Qaadka vs Suugaanta
1.
Hordhac
Qaadku waa geed cagaaran oo
caleen jilicsan. Waa geed taagan oo aan aad u weynayn balse aan dhul jiif
ahayn. Waa geed roobaad aan biyo la’aan ku noolaan karin. Qaadku wuxuu u
qayb samaa noocyo aad u tiro badan, oo mid waliba magac iyo muuqaal gaar ah
leeyahay. Waxaana ugu caansan:
-
Dadar
-
Hereri
-
Miiroo
-
Taajuro
-
Haawadey
-
Uraagi
-
Iyo kuwo kale oo badan
Wuxuu
ka baxaa waddamada Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Marka uu cusub yahay wuxuu
leeyahay magacyo sida Waqal, Fareesh, Curdin, Baroo iyo Dhaylo. Marka inta
fiican laga dhamaysto, wixii soo hadha ee aanu qofku cuni karin, wuxuu
siiyaa xoolaha ama wuu daadiyaa, qaybtaas aan la cunin ee la daadiyo waxa
loo yaqaan Garaabo. Marka uu gaboobo ama uu xoogaa yaalo ee uu jactedo, waxa
la yidhaahdaa, Baarixi. Qaadka waxa badanaa laga cunaa waddama
Afrikada bari oo dhan. Sidoo kale waxa laga cunaa Yemen iyo waddamo kale oo
Afrikada waqooyi ah.
Qofka qaadka cunaa
markasta dhiigiisu wuu kacsan yahay waxaana ku yaraada; hurdada, cuntada,
dulqaadashada, degenaanshaha, naxariista, samirka, qajilaada (yaxyaxa),
caqiidada, runta, iimaanka, wakhtiga iyo kharashka. Sidoo kale waxa ku
yaraada, socodka, shaqada, fekerka, firfircoonida ama nashaadka.
Qofka cuna qaadka waxa ku
bata; cadhada, cayda, muranka, nacaybka, colaada, naxariis-darrada,
baqdinli’ida, dagaal, shaxaad, tuuganimo, beenta, khiyaaliga, munaafaqnimada,
qabyaalada, xanta, faanka.
Qaadka noocyadiisu aad bay
u faro badan yihiin gobol waliba waxa looga yaqaan magacyo badan, qofka aad
qaadka u kala yaqaan, waxa la yidhaahdaa, ninkaa hebel waa qaad yaqaan,
ninka aad u cunna waxa loo yaqaan, ninkaa hebel waa Qaad-qabax.
Ninka qaadka iibiya waxa loo yaqaan Qaadle, gabadha iibisana waxa la
yidhaahdaa Qaadley/Jaadley. Xidhmada qaadka ah waxa la yidhaahdaa Mijin,
labada xidhmoodna waxa la yidhaahdaa laba Minjood, afarta minjoodna waxa loo
qayaan Marduuf, mijinta badhkeedana waxa la yidhaahdaa Caqaar, caqaarta
badhkeedana waxa la yidhaahdaa Cii-caqaar. Qaadka meesha lagu iibiyo waxa la
yidhaahdaa Kabadh ama baaq.
2.
Qaybaha
Qaadka
DADAR:
Dadartu waxay ka mid tahay noocyada ugu caansan qaadka, waxay ka baxaa
waddanka Ethiopia iyo Yemen. Waxay xidhmadiisu le’eg tahay ilaa 50 laamood
oo yar yar iyo waaweyn isugu jira, waaweyn wuxuu noqon karaa ilaa 20 qori oo
waxa la yidhaahdaa, laamo inta yar yarna waxa la yidhaahdaa Guush. Waxa laga
cunaa Ethiopia, Yemen, Somalia iyo Somaliland inteeda badan, siiba goboladda
Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo iyo dhammaan
degmooyinkooda iyo tuulooyinkooda. Waa nooc aad u darran (murqaan waalan) oo
qofka cunaa uu la kulmayo hurdo yaraan iyo cadho badan. Dadar waxa la cunaa
curubta caleenta inta jilicsan ee baarka ah, caleemaha waaweyn ee adkaada
waa la qubaa oo waxa la yidhaahdaa Garaabo. Wuxu ugu fiican yahay cunidiisu
maalinta uu cusub yahay, haddii uu labo habeen dhaafo wuxuu noqdaa Baarixi
oo waa la daadiyaa ama xoolaha ayaa la siiyaa, mar marka qaarkoodna sida ka
dhacda magaalooyinka waaweyn, qaadka habeenkii soo hadha waxa loo gudbiyaa
magaalooyinka yar yare aanu qaadku maalintii gaadhin si loo Baarixi tiro.
Waxa dadarta cunidiisu ugu fiican tahay inta u dhexaysa 1:00 duhurnimo ilaa
6.00 fiidnimo, sidaasi laajigeed habeenkii aad looma cuno.
HERERI:
Hererigu waa nooc ka mid ah qaybaha qaadku u kala baxo. Waa geed dherer
ahaan ka weyn ama ka dheer geedka Dadarta, wuuna ka caleen bal balaadhan
yahay, xidhmo ahaana wuu ka weyn yahay dadarta. Hererigu waa geed aan
dheecaan badan lahayn, oo caleen qadhaadh . Xagga murqaanka wuu ka mirqaan
yar yahay dadarta waanu ka qabow yahay. Dadka sida ba’an u cuna Hereriga
waxay yidhaahdaan wuxuu u daran yahay afka. qofka cuna ilig ku yeedhi maayo.
Hererigu wuu ka adag yahay
dadarta caleen ahaan, sidaasi awgeed kuma gelayo taraag dheer oo loogu qaado
meelo uu dhawr habeen u sii dhaxayo, culays ahaana wuu ka culus yahay
dadarta, cuf ahaana wuu uga weyn yahay.
Hererigu wuu ka adkaysan
badan yahay dadarta, wuxuu ooli karaa ilaa saddex ama afar casho haddii meel
qabow oo hadh qabow oo biyo leh la dhigo, milicda iyo neecawdana laga
ilaaliyo, sidoo kalena aan la huurin oo dhididka laga dhawro. Qofka hereriga
cunaa wuxuu cuni karaa curubta caleenta oo keliya, (baarka caleenta ee
jilicsan) wuxuu leeyahay hererigu caleen waaweyn oo garaabo ah lamana cuno.
Waxa lagu cabiraa xidhmadiisa habka halbeegga, waxa ugu weyn hab cabirkiisa
kiiloo, waxa ku xiga badh, waxa ku xiga saddex-meelood waxaana ugu danbeeya
afar-meelood. Mijinta dadarta ahi waxay u dhigan taa saddex-meeloodka
hereriga ah, halka afar-meeloodka hereriga ahina ay u dhiganto caqaarta
dadarta ah.
MIIROO:
Miiroogu waa qaad aad u yar yar oo xidhmadiisu le’eg tahay Cii-caqaarta
dadarta, halka marduufkiisu le’eg yahay mijinta dadarta ah, waxaana
xidhmadiisa la yidhaahdaa Uurbeyto, Mijin iyo Marduuf. Miiroogu waa qaad
aad u kulul oo ka murqaan badan qaadka kale oo dhan. Waxa la cunaa diirka
qoryaha oo keliya, halka caleentiisa iyo garaabadiisaba la daadiyo, waxa
celeentiisa laga qaadaa dibiro, sidaasi awgeed waxa la cunaa curubta qoyan
ee laamaha xaggooda hore iyo diirka laamaha. Markaa waa qaad murqaan badan
qofka cunaana cirkaa ayuu isku shareeraa marka uu qayilaayo murqaan dartii.
Badanaa miirooga waxa lagu cunaa waddanka Kenya oo uu ka baxo, Soomaaliya
iyo waddamada Yurub sida Netherlands (Holland) iyo United Kingdom (England)
oo la keeno.
3.
Saamaynta
Xoolaha
Qaadku
xagga Soomaalida cunidiisu waa shay ka caadi ah oo wax xumaan ah uma arkaan.
Adduunka waxa ka dhacda in khumaadaraadka kuwa ay caadada u leeyihiin sida
khamriga ay u sameeyeen sharciyo xadida ama nidaamiya, sida meelo gaar ah oo
lagu cabo ama lagu iibiyo, iyo wakhtiyo gaar ah oo la cabo. Waxa kale oo ay
u sameeyeen qaynuun kaantaroolaya sida loo cabayo iyo da’da cabi karta inta
ay tahay. Soomaalida ma jirto cid isu xilsaartay inay xakamayso ama
nidaamiso qaadka. Dawladdii uu madaxda ka ahaa Siyaad Bare dhawr iyo
sideetankii mar ayey isku dayday inay joojiso qaadka, hase ahaatee way u
taag iyo maaro weydey, aakhirkiina faraha ayey ka qaaday, intii ka
danbeysayna maalin maalinta ka danbaysa oodaha ayuu sii jabsanayey qaadka
cunidiisu. Dhanka kale waxa subax walba magaalooyinka waaweyn ka daaq tegi
jirey oo ka foofi jirey riyo aad u tiro badan, oo dadka magaalada deggeni ay
carruurtooda u maali jireen. Riyahaasi waxay had iyo jeeraale u daaq tegi
jireen dhulka miyiga ah ee magaalooyinka ku hareeraysan, waxaana daaq geyn
jirey dad lacag ku qaadan jirey oo wax ma haysato u badnaa.
Qaadku wuxuu ka mid yahay
geedaha xoolaha loo baneeyey, inkastoo aad moodo inuu geedka qaadku ka duwan
yahay dhirta kale ee ay xooluhu cunaan, waayo neefka bartaana wuxuu ka jecel
yahay geed kasta, neefka aan hore u cunina afkaa ma geliyo. Xooluhu haddii
ay hadlayaan beri hore ayey dacwad ku soo oogi lahaayeen dadka, iyagoo odhan
lahaa waxay naga qaadeen geed ka mid ah dhirtii aanu quudan jirnay.
Colaadihii iyo abaarihii ba’naa ee Soomaaliya ka dhacay
waxay sababeen in xoolihii miyigu ay magaalooyinka ku soo shubmaan kolkii uu
dhulkii xaaluf noqday ama ay waayeen cid daaq geysa oo ka fogeysa halkii ay
ku xeroodeen, ama sida dhacday uu dadkii miyigu hawshoodii iska nacay.
Waxaan ku arkay magaalada Berbera geel iska dhex daaqaya suuqa oo sidii
dameeraha kudaafadaha iyo meelaha qashinka lagu daadiyo xaabaaya. Waxa aan
ku yaab gelinayn markaad aragtid riyo magaalada dhex maraya oo dadka ay isku
haystaan cuntada ama sidii bisadihii hudheelada xaabaya. Reer waliba wuxuu
la tabcaansan yahay rida uu haysto, waxay isu miisaami kari laayihiin rida
manfaceeda iyo kharashka ku baxaya, sida cawskeeda, biyaheeda iyo
ilaalinteeda. Waxa intaas dheer inay rida magaalada lagu haystaa ay maalin
walba soo hoyso qaan. Qaanta ay soo hoynaysana waxa ka mid ah inay guri reer
leeyahay xaddo, inay inta suuqa gasho raashin meel iska yaala oo la iibinayo
soo boobto, ama ay sidoo kale hudheel gasho oo raashinka ay bililiqaysato,
dabadeedna geed jiridii lagu xidho, galabtii kolka la damco in la soo
xereeyana laga war helo inay dayn u xidhan tahay.
Arrimahaa kor ku xusan oo
dhami waa arrin sahlan kolka loo eego midda qaadka. Qaamahaas oo dhan si
fudud ayaa looga gudi karaa, ama qaanlaha ayaaba dar Ilaahay uga saamixi
kara Mayeedhaanka. Hase yeeshee waxay talo faro ka haadaysaa marka ay
ridaasi jawaan qaad ah oo yar baylahay ay afka darto, isla markaana ay dhawr
marduuf afka iska mariso. Dabadeedna qofkii lahaa xitaa uu inkiro inuu rida
leeyahay, waayo maanta waxay gashay qaan aan la goyn karin oo ka weyn tii ay
hore u geli jirtey, waxaana ridaasi ay u deldelan tahay deyn aan xitaa
nafteeda haddii la iibiyo aan la bixin karin. Markaa qofkii lahaa wuxuu isku
qanciyaa inaanu sheegan inuu leeyahay iyo inkale. Waxaanu ku adkaystaa bal
sida uu ka yeello dhibanaha ay maalkiisii cuntay. Mar mar ayuu qofka
dhibanaha ahi iska saamaxaa ridaas oo uu fiidkii iska soo daayaa, balse
intooda badani way xaraystaan ama geed cidla ah ayey ku xidhaan dhawr casho
ka dibna ama way iibiyaan ama way iska sii daayaan.
Ridaasi qaanta loo
qabsanayo oo keliya kuma nabad gasho hase ahaatee, mar marka qaarkood ayey
iyadu noqotaa dhibane. Waxa dhacda in qof ay dhawr casho oo hore ay boobtay
oo ciil hore u qabay uu arko iyadoo soo noqotay oo doonaysa inay maantana
boobto dabadeed uu la beegsado nabar halis ah oo aanay ka soo kici karin si
uu xanuunjiyo ridaas si aanay dib ugu soo noqon, sida inuu dhagax ku dhufto,
inuu budh si naxariis darro ah ula beegsado, iyo inuu cawaro oo wax halis ah
oo kaga dhiijina uu ku dhufto, sida inuu il ka soo rido oo kale. Haddaba
waxa hubaal ah rida barata cunida gaarabada iyo boobidda qaadka in aanay la
mid ahayn riyaha kale. Waxa ay yeelataa hamuun gorayaale, iyadoo ka dheerayn
og kana sir baradan riyaha kale ee xaafadda kula nool, waxay noqotaa sida
waraabaha oo kale, “ka ridaay, ka celiyaay” ayey maalin oo dhan
ridaasi u heelan tahay. Waxa iigu yaab badnayd mar aan arkay ri’ qaad waalay
oo ka garaabaysata xerooyinka qaadka lagu iibiyo. Ridaasi waxay hoos
ordaysaa kabadhada qaadka, waxay beegsanaysaa qofkii ka yar jeesta qaadkiisa
iyo ka mashquulsan ee yar bahardaadsan dabadeena way boobaysaa ilaa laga
ridayo. Sidoo kale dadka dariiqa maraya ee qaadka soo iibsaday ee
laalaadinaya ee aan xidhin ayey si cad oo badheedh ah u dhufsanaysaa ka
dibna xawaaraha ugu dheereeya ayey ku ordaysaa. Haddaba waxa i cajab geliyey
markii aan arkay meesha qaadka lagu iibiyo oo cawskii qaadka lagu soo xidhay
afkaa ka taagan yahay oo aanay ridu sinaba u quudayn cawskaa qoyan balse ay
ku miyir la’dahay qaadka.
4.
Suugaanta
iyo Qaadka
Abwaankii
weynaa ee caanka ahaa C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde)
Naxariistii jano Ilaahay ha ka waraabiyee, waxa uu tiriyey gabay uu ku
sheegayo inay qabyaaladda iyo qaadku yihiin labada shay ee keliya ee
hortaagan inay Soomaalidu heshiiso, iyadoo wakhtigaana ay dadka soomaaliyeed
qabiil qabiil u diriri jireen, isagoo arrintaa ka gabyaya wuxuu yidhi:
Qayrkii
ka hadhe
-
Nin qalbila
quraankaw akhriyey qaaf dheh ku horaadye
-
Kutubaha sidii
lagu qariray qiila aakhiro’e
-
Qayrkii ka hadhe
waa ninkii qalay walaalkiiye
-
Haddii geed qalalo
roobku waw qamac kaliileede
-
Dirxiga qurunku
uma soo uree waabu quudsadaye
-
Qasaaraha
dhexdeeda’ah haddaan layska qabanaynin
-
Qabaa’iil iyo jeeroo la naco Qaadkan lagu waashay
-
Qasdi jeeray wada
yeelatoy, qawlka ku heshiiso
-
Qabyo weeye
soomaaliyey, qiiradaadanuye
Ilaahay
naxariistii jano haka waraabiyee wuxuu ahaa C/laahi Suldaan Timacade. Oo ka
hadlayey Qabyaalada iyo qaadku siday ay Soomaalida u qarbiyeen.
Dhanka
soomaaliya qaadku waxa uu si caam ah ugu baahay oo qofkastaa cunay,
lixdankii iyo intii ka dambeysey, wakhtigaa intii ka horreysey qaadka waxa
cuni jirey waddaada oo kaliya, iyagoo odhan jirey Qur’aanka ayaanu ugu soo
jeedaynaa. Waagaas lixdankii waxa soo baxay heesaha oo noocii ugu horreeyey
oo loo yaqaaney balwo, waxaana badanaa la tuman jirey balwada
habeenkii. Markaa qaadka halkii qur’aanka loogu soo jeedi jirey ayaa waxa
loogu soo jeeday balwadii. Maanta qofka qaadka cuna waxa loo yaqaan qof
balwad leh, iyadoo lagu xidhiidhinayo inuu sameeyey wax aan banaanayn.
Qaadku waxa uu
ku kiciyaa dhiiga qofka cuna, sidaasi laajigeed waxa qofka ku yareeyaada;
hurdada, cuntada, naxariista, dulqaadashada, degenaanshaha, xishoodka,
samirka, caqiidada, runta, iimaanka iyo kharashka. Waxa kaloo uu ku yareeyaa,
socodka, shaqada, firfircoonida ama nashaadka.
Tixdan waxa
tiriyey abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo ka hadlayey qaadku sida uu raggii hawl
gab uga dhigay, una aafeeyey firfircoonidoodii, wuxuu ku ammaanayaa dumarku
inay hawshoodii ka soo baxeen oo ay hanteen quudinta ubadkooda iyo
xanaanaynta dadka waaweyn. Waxaanu Ilaahay ka baryayaa inuu haweenka ka
abaal mariyo khayrka ay u galeen ummaddooda. Wuxuu yidhi:
Raggii waa saxalsan yahay
Sifihii loo raaci laa
Qof suureeyaa ma jiro
Xilqaan isma saarayaan
Maqaaxi bay siman yihiin
Munaafaqaday subkaan
Sowd beenay ku hadlayaan
Cidlay saylaynayaan
Waxay sahaminahayaan
Sagaaraan ka cabbi karin!
Hadday soo xoogsadaan
Wixii ay soo heleen
Ciyaalka ma siinayaan
Balwado silicay barteen
Sigaar iyo qaad xunoo
Malaha sixir loogu daray
Ayay kula sii socdaan
Hadhowtana waa salcaan
Masuuliyad saaran bay
Ka seexdeen oo dayacan
Haweenkii waa sondolo
Sumcaddoodaa u wayn
Ciyaalkii bay sidaan
Siqiirkay korinayaan
Waayeelkay wax siinayaan
Ilaahay baa u saqiray
Tirada boqolkee la sugo
Sagaashan waxaa ku jira
Sax howshoodii u wada
Ilaahow saatirow
Abaalmarintooda sii
Jaamac Kediye Cilmi
Hal abuur lagu
magacaabo Daa’uud Xuseen Axmed ayaa waxa naga soo gaadhay maanso uu Qaadka
metelayo, isagoo hal-abuurku qaadka iska dhigaya waxa uu yidhi:
Magacaygu waa qaad
Geed qadhaadh ayaan ahay
Qasaaro iyo dhib baan ahay
Ruux kastaa i qaatoo
Qoryahayga feentana
Hurdadaan ka qadaa
Qaadiraan ku reebaa
Fahdi qiimo daraniyo
Qorsho aan dhamaaneyn
Qarow baan ku beeraa
Waxna uma qabsoomaan
Qaadku waxa uu
ku beeraa qofka cuna, kuna sii kiciyaa; cadhada, cayda, muranka,
naxariis-darrada, nacaybka, colaada, shaxaad, tuugada, dagaalka, beenta,
khiyaanada, munaafaqnimada, xanta, qabyaalada iyo faanka.
Abwaanka Abshir
Nuux Faarax (Abshir Bacadle) waxa uu soo bandhigay ilaa lixdan
dhibaato oo uu qaadku leeyahay; abwaanku wuxuu aaminsan yahay inuu qaadku
yahay waxa qabyaaladda dhaliya, inuu qofka cuntada ka yareeyo, inuu hurdo
la’aan sababo, inuu qaysaska dumiyo, inuu qofka cuna qayrul-masuul
qaraabo-gaws ah ka dhigo. isagoo arrintaas ka gabyaya waxa uu yidhi:-
Qaadaw adigaa leh
Boqolaal
qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow
adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow
adigaa leh
Qalbi qooqan
qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow
adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran
qaadow adigaa leh
Qalbi guban
sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban
qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama
qaadow adigaa leh
Iska qaado
qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow
adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qudhmuun
qaadow adigaa leh
Kaasi wuxuu
ahaa abwaanka Abshir Nuur Faarax (Bacadle)
oo ka hadlayey dhibaatada qaadku leeyahay.
Dhanka kale,
qaadku wuxuu kulmiyaa dadka qayila oo dhan, si ay u wada sheekaystaan ama ay
afkaar isu weydaarsadaan. Qaadku wuxuu faydaa xaydaabka derejo ee dadku kala
sito, marka la cunayo ciddina cid kama derejo sarayso, xaajiga iyo xayraanku
meel bay wada fadhiistaan, macallinka iyo ardaygu sigaarka ayey kala
hanbaystaan, odayga iyo wiilkiisu mijintay kala jeexdaan, ninka iyo soddogii
meel ayay ka wada sheekeeyaan, taajirka iyo faqiirkana sheekadu way isugu
baxdaa, kol haddii aanu qorigaa ii dhiib ku wareerinayn. Sidoo kale, qaadka
wakhtiga ayaa laysku dhaafiyaa, werwerka ayaa laysku ilowsiiyaa, qofka
cunayaana raaxo ayuu dareemaa inta uu murqaansan yahay.
Salaadda
Siday
abwaannadu isku raaceen qofka qaadka cunaa salaad ma tukado, haddii uu
tukadana mid khushuuc leh oo wakhtigeedii joorta ma tukado, waxa taas ka
marag kacaya beydad ku jira gabay uu tiriyey abwaanka Maxamed Xaaji Cali
Cabdulle,
oo uu leeyahay.
Khushuuc ma leh salaad nin qayilay qawda ku hayaaye
Qalana lama ogala iyo maanta waan qaadirays nahaye
abwaannada
qaarkoodna waxay sheegeen inuu qaadku wakhtiga salaada waxyaabo kale ku
mashquuliyo, abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir)
isagoo arrintaana ha hadlaaya waxa uu yidhi :-
khushuucdiyo salaadoo markaa jamac la qiimaayo
qasdigaaga oo wacan inaad qabato kuu diidye
qoryahaa dhamee iyo waxbuu kugu khilaafaaye
Furniinka
(kala tagga)
Dhibaatooyinka
uu qaadku leeyahay waxa ka mid ah inuu ragga inta badan ka dhigo
Qayrul-musuul aan reerkiisa dhaqan karin, waxaanu colaad kala dhex abuuraa
labada isqaba. Had iyo jeer ninka qayilaa reerkiisa ma daryeelo,
carruurtiisa kama war hayo. Si aynu u ogaano inay dhab tahay in qaadku
furniinka reeraha sabab u yahay waxaynu soo qaadanaynaa suugaanta ka
hadlaysa arrintaas.
Weli qaybtani
ma dhamma; wixii aad ku soo darsanaysid [Udir email
Suldaan@aftahan.com ]
Allaa mahad leh
Yaasiin Jaamac
Nuux (Suldaan)
Suldaan@aftahan.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004
.CILMI
BAARINS KU SAABSAN QAADKA... GUJI
.SIGAARKA
IYO ABWAANADA
.2000kii
IYO ARAGTIDII DADWEYNAHA EE QAADKA
MAANSADA
HORE |
MAANSADA
XIGTA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|