NUURUDDIIN vs XIJAABKA:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
Nuuruddiin Faarax waa
Salmaan Rushdi Saaxiibkiis

Nuruddin
|
Intaadin yaabin ama cararin bal kaadso,
hortaa baa layaabay. Waxaan maqlay muddo toban sano kahor ku dhow
Nurrudin Farah oo "Nobel prize" abaal marin qaali ah oo waliba caalami
ah loo qalqaalinayey oo uu ku mutaystay qoraaladiisa. Iyadoo halkaas ay
ii joogto oo aan is leeyahay reerkaan Soomaali dhinacaa waa ka tabar
daraayeen ee malaha waaba loobaahnaa in lahelo qoraa caan ah. Iyadoo
waliba xilligaas kusoo aadaysa xilli ku dhowaad toban kale la dowlad la'aa.
Waxay ahayd dhowr sano ka hor markii uu
Nuruddin soo gaaray magaalo aan joogay, maalmo kadib waxaa darbiyada ku
dhagenayd waraaq lagu xayeysiinayo inuu jiro buug saxiix oo qoraagu u
saxiixayo qofkii buugiisa gata. Dabcan in buuga la daah furo, laga hadlo
ama wax laga waydiinayo ama qoraaga laftiisa la arkana meesha kama marna.
Waraaqdii markaan akhriyey ayaa waxaa ku qoran buuga magaciisa iyo
meesha iibintu ka dhacayso ka dib, hadalo uu leeyahay Gaalkii waynaa ee
"Salman Rushdie", dabcan cidna sharax ugama baahana ayaan filayaa.
Salman Rushdie waxa uu Nuuruddiin ku aamaanay in uu yahay "Mid kamid ah
kuwa ugu wanaagsan Qorayaasha Noofelada ee Casriga la socda ee
Afrikaanka ah". Sidaas waxaa qortay shabakada
commonwealthclub.org, oo intaas ku
dartay in Nurruddin Faarax uu wax ka qoro sheekooyinka dumarka, uuna ku
guulaystey billada loo yaqaan Neustadt International Prize." intaa
markaan arkay ayaa waxaa iisoo baxday Mudane Nuraddin inuu aqbalay
Salmaan amaantiisa uuna walibana qarsanayn ee in ninkaas ka hadlay
buugtiisa ayaaba dadka lagu soo jiidanayaa (khaasatan dadka ku hadla
ingiriisiga) qoraasha badanaa buugtooda dadka dib u eega khaasatan kuwa
magaca leh ama hay’adaha waxbarashada sida Jaamacadaha ayey isku
xayeysiiyaan. Hadalka Salmaan yiri waxaa aad ula booday in badan oo ka
mida warbaahinta reer Galbeedka taasoo xayeysiis iyo taskiyo u noqotay
Nuruddin.
Weel walba wixii kujiruu dhiddidaa
Hadalkaan wuxuu ahaa maah maah carbeed
oo xikmad badan xambaarsan, waxaan filayaa inay lamacna ahayd "Qoriba
qiiqiis ayuu uraa" Waxaan oran karaa waa hordhac hadalkaan inuu
Nuruddin ku jeesjeeso xijaabka ama Ayaada ka hadlaysa.
Intaynaan hadalkiisii wax ka taaban
Nuruddin xataa waxaa todobaataneeyadii oo ahayd markii uu kusoo biiray
caalamka qoraalka ay ku tilmaameen nimow naag qaar kamida
akhristayaashii buugii matalaada ahaa ee uu baxshay (FROM A
CROOKED RIB) sida uu' u matalay oo gabar reer baadiya ah oo
laguday isaga dhigay, ("Ms Farah" feminist'').
Nuruddin oo buug cusub oo
uu qoray kahad layey Febraayo 08, 2007, kulan lagu qabtay meesha lagu
magacaabo "The Loft Literary Center" oo kutaala Magaalada
Minneapolis, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad badan oo aan Soomali ahayn
balse Somali ku jirtay, ayuu hadalkiisii kusoo daray xijaabka ay
xirtaan gabdhaha Soomaaliyeed. Markuu ka hadlayey dumarka Soomaaliyeed
wuxuuna yiri; " Gabdhaha Soomaaliyeed in badan oo kamida waa wanaag san
yihiin, waana ku faraxsanahay……. Laakiin marmarbaan waxaan ka xumaadaa
xirashada ay xiran yihiin dharka Sacuudi Caaraabiya, waxay xiran yihiin
dhar aanan lahayn… kadibna waxay igu yiraahdaan waa dhaqan kayagii,
ma’ahan dhaqankayagii, malihin Shuko, xaqiiqadu waa sidaa………(isagoo sii
hadlaya wuxuu yiri) sababtuna waxay tahay illaahay wuxuu yiri is astur,
mase dhihin xiro dharka afqaanta…. Arimahaas waa kuwa aan daneeyo,
waxaan rabaa hal qof oo Soomaali ah oo istaaga oo yiraahda Shuko, Niqaab
kuwaasoo dhan waa dhaqankeena? Ma'ahan, ma'ahan; Dhab ahaantii markaan qoray
buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu matalayey "Cebla" markay aragtay
gabar xiran xijaab way ka carartay, maxaa yeelay waxay u malaysay
CIRFIID! Waligeed ma aysan arag dumar carbeed oo shuko kor iyo hoos qaba.
Labaatan ilaa sodon sano kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si
ay u ISLAAMEEYAAN Soomaalida……… miyaanan illaahay ka cabsan Karin inagoo
Muslim ah oo aan wadan ganacsigaan Afqaaniga ah"
Intaa kadib waxaa xusid mudan in gabar
Soomaaliyeen oo goobtaa fadhiday ay si wanaagsan ula garnaqsatay
Nuruddin una ridisay si cilmiyeysan, taasoo uu qoraagu mahad caalwaa ka
celiyey. Hadaladeediina waxaa ka mid ahaa "Quraanku wuxuu doonayaa inay
dumarku korkooda Xijaabaan. Dumarka Soomaaliyeed xor ayey u
yihiin inay doortaan sida ay uturjumayaan inay u xirtaan dharkooda
Islaamiga ah. Waxaan kaloo rabaa inaan xuso in dumarka Soomaaliyeed
dhibaato kasoo gaadhay dagaaladii sokooye, qaarkood waxay joogaan
Waqooyiga America iyo meelo kaleba. Dumarku xijaabka ay xiran yihiin
wuxuu ka difaacaa waxbadan oo dibada kaga iman lahaa, sidoo kale
wuxuu jirka uga yahay difaac waxyaabo badan. Sidee baa doonaysaa inaad
u fahanto kalsoonida ay haystaan dumarka iyo raga Soomaaliyeed, taasoo
aysan heleen hadaan ilaahay ilaalin iyo hanuun siinayn…… Waxay xor
u yihiin in ay u qaataan xijaabka sida quraanku dhigayo...."
Maxaa kuu baxay akhristow, waxaan ukala
qaadaynaa hadalkiisa afar qaybood;
- Dhar Carbeed (Dharka Sacuudi
Caraabiya), Dharka Afqaanta.
- Si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaaliya
- Dhaqanka Soomaaliga ah
- Ku jeesjeesid Xijaabka ama (
Ayaada Quraanka ee ka hadlaysa Xijaabka)
Dhar Carbeed (Dharka Sacuudi
Caraabiya), Dharka Afqaanta

Dhegeyso Aayyadda 59aad ee
Suuradda Al-Axsaab
(waxaa
akhrinaya Sheikh: Baset) |
Nebiyow ku dheh
Haweenkaaga iyo Gabdhahaaga iyo Haweenka Mu'miniinta
isku dada Shukadiinna, taasaa idiinku dhow in la
idin aqoonsado oon laydin dhibine., Eebana waa dambi
dhaafe Naxariista ah. [Axzaab
33:59] |
Ugu horayntii waxaad dareemaysaa sida
Nuruddin ay uga maqantahay inaan lakala lahayn ama qolo gooni ah loo
tiirin Karin Shacaa'irta Diinta islaamku latimid. Sida; Xijaabka, Garka,
Raga oo marada gaabsada, Cimaamada, Koofiyada ama Cibaadada qaarkood
sida Xajka iyo Ciidaha. Waxaa noo cadaynaya siduu qoraagu uga arradan
yahay Dhaqamada Islaamka wuxuu kulmiyey Sacuudi, Afqaanistaan iyo
Soomaalida. Su'aashu waxay tahay hadaan Xijaabka siino Carabta ama
Sacuudigaba maxaa Afqaanta u geeyey?. Maxaase anaga noo keenay waxaan
nahay Afrikaan (Sida qoraagu hadalka u dhigay)? Maxay tahay calaaqada
naga dhaxaysa kuligeen?.
Jawaabtu waa koobantahay waana
fududahay wolow qoraagu arki waayey ama iska khaafinayo. Kuligeen
waxaan nahay Islaam waxaana nawada hagaya Quraanka iyo Hadalka Nabiga,
sida ilaahay u amray Nabi Maxamed (NNKH) markuu lahaa " Hooy Nabiyow waxaad
fartaa Xaasaskaaga, gabdhahaaga iyo Gabdhaha Muslimaadka korkooda inay
ka raariciyaan Jalbaabkooda, Sidaasaa u dhow in lagarto (inay muslimaad
yihiin) oo aan la dhibin, ilaahayna wuxuu ahaaday mid danbiga dhaafa oo
naxariista" (Axsaab
33:59). Waxaan filayaa inay tahay jawaab aan wada
fahmi karo. Hadaan Su'aal dib ugu celino Nuruddin miyaanay gabdhaha
Soomaaliyeed ku jirin kuwa ilaahay lahadlayo sida macnaha aayada kore
sheegayso?.
Si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaaliya
Waxaa dad badan oo joogay goobta ama
dabadeed maqlay layaabeen weedhaha oranayey "Labaatan ilaa sodon
sano kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si ay u ISLAAMEEYAAN
Soomaalida" waxaa markiiba kugu soo dagdagaysa awal miyaanan Islaam
ahayn?. Waxaa taariikh-yahannadu sheegaan in Soomaaliya Islaamku soo gaaray Xiligii
Saxaabadii Nabiga (scw) ay usoo hijroodeen Ardul Xabasha oo loola jeedo
(dhulka dadka madow) oo aan inagu ka mid nahay. Sidoo kale taariikho
kale ayaa sheegaya in xiligaas wa xoogaa kadib uu islaamku soo gaaray.
Waxaanse muran lahay khilaafooyinka Islaamka in xukunkoodii soo gaaray.
Sidoo kale waxaan muran lahay iyadana in Qarnigii 7aad iyo kii 8aad ee
Hijriyada labadaba Taariikhyahaniintu wax ka qoreen Soomaaliya sida "Ibnu
batuuta" iyo Shiikha leh Mucjamul Buldaan.
Waxaa lagu fasiray qoraaga hadalkiisa
inay dhici karto inuu qoraagu taariikh khaldan hayo maadaama uu wadanka
Soomaaliya
waxbadan ka maqnaa ama uhaysto waxkasta oo carabtu sameeyaan gaar ahaan
Sacuudiga inay iyaga dhaqan u tahay. Waxaa is waydiin leh sida Nurruddin
uu'u ilowsan yahay in Makka iyo Maddiina aysan ahayn oo kaliya Sacuudi
Caraabiya. Waxaan xasuusin lahaa in Makka ay ku taal kacbada ay
Muslimiintu ula jeestaan Salaadahooda meelay joogaanba, in Loo Xajiyo
Xageeda, in Quraanka Lagu Soo dajiyey, in Maddiina Nabigu u hijrooday
kuna aasan yahay iyo inay yihiin meelaha Aduunka aan hada ku noolahay ugu Fadliga Badan uguna Barakada badan. Hadaba hadii arinku
sidaa yahay qoraaga waxaan filayaa inay u cadahay xiriirka naga dhexeeya
umadaha inuu yahay mid diimeed ee uusan ahayn dhaqan qolo kale oo naloo
soo meeriyey. Sidoo kalena inaan 30 sano ka hor nala islaameen ee aan
illaahay mahadii horay islaam u ahayn.
Dhaqanka Soomaaliga ah
Marka laga hadlayo dhaqan ama Caado waa
arin umadi laasimto, intabadana ay iska dhaxasho, dhaqanku wuxuu kujiraa
waxyaabaha aan caalamka la iskula yaabin la iskuna tixgaliyo. Sidoo kale
wuxuu ku jiraa waxyaabaha aadka la isugu khilaaf sanyahay. Caadadu waxay
leedahay qaar xun iyo qaan wanaagsan. Jiilkasta wax ayuu kusoo
kordhinayaa dhaqanka waxna waa ka lumiyaa. Shaki malahan in badan oo
Soomalida dhaqankeeda ka mida in uu wanaagsan yahay sida; Marti soorka,
Bixinta Maganta, U turida Dumarka iyo dadka Jilicisan. Dhaqamadaas
qaarna waa lumeen sida bixinta Maganta iyo U turida Dumarka iyo dadka
jilicsan, Qaarna wali wax baa ka baaqi ah sida Soorida Martida. Dhinac
dharka xiligii hore ee la dhar la'aa waxaa la xiran jiray "Dhuu", xilligii
dharku yimidna waxaa laxiran jiray " Boqor iyo Dhacle" laba maro oo cad
cad, xiligii dharku soo batay ama la reer magaaloobay waxaa la xiran
jiray "Guntiino iyo Garbasaar", xiligii ka danbeeyeyna waxaa la xiran
jiray " Beermaqariye iyo Dh. Jabuuti iwm". Xiligii kadanbeeyey iyo hadana
waxaa loobadan yahay "Jalbaab; Xijaab" waxaa lasoo maray intaas oo
marxalo oo kala duwan, hadaba Su'aashu waxay tahay keebaa dhaqan
Soomaali ah oo Soomaali leedahay? Ma "dhuuga mise Jalbaabka?".
Waxaan filayaa in marxaladaas lasoo
maray oo dhan aanan dhihi Karin kuli waa dhaqan ama caado, ee waa
xaalado kala duwan oo midba xili lasoo maray. Markaan isu gayno
xaaladahaas oo dhan Jawaabtu waxay noqonaysaa waxaa dhaqan noo ah wixii
Diintu na amartay ama waafaqsan shareecada Islaamka. Sidaas ayuuna
Xijaabku ku noqonayaa dhaqanka gabdhaha Soomaaliyeed leeyihiin ama
dharka gabdhaha Soomaaliyeed leeyihiin ee hada caanka ay kuyihiin
dunidaan aan joogno. Waxaa arintaas sii xoojinaya Xilligii Nabiga (scw)
lasoo diray Carabi waxay lahayd dhaqamo badan oo kala duwan, qaarna waa
loo Islaameeyey qaarna waa laga tuuray. Dhaqankii xumaada waa latuurayaa
muran la'aan.
Ku jeesjeesid Xijaabka ama (Ayaada
Quraanka ee ka hadlaysa Xijaabka)
Intaynaan ugudbin Nurruddin hadalkiisa,
aan ku yara nasano guudmar yar oo Xijaabka kusaabsan.
Ugu horayntii
waxaa haboon inaan hoosta ka xariiqno in Xijaabku uusan ahayn dhaqan qolo
leedahay ee uu yahay amar illaahay oo muslimiinta oo dhan waajib ku ah
inay fuliyaan. Muran malahan in umada Soomaaliyeed ay dhaqan galiyeen
Xijaabka xili danbe ilaahay ajar ha kasiiyee cidii sababta u ahayd, ka
daahida dhaqan galinta xijaabkana waxay laqabeen Soomaalidu Caalamka
Islaamka oo markii ay burburiyeen khilaafadoodii Islaamka Gumaysigii
qabsaday siduu rabo ka yeelay. Iyadoo sidaa ay tahay ayaa hadana
Soomaalida lagu tiriyaa guud ahaan Wadamada Islaamka, wadanka ugu horeeyey
ee wadan ahaan Isxijaabay ama uu Xijaabku uga dhaqan galay si waafi ah,
wallow ay wax yar ka dhiman yihiin wali.
Nooca Xijaabka Soomalida ee hada ay
Caanka ku yihiin gabdhaha Soomaaliyeed ayaa waxaa sabab u ahaa ragii iyo
gabdhihii dacwada ka waday Soomaaliya 70 tameeyadii. Waxaa igu maqaale
ah inuu wali nool yahay ninkii lahaa fikrada qaabka uu'u tolan yahay iyo
gabadhii ugu horaysay oo xirata. Waxaad dareemaysaa marada ay u dooreen
iyo qaabka ay tolmadiisa u qoondeeyeen inuu yahay mid xeel dheer marka
loo fiiriyo dhaqanka Soomaaliga oo ahaan jiray "hoodi dalaq" ama isla
noolaanshaha qaraabada kala ajnabiga ah oo ay duruuftu sababtay. Sidoo
kale dhinaca Bii'ada oo uu xijaabku doorwayn ka ciyaarayo Xifdinta iyo
xanaanaynta jirka gabadha Muslimka ah. Mar waa Labis, marna waa gogol,
marna waxaa lagu xanaanaynaa ubadkii oo loo gogli ama lahuwin.
Intaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday
sida uu'u waa faqay ayaada quraanka ee aan kor kusoo xusnay ee ka
hadlaysa Xijaabka. Marka laga yimaado Culimada Soomaalida, Waxaa
Caalamka Islaamka wax laga yiri Xijaabka Soomaalidu xirato oo ah nooc ay
iyagu alifeen, waxaana loo kala harin inuu yahay Xijaabkii saxda ahaa ee
Quraanka iyo Sunada lagu sheegay. Waxaa ka hadlay culimo waawayn oo
cidwalba leh kuwa sucuudiguba ha ugu badnaadeen'e.
Xijaabka Sucuudiga laga xirto iyo kan
Soomalida isma shabahaan isumana eka, kan Sucuudigu waa Shuko khafiif ah
iyo indha shareer. Soomaalidu kaas waxay u yaqaanaan "Buubuu" xijaabna
uma yaqaanaan ee gabdhaha ayaa guriga kujooga, ama waxaa qaata kuwa
markaas uun xijaabka soo fahmaya oo bilowga ah, ama kuwa sii diciifaya
oo hoos u socda. Kan Afqaaniga waan isu yara dhownahay, waana kala
duwanhay koodu waa isku days, mana garanayo adaygiisa iyo khafiifkiisa
laakiin wuxuu u muuqdaa Xijaabkii Sharciga ahaa. Keena waa "Toob ama
Canbuur Gacmo dheere ah oo hoos laga qaato iyo Jilbaabka kore oo la
raariciyo" waana isku maro waana isku midab badanaaba. Ilaahay haka
abaal mariyee, waxaa sabab u ahaa xijaabka noocaan u tolan in uu
Soomaaliya iyo meelo kaleba ku baaho culimada Soomaaliyeed.
Haddaan usoo noqono jeesjeeskii Nuruddin
wuxuu yiri: "Dhab ahaantii markaan qoray buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu
matalayey "Ceebla" markay aragtay gabar xiran xijaab way ka carartay,
maxaa yeelay waxay u malaysay CIRFIID!," waayo "Waligeed ma aysan arag dumar
carbeed oo shuko kor iyo hoos qaba".
Marka hore aan yara akhrino buugaan wax
kamida;
Ceebla, agoon siddeed-iyo-toban jir ah,
waxay ka fakatay baadiyihii ee reer guuraaga Soomaalida markii ay
ogaatey in awowgeed uu ballan qaaday in uu u guurinayo nin da'weyn.
Laakiin markii ay u fakatay Muqdishu, waxay is aragtay in aysan wax
awood ah lahayn islamarkaasna ay ku tiirsanaato niman sidii ay ugu
tiirsanayd markii ay duurka joogtey oo kale. Dhexjibaaxii adeegidda,
guurka, faqriga iyo rabshadaha, Ceebla waxay ku dagaalantay in ay
ilaashato sharafteeda, iyadoo ku jirtey adduun ah meel dumarka 'loo
iibiyo sida lo'da'. Ayuu qoray Nuruddin Farah oo arrinta ka eegaya
aragtida dumarka, Novel-kiisii ugu horeeyey oo ahaa mid weeraraya
dhaqanka dadkiisa. Sidaas waxaa qortay shabakada
Penguin.co.uk
oo ka hadleysey buugga uu Nuurudiin Faarax qoray sannadkii 1970 ee
cinwaankiisu yahay: From a Crooked Rib [oo la macne ah "ka
timid Feer Qalloocan"].
Nuuruddiin Faarax buuggaas
ugu horeeyey ee uu qoray 1970kii waxa uu jeldiga sare u
xushay sawir gabar ay "Kalxantu" muuqa, taas oo loo fasiray
in qoraagu u qaatay in feerta qalloocan ay tahay taas, balse
feerta dumarka laga abuuray sida saxda waa tan Soomaalidu u
taqaan "Feer Yaro".
Nuruddin wuxuu tixraac ka dhigtay
buugii matalaada ahaa (Sheeko la mala awaaley oo lajilo) waxaad dareemaysaa qaabka
uu'u hadlayo in isaga iyo dhaqanka Islaamka uu darbi u dhexeeyo. Taas
macnaheeda ma'han inaan difaacayo wax yaabo qaldan. Laakiin dhaqanka
Islaamka waxaa kamida in gabadha waligeedu u doori karo say wanaagsan oo
u qalma hanana kara dhinac kasta. Sidaas daraadeed ayaa shareecadu
waxba kama jiraan ka soo qaaday guur aan wali lahayn.
Jeesjeeska Nuruddin ayaa ah inuu ku
tilmaamay gabadh xijaaban inay tahay Cirfiid (waa nooc jinka kamida)
isagoo sii hadlayana wuxuu yiri waxay uga carartay waligeed marag wax
qaba shuko kor iyo hoos. Halkaas markuu marayey wuxuu ku tuntay ayaada
kor aan kusoo xusnay oo oranaysa (……..korkooda inay ka raariciyaan
Jalbaabkooda…..) hadaba waxaa is waydiin leh, Nuruddin arintaan
Islaanimadiisa maxay u dhimaysaa? Majaahilnimaa arintan ka keenaysa mise
waa sida uu rumaysan yahay? Muxuuse noqonayaa xukunkiisa Islaam ahaan?
Su'aalahaan oo dhan waxaan u daynayaa
culimada Soomalida oo ehelka u ah fatwadeeda inay jawaab ka bixiyaan.
Waxaase in badan culimada ka maqalay qofkii ku jeesjeesa Quraanka iyo
Axaadiista Nabiga (scw) inuu ku gaaloobayo.
Gunaanad
Gabagabadii waxaa aad looga hadal hayaa
Magaalada Minneapolis meelaha la isugu yimaado weedhihii Nuruddin, dadka
intiisa badana waxay leeyahay "Qoraa barasha wanaagsan sidaan kuu
haysanay ma'aadan noqon," qaarna si kale ayey leeyihiin oo "qoraagu wuxuu
lahadlayey akhristayaashiisa aan Soomaalida ahayn."
Hadaan dhinac kale ka eegno waxaan
qabaa waa fursad wanaagsan oo uu qoraagu isu kaaya baray sidii saxaafadu
horay noogu bartay si aan ahayn markii ay lahayd (Qoraa Soomaaliyeed oo
Bilad Caalami ah helay). Waxaana adkeeyey inaan horay qoraaga u barano
wuxuu wax ku qori jiray luuqada dadkiisu ku hadlo midaan ahayn. Hadase
waxaa sahlaya qaxii kadib waxaa labartay luuqado badan oo ay ka midtahay
miduu isticmaalayey. Isku soo xooriyoo qoraaga waxaa inooga filaatay
taskiyada iyo amaanta uu siiyey Salman Rushdie iyo sida uu ugu faraxsan
yahay oo uu buugta ugu xayeysiisanayo. Hadaba akhristow nin ay damqi
wayday Nabi Maxamed (scw) Caydiisii, Jalbaab xagee joogaa?. Nuruddin waa
Salmaan Saaxiibkiis.
Xasan Dhooye (Abuu Xafso)
dhooye@hotmail.com Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 16, 2007
Isha sawirada: Wikipea,
googleimages.


|