Gaajo,
Haraad,Hoy la'aan, Hanti la'an,Xoolo la'aan.
Dadkana Qaarkood intii ay wada kusoojiren waxa kaga dhimanayay Dad,
Tusaale ahaan Hadii uu Reerka kakoobnaa (6Ruux)waxaa mandera Nolol
kusoo garay (4Ruux)labada kale Jidka intii lagu soo hayaamayay ayaa ay nafwaayen,
waa wax dhacay oo adduunka laga Ogsoon yahay, Dhibatadaas waxa loogu
magac daray (Cago Barar).
waxad arkaysaa qof fadhiya meel kuu dhow ,marka aad garto oo aad tirahdo
Magacaa walaal ,wax jawab ahi ma bixinayo,waad sii eegaysaa ,mise qofkaan
fadhiya waaba Mayd, gacmihii waasoo ruqayaan ,sidii harag xoolaad ookale ayay
kuusoo raacayaa Jirkiisa markii aad qabato, Xerada waxaa kusoo aruuray dad
gaaraya (60,000).
Xeradan waxaa ugu darnaa oo intas dadka uga sii darnaa ,dadku Xerada masoo gali
jirin malintii oo Askarta Kenya ayaa celinaysay, waxa taas dheeraa qofkii heli
karay shay (lacag)yar oo uu galaas biyo ah ku gato waxa u kadoorbidaa inuu
Askarigaas kaqaato si'uu Xerada ugalo,dadku kii aan awood u lahayn waxaa uu
xerada soo gali jiray Habaynkii galinka danbe isagoo dhuumanaya,
si kastaba ha'ahaatee xeradii waa lasoo wada galay ,dadsoo Qaxay iyo
Mid deeganka horay u daganaaba, waxaa iigu naxdin badnayd markii Qof kamid
ahi Qaxootigii soo qaxay ee yimid xerada la'isku dayay in lasiiyo
Mushaali iyo Shaah ,qofku madaxa ayuu dhulka ku hayaa , isla mar ahaantaan waxaa
ka muuqata Nafaqo la'aan iyo dac darro aad uwayn oo aad ka naxayso kana qooma
maynayso.
Markii la'isku dayay in madaxa kor loogu sooqaado ayaa waxaa soo yeeray dhawaq
qof dumar ah oo iyadana aan sidaas u muuqaal wanagsanayn waxayna ku
dhawaaqaysay Erayadan (War ii Yaasiimiya -war ii Yaasiimiya)
waxaa dhacda in qofkaas aan layasiimin , oo aad diidayso in waqti kaga dhumo ,maxaa
yeelay kuwa kale ayaad rabtaa inaad kagaarto oo afka aad uugu qabato waxii aad
awooddo, Xerada waxaa ka furnaa xarun loogu talagalay in dadka wax lagu siiyo oo
Deg Deg ah (Intensive Feeding Centre), xarunta Quudinta Deg Degga ah , Qofkasta
maalin kasta waxaa laquudin jiray Illaa saddex (3)jeer, waxa lagasiin
jirayna waxa kamid ahaa (Milix Kuluukoos ah, Buskud aad u Culus oo
nafaqaysan, Mushaali, Shaah, IWM) sababta keentay in qofkastaa lasiiyo quudinta
ayaa waxa ay tahay in dadka laga gaaro inaysan sii rafaadin , maxaa yeelay waa
dad aan muddo wax afkooda saarin ,si aad ahna u Ildaran.
waxaa maalin dhacday in inta lala gaari kari wayay gurmadkii dadkii markii danbe
looqayb shay Rooti aad ufara badan ,shaahii waa sugi waayeen rootigii oo
kulul ayay afka hal mar wada saareen , waxa dhacday maalin inagoo gaari
hay'adeed saran ayaan soomarnay meel ay dad joogaan gacanta ayay noo
haad-sheen markii aan u nimid waxay nawaydisteen laba sheey (Kafan ay
qof ku duugtaan Iyo Rubuc Sonkor)ah oo ay yirahdeen biyo yar ayaan haysannaa oo
aan ku karsanayno Qabriga inta aannu aasanayno Maydka, waxaa aad u adkayd
in lahelo Kafan lagu duugto Mayda , Deeganka malahan Dhir waawayn oo dadku
harsado waxaad arkaysaa qof calalkii u gashanaa inta iska baxsha oo
ul yar dusha kasaaro sidii daladdii harsanaya oo calalkaas Hoos ka
raadinaya .
waxaa taas dheer marka qofka ad siiso raashinka nafaqada ahi ,waxa uu bilaabayaa
qofkaas (Hunqaaco iyo Doox)xaruntii maalinkasata (10)jeer in kabadan ayaa laga
shaqaynayaa qofkastaa oo shaqalaha kamid ahi waa uu gashan yahay (Banbiirada
Gacmaha iyo Midda Sanka) Xeradan waxaa ka Hawl galay hay'ado Islaami
ah iyo Kuwo qarama midoobay ,waxaa taas dheer NGO's-yada kaligood isu
aababulay waxayna kala hayeen sida
1- Al Mimtada Al Islamiya
2-Al Ibrahim Foundation
3-Mandera Education Development
4-UNHCR
5-UNICEF
6-MSF(Dalka Belgum)Taqaadiirta aan Xududa lahay (Medecine Sans Frontier)
7-Care International
8-ICRC (International Commitee of Red Cross)
9-Kenya Red Cross
10-CRS (From South Africa) IWM (ETC).
Guud ahaan waxaa la'orankaraa wax wayn ayay Hay'adahan tareen dadkaas,
hasayeeshee dadkaasi waxa si xun ugu habsaday Dhibaatooyin aad u fool
fool xun oo aan marnaba Dadka niyaddooda iyo Uurkoodaba ka haraynin.
markii ay dadkii laqabsadeen nolosha intii kusoo gaartay Nolol ayaa waxaa
meesha ka bilaabmay Musuq maasuq ,Rashinkii Hay'adaha ayaa waxaa laga gadanayaa
Dadkii deeganka ee Kenyan-ka ahaa , waxa dhacday in mar dadka qaxootiga ahi ay
gadood sameeyeen banaaxbax ay kaga ashtakoonayaan shaqalaha hay'adaha
iyagoo ku cambaaraynaya Inay gattaan rashinka loogu talagalay in dadka
lasiiyo, Xeradii markii lasoo gaaray dabayaqadii 1993-dii ayaa waxa ay UNHCR-ta
dadka u bilowday Qorsho dib u dajin Ninkii dalka somaliya Dib ugu
laabanaya,waxana dadkii ay ukala qaaday Gobolada dalka oo idil.
Siyasadda UNHCR-ta yaa waxay ku dhisan tahay in la cesho qaxooyiyada loona cesho
gudaha Dalkooda.
Walayaal waxa intaas aan kusoo gaba gabaynayaa Noloshii ay soomareen
dadkii lagu Furay Xerda qaxootiga ee Mandera Rufugee Camp
Qoralkan waxaan u hibeeyay Shabakadda Inter-Net-ka ee somalitalk.com
NB: Waxii Fudayd ahi shaydaan ayuu usugnaday.
Waxa diyaarshay Maxamed cabdi
Mahadsanidiin
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com
Waxaan uhibeeyay Page-kaan Warsidaha Somalitalk.com