SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


DARYEEL

Maanso: DARYEEL Waxa tiriyey: [Maxamuud Axmed Cabdalla]
2/20/04

Hordhac:


Maxamuud Axmed Cabdalla


Maansadan waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla [Shiine]. Maxamuud waxa uu ku sugan yahay waddanka Maraykanka halkaa oo uu wax barasho u joogo. Maansadan oo soo baxday taariikhda kor ku xusan waxay ka mid tahay deelley taxane ah oo la magac baxday “Doodwanaag” oo ka soo billaabtay, maansadii Dawo ee uu tiriyay walaalkeen Cibaar. Waxa kale oo xusid mudan, maansadii labaad oo la yiraahdo “Dadnimo” oo uu tiriyey walaalkeenna kale Cumar C/Nuur.

Ujeeddo:

Ujeeddada ugu weyn ee abwaanku tixdan u curiyey waa in suugaantan lagu baraarujiyo ummada soomaaliyeed. In hab suugaaneedkan lagu baadi goobo nabad iyo dib u heshiisiin waarta. In la is dhaafsado ra’ayiyada kala duwan laysna dhegaysto. In sidii walaalkeen Cibaarba sheegay laga abaal celiyo xaqa waddankeennu inagu leeyahay. Iyo ugu dambayntii in lagu dagaal galo suugaan, aragti, iyo xataa haddii loo baahdo ficilla kale oo wax ku qabsoomi karaan, walowba ay noqoto in aan nafta u hurno xaqa.

Gogoldhig:

Qaybta 1aad ee daryeel waxay taabanaysaa guud ahaan doorka suugaantu ka qaadan karto nolosha bulshada. Waxay kale oo tilmaamaysaa dhaqdhaqaaqan waanwaanta cusub oo tirinta maansooyinka laftoodu ka mid yihiin. Waxay ku soo xidhmaysaa qaybtani, tibaaxidda ulajeeddada laga leeyahay nabad raadinta, meel kastaba ha laga wadee.

Qaybata 2aad waxa abwaanku dib u jalleecayaa dhacdooyin musalsal ah oo tusaale ahaan uu u soo qaatay. Tusaalayaakani waxay ku salaysan yihiin dood dhex martay nin iyo hal geela oo uu lahaa, oo hashii cabanayso isaguna ka qancinayo dhibaatadeeda. Isla qaybtan waxay ka hadlaysaa dood dhexmartay nin dagaal ooge ah iyo nin shicib ah oo ku wada hadlay arrinta dagaalka sokeeye ee soomaaliya ka dhacay.

Qaybta 3aad waxay tix raacaysaa qaybta labaad. Waxay tilmaamaysaa in qarannimadeennii daawo loo heli karo, haddii laga hadlo sidii qisooyinkii tusaalaha ahaa. Isla qaybtan wuxu abwaanku su’aalo ku weydiinayaa shacbiga iyo goloyaashaba, waxa daw galka ah iyo waxaan ahaynba.

Qaybta 4aad waxa abwaanku kaga hadlayaa sida joogtada ah ee isaga iyo inta la midiba ay waano ugu soo jeediyaan ummada had iyo goor. Waxay kaloo qaybtani dadka u soo jeedinaysaa waano iyo inay dadku heshiiyaan kana waantoobaan dhibaatada ku habsatay.

Qaybta 5aad oo ugu dambaysa waa tusaalayn inay ummaddeennu bal ku daydaan qayrkood. Qaybtani waxay aad ugu nuuxnuuxsanaysaa horumarka dalalka iyo dadka kale ee qayrkeen ah. Waxay tixdu ku soo gunaanadmaysaa, isku dhowaanta dadka soomaaliyeed iyo wax isu ahaanshahooda in aan shaki la gelin karin.
Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 

Sidan ayay tixdii ku bilaabmaysaa:


In abwaanku digi karo
Ergo daadahayn karo
Nabaddana dabbaqi karo
Damin karo colaadaha
Nabarkana daweyn karo
Dunji soo jireen iyo
Waa dhaxal da’ weynoo
Dunidani u siman tahay
Marna diradiraaliyo
Inuu yahay fidnada dume
Ummaddana derderi karo
Dab dhexdooda dhigi karo
Dagaal huriye noqon karo
Dunji soo jireen iyo
Waa dhaxal da’ weynoo
Dunidani u siman tahay
Waxan uga dan leeyahay
Murti dacalla dheeriyo
Deelleyda jiiftada
Dabuubteeda maansadu
Daawo waxay u noqotaa
In danaysa nabaddiyo
Dooddiyo tusaalaha
Dad u dhuun dalooloo
Dareenkoodu noolyahay
Waxan uga dan leeyahay
Dalkeeniyo dadkeennii
Ducfibaa ku raagaye
Dullinimadu way bixi
Maantana daruuriyo
Dabbaa ii bidhaamoo
Daaqadbaa iftiimiye
Qarankii la dumiyiyo
Rajadii daboollayd
Doorarbaa u kacayoo
Digadii hulaaqdiyo
Dambaskii dulsaarraa
Waa laga dillaacshee
Kuwa doonayaa jira
Inay derejo muujaan
Dib u soo dabbaalaan
Sharafteennii doonaan
Magaceenna duugga ah
Dunida ugu baaqaan
Calankeenna doogga ah
Inay dhab u difaacaan
Gobannimo daryeelaan
Isku duubnideenniyo
Damiirkeenna kobocshaan!

Hawraar duqaa tiri
Ma hungowdo daacadi
Dubaakhiis Hadraawiba
Wuxu samo ku daakiray
Isu diirsamaan iyo
Ugu daalay waanada
Daafaha adduunyadan
Waa laga dareemee
Cibaar wuxu daneeyee
Cumar ugu dedaaloo
Anna ugu doc taagnahay
Da’roontiyo waxgaradkow
Doonis weeye nabadeed
Waa xaqoo la daalibo
Waa colaad la dabarjaro
Waa dantoo la garabgalo
Waa dilkoo la maanaco
Waa caddaalad degeshada
Dulmigana ka daahira
Waa dawlad maamula
Dibindaabyadiisiyo
Dagaal oogahana dira
Waa diida cadowgiyo
Amxaar docadocayntiis
Waa dalkiinna aammina
Waa daryeela aadmiga
Waa diinta laasima
Dembigana ka daw fala
Waa reerka dib u dhaqa
Waa ubadka daaddihin
Waa dumar xannaanayn
Waayeelka derejayn!

Afartaa da’ iyo deel
Dayaxiyo shamsada iyo
Sow diir kama caddayn
Sidii macallin daaciya
Dooddiyo ka fiirsiga
Sow daliil umaan dhigin
Ma u diiday deelqaaf
Mise waan ku dacatiyey
Deyn haygu noqotee

Dulucdeeda xaajada
Waanigii duceeyaye
Aan dooxo sheekada
Doodwanaag gunteediyo
Diiwaanna aan furo

Dacwaddii hal geeloo
Dahab loogu magac daray
Iyo kii dareersaday
Dooddaa ma maqasheen?

Waxay tiri ma dawbaa
Dunidoo barwaaqa ah
Dayrtoo ugbaadiyo
Guga doogsinkiisii
Hadhuub darafya weyniyo
Wexeer doobi lay culay
Dambar igaga maashaan
Misna lay dafaafulo!

Waxay tiri ma dawbaa
Diifta iyo omoskiyo
Jiilaal durraaqsaday
Dubatada abaareed
Dhaqayada diraaceed
Dambeeddada la iga maro
Nirigtii I daadhida
Aad labada daaniyo
Qawlallada ka duubtaan
Misna lay dafaafulo!

Waxay tiri ma dawbaa
Wexeeraan dirramayeen
Dihday qaalma dooriyo
Gurgurshaa ma daala ah
Wexeeraan dubaaxiyo
Dhalay gool dunduma leeg
Koran daashka qaadiyo
Madi deeqda reeraha
Misna lay dafaafulo!

Wuxu yiri Daliigiyo
Dahabeey Darmaaniyo
Damal baarqabkii iyo
Dirkii Caashaq inad tahay
Daah igama saarree
Inkastaad duqowdoo
Cudurkii darraa iyo
Dabahaawiyaalii
Diif kaaga tegayoo
Garbahiyo dawaaddiyo
Maraqsaarka diirmiyo
Duudkaaga xoodmiyo
Kaa muuqdo dacallada
Dunwanaagga dhalankiyo
Darbanaanta muuqiyo
Darka haybaddaadii
Dareenkiyo xusuustiyo
Qalbigaan ku daabacay
Da’roontii gobaysane
Geela dayr cadkiisii
Doorkiisii baad tahay!

Wuxu yiri dabuub kale
Dayrtoo ugbaadoo
Dhulka doog ku yaaloo
Doomaartu qarisoo
Dirirkii gu’yaadeed
Da’ayoo barwaaqa ah
Deegaanta roobaad
Nimaan doobi kuu culan
Haaneedka kugu deyin
Oo aan danyuubbale
Dambar kaaga maalini
Gabno kuguma doorsado

Wuxu yiri dabuub kale
Marka dulaha jiilaal
Dadku uu laciifoo
Diraacduna xumaatoo
Loo arooro dogobliyo
Durdurkeeda jiidali
Xadhka jiid dareeriyo
Dhuxummaaley loo dego
Danyada iyo maadhiyo
Dareemadu caddaatoo
Omos iyo dabayl iyo
Abaar laysku dabar jaro
Wax dalool ka dhiiqaba
Aad adigu dihin tahay
Ninkii aan gallay duban
Daqiiq caana boodhiyo
Dayac kaaga maarmini
Dibi kuuma gawraco

Wuxu yiri dabuub kale
Godol debecsanaa iyo
Deeqdaadii waan tebey
Duuggaagii hore iyo
Dahabeey muggaagii
Gaawihii darfaha iyo
Daafaha ka quban jiray
Camadhbaa dalooshoo
Waxa duunka kaa hadhay
Dulmar iyo Nasiibiyo
Deero iyo Maandeeq
Darroor laguma maalee
Wexeeraan daraaddaa
Daryeelkaaga awgiis
Kuu logay deyliyo
Sumalkii Dekeeyaba
Waxan heen dubaaxeed
Doocaanka badhidiyo
Subag kugu daweeyaba
Cimri baa ka daba yimi

Wuxu yiri dabuub kale
Wakhtibaa durkaayoo
Anba labada daaniyo
Xusulladu I duubmoo
Doorsoome timihii
Doobnimada xooggaan
Dawliskii wadaamaha
Durdurada ku shubi jiray
Laxaadkii diciifyaye
Inaan daalay waayadan
Lawyada I diirmiyo
Duubiyada I miiqmiyo
Diillimaha foolkiyo
Dusha waad ka garataa

Wuxu yiri dabuub kale
Maansada haddaan daro
Ammaantaada duudsiyo
Docda aanan sugi karin
Dembi hayga saarine
Niman daran ku geynoo
Degelkaad ku dhalatiyo
Dunjigaaga baranbaa
Dukhuun kugu tilmaamee
Daa’in mahaddi weeyee
Haddaad sebenkan doogtoo
Anna aan dalluuniyo
Iilka lay diyaafadin
Oo mawdku daa’imo
Nimco lagu dekeeyiyo
Saacbaa dambaynoo
Xilliyada is doorshaa
Maruun soo dabbaaliye
Qiime iga dahsoonbaa
Faracaaga dahabeey
Door uun ka soo bixi
Samir baan la duubtaye
Iga daa caloolyow
Qorrax duhur ka liicdaba
Iftiin lagama doonee!

Afartaa da’ iyo deel
Dayaxiyo shamsada iyo
Sow diir kama caddayn
Sidii macallin daaciya
Dooddiyo ka fiirsiga
Sow daliil umaan dhigin
Ma u diiday deelqaaf
Mise waan ku dacatiyey
Deyn haygu noqotee

Halkaan diiradda u wado
Daalacan middaasiye
Bal doc kalena faallada
Aan diillinta u rogo

Dacwaddii nin shicibiyo
Dagaal ooge khaa’ina
Dagaalladii sokeeyaha
Dooddaa ma maqasheen?

Dagaal ooge wuxu yiri
Nin la doortay baan ahay
Tolkii derejadeeyaan
Dagaallada sokeeyaha
Halyey diirran baan ahay
Waxan diley waxaan diray
Waxan dooxay dirirtii
Dubaaqooyinkaan falay
Dukundaakunkoodii
Waxan reera dabar jaray
Waxan derisyadaydii
Daadduunshay oo diley
Waxan duunyadoodii
Dulugle uga saariyo
Dumarkiyo carruurtaan
Daabaca ku jiidiyo
Dibindaabyo waayeel
Denbi anigu kuma lihi

Dabuub kale wuxuu yiri
Hadday durugto xaajadu
Dalka lagu heshiiyoo
Dawlad loo agaasimo
Duub baan xidhanayaa
Dallacaad horlaan heli
Madaxweyne daacada
Dad wadaajiyaan noqon
Marka doorran loo baxo
Anaa lay diyaafadin
Sidii boqor da’ weynbaa
Lay daaddahaynoo
Wixii layga duudsiyey
Marbaan dib u helaayaa
Dunji eheladayduna
Way soo dabbaal degi
Ninkii dooda ii qaba
Deldelaanba leeyahay
Dhaaxaan dingiigaye
Hadda waan digtoonahay
Doorraad iyo wixii shalay
Deynkayga maahee
Dib waxay ka noqotiyo
Berraan daba gelaayaa

Wuxu yiri dulmanihii
Daleelbaad ka baaqdaye
Dani seeto weeyee
Dulliyohow xumaatada
Marna kama diqootide
Dadka aad ku dacatiye
Dirqi kuma duwayside
Dakharradoodi baan weli
Dabiibkood la haynine
Dulmigiyo inkaartaa
Daa’in noogu yeedhyaye
Daabaanta aad tahay
Kolley degel ruq weeyee
Duulashii la rogey baad
Dabadoodii haysaa
Diif iyo abaarbaad
Waqaa doqon ku nooleyd
Adigoo darfiyin baa
Ilaah daw xun kaa ridi
Dukhaankeeda jahannami
Aday kuu diyaar tahay
Durbaankii iblayskaad
Daallinyohow tumaysaa
Dunidana riyuunbaad
Daa’inkaa ku jiraysaa
Dembiyada aad qiratiyo
Waxad dooxa kaga orin
Danwadaag nacaybkiyo
Dirirtiyo dabkaad hurin
Dabaabadaha ubadkaad
Dogobtow xambaartiyo
Daroogada aad siisiyo
Daawada mariidka ah
Dushaa maalinbaa xaqa
Daallinyohow la saariye
Damacaaga beenta ah
Aduunbuu ku dagayaa
Woorloodh dadqala iyo
Daacuf nacasa baad tahay
Daayeer caqliga iyo
Dameer garasha dhaanyohow
Markaad dubatay ubadkii
Doog baad walaaqiye
Gabbal xumi hakuu dumo
Dacar qooshayohow baas
Kolley labada daarood
Midna derejo kaa dheer
Waxan kaaga daalaba
Dooraale lama oga!

Afartaa da’ iyo deel
Dayaxiyo shamsada iyo
Sow diir kama caddayn
Sidii macallin daaciya
Dooddiyo ka fiirsiga
Sow daliil umaan dhigin
Ma u diiday deelqaaf
Mise waan ku dacatiyey
Deyn haygu noqotee

Halkaan diiradda u wado
Daalacan middaasiye
Bal doc kalena faallada
Aan diillinta u rogo

Qisa waliba duug lehe
Dugaalkaad ku ababtiyo
Halkay derintu kuu taal
Ma dab geli rugtaadaa?
Daadi miyaa abaalkii?
Dhaxalkii ma dumi baa?
Qarankeenna daayacan
Dib in loo yagleeliyo
Shanta dacal daweyntood
Waajib durugsan weeyee
Diida nabad ma dawbaa?
Duudsigu ma xugunbaa?
Qoloqolo ma derejaa?
Sama diid ma odaybaa?
Dumukhsade ma shiikhbaa?
Dagaal wade ma ehelbaa?
Durrujaa ma boqorbaa?
Dulmiguna ma xoogbaa?
Daandaansigu ma guulbaa?
Dawladnimo ma gobolbaa?
Daleeshuna ma wehelbaa?
Duufaan ma roobbaa?
Durduradu ma orodbaa?
Qaxootigu ma derisbaa?
Dewersigu ma sharafbaa?
Dibjirnimo ma camalbaa?
Dawdarnimo ma garashaa?
Digashadu ma tudhidbaa?
Digtoonidu ma biqidbaa?
Digtoornimo ma magacbaa?
Doxornimo ma diinbaa?
Duullaan ma libinbaa?
Darayadu ma faanbaa?
Dibmaryadu ma xeelbaa?
Dalbuhuna ma quruxbaa?
Xarragadu ma doonbaa?
Dabaroor ma taliyaa?
Ma tabbaa dagnaanshuhu?
Dabadhilif ma doojaa?
Damdamluhu ma geesaa?
Darbanuhu ma fulaybaa?
Debed meer ma naagbaa?
Dunuunucu ma faraxbaa?
Dan furyadu ma qoysbaa?
Duryamuhu ma debecshaa?
Debber uun ma dhiqid baa?
Daandaan ma dirirbaa?

Afartaa da’ iyo deel
Dayaxiyo shamsada iyo
Sow diir kama caddayn
Sidii macallin daaciya
Dooddiyo ka fiirsiga
Sow daliil umaan dhigin
Ma u diiday deelqaaf
Mise waan ku dacatiyey
Deyn haygu noqotee

Halkaan diiradda u wado
Daalacan middaasiye
Bal doc kalena faallada
Aan diillinta u rogo

Wax dhaaxaan dabuub gabay
Deelleyda maansada
Idiin digey dul iyo hoos
Dadkaygoow is daba qabo
Maantana durbaankii
Kama aanan daaline
Weli waa dig leeyahay
Hud-hudyaaba soo degey
Dar u duuban nabaddoo
Daryeel qaran dadkeenniyo
Danta guud ka wada siman
Deymo dheeri gaariyo
Daabaan leh suugaan
Dhaqankana darbaynayn
Diintana ka boodayn
Damacoodu wada jiro
Yahay dib u walaalayn
Anna waan dardaarmiye
Duqaydaay ku garab gala
Dhallintooy ku daafaca
Dumarkoow u sacab tuma
Cullimooy ducada shuba
Abwaankoow la daaddihi
Deeqsigoow ku gacan sii
Inta debedda joogtaay
Doorkiinna hagar baxa
Dunji ummada soomaal
Haysu wada debcaanoo
Haysu wada duceeyeen
Dawlad haw midoobeen
Daacad haw heshiiyeen
Haysu diir samaadeen
Degdeg haw bahoobeen
Ubadka haw dedaaleen
Aaya haw diyaarsheen
Daryeel haysu fidiyeen
Durba haysku duubmeen
Colaaddaha ha damiyeen
Caddaaladda ha daajeen
Dulmigana ha tureen
Dareen aan dib uga lumin
Dugsi qarana oon dumin
Duul wada mataana ah
Isku dana dal iyo dibad
Daa’inkuna ha garab galo!

Afartaa da’ iyo deel
Dayaxiyo shamsada iyo
Sow diir kama caddayn
Sidii macallin daaciya
Dooddiyo ka fiirsiga
Sow daliil umaan dhigin
Ma u diiday deelqaaf
Mise waan ku dacatiyey
Deyn haygu noqotee

Halkaan diiradda u wado
Daalacan middaasiye
Bal doc kalena faallada
Aan diillinta u rogo

Dunidaan ku noollahay
Afarteeda daamood
Dadku waa ku dhaqan yahay
Ninba dhaqankii waa dooc
Way diimo badanyiin
Dubka sariyo oogada
Waa kala duwanayaal
Darbaa dibida caabuda
Darbaa geeda caabuda
Darbaa qorraxda caabuda
Kuwaan daa’inba aqoon
Bal dayaay dadkaygoow
Duruufahaa u gaarka ah
Iyagoon danqaabayn
Dawladay abuureen
Magacbay u diriraan
Cilmigay dersaanoo
Qaarbaa dayaxa tegey
Dusha qalab sabbeeyiyo
Diirad samada geystoo
Aalado ka daawada
Waxa dunida yaaloo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa dabaabado
Diyaaradaha xiimiyo
Gantaalaha dinnaahiya
Doonyo badaha quusiyo
Milateri diyaarshoo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa duunyo tabacdoo
Oo dhaqaale dihiniyo
Hanti doora haystoo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa duruusiyo
Iskuulla u dareeroo
Dadkooda u dedaaloo
Aqoonta ugu deeqoo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa dammaaniyo
Adeegyada diyaarshoo
Haya’do debbera oo
Dhisay daaro fooqoo
Diinnaarka kaydshoo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa dalkoodii
Dadku daawadaanoo
Dalxiis loo tagaayoo
Beero lagu dawaafiyo
Taallooyin deyroo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarmaa dekedo iyo
Garoommana diyaarshoo
Gaadiidka dunidaba
Kala diri yaqaanoo
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa dawada iyo
Dabargoynta cudurkiyo
Daryeel aadminnimo iyo
Daruuriga ku caan baxay
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Qaarbaa isku duubniyo
Ururnimo ku doodoo
Iskaashi ku dedaaloo
Damacoodu ba’anyahay
Aan lagu degdegi karin
Bal dayaay dadkaygoow
Intaasiyo in daba taal
Dar kaloo kasii daran
Dawladay wadaagaan
Deris bay ahaadaan
Dantooday u foofaan
Durugsay ku taamaan
Ficil bay u duulaan
Qaranbay dugaashaan
Calammay daleeyaan
Xeer bay ku daaqaan
Wixii laysku doorbido
Qaynuun bay ku duugaan
Waxaan laysku deyn karin
Dib baa loo baxnaanshaa
Bal dayaay dadkaygoow
Inagoo dad eheliyo
Wada duul walaala ah
Dabci iyo dub kala tegin
Diin iyo af dooc ka ah
Dhaqan qudha ku wada dega
Xidid iyo dangalo iyo
Dumaashi iyo seeddi ah
Daneheenna baylaha
Bal dayaay dadkaygoow
Dalkeennaa burburay iyo
Dadkeennaa darxumadiyo
Daanyeystay geerida
Bal dayaay dadkaygoow
Ubadkeenna dabar go’ay
Waayeelka daayacan
Caarkeenna dibad baxay
Bal dayaay dadkaygoow
Deegaankeenna baaba’ay
Dhirta dibadda loo raray
Dalagyada la gooyiyo
Beeraha daroogada
Dadqalladu ku beereen
Bal dayaay dadkaygoow
Baddeennaa dacowdee
Sunta lagu daldalayee
Lagu duugi duumada
Bal dayaay dadkaygoow
Deriskeenna kala tegey
Dadkeennaa u kala diday
Doc kastaba adduunyada
Ku daadduumay debeddoo
Dac darriyo ku nool silic
Bal dayaay dadkaygoow
Dagaalkii sokeeyaha
Qoloqolo u dirirkii
Wuxu dumiyo mooyee
Nafta doojin maayee
Durba toban waxbaa dheer
Maalintaad is dooxiyo
Deldelaad bilowdeen
Da’adii dhalatay waagaad
Qarankiinnii dumiseen
Waa dagaal u feydane
Bal dayaay dadkaygoow
Dabadheer dhibaatadu
Damiirkiinnu ba’anaa
Darkii luud ku bari furay
Ma dirbaad wadaagtaan
Duulashii fircooniga
Ma dirbaad wadaagtaan
Dunta banuu israa’iil
Ma dirbaad wadaagtaan
Digiixinba weydee
Dadkaygoow maxaa dana?
Maysu diir naxaysaan?
Daa’in mawgu noqonnaa
Dalab toobad iyo talo?
Weli maynu duugmine
Dib malloo saxaayaa
Wixii dagan dadkaygoow?
Maruun ma is daryeellaa?
Danwadaag ma noqonnaa?



Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD