SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


Qaybtii Afraad (4) ee Qaxootiga Somalida-Kenya.
KKUMA REFUGEE CAMP
Qore: Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
Jun 1, 2000

Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatuhu:
Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Walaalayaal waxaa halkaan ku daabacan Qaybtii 4aad ee Xeryaha qaxootiga Somalida Kenya , Waxaan horay usoo aragnay Xerayaha Hoose.

Utange Refugee Camp -- Qaybtii Koobaad.
Banadir Refugee Camp -- Qaybtii Labaad .
Barava,Jomvuu,Jaliyadda -- Qaybtii Saddexad.

Dhammaan warbixinada Xeryahan waxad ka helaysaan - Page-ka somalitalk.com :-

Qaybtaan waxay ka hadlaysaa Xerada Qaxootiga ee KKUMA, NB: Xeradan waa ay ka duwan tahay Xeryihii aan soo dhafnay.

KKUMA REFUGEE CAMP:

Xeradan kkuma Refugee Camp , waxa ay kutaal Waqooyiga Dalkan Kenya Gobalka looyaqaan ( North Rivt valley Province).

Xeradan waxay kaga duwan tahay Xeryihii hore ee aannu soo aragnay waxa kunool Jaaliyado aad u Balaran, caddadka dadka kunool waxaa lagu qiyaasayaa Inkastoo haddana uu tirokoobkii Usocdo , dadgaaraya illaa (1’500,000))oo qof, Xeradan jaaliyada kunool waxaa ay kala yihiin.

I. Qaxootiga Suudanta.
II. Qaxootifa Somalida
III. Qaxootiga Ethiopian-ka
IV. Qaxootiga Eritrean-ka
V. Qaxootiga Oromada
VI. Qaxootiga Rwandas-ka
VII. Qaxootiga Burundian-ka
VIII. Qaxootiga Ugandas-ka.
IX. Qaxootiga zairian-ka ah (Congo kinshasa &Congo Brazavil)

Anigoon waxbadan sii sharaxin ayaa qofwalbaa kagaran karaa Qoralkan faraqa u dhaxeeya Xeryihii aannu soo sheegnay iyo Xeradan.

Xeradan waxaa looga hadlaan Luuqado farabadan oo isagu jira labaqaab Qaabka 1aad waa Luqadaha loyaqan (latin) midda labadna waa Luuqadaha (natural)ah oo jaliyad kastaa ay u dhalatay.

Luuqadaha Latinka ah waa (English, francais).

Xeradan jaaliyadda uugu badani waa Qaxootiga Kasoo Qaxay Dalka Sudan Qaxootigani waa Dadka taageera Jabhadda Layiraahdo ( SPLA), Dadkaan Qaxootiga ahi waxay giddigood katirsan yihiin Jabhaddaas, Tirada jaaliyaddan wax qiyaas sugan ah in la helo way adag tahay lakin inta lamalaynkaro waa illaa (800,000)kun oo Ruux. Jaaliyaddan waxay kaga duwanayd jaaliyadaha kale , waxay yihiin Dad Jabhad ah oo markii larabo Ciidamada looqaado oo soo dagaalama, Hubkooda qaarbaa Xerada gudaheeda ay ku haystaan, Jaaliyaddani waa Jaaliyadda uugu abadan Umadd meeshaas ay UNHCR-ta ku hayso, waana dad cawaan ah oo aad muslimiinta u naceb.

SOMALIDA:
AMAL EXPESS ENT.
Waa shirkad caalami ah oo aamin ah ee ha u dayma la'aan marka aad lacag xawilaneysid.
 
AL-BARAKAAT
Lacag ma udireysaa ehelkaaga, hadhaafin Al-barakaat.

DAHABSHIIL
Waa shirkad lacagta kuu xawileysa ee ha u dayma la'aan

KAAH EXPRESS
Lacag ma udireysaa KKUMA, ha u dayma ala'aan Kaah Express

AL-MUSTAQBAL
Waa xawaalad gacmofuran lagugu soo dhoweynayo ee lacagta kaxawilo.

Dadka Somalida ahi waa Qaybta 2aad ee Xeradan uugu badan, Xeradan Asalkeedii Qaabka ay somalida usoo dagtay waxay ahayd, markii laga soo qaxay Somaliya, Saraakiishii Dowladdii Somaliya waxaa markii hore ladajiyay meel Ujirta magalada NBI (Nairobi) illaa 40km, Xeradaas waxaa loo yaqaanay THIKA. Dadkii Xeradas daganaa marka laga reebo dadkii uugu horeeyay ee Somali ahi oo Wadanka Maraykanka looqaado Xeradan aya kabaxeen, Dadkana waxaa Dowladda Maraykanka ay u sheegtay in aysan sharciyan qaadin ama siinin Ressettlement ama Dib udajin Dad askar ahi, sidaas ayay kaga hareen dadkii hore ee dib udajinta Maraykanka. Laanta Qaxootiga ee Qaramada Midoobayna ee (UNHCR-ta) waxay dadkaan ka dhaadhicisay in ay siinayso Dib udajin loogu magac daray OLD-CASE. Dabadeedna ay sidaas ku rartay , kuna dajisay Xeradan Kkuma.

Dadkaan waa dadki uugu horeeyay ee ladajiyo Kkuma Dhalashadooduna tahay Somali, Illaa iyo hadda saraakiishii waa ladajinaya , Xeradan dadka wa kahelay waa dad laaluush siiyay hay’addan UNHCR-ta dabadeedna lasiiyay Case-File looyaqaan PROTECTION.

Lagabilaabo Sanadku markuu ahaa (1993) dadkii Somalida ahaa ee halkaas kabaxay 3meelood , 2ba meel waxay kabaxeen Xeryihii aannu horay usoo aragnay ee Utange+Banadiri+Brava. Xeradan dadka kabaxay waa yar yihiin marka loo’eego Xeryahaas kale.

Xeradan waxay leedahay Isbitaal wayn, waxaa Maamulkiisa gacanta ku haya Suudaanta, si’aad ahna waa uu oga fogyahay halka Somalida dagan tahay, Nabaddeeda masugna, waana la’isaga noolyahay.

Somalida ganacsi badan ayay ku leedahay waana dadka uugu nolosha wanagsan waxayna ku noolyihiin Lacagaha laga soo diro Dibadda ee Eheladooda ay kahelaan, waxana kuyaal Masaajidyo, Iskuullo wax lagu barto sida Dugsiga hoose , Luuqadaha iskuullo lagu barto, Quraanka Malcamado lagu barto, Garoomo Sportiga loogu talagalay oo Jaaliyadaha a ku kulmaan marka qaarkood. ETC.(IWM)

Xagga Biyaha way liidataa in badan , Somalida maalin dhaaf ayay biyaha u helaan, lakin jaaliyadaha kale si toos ah ayay u helaan, Arrintaas waxa Sababay ayaa laleeyahay Maamulka Xerada ee UNHCR-ta ayaa go’aamisay oo waxay maalin ku khudbeeyeen in Somalida ay biyaha qasaariyaan oo markasta ay kudaadiyaan Dhulka iyagoo markastaa Ku Waysaysta, marka Xerada kama go’do Biyo ladaadsho.

Xeradan waxay leedahay mamulo jaaliyad kastaa , lakin midda Jaaliyadda Somalida xagga maamulka waa looga fiican yahay, waxaana sababay, Ninki ladoortaa oo Somalidu soo doorato waxaa isla markiiba dacweeya Ruux Somali ahi, isagoo ku’eedaynaya in Ninkaan lasoo doortay uu Reerkiisa o kaliya u’adeego, buuq badan iyo sharaf dhac ayaa halkaas kataagan illa iyo haddana waa lacaadaystay, Jaaliyadaha kale waxa ay karabaan UNHCR-ta sida Case, Ama dacwad waxay ugaystaan Maamulkooda dabadeedna Si sharaf leh ayaa aqalkooda loogu geeyaa Jawaabtii uu Rabay ama Balantii Qorshihiisa.

Hadda waxa kasocda Tirakoob xeradoo idil . dhibaato badan ayaa Somalida kaqabsatay, Markii uu tirakoobka Bilaabmay Somalidii NBI daganayd ee katirsanayd qaxootigaas ama Card-Qaxooti ku lahayd Xerada ayaa wada yaacday, Soonoqodkii Danbe Dowladda Kenya ayaa waxay wadadi u dhigtay Afar(4)Kontrool, Laanta Socdaalka, Polic ah CID, iyo laamo kale oo Dowladda ahi. Xaqiiqatan dhib badan ayaa laga muttay, illaa iyo haddana dad u badan oo dhalin yaro ayaa kasoo gashay oo mid usoo baxay , Xaas kama soo bixikaro .

Xeradan waxaa kashaqeeya Shirkadaha xawaaladda ee Somalida

  • Amal Express Ent. Oo ah shirkadda uugu wayn xeradan
  • Al-barakaat oo kuxigta
  • Dahabshiil
  • Al-mustaqbal
  • Kaah Express ETC IWM.

Dadka shirkadahaan ayay ku xiran yihiin..

Qaxootiyada kale ee wadamada jaaliyadaha kale ay kajoogaan Waxaa uugu badan Ethiopian-ka iyaguna waa jaaliyadda 3aad ee uugu bada meeshaas Kkuma layiraahdo

Qaxootiyada Uganda’s ka ahi waa illaa (150)qof
Brundian-ka waa ilaa 700 oo qof\
Ruwanda’s ka waa illaa 500-650
Labada Zair (Congo kinshasa iyo Congo Brasavil) iyagu waa illaa isku dar 300-400)
Oromada iyo Eritrea waa yar yihiin waxana kajooga dadgaaraya qiyaastii Illaa 700 oo qof isku dar.

Walalayaal halkaas waxa ku dhan Qoraalkii Xerada kkuma oo kooban .

NB: waxaa jira warar badan oo aad katabi kartaan qoraalkan , lakin waxaan ka cudur daaranayaa waqtiga oo cariiri ah ayaan usoo koobay marka fadlan hala dulqaato oo waxaan idinka codsanayaa inaad daristaan daruufta jirta oo aan ogolaanaynin in wax kastaa sida ay yihiin loosoo gudbiyo .

Waa walaakiin

Fadlan wax kasta oo Su’aal ahi Email igu soowaydiiya.

Haddii Alle idmo marka aan dhameeyo Qoraaladan ku wajahan Qaxootiyada Somalida ahi ee Kenya , waxaa noosoo raaci doona Maclumad badan oo Idi xiiso galiya haddii rabbi yiraahdo.


Waxaan uhibeeyay Page-kaan Warsidaha Somalitalk.com

Waa Shiike oo idin leh
Haybad waxad ku leedahay Dhulkaga Hooyo


Waxaa diyaarshay:
Maxamed cabdi farax Botan -Shiike.
Waxii jawab ah kusoo hagaaji
Email: faaraxbotan@yahoo.com

Daabacaad: Jun 1, 2000  | Faafin: SomaliTalk.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD