NUURUDDIIN vs XIJAABKA:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
Nuuradiin Waa Oday Soomaaliyeed!!!!
SAAHID MAXAMED YUSUF, USA, VA
Maqaalkaygaan waxaan ku
eegi doonaa hadalkii Qoraaga Nuuradiin uu ka jeediyey
minneapols oo xiisad ka dhaliyey arrinta xijaabka
gabdhaha soomaaliyeed.
Inkastoonan madasha joogin
waxaa ka hadlayaa anigoo tixraacaaya qoraayaashii iga
horeeyey hadalladoodii iyo waxa aan ka aqaano qoraaga
Nuuradiin farah !!!
Horudhac: haddii doodi
jirto waa in la isfahmaa???
Asalka dooda waxaa tiir
dhexaad u ah in labada ruux ee doodeysaa ay isla fahmaan
waxa ay ka doodayaan !!! haddii aysan isla fahmin isku
meel waxba kama cabiri karaan ama ismaba fahmi karaan,
markaasna doodoodu cilmi kuma dhisna.
Haddii aan Soomaali
nahay doodaheenu cilmi kuma dhisna maxaayeelay waxay ka
dhar la' yihiin tiir dhaxaadka doodaha oo ay ka mid
tahay in la fahmo waxa laga doodaayo(1).
Haddii aan u noqono
fiqhiga islaamka oo ah in nusuusta laga soo
dhirindhiriyo axkaamta Diinta ayaa culumada islaamku ku
kala gedisan yihiin ayadoo lala qabo fikradahooda kala
gedisan ee Allaah ku abuuray siduu allah ku yiri
Quraankiisa :(... ka suulimaayaan in ay is khilaafaan
intuu Allaah u naxariistay mooyee sidaas ayaana ku
abuurnay...)
Haddaba markii la
doodaayo waxay asalka dooda ku saleeyeen in horta la
isla fahmo waxa la isku khilaafsan yahay taas oo loo
yaqaano ( taxriirul maxali nizaac)oo macnaheedu tahay in
la isla garto waxa la isku khilaafsan yahay.
waana mid ay soomaalidu ka
dhar la' yihiin xataa wadaadada oo fiqhiga islaamiga ah
barta ayaan doodooda ku saleyn karaynin in ay helaan
marka horeba waxa la isku khilaafsan yahay??? markaas
ayey noqotay markii geel loo heesaayo ayaad goroyo u
heestaa!!!
Akhristaheygoow arrinkaas waxaan tusaale uga soo qaadan
karaayaa arrinka xijaabka oo haatan ka hor Dood dheer ka
dhacday markii la yiri Maxamed dheere ayaa diiday(2).
Doodaas oo mudo socotay
ayaan ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Maxamed
dheere difaacay, maxaayeelay doodiisu waxay ku
saleysneyd cilmi meesha ay wadaado badan duurka
jafaayeen!!! Maxamed dheere wareysi lala yeeshay ayuu ku
cadeeyey in uusan xijaabka ka soo horjeedin ee uu diidan
yahay Niqaabka oo uu ka baqday in loogu soo
gabado,wuxuuna yiri haddii uu niqaabku waajib yahay ha
la ii keeno waliba madhabteena shaaficiya ha la iiga
keeno !!! Waxaa ugu yaabka badnaa in Dalladda culumada
muqdisho ay banaan bax dhigeen ay kaga soo horjeedaan
diidista xijaabka la diidaayo, waxaana webside-yada
buuxiyey maxamed dheere xijaabkii ayuu diiday !!!asaguna
wuxuu la soo taagan yahay anigu Niqaabka ayaan diiday ee
daliil ha la ii keeno,waana meesha aan anigu ku difaacay
maxaa yeelay markuu geel u heesaayo goroyo ayey u
heesaayaan.
Waxaa la sheegay in
caalimkii weynaa ee Ibnu xazam ay nin doodeen markaas
ayuu ninkii daliishaday wax aanba daliil aheyn,markaas
ayuu ibnu xazam oo hadal adkaa yiri aniguna waxaan
daliishanayaa ( Qul huwalaahu axad) !!! asagoo ku jees
jeesaaya.
Nuuradiin waa oday
soomaaliyeed:
Haddii aan u soo dhaadhaco
doodii xijaabka ee labaad ee ka dhex dhacday Nuuradiin
iyo soomaalida ayaan waxaan shaqalka saarayaa xuruufta
dushooda anigoo soo qaadanaaya wuxuu meesha ka jeediyey
iyo sidii ay Soomaalida badankoodu u qaadatay!!!!,
haddii aan si kale u
iraahdo waxaan ka hadlayaa meesha khilaafku ka taagan
yahay( taxriirul maxali alnizaac)oo ah maxay isku
khilaafsan yihiin Nuuradiin & dhageystayaashiisu, taas
ayaana ku saleynayaa doodeyda kadibna waxaan ku dari
doonaa soomaalida & waxbarashada islaamka sida ay ugu
baahan yihiin ayadoo lala qabo dadkooda caqliga leh ama
indheer garadka ah sida gabyaaga ,qoraaga,mu,alifka iwm.
Haddaan ku hormaro
maqaalkii walaalkeen xasan dhooye wuxuu yiri:
Nuruddin
oo buug cusub oo uu qoray kahad layey Febraayo 08,
2007, kulan lagu qabtay meesha lagu magacaabo "The
Loft Literary Center" oo kutaala Magaalada
Minneapolis, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad badan
oo aan Soomali ahayn balse Somali ku jirtay, ayuu
hadalkiisii kusoo daray xijaabka ay xirtaan gabdhaha
Soomaaliyeed. Markuu ka hadlayey dumarka
Soomaaliyeed wuxuuna yiri; " Gabdhaha Soomaaliyeed
in badan oo kamida waa wanaag san yihiin, waana ku
faraxsanahay……. Laakiin marmarbaan waxaan ka
xumaadaa xirashada ay xiran yihiin dharka Sacuudi
Caaraabiya, waxay xiran yihiin dhar aanan lahayn…
kadibna waxay igu yiraahdaan waa dhaqan kayagii,
ma’ahan dhaqankayagii, malihin Shuko, xaqiiqadu waa
sidaa………(isagoo sii hadlaya wuxuu yiri) sababtuna
waxay tahay illaahay wuxuu yiri is astur, mase
dhihin xiro dharka afqaanta…. Arimahaas waa kuwa aan
daneeyo, waxaan rabaa hal qof oo Soomaali ah oo
istaaga oo yiraahda Shuko, Niqaab kuwaasoo dhan waa
dhaqankeena? Ma'ahan, ma'ahan; Dhab ahaantii markaan
qoray buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu
matalayey "Cebla" markay aragtay gabar xiran xijaab
way ka carartay, maxaa yeelay waxay u malaysay
CIRFIID! Waligeed ma aysan arag dumar carbeed oo
shuko kor iyo hoos qaba. Labaatan ilaa sodon sano
kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si ay u
ISLAAMEEYAAN Soomaalida……… miyaanan illaahay ka
cabsan Karin inagoo Muslim ah oo aan wadan
ganacsigaan Afqaaniga ah"
Akhristaheygoow bal aan
qodobo soo koobo Nuuradiin waxa uu ka hadlay:
- shuko iyo niqaab
dhaqanka soomaalida ma ahan
- waa dhaqan carbeed ama
afqaaneed
- ceebla markii ugu
horeysay ay arragtay naag shuko qabta waxay u maleysay
cirfiid
- asturku niqaab & shuko
kaliyah ma ahan
- xijaabka & niqaabka
sidaan haatan u qaadano waxay soo bilaabatay labaatan
ilaa sodon sano
- carabtaa lacag ku
bixisay in aan sidaas u labisano
Intaas kadib wuxuu dadkii
ka codsaday hal qof oo istaaga oo ku sheega shuko iyo
niqaab in ay yihiin dhaqankii soomaalidii hore !!!
Haatan aan u soo
daadagno hadalada Nuuuradiin soomaalidii hore sidee
haweenkoodu u labisan jireen oo dhaqan u aheyd,
soomaalidu waa dad islaam ah se waxaa caado u aheyd in
aysan xijaabka haatan ay xirtaan xiranin, waxaana xijaab
ugu muhiimsan ahaa garbasaar laga kor gashado toobka,
dirica, guntiinada, canbuurka iwm.
taas oo mararka qaarkood
khafiif ah siiba gabdhaha gashaantimada ah,waxay kaloo
caado soomaali aheyd in garbasaarta marna madaxa lagu
dado marna qoorta uun ay saaran tahay,taas waxaa ka sii
daran in ay soomaalidu caado u aheyd in aysan habooneyn
gabadhu in ay qariso tinteeda intaan la guursan oo
gashaanti ayaa la oran jiray tinteeduna waa la tidci
jiray!!! Gabayaaga caanka ah ee qarnigaan Cabdi Galayax
ayaan ka dhageystay cajal uu ku xusay 16 qodob oo uu
iskaga daayey tirinta gabayga waxaa ka mid ahaa in
gabdhihii soomaaliyeed ee tintooda tidci jiray banayna
jiray ay is badaleen oo ay haatan ganbo wada qaateen oon
la kala garaneynin midda gabadha ah iyo midda marwada ah
sidaas darteed waa akhiro sabaan oo in aan gabyo waan ka
toobad keenay ayuu yiri.(3).
Marka haddii uu
Nuuradiin yiraahdo xijaab & niqaab caado uma lihin se
carabta ayaa qaadan jirtay ama afqaanka run buu sheegay
waana odey ka mid ah odayaasha soomaaliyeed ee
caadooyinkii hore ku dhagan.(4).
midda labaad haddii ay
ceeblo oo ka timid baadiyo ay la yaabto haween shuko
gashan oo ka baqato una maleyso cirfiid wey ku saxan
tahay ileen waxaan ognahay in soomaalidii hore ee
baadiyaha degi jirtay aysan ruux shuko qaba arkin.
waxaa mudan in aan
halkaan ka sheego in soomaalida qaarkeed siiba Reer aala
shiikh ee dega shangaani & reer banaadiriga xamar weyne
iyo carabta muwalidiinta ee beexaani ay shuko madoow
qaadan jireen caado na u aheyd se markaan soomaalida
leenahay waxaan ka wadnaa soomaalida badankeeda oo ah faradheerta
kor timid sida loo yaqaano !!!
wuxuu kaloo Nuuradiin ka
waramay in Allaah uu yiri is astura !!! soomaaliduna
astur u gooni ah ay leedahay,taas ayuu ka duulayaa marka
asaga iyo odayaal soomaaliyeed oo fara badan ayaa u
baahan in ay dhaqankii soomaaliyeed ee diinta ku
gurucnaa ay ka tagaan, ama aan si kale u iraahdo caadada
diinta islaamka ah ka hor imaaneysa in ay ka tanaazulaan
inta goori goor tahay.(5)
wuxuu kaloo Nuuradiin
sheegay in xijaabka & Niqaabkaba ay soo galeeti ku
yihiin dhaqanka soomaaliyeed oo lagu qiyaasi karo waqti
aan ka badneyn ugu badnaan 30 sano.taasna Nuuradiin wuu
ku saxan yahay jilbaabkan aan naqaano haatan 1976kii
wuxuu ahaa shaati gacmo dheera ah oo garbasaar adag laga
sareysiiyo,kadibna waxaa ku soo xigsaday go' weyn oo loo
aqoon jiray ( la jacuur) kadibna siddeetamaadkii waxaa
bilaawday jilbaabka haatan ay gabdhaha soomaaliyeed
caanka ku noqdeen(6).
Tan ugu danbeysa wuxuu Nuuradiin ku sifeeyey fiditaanka
xijaabka & niqaabkaba ay sacuudigu maalgeliyeen ,taasina
waa mala awaal ee waxaan leeyahay xijaabku wuxuu
soomaaliya ugu fiday waa gabar soomaaliyeed oo allah
oraahdiisa rumaysay oo xijaab xiratay,markaasna ka
naxday hooyadeed ,habaryarteed,eedadeed ,wallaasheed,
gabadheeda oo ayagana fartay allaahna ku hanuuniyey
!!!(7)
Sidii uu allah
Quraankiisa ku yiri :(Haweenku ha dajiyeen jilbaabkooda
dushooda oo yeysan quruxdooda u muujinin ragooda mooyee)
xataa lacag iska daaye jilbaabku kuma fidin karbaash
sida maxaakiimta caadada u aheyd ee wuxuu ku fiday
naxariis,taas oo allaah nagu maneystay anagoo nool in ay
soomaaliya oo idil oo xijaaban na gaarsiiyey !!!
walow Nuuradiin iyo
odayaashiisa xaaladoodu ay tahay is marjiya kani waa
fiday ee ku kale ma heysaa!!! Quraanka waxaa ku jirta
Ayaad la macne ah oraahda soomaaliyeed ee is marji!!!
Allaah wuxuu quraankiisa
ku yiri:( Ruuxa u maleynaaya in allaah uusan u
gargaareynin nabigiisa & Diintiisa xarig samada ha u
taagto kadibna ha gooyo oo ha is marjiyo,markaas kadibna
ha fiiriyo in ay cardiisii ka tagtay )
Nuuradiin maxaa la guboon:
waxaan maqaalkeyga ku
soo gabgabeynayaa waano aan u soo jeedinaayo wax
garadka soomaaliyeed sida
qoraayahanka,gabyaaga,suugaanleyda,profesoriinta,
ha ugu horeeya qoraageena weyne ee Nuuradiin faarax
xasan,waxaana ku leeyahay barta diinta islaamka waxaad
ka faaideysan laheydeen dhaqan, sheekooyin, cilmi,iimaan,
caddalad,ilbaxnimo ka qoto dheer tan dhalanteedka ah ee
reer galbeedka !!!.
Nuuradiin oo buugtiisa
aan qaar badan ka akhriyey
ayaa soo bandhigay buugaag taxane ah oo uu ku magacaabay(
the triology of dictatorship) oo uu ku dhaleeceynaayey
dawladii kacaanka waxayna ahaayeen taxane aad u fiican
oo ka tarjumaayey noloshii hantiwadaaga ee waagaas !!!
waxaan aad u jeclahay dhamaadka buugiisa (sweet & soure
milk)oo laba wiil oo kacaan diid ah uu midna dhimanaayo
midna uu fara cidi leh ku baxsanaayo oo galabtii uu
dhoofay ay NSS gurigiisa imaaneyso si ay u xiraan !!!
Se wixii buugaagtaas ka
danbeeyey Nuuradiin wuxuu ahaa nin darjo doon ah oo u
tartamaaya darajooyinka qoraayaasha sida neustede &
nopel prize,taas oo dhaxalsiisay in uu qoro buugiisa (
secrets)oo uu ku helay darajadaas (nuested 1998) se ahaa
bar madoow uu kaga been abuurtay dhaqanka soomaaliyeed
xataa magacyada ka shaqeynaayey af soomaali ma aheyn
sida kalaman iwm.
Nuuradiin waxaa cibro ugu
filan in ay gabar yar oo soomaali ah oo mareykanka ku
barbaartay ay u cadeyso waxa diinteenu ka qabto xijaabka
& niqaabkaba !!!
Nuuradiin oo dad aad u
fara badan u han weyn yihiin markii uu buugtiisa halheys
uga dhigo waxaan ummadeyda ku xusayaa qoraalka &
baasaboorka madoobe dheere uu dalalka adduunka ah ku
mushaaxaayo ayaa waxaa haboon in uu soomaaliya si fiican
uga tarjumo ma ahan kaliyah dhaqanka soomaaliyeed
kuwiisa xun xun ee waliba in uu xuso, bartana diinta
islaamka ah ee nadiifta ah asagoo ka biyo cabaaya
Quraanka iyo sunaha ee uusan ku dabaqeynin caadooyinkii
xun xumaa ee soomaalidu laheyd asagoo ku anadacoonaaya
caadadaas ayaan laheyn, haddii aan soomaali nahay se waa
in uu caadooyinka soomaaliyeed ee fiic fiican ee aan ka
hor imaaneyynin diinta islaamka uu daliishadaa kana
haraa caadooyinka xun xun ee diinta meel xun uga
dhacaaya ama aayad quraan ah ama xadiis rasuulka ka
sugnaaday ka hor imaanaaya !!!
Nuuradiin oo caadooyinka
western-ka aad u bartay rabana mararka qaarkood in uu
dhaqan soomaali nooga dhigo oo soomaali sidaas u
dhaqmeysa nooga sheekeeyo sida buugiisa(gifts)oo aad ku
arkayso qoyska uu ka sheekeynaayo dad soomaali ah, se
dhaqan galbeed wata sida reerka oo dhan oo leh
bushkuleetiyaal ay tabar ku sameeyaan iyo ayagoo
subaxdii ordaaya taas oon caado soomaalidu taqaano aheyn
!!! waxaan ka jeclaan lahaa in uu soomaalida ku sifeeyo
dad faqri ah oo rooti iyo moos is dhex
gashada,habeenkiina muufo iyo saliid cadeey ku casheeya
!!!
Marka maxaa Nuuradiin oo
ah nin mutacallin ah u diiday in uu Barashada diintiisa
barto taas oo uu ka heli lahaa suugaan qayim
ah,sheekooyin halaasi ah, caadilnimo taam ah,dhaqan
sharaf leh,ilbaxnimo xeel dheer sida tii Al-Andulus ama
spain & portugal 800 oo sano uu islaamku ka
talinaayey,iyo ilbaxnimada dhismihii Taj maxal uu
boqokii islaamku u dhisay boqoradiisii mumtaz !!! taas
ayey u baahan yihiin akhristayaashaada aan soomaalida
aheyn ama islaamkaba ee uma baahna in aad uga sheekeyso
dhaqankooda khaniisnimada & dhilanimada & tuuganima &
basaasnimada 007 iwm.
Waxaan halkaan ku xusayaa
sugaan yaqaanka weyn ee Maxamed xaashi dhamac gaariye oo
wadaado ay isku qabsadeen London mar uu u tagey
muxaadaro suugaanta soomaalida ah in uu ka jeediyo,
markaas ayey wadaado uu ku tilmaamay kitaab gaabloow ay
haweenkii u diideen in ay tagaan muxaadatradaas ?
Gaariye waa is difaacay oo
wuxuu yiri haddii aan gabayaa nahay Allaah suurad dhan
ayuu nagu magacaabay oo la yiraahdo(Alshucaraa)!!!
wuxuu allah yiri:( gabay
tiriyayaashu waxaa raaca kuwa lunsan,miyeydaan arkaynin
in ay waadi kasta dhex dabaalanayaa,oo ay oranaayaan wax
aysan sameyneynin,kuwa Allah rumeeyey mooyee oo camal
saalix ah sameeyey ....)
Markaas ayuu gaariye yiri
( Waar annagu kuwaas Allaah soo reebay ayaan nahay ee
Allah rumeeyey ee camal saalix ah sameeyey..)
Halkaas ayuu ku af jaray
kuwii weeraray ee kitaab gaablowga ahaa sidaas oo kale
ayaan ka rabnaa Nuuradiin waa in uu ayaad Quraan ah isku
difaaci karaayaa ee ma ahan in uu dhaqan soomaaliyeed oo
caado xun ku saleysan uu daliishado oo xijaab allaah
waajib ka dhigay, uusan la soo istaagin dhaqankeenu
sidaas ma ahan ee waa in sida Gaariye oo kale uu aayado
cad cad isku difaacaa!!!
Nuuradiin waa in uu
barashadiisa Diinta islaamka hormiyaa ( UP GRADING) MA
AHAN UU UU DHAQAN ODAYAAL XABAAL KU FOGAADAY UU SHIIKH
BAHALAABOOW YIRAAHDO EE WAA IN UU AAYAD CAD IYO XADIIS
NABIGA KA SUGNAADAY UU DALIISHADAA)!!!.
FII AMAANI LAAH
SAAHID MAXAMED YUSUF
USA, VA
(1) waxa la isku waafaqsan
yahay iyo waxa la isku khilaafsan yahay waa in ay
cadahay
(2)maqaalladii maxamed
dheere vs xijaab /saahid
(3)soomaalidii hore
gabdhuhu tintooda wey baneyn jireen sida uu sheegaayo
gabayaagaasi
(4)ku noqo maqaalkeygii
caado laga tegey carro alle ayey leedahay !!!
(5)ku noqo maqaalkeygii
xijaabkii oo dhaqan noqday !!!!
(6)ku noqo Nuuradiin waa
salmaan rushdi saaxiibkiis xasan dhooye qeybta
taariikhda xijaabka !!!
(7)ku noqo maqaalkeygii
kismaayo & kandhahaar qeybta aan kaga hadlaayey sida uu
ku fiday xijaabka
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 22, 2007


|