SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed

  • WARBIXIN UU KENYA KASOO DIRAY SH. MAXAMAD IDRIS

Nuxurka warbixinta oo kooban:

  • Waxaanu booqannay xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ee Keenya.
  • Ku dhawaad 150,000 – oo soomaali ah ayaa ku jira ...
  • Olole gaalaysiin oo ba’an baa lagu hayaa dadkaas...
  • Waxaa dhallinyarada loo qaybiyaa “condoms” si faaxishadu u taranto...
  • Waxaa xeryaha laga sameeyey shaneemooyin qurunka lagu faafiyo...
  • Dadka waxaa loo baahigeliyaa inay kaniisadaha halkaas laga dhisay galaan....
  • Waxaa ka shaqeeya in ka badan 12 hay’adood oo gaalo ah...
  • Waxaa laga cayriyey hay’addii muslimka ahayd ee Al-xaramayn..
  • Dadka waxaa haya nafaqo darro, caafimaad xumo iyo waxbarasho la’aan...
  • Dacwada iyo khayrku wuu ka socdaa... dugsiyo... masaajid... maraakis...
  • Waxaa loo baahanyahay gurmad degdeg ah oo dadkaas soomaaliyeed looga badbaadiyo gaalaysiinta ay xerada ugu oodanyihiin...

Waxaa si degdeg ah loogu baahanyahay:

  1. Guddiga hawsha hadda u xil saaran ee ka shaqeeya in la hor mariyo sarana loo qaado
  2. Si deg deg ah in macalimiinta iyo shaqaalaha maraakista 11 ah ee hadda jirta, isku celcelis 50$ (average) tahay 100x50= 5000$ salka si fiican loogu dhigo.
  3. In sida ugu dhaqsa badan la dhiso saddex madaraso oo dugsi sare ah......
    saddexdaas madlab waa deg deg.

Sh. Muxamad Idris Axmad, Nairobi
6-7/1/2005

KU: CID KASTOO MUSLIMA OO AKHRISA
Assalamu calaykum waraxmatullaahi wa barakatuhu.

Waxaan booqasho gaaban ku tagnay, aniga iyo Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar, iyo Shariif & C/raxman oo xagga farsamada ah, xeryaha qaxootiga ee soohdinta Kenya, kuwaasoo u dhow degmada Dhadhaab ee raacsan gobolka Garissa. Xeryahaas qaxootigu waa saddex xero oo kala ah : IFO, DHAGAXLEY, IYO XAGARDHEER. Waxaa ku jiraa qaxooti lagu qiyaaso 150 kun oo qof waana wada soomaali, waxaan ka ahayn in yar oo Suudaan koonfureed ah.

Haddaan xeryaha sawir gaaban ka bixiyo waxaan dhihi karaa: waa dad xero ku oodan, oo garaama ay u qaybiso hayada gaalo oo ka badan 12, saldhig weyn oo siligaysanna ku samaystay Dhadhaab. Waxaa dadkaas muslinka ah lagu wadaa olole aad u ballaaran oo ujeedadiisu tahay in la gaalaysiiyo iyadoo laga faa'iidaysanayo gaajada iyo duruufaha qaxootinimo ee ay ku jiraan.

Ololaha gaalaysiintu wuxuu ku socdaa xawli weyn, gaar ahaan ka dib markii xeryaha laga baacsaday lagana fiijiyey, hay'addii Sucuudiga ahayd ee Al-xaramayn taasoo si wanaagsan u daryeeli jirtey qaxootiga xagga diinta iyo waxbarashada iyo raashinka intaba, muddo 10 sanadood ku dhow. Cariiri adagna gelisey hay'adaha gaalada. Dabadeedna ay u adeegsadeen awood siyaasadeed in meesha laga saaro, iyagoo cadaystay iney hawshoodii gaalaysiinta caqabad ku noqotay Al-xaramayn.

Ololaha gaalaysiintu wuxuu ku socdaa siyaabo kala duwan sida:

  1. Tacliinta oo iskuullo caruurta loo furay ilaa “secondary”, halkaasoo manhajka lagaga lumiyo, siiba secondariga oo si talaabo talaabo ah loo marinhabaabiyo.
    Marka hore xijaab ayaa gabdhaha loo tolay, markii xigteyna,xijaabkii ayaa la yareeyey, markii xigteyna, surweelo ayaa loo geliya iyo khimaar yar, martkii xigteyna waxaa loo sameeyey meelo ciyaaraha banooniga iyo jimicsiga lagu boodo, markii xigeyna waxaa loo qaybiyaa gabdhaha iyo wiilasha secondariga (condoms) [GALCAAR] si faaxishada loogu sahlo looguna dhiiri geliyo, marka xigana waxaa loogu yaboohaa shaqooyin iyo jaamacado (waa ballamihii iyo hunguri gelintii sheydaanka). Waxaa laga dhisay xeryaha dhexdooda kaniisado badan, oo loo furtay iney goobo lagu ugaarto noqoto, heer la yiraahdo qofkii jaamacad dibadaha ah raba hasoo galo kaniisadda.
     
  2. Gabadhu haddeey uur qaado, si gaar ah ayaa loo tix geliyaa. Waxaa durba loo diyaariyaa dhoofin dibadda, guri iyo lacag iyo raashin gaara, oo markey sinada ku uuraysato ayaa mujtamaca laga sara mariyaa oo lala boodaa si sinada loo xoojiyo
     
  3. Waxaa la maal geliyaa goobo shaneebooyin lagu magacaabo, oo xitaa liwaatka dadka loogu daaro, lana dhiiri geliyaa dadka, filimadana loo keenaa si mujtamaca gaar ahaan dhalinta loo fasahaadiyo.
     
  4. Waxaa hadba lasoo dhejiyaa qabiil hebel in la qaadayo, mar shariif, marna baantuu, marna midgaan, iwm, hadba wixii lasoo dhejiyo ayaa dadkoo dhan noqdaan oo kaararkeeda samaystaan.
     
  5. Ardada iskuulka waxaa loo dejiyaa baraamijyo looga gol leeyahay in lagaga mashquuliyo madarasada carabiga iyo diinta ay ka bartaan, ama dugsiga, oo galab iyo subax ayaa la mashquuliyaa, isla mar ahaantaas waxaa nidaamkooda ka mida in maalinta Jimcaha uu iskuulku socdo si Jimcaha meesha looga bixiyo, oo Sabti ama Axad loo fasaxo.
     
  6. Waxaa hay'adaha gaaladu aad u xoojiyaan Suufiyada, oo lagu maal geliyo makarafoono iyo waabyo yar yar, oo loogu tala galay in lagu tashwiishiyo dacwada xaqqa ah.
    Marka kuwaasi wexey samaystaan waab yar, oo makarafoon weyni kor ka suranyahay codka xerada inteeda badan u laliya, meel in yar u jirta masaajidda Ahlu-sunnaha, halkaasna waxaa la fadhiisiyaa nin marduuf Qaad ah loo gado oo la dhaho cajaladaha hadba mid saar. waxaana looga jeedaa dicaayad iyo tashwiish iyagoo og inaan cidina raacayn.
     
  7. Wexey dhiiri geliyaan kooxo kubbada cagta, iyo fagaarayaal salaadda lagaga tago.
    arrimahaas iyo kuwa kale oon hadda lasoo koobi karin ayey hey'adaha gaaladu u maraan ujeedadooda fasaadinta iyo gaalaysiinta.

Waxaan mulaaxadeeyey iney xeryaha qaxootiga u badan yihiin dad da' yar. Dadkaas oo aad muxaadaraadka usoo buuxiya rag iyo dumarba. Marka muxaadarada la qabto oo kumanyaal yimaadaan, waxaad is oraneysaa oday iyo habari ku yaraa! waa arrin dhinac ka fiican iney iqbaal dadkii yar yaraa dacwada u hayaan, haddana waa arrin khatar ah iney baylah yihiin in badani. Hay'adaha gaalada sida WFP, CARE, UNCHR, LIVE MINISTRY, OXFAM, SAVE THE CHILDREN iwm, wexey qaybiyaan qamadi caloosha dadka ka qabta, raashin wanaagsanna ma keenaan. Waxay dadka ku gumaystaan jawaanada qamadiga laga shubo kaasoo waababka iyo cariishyada la dulsaaro.

Cisbataallo cariishya ah oo ku yaalla waxaa naloo sheegay in ka badan boqollaal caruur ah iney yaalaan; sababta oo ah nafaqa darrada dadkaasi haysata.

Hay'addii Sucuudiga ee Al-xaramayn waxay caruurta subixii u karin jirtey shurbad lagu daray saliid iyo sonkor, taasoo nafaqo fiican caruurtu ka heli jirtey, in baddana soo jiidan jirtey waalidiinta. Hadda hay'adaha gaaladu tii ayey ka barteen, laakiin wexey walaaqaan buunsho aan sonkor iyo saliid midna lahayn!! Waqtiyaal kala fog. Waxaa xusuusin mudan, naxdinna badan, in lacagta hay'adahaasi ololohooda cirib tirka iyo gaalaysiinta muslimiinta ku wataan ay qayb badani ka timaado dalal muslimiin sheegta!!.

Xeryuhu xagga biyaha wey ka ladanyihiin oo ceelal badan ayaa ka qodan, xagga daryeelka caafimaad wey ka liitaan, xagga cuntadana wax nafaqa leh looma qaybsho, qofkii si gaar ah wax u hela mooyaane.

BOOQASHADAYADII CULIMADA

Waxaa wafdigu gaaray magaalada Dhadhaab duhurnimadii maalintii Sabtida 1/1/2005. Waxaanu in yar ku deganey markas “Ibnu Taimiya” oo magaalada Dhadhaab ay Al-xaramayn horay uga samaysay. Waa xarun weyn, oo geeda badan, ay kuna dhex taalo madarasad dugsi hoose iyo dugsi dhexe iyo taxfiid [dugsi Qur’aan], iyo masjid cariish ah haddana la rabo in la dhiso.

Waxaanu isla galabnimadii uga sii gudubney xerada qaxootiga ee IIFO HALKAASOO AAN NADWO MAQRIBKII KA GALNAY, SUBAXDIINA MUXAADARO bacdal fajar, dabadeedna jawlad [kormeer] ayaan ku soo marnay maraakista Ahlu-sunuhu hayaan ee horay ay Al-xaramayn u haynjirtey, kadibna 10:30 am waxaan galay muxaadaro dumarka ah ilaa duhur. Sh. Umalna wuxuu ka galay bacdal duhur muxaadaro xerada Dhagaxley. Casarkii ayaan kusii gaarney xagga Dhagaxley waxaanan ka galay muxaadaro dumarka ah. Labada muxaadaro ee dumarkaba si lixaad leh ayaa looga soo qayb galay. Waxaan labada meeloodba kula kulanay duqaydii iyo guddiyadii ducaada, macalimiinta imaamyada shabaabka.

Isla galabtiiba waan kasoo carrawnay waxaanuna maqribkii muxaadaro ka galnay Dhadhaab, halkaasoo aanu habeenkii Isniinta barinay subaxdii Isniintana waxaanu ku dhaqaajinay xerada Xagardheer ee saddexaad, halkaasoo duhur iyo casar iyo maqrib intaba muxaadarooyin laga galay. Goobaha dacwada duhurka ka hor ayaa lasoo kormeeray.

Habeenkii Talaadadana aanu barinay, subaxdii Talaadadana muxaadaro Sh. Umal iyo aniga aanu galnay, su'aalihii harayna laga jawaabay, halkaasoo aanu barqadii kasoo gaddooney anagoo kusoo noqonay xerada IIFO, oo masjidka jaamaca ee suuqa, nadwo bidcada iyo gaalada ka hadlaysa ay ka dhacday, ilaa meel aanu dadkii ka marno aanu weyney.

Waxaa muxaadaraadku intooda badan ku socdeen GAALADA IYO DHAGARTOODA, MUNAAFIQIINTA IYO HAGARDAAMOOYINKOODA, KU BOORINTA DADKA INEY DALKOODII KU NOQDAAN, INAAN GACAN SHISHEEYE LOO XIRNAAN, DIBAD U DHOOFKA IYO DHIBKIISA, TACLIINTA ISLAAMIGA IYO AHMIYADEEDA, SUUFIYADA IYO KHURAAFAADKA intaasba digaandigaha ayaa lagaga dhigay, iyadoo weliba qolada suufiyada oo xeryaha qaarkood fara ba'an ku hayey xagga dicaayadda, laga dalbay munaadaro iney usoo baxaan inta dhuumaalaysiga iska daayaan iyo gadaal ka hadalka, laakiin godadkooda ayey salka ku aasteen, ama waa kala carareen, wax soo ban baxana waa laga waayey iyagoo weliba dad badan loo diray.

Waxyabaha ay dadka ku hayeen waxaa ka mid ahaa inaan Jimce la tukan karin, haddaan jimcayaasha dadkii meel lakala fariisto ayaa la waayey, markii dambena wexey ku qasbanaadeen iney dadka raacaan. Habeenkii Arbacada aniga & Sh. Umal waxaanu Gaarissa ka galnay nadwo, la yiraahdo “Mas'uuliyatu Dacwa”.

Markaan isku soo duuduubo, jawladu wexey ahayd mid aad naajix u ah, iyadoo loo baahnaa muddo intaa ka badan laakiin waqtiga iyo duruuftu noo samixi weydey.

DACWADA XERYAHA

Hay'addii Al-xaramayn wexey xeryaha saddexda ah ku haysey 17 Markas, ilaa boqol macalin, iyo 15 maamulayaal xeryo, iyo shaqaale kale oo 15 ah. Ilaa 130 qof ayey dacwada bil walba mushahar celceliskiisu [averagekiisu] yahay 40 $ u siin jirtey. Waa mushaaharooyin 5000$ ka badan. Ilaa lacag gaareysa 6000$ oo kale wexey ku bixin jirtey raashinka subaxdii caruurta la siiyo, buugaagta, kutubta, dharka, iwm. Lacag ilaa 11000$ ayey bil walba xeryaha ku bixin jirtey. Mirihii ay tacabtay iyo ardaydii ay soo saartay qaar dugsiga sare ayeey gaarissa kaga bexeen. Boqolaal ka mida ardaydii soo martay madaaristaas, qaar ka mid ahi hadda ayey macalimiin ka yihiin maraakista xeryaha, qaarna jaamacdo dibadda ah ayey heleen, qaarna dugsiyada sare ee gaalada ayaa la tagtay oo mawjadda ayaa qaadday.

Markii Al-xaramayn tagtay, waxaa damaashaad tuntay gaaladii, suufiyadii, wixii sunada diidanaa oo dhan. Laakiin ducaadii iyo macalimiintii wexey go'aansadeen ineyan is dhiibin oo saaxada ka bixin, ayna mintidaan ilaa meesheey la gaarto. Wexey u qayshadeen walaalaha ducaadda Nairobi Sh Umal iyo rag la mid ah, waxaana lagu dhiiri geliyey iney hawshii wadaan, wixii laysu geeyn karana isu dumaan. Wixii hadba loo helana loo diro. ILAAHAY FADLIGII hawshii ma istaagin ee wey socotey, cadawgii diintana laf dhuun gashay ayey ku noqotay iyo lama filaan, jawlaadka walaalohood ducaaddana wexey siisay dhiiri gelin, cadawgiina wey jebisey. Waxaa maraakistii hadda la isugu soo reebay 11 markas markii la isku celceliyey, iyo ila 100 macalimiin, maamulayaal maraakista iyo shaqaale ah, nidaamkii hore ee Al-xaramayn ayaana hawshii lagu wadaa. Waxaa laakiin meesha ka baxay cuntadii subaxdii la siin jirey caruurta, buugaagtii iyo dharkii loo qaybin jirey, taasoo hadda hay'adaha gaalaysiintu ku tartamayaan.

Masaajidda dacwa fiican ayaa ka socota, taxfiidka Qur'aanka dad fiican ayaa ka soo baxa, marka laysku celceliyo ilaa 4000 oo arday ah ayaa maraakistaa dhigata. galabtiina dadka waaweyn ayaa farta iyo duruusta loogu dhigaa.

MAXAA LOO BAAHANYAHAY?


...haddii la dadaalo Ilaahay wuxuu ballan qaaday in xaqu sara maro...


Waxaan shaki lahayn in baahidu ballaarantahay, dagaal qaraar oo masiiri ahina meesha ka socdo, iyadoo hay'adaha gaaladu ku keliyaysatey meesha, laakiin haddii la dadaalo Ilaahay wuxuu ballan qaaday in xaqu sara maro. Dhagarta gaalada iyo munaafiqiintuna baaba' ku dambayso. sidaa darteed waxaa loo baahanyahay:

  1. Guddiga hawsha hadda u xil saaran ee ka shaqeeya in la hor mariyo sarana loo qaado si uu qaab mu'asasa ah u shaqeeyo oo booskii Al-xaramayn buuxin kara inshallaahu.
     
  2. Si deg deg ah in macalimiinta iyo shaqaalaha maraakista 11 ah ee hadda jirta, oo ilaa 100 qof mushaarooyinkoodana isku celcelis 50$ (average) tahay 100x50= 5000$ salka si fiican loogu dhigo, oo miisaaniyadaas 60,000 $ sanadkan cusub ee 2005 meel la saaro.
     
  3. In sida ugu dhaqsi badan la dhiso saddex madaraso oo dugsi sare ah, oo shahaada bixiya, kuwasoo la wareega ardayda kasoo baxda dugsiyada dhexe ee hadda dhisan, si loo joojiyo dhiig baxa maraakisteenna oo hadda dugsiyada sare ee gaalada ku shubma.
    saddexdaas madlab waa deg deg.
     
  4. kadib in laysku dayo in dib loo soo celiyo quraacdii caruurta ee nafaqada lahayd oo shurbaddii saliida iyo sonkorta lahayd.
  5. kutubta iyo manaahijta iyo buugaagta oo ardayda la siiyo.
  6. raashin nafaqa leh oo dadka loo qaybsho
  7. dharka wixii la helo oo dadka la siiyo
  8. daryeelka caafimaadka oo la xoojiyo.
  9. masaajidda iyo madaarista jira oo la dayactiro
  10. wasaa’isha dacwada sida ifdaaru saaimka, udxiyada, kutubta, cajaladaha, oo la xoojiyo.
  11. ardayda dugsiga sare dhamaysa oo farsamo iyo jaamacado iyo shaqooyin loo abuuro.
  12. istraatiijiyad in loo dego sidii dadkan qaxootinimada looga saari lahaa oo dalkii Soomaaliya dib loogu celin lahaa, dibadana looga celin lahaa.

Waxaan ALLAAH ka baryayaa inuu na waafajiyo sida xaqqa ah, naguna sugo islaamka nagana dhigo kuwa Islaamka iyo muslimkaba anfaca, aaamiiiiiiin....

Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu,

Sh. Muxamad Idris Axmad, Nairobi
6-7/1/2005

Shiikh Maxamed Idiris Waxaa lagaal xiriiri karaa email:
Email: dalyaqaan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2005

GALCAARIKII BOOSAASO LAGU GUBEY.....

WARBIXINTII SOMALITALK EE XERYAHAY QAXOOTIGA SOOMAALIDA SANNADKII  2000

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD