NUURUDDIIN vs XIJAABKA:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
Nuuruddiin Faarax oo
Weeraray Xijaabka Islaamka ee ay Qaataan Gabdhaha Soomaaliyeed

Nuruddin
|
Qoraaga soomaaliyeed ee la yiraahdo
Nuuradiin faarax ayaa weeraray xijaabka ay qaataan gabadhaha
Soomaaliyeed ee qaatay aayada ilaahay isagoo ku andacooday in xijaabkaas
uu ka soo jeedo caado carbeed.
Nuuraddiin Faarax oo dhowaan buug cusub oo la magac baxay "Knots" kusoo
bandhigay magaalada Minneapolis, Minnesota ee carriga Mareykanka ayaa
hadal uu ka jeediyay daah furkii buugga wuxuu kaga hadlay arrimo badan
oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in xijaabku yahay
wax uu ugu yeeray "Afghan business.
Qoraagaan ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsadey in Buugiisii ugu horeeyey uu ku
sheegay in Ceebla goortii ay aragtay haweeneydii xijaabnayd ay ka
carartay oo lafaheedii uga baxasatay, marka waxaan aad dhaqankeena kusoo
darteen, yaa halkan fadhiya caawa oo taa qiil u heli kara.
Nuuraddiin Faarax ayaa si cad u sheegay mar uu rabay inuu la hadlo
gabdhihii soomaaliyeed ee ka soo qayb galay xaflada daahfurka buugiisa
ayuu amaanay gabadhihii isagoo yiri gabdhuhu waa ay wanaagsan yihiin
waxaa ayna ku jiraa sidii ay noloshooda u badbaadin lahaayeen si ay dad
kooda wax u tari la haayeen,isagoo islamarkaasna hadalkiisii sii raaciya
mararka qaarkood waan ka niyad gabaa gabdhaha soomaaliyeed marka ay
soo xirtaan maryaha waaweyn ee dhaqankeena aan lagu aqoon waxaan u
jeedaa dharka sucuudiga
waxaa ay soo galiyeen dhaqankeena waxbadan oo aan ku jirin markaas bay
igu oranayaan kani waa dhaqankeenii.
Kani maha dhaqankeena sababtu waxaa weeyey Ilaahay waxaa uu yiri
jirkiina qariya marka uu la hadlayey haweenka oo is astura laakiin sidan
maha is asturidu sidan carabta ayaa lagu yaqaan, ayuu yiri.
Waa
aflagaado cad oo Nuuraddiin Faarax uu u gaysatey xijaabka ay xirtaan
gabdhaha jirkooda asturay una hogaansamay waajibkii rabaaniga ahaa ee
Alle saaray.
Aflagaadadani waxay cadaynaysaa sida Nuuradiin jaahilka uga yahay
aqoontana aanu ugu lahayn diinta islaamka iyo shuruucdeeda wuxuu
aflagaadeeyey arin cad sida qoraxda oo ilaahay ku amray haweenka
muslimiinta ah inay qaataan xijaab sida ku cad aayada 59 ee suurada al
axzaab ee ilaahay yidhi"
nebiyoow ku dheh xaasaskaaga iyo gabdhahaaga, iyo hawenka muuminiinta ah
inay isku dedaan shukadooda" sidoo kalana rasuulkeenii suubanaa
salalaahu calayhi wasalam wuxuu axaadiis badan ku sheegay sifada iyo
habka ay gabarta muslimada ahi isu xijaabayso" laakiin su,aashu waxay
tahay maxaa sababay in
nuuradiin u cadhoodo xijaabka iyo dumarka xijaabanbba? waa su,aal da
wayn oo madax daalinaysa jawaabtana isaga laga sugayo" su,aasha labaad
ee aan nuuradiin waydiinayana waxa ay tahay dhaqanka soomaalida iyo
islaamku mays diidan yihiin?
Waxaan u sheegayaa
nuuradiin in kuwo badan oo ka horeeyey ay la dagaalameen
xijaabka guud ahaan gaar ahaan ku dhaqanka shuruucdeeda"
qaar badan baa xijaabka gaar ahaan ku gubay fagaarayaal,
sida gabadhii u dhalatay wadanka masar ee huda shacraawi
halka dawlado islaam ah kuwo reer galbeed ahiba ay diideen
in gabadh xijaabani iskuul ama jaamicad dhigato, laakiin
fadliga ilaahay xijaabkii waa sii fidayaa ilaahayna wuxuu
yidhi:waxay doonayaan inay nuurka ilaahay afkooda ku
damiyaan ilaahna waa diidi inuu nuurkiisa taamyeelo mooyaane"
Weeradada xijaabka iyo
dumarka xijaaban lagu hayana maaha waxa hadda bilaabmay oo
nuuradiin u horeeyey mana noqon doonaan midkii ugu dambeeyey
mise nuuradiin wuxuu mooday in xijaabku gabdhaha dabro oo uu
u diido ka qayb qaadashada horumarinta nafteeda iyo
bulshadeeda waa mid mar kale muujinaysa sida nuuradiin farah
aqoondaradu uga hayso taariikhda islaamka"laga soo bilaabo
xilligii rasuulka salalaahu calayhi wasalam ilaa maanta
hawwenka musliminta ah ee xijaabani waxay qayb wayn ka soo
qaateen u adeega bulshooyinkooda dhinac kasta '
Nuuradiin waxaan kula talin
lahaa inuu ka cudur daarto hadaladiisii uuna ilaahay u noqdo
dambi dhafna waydiisto uuna iska i laaliyo inuu noqdo mid
loo adeegsado wax u dhinka iyo duminta islaamka halkii uu
maqaaladiisa iyo qoraaladiisa ka dhigi lahaa kuwo uu
kudifaaco diintiisa xilligan weerada culus lagu hayo waa
nasiib darro inuu isagu weeraradaa ka qayb qaato
adam m dirir
dirir114@hotmail.com Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 16, 2007


|