SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA SHIINE

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


Sigaarka Abwaanadu Maxay Ka Yiraahdeen?


Maxamuud Axmed Cabdalla

XAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]

April 04, 2004

abdall02@email.franklin.edu  

 

Jiiftadan sigaarka uu kaga hadlayo waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla. Sida aad ka war qabtaan in badan ayaa khasaaraha qaadku soomaalida ku hayo laga gabyey. Haddaba jiiftadan waxa si gaara loogu eegaya khasaarooyinka sigaarka. Waa wacyi gelin iyo ka waantayn dadka cabidda sigaarka. Akhris wanaagsan meel kastood joogtaan. Wixii faallo ah waa soo dhoweynaynaa.

 

  • Sigaarku belo inuu yahay

  • Aan idiin beyaanshee

  • Afkoo kaa bukhuuriyo

  • Midabkoo beddelan iyo

  • Wejigoo basaastiyo

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Bedenka iyo laabtiyo

  • Sambabkuu burburiyaa

  • Bukaan culus ku beeraa

  • Baanta iyo dhuuniga

  • Cuntadaad ka baydhaa

  • Calooshuu bennedayaa

  • Shaah bayla mooyee

  • Bar anfaca ka dhaarshaa

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Baakidh iyo adoo liqay

  • Buuriyo siyaadaad

  • Baryadiisa mudataa

  • Buuri fuudiddiisiyo

  • Bannaf baad ka dhaxashaa

  • Misna kama bogsootide

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Baradaad ku nooshahay

  • Hoyguu ku baahaa

  • Saxadiisa buriyaa

  • Uraan ka ba’aynoo

  • Biyo lagaga maydhiyo

  • Baarafuunku bi’in Karin

  • Waa sigaar baddiisee

  • Waana baahi joogta ah

  •  

  • Waa dhaqanka booboo

  • Si kastood ku bixisaba

  • Kharashkiisu badan yahay

  • Basar xumada deynkiyo

  • Sharaf laga boqooliyo

  • Wa ba’ iyo leelleel

  • Waana baahi joogta ah

  •  

  • Boqollaal kunoo midab

  • Dhadhan kala beddelanoow

  • Dabayshoo babbanaysoo

  • Dabku bixi karaynbaad

  • Ku bidhiiqisaa qaraf

  • Baarkuu ka ololaa

  • Adigoon wax baadayn

  • Dambaskaa bar halisiyo

  • Dhaayahaaga beegoo

  • Bilcataab ma weydide

  • Waana baahi joogta ah


Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2004

MAANSADA HORE

DIFAAC SUUGAANTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
March 15, 125
QAYBAHA DOODWANAAG

MAANSADA: Bilowga | 1:DAWO | 2:DADNIMO | 3:DARYEEL | 4:DADAAL | 5:DAACADNIMO | 6:DA.YAR | 7:DELEB 8:DAAWAD | 9:DABAQABAD | 10:DEEQ.EEBBE | 11:DEEGAAN | 12:DAWLAD | 13:DAHAB | 14:DIGNIIN | 15:DUCO | 16:DAYN.QARAN | 17:DAN.GUUD | 18:DUL.KA.XAADIS | 19:DULMI.DIID | 20:DOONTII | 21:DULQAAD | 22:DARAJO | 23:DALJIR | 24:DUGGAAL | 25:DABIIB | 26:DISTUUR | 27:DALKA | 28:DAREEN | 29:DADKAYGOW | 30:DANKAHADAL | 31:DEEQA | 32:DARWIISH | 33:DAWAN | 34:DIMOQRAADI
Shuruudaha Maansada ka mid Noqoneysa Doodwanaag:: GUJI

CURIYAYAASHA DOODWANAAG

Inj.Cibaar: DAWO | DADAAL | DULQAAD

Inj.Nabaddoon: DAACADNIMO | DADNIMO!

Shiine: DARYEEL

Stanza: Da’yart iyo Abwaanada


Anwar: Deleb | DeeqEebbe | DulKaXaadis


Hawd: DAAWAD


Xaraare: DABAQABAD


Xiirane: DEEGAAN | DulmiDiid


Bayid: DAWLAD


Baarqab: DAHAB


C/Nuur: DIGNIIN


Mowliid: DUCO


Kawnayn: DOONTII


kurweyne: DARAJO


Baarreey: DALJIR


CabdiWeli: DUGGAAL


Bulxan: DALKA


Siyaad: DAREEN


Mataan: DADKAYGOW


Dhagaafe: DANKAHADAL


Daylaaf: DEEQ


Axmed: DARWIISH


::SUUGAANTII CISMAN DAHIR::

HOOYAA QOYS KU DHISNAA::

:::QUBANE:::
Maansooyin Qubane ah oo ka baxsan Doodwanaag ka akhri halkan: GUJI
::: LUQADAHA:::
Luqadaha Adduunka iyo Heerarka ay Soo Mareen
::: MAAHMAAHYO:::
Maahmaahyo Saddexleey ah oo Cusub oo uu curiyey Abwaan Stanza
::: QAADKA:::

QAADKA vs SUUGAANTA:::


SHALAY IYO MAANTA ::SOM.

AFTAHAN.COM

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD