SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

W.T: Siyaad Maxamuud Muuse
Konfur Afrika
Email:
alikhayr@hotmail.com


Dareenka Bulshada


Siyaad Maxamuud Muuse 

  W.T: Siyaad Maxamuud Muuse

Maansadan la magac baxday Dareenka Bulshada , waxaa Curiyay Abwaan Siyaad Maxamuud Muuse oo deggan waddanka South-Africa ( Koofur-Afrika). Maansadu waxay ku soo biirtay taxanaha Suugaanta Doodwanaag 19-12-2004, waana maansadii 28aad ee silsiladda
Abwaanku wuxuu soo tabinayaa dareenka bulshada wanaag-doonka ah ee jecel in ay dib u arkaan sharaftii iyo cisigii ay Ummadda Soomaaliyeed ku lahayd dunidan guudkeeda. Maansadu waxay cabiraysaa in ay dadka wanaagdoonka ahi ka qanceen colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee aan ujeedda lahayn.
Abwaanku wuxuu iswaydiinayaa waxa helay ee ay kaalintoodii u bannaantahay indheergaradkii ummadda, wuxuuna si gaar ah u dhalliilayaa dhallinyarada maanta oo uu u arko kuwo kaallintoodii ka gaabiyay, iyagoo doorwayn ku leh dhibka soo gaaray dadkii Soomaaliyeed. Waxayna maansadu dhallinyarada ugu baaqaysaa in ay la yimaaddaan dadaal, isku-duubni iyo wax qabad, ayna dhexda u xirtaan sidii ay ummadooda uga badbaadin lahaayeen dabar-go’idda ay maanta qarka u saaranyihiin.

Dareenka bulshada

Haddaan nahay dadwayanaha
Doonaya wanaaggiyo
Daacad iyo sinnaaniyo
Dastuurkii Islaamkiyo
Diintoo la raaciyo
Umaddoo daryeel iyo
Hesha dawlad caadilo
Dalkoodii ka curatiyo
Calankoodii dooggoo
Laga duubay dunidaan
Oo dib loo qotomiyoo
Daruuraha babanayoo
Isagooy dabayluhu
Hadba dacal u ruxayaan
Wadankina dul-sudhanoo
Darajaduu lahaan jiray
Dusha oogu maran tahay
Diiftiyo dhibaatada
Darxumadana maydhoo
Dugsi iyo gabbaadiyo
Dayr noqoto Maandeeq
Lagu diirsadoo wacan .

Haddaan nahay dadwaynaha
Dareenkii bulshada sida
Isku duubanee raba
Dadaal iyo wax-qabad iyo
Dardar inay sameeyaan
Dhakhso inay u doonaan
Nabadday dugsanayeen
Bulshadiyo dadwaynaha
Dib inay u raadshaan
Walaalihii la kala dilay
Isku diray danaystuhu
Durba inay heshiiyaan
Dawlad ay samaystaan .

Haddaan nahay dadweynaha
Dareenkii bulshada sida
Isku duubanee raba
Wixii horay u daashaday
Wixii horey u soo dagay
Wixii horey u soo dilay
Inay dooriyaanoo
Diidnay ay yidhaahdaan
Danta ay ka raacaan
Duugaan qabiilkiyo
Dilka iyo dagaalkiyo
Colaaddaan damayn iyo
Dabkan laysku haystee
Laysku wada dilaayee
Dukum daakum naga dhigay
Dalkeenii sidaan yiri
Ku le’deen dadkeenii
Naga yeelay digadiyo
Dayday iyo sabooliyo
Darbijiifyo liitoo
Dalanbaabi meelaha
Duruufuhu ku ciilaan!

Hadaan nahay dadwaynaha
Dareenkii bulshada sida
Digniin waxaan u diraynaa
Tuuggiyo dillaalkiyo
Isku diraha ummadiyo
Danaystiyo Af-miinshaar
Daba dhilifka gaalada
Doolar qaate nacasiyo
Dagaal-ooge oo idil
Dulmigiyo dhibaatada
Dadka ay ku haayaan
Waa inayska daayaan
Dacal ooga baydhaan
Dariiqay ku joogaan
Damiyaan colaadahan
Ay daadaheeyaan.

Hadaan nahay dadwaynaha
Dareenkii bulshada sida
Waxaan dood ku leennahay
Duqaydiyo waxgaradkiyo
Aqoonyahanka dadan iyo
Culimaa’u-Diinkee
Doorkay lahaayeen
Waxa ay u dayaceen
Ficil daa warkiisee
Dibnahoodii waxa xiray
Marna ay u diirayn
Noona daawanaayaan
Dhibka noogu daayeen
Dar-Ilaah Su’aalnaye
Bal jawaab wax deeqdiyo
Dawgaa ha sheegeen ?

Hadaan nahay dadwaynaha
Dareenkii bulshada sida
Midh yaroo dardaarana
Dhallintaan u diraynaa
Damiirkoodii lumiyee
Dhaqankoodii diidee
Hiddahoodii duugee
Afkoodii dafirayee
Gaalada ku dayanee
Dalkii looga baahnaa
Darxumooyinkiisiyo
Ka diimoon dhibkiisee
Damqashadii ka suushoo
Baryid mooda darajada
Daydayi waxaan jirin
Dabadeedna faanini
Dimuqraadigaan yiri
Ragii dumar ha laga dhigo
Diin laawayaasha ah
Durduradu ma fiicnee
Haddii uu damiir jiro
Dar-Ilaah su’aalnaye
Daliilkay ku raaceen
Ama ay ku doorteen
Dufan laysi siiyiyo
Doollarka suntaa iyo
Dersi kale miduu yahay
Dadka how caddeeyeen!

Dhallintaan dugsanaynoow
Xoogaggii dalkeennoow
War bal degelladii daya!
Diiftaa ku taallaa
Waa dabacsanaantiin
Iyo dammanidiinnee
sida ul iyo diirkeed
Idinkoo is doontoo
Tafaraaruq dirayoo
Isku duuban oo mida
Maad xummaati diiddaan
Dadaal maad billowdaan
Dadqallada yuraysaan
Dabbaqdaan aqoontiin
Danyar ugu adeegtaan
Dayac-tirka dhulkiinniyo
Dhismaha Dowlad Qarannimo
Ummaddiinan dayacaa
Maad ku soo dabaashaan?

Haddaan nahay dadweynaha
Dareenkii bulshada sida
Mid kaloo dardaraana
Isku duubni wadartiis
Shacabkaan u diraynaa:

War bal daya Soomaalaay
Baladkeena dihanee
Dahabka iyo Luulkiyo
Dheemanku dul yaallee
Duunyadu ku nooshee
Wabiyadu durdurayaan
Biyihii ka daadana
Beeraha ku daacaan
Oon hoosba loo dayin.

War bal daya Soomaalaay
Doonyahan kalluunkii
Lagu soo dabayn iyo
Gaajada na dubatiyo
Badda deeqahaa yaal!
Darajuu na siiyoo
Daa’in noo gargaaryaye
Dalambaabi socodkiyo
Dibadaha u dhoof iyo
Dawarasigu ma sharaf baa
Mise waa dabbaalnimo?

Intaas oo is daba-taal
Hadii laysku wada daro
Oo daaha loo rogo
Daacad loo habeeyo
Degganaan la kaashado
Miyaan lagu dagaynoo
Aan lagu dawoobayn ?
Dakhligaa ka soobaxa
Miyuu gaajo dayrayn ?
Ama uu na deeqayn
Oon dharag la daacayn ?
Darartiisa  oo qudha
Innagays dulleeynee
Dad baan oogu horreynaa .

Haddaan nahay dadwaynaha
Dareenkii bulshada sida
Waxan ugu dambayntii
Dabuub kale ku leennahay
Abwaannada dadaalee
Doodwanaag sameeyoow
Soomali dibbatoo
Nacabkeed duggaashee
Noo sheega Dastuurkiyo
Nidaamkay ku dagi layd
Daran doori weeyee
Dooddaasi noo furan
Dowliskana dhankiinnii  
Daa’im Hayna garab galo.

-----------------------
AAmiin AAmiin AAmiin
W.T: Siyaad Maxamuud Muuse
Konfur Afrika
Email:
alikhayr@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 31, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD