Waxaa soo tebiyeey:
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Galayax
iyo Gabayadii
Waxaynu qoraalladii hore ku soo sheegnay in uu Cabdi Galayax labo arrimood
sida badan ka gabyi jirey, waxayna ahaayeen colaad iyo nabad. Haddaba
waxaynu maansooyinkii badnaa oo uu gabyaagaasi maskaxdiisa iyo dareenkiisa
ka lisay ka soo guranayney dhibco kooban si looga helo murti iyo dhaqan sare
oo aan laga wada heli karin gabayada soomaalida. Gabayga ugu horreeya waxaa
la moodaa in uu geel ka hadlayo, laakiin wuxuu run ahaantii ka mid yahay
gabayadii uu Galayax nabadda macaankeeda ugu baroortay. Nabadda haddii la
waayo waxaa la waayaa nolosha farxaddeeda, nasniinteeda iyo khayraadkeeda,
wuxuuna gabaygu sawirayaa dhiilladu dhibaatooyinka ay geesato.
Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye
Kobtii qadowga laga daaqi jirey, qoob la dhigi waaye
Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile
Waakaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode
”Qadow” waa geedo noocyo badan ah oo aan dhulka ka bixin, ee geedaha waaweyn
oogadooda laamaha iyo salka ka fufa oo uu geelu u daaqo sida uu dhirta
caadiga ah u cuno oo kale. ”Qaran” waxaa la yiraahdaa wax kasta oo midaysan,
wuxuuna hadda ishaarayaa toomo ama kobo badan oo isku xigxiga.
Qodqod iyo qallaalkii Kigliyo, Quracshil oo doogtey
Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalaxkadheeraaday
Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle
Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka
Qulunquulka suubaanka iyo, qaaxawadeheeda
Quraar faraq leh qodaxtoosha iyo, qaalalyada saarka
”Qallaal” waxaa la yiraahdaa meel godan oo ay dhir badani ku hareeraysan
tahay, oo ay biyuhu markii ay galaan ay ku daahaan. Qallaalka sida badan qof
aan hore u ogayni in uu helaa aad bay u adag tahay, maaddaama uu jiq ku
dhexyaal, uuna aad u godan yahay. ”Dharjo” waa geed yar oo togagga ka baxa,
siiba togagga meelaha ciidda jilicsan mara.
Geedka hareeriga la yiraahdo qadowga ka baxaa wuxuu leeyahay magac u gaar
ah, waxaana la yiraahdaa ”qaji”, waxaana jira geed kale oo sida hareeriga
mayrax leh, laakiin aan laf adag lahayn oo magaciisa ”qaranro” la yiraahdo.
Qaranro meel aan hawd ahayn kama ay baxdo, wuxuuse asagu ”hawd” u raaciyey
in uu gabayga ku fariisiyo.
Dhagaxa siman baa ”suubaan” la yiraahdaa, waxaana ka baxa meelaha uu
dhagaxooda seliga yahay dhir gaar ah, oo uu qaarkeed tilmaamay. ”Quraar
faraq leh qodaxtoosha iyo, qaalalyada saarka” waxaa ku jira hadal badan oo
fasiraad u baahan. Geed kasta oo leh gar daab laga goosan karo, oo aysan
laamihiisu tognayn waxaa la yiraahdaa quraar, waxaana dhirta quraarka ah ka
mid ah quraca. ”Qodaxtool” waa geed uu geela keli ahi cuni karo, oo nagaar
ah! Sababta ay xoolaha kale u daayeen waa in uu leeyahay qodxo cadcad oo
halis ah. Geelu markii uu qodaxtoosha goosto cabbaar buu afka marmarooriyaa
si uu qodxaha u baduugo. ”Qaalalyo” waxay la mid tahay laqanyada dadka
qabata markii baruur la cuno, waxaana qaalalyooda geela markii uu daaqo meel
ugbaad ah, sida badanna wuxuu ku qaalalyooda geedaha saarka ah, oo ah dhirta
aan keligeed istaagi karin ee geedaha kale isku dhafta oo dusha kaga hilanta.
Neef markii uu qaalalyoodo wuxuu asaga oo aan dhergin iska daayaa
daaqitaanka, wuuxa fariistaa asaga oo la moodo in uu jirran yahay.
Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyey baarkaaga
Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay
Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshey
Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda
Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene
Madow haddii uu sheegay wuxuu dhaqi jirey geel hoor ah, maaddaama uu geela
cayuunta ahi cadcad yahay, waxaana fiican oo caano badan hoorka. Mar kasta
oo uu hoorku cayilo waxaa malaha ku sii badata dhogorta madow. ”Deylnaan”
sida badan waxaa lagu og yahay idaha, wuxuuse asagu deylnaanta uga jeedaa
mid aan sida tan idaha dabiici ahayn, oo uu geelu asagu qaarka daysho, waana
habeedda uu qaarka danbe ku gaduudsado. In ay geela habeeddu ku badataa
waxay daliil u tahay in uu barwaaqo ku jiro, maxaa yeelay labo arrimood baa
habeedda badan keena, waana kulayn iyo doog. Kulaynka geelu kuma uu xumaado
ee wanaag buu ka korodsadaa.
”Daran” waxaa la yiraahdaa geed ay caleemihiisa biyo dhanaani ku jiraan, oo
uu geelu u baahdo markii uu dooggu dhammaado. In geela la darmiyaa waxay ka
mid tahay waxyaalaha ugu muhiimsan, waxayna darantu geela ka caawisaa in uu
xilliga aan doogga ahayn cawska iyo biyaha isku jeclaado. Haddii aan geela
muddo dheer la darmin waxaa ku dhaca jirro ”jeel” la yiraahdo oo uusan
biyaha cabbi karin. Darmin waxaa geela ugu filan in uu labo maalmood daaqo
geedka daranta, oo uu markaas ka dib ama sii daaqo ama laga wado meesha ay
darantu ka baxo oo sida badan ah dhul godan oo dhooddi ah, waana sababta uu
Galayax u leeyahay ”Qararka hoostooda”. ”Qaayo” wuxuu u raaciyey darminta in
ay fiican tahay in muddo dheer geela daranta loo daayo.
Hayeeshee Qoraaley waxaa, qululka kuu yeelay
Waxaa qaalmahaagiyo rimada, qoday baruurtooda
Waxa aarankaagaan qallalay, wada qaluuseeyey
Wuxuu qoorqabkaagu cashiyee, qooqi kari waayey
Kobtay shilintu qoodayn jirtaa, qiil laguu bidaye
Qarrar iyo dhukaan iyo siday, qaaxo kugu raagtey
Waxaa qulufaddaadii geddiyey, quudka kaa maqane
”Qulul” ama leexo waa in uu kurusku dhinac u qalloocan yahay, waxaana jira
tuldo uu qululkoodu baxaalli ama dhalan yahay, laakiin sida badan neefka
kuruska weyni markii uu caatoobo qulul buu yeeshaa. ”Quluus” waa qaab ay
wixii caatoobaa yeeshaan. ”Cashi” waa in ay xooluhu rafaad aan caadi ahayn
la caatoobaan, waxaana cashiga keena in uu neefka caloosha xanuun gooryaan
ahi kaga dhaco. Shilin badani haddii ay cuntana xooluhu waa ay cashiyaan.
”Qarrar” waa in ay labada suul dhexdoodu dillaacdo, oo cudur ma aha, laakiin
”dhukaan” waa jirro xun oo geela jiirkiisa aad u naaqusisa, waxaana geela ku
dhaca cudur kale oo uu sida qaaxada ula qufaco oo magaciisa la yiraahdo ”dhugato”,
oo ah cudurka uu u dan leeyahay, laakiin uu gabayga dartiis ”qaaxo” ugu
tilmaamay. ”Qulufo” iyo jismi waa isku mid, waxayse qulufadu muujinaysaa
muuqaalka guud oo kore.
Markii uu geela u sheegay in uu dhib qabo ayuu ugu xijinayaa in uu laftiisu
dhibaatada la qabo iyo sababta keentay shiddada. Wuxuu u sheegayaa in uu
qabo ”qulub” oo ah islahadal ama hammi xun.
Anigubase waan kula qabaa, qaabka aad tahaye
Waa waxa jirkaygii qayiray, qulubka maata ahe
Markuu laylka qaarkiis tagaan, qaraw la toosaaye
Sidii ruux qof uu diley dhintoo, qaantii lagu yeeshay
Ama loo qisaasanahayoo, qool la gelinaayo
Anigoo qarqarayaan arkaa, Qoran daraaddaaye
Qoodhuu ka jabay geel ninkii, qolo ka xoogtaaye
Hadduu cadow ku qaybsado anoo, la iga kaa qaaday
Caanaha qabow iyo haddaan, qalaxsigii waayo
Sidaydaba qarracan baan u dhiman, qaybna waan gabine
Arlaa’iga qoyaan meel leh iyo, qolof ma weydeene
Qaxarkaad maraysiyo waxaan, qalawga kuu geeyey
Qawlaha ku raadinahayaan, kaaga qariyaaye
Qarfadaada meer waa danbuu, qiil inoo bixine
”Qalaw” sida badan waa jirro meelaha ay xubnuhu iska galaan ku dhacda,
laakiin asagu wuxuu uga jeedaa in uu geela ku dhaqo meelo ciriir ah oo uu
kaga qariyo cadowga. ”Qawle” ma aha dad in ay geel dhacaan uga yimid
cidohoodii ee waa dad cayr ah oo iska socda oo aan ugaar iyo xoolo waxii ay
arkaan daynayn. Waayadii hore markii ay abaar xuni dhacdo oo ay xooluhu
dhammaadaan waxaa raaci jirey carruurta iyo dumarka, markaas ayuu raggu
”qawle” noqon jirey. Markii qawlaysato la noqonayo waa in la isku uruursadaa
rag badan, waana in hub la qaataa, oo socod la bilaabaa. Socodkaasi meel
gaar ah kuma uu jeedo, waxaana birta la saarayaa neefkii la arko haddii
aysan dadka lihi ahayn dad ka xoog badan ragga qawlaynaya. Qofkii raggaas la
diriraa wuxuu u bareeraa in uu wax badan ka dilo ama uu asagu dhinto
maaddaama ay yihiin rag nafaysan.
Nin ”qawle” mar soo noqday oo da’ ah baan mar la kulmay, wuxuuna ii sheegay
in wax na noqdo uu qawle ugu xun yahay! 11 nin oo qawle isu bahaystay mar ay
ahaayeen bay nin rati keli ah leh oo carruurtiisa ugaar ku biisha subax
aroortii ku waabbariisteen. Ayagu warmo, toorrayo iyo ulo ayey ku
hubaysnaayeen, asagase waxaa intaas u dheeraa fallaaro mariidaysan. Ratiga
in ay qashaan bay rabeen, wuxuuna ka diley 6 nin oo qawlaha ugu horreeyey,
oo uu maydkoodii daadiyey gurigiisa hortiisa. ”11 nin baannu ugu nimid,
waxaannuna kaga tagnay 5” buu hadalkii iigu soo koobay asaga oo ku daray
”Raggu intaas aad bay uga badnaayeen ee meelo badan bay geeriyi ku kala
reebtay!”. Wuxuu ii sheegay in ninkii qawle ka jirrada aan loo joogsan, isla
markaas aan midkii dhinta la xabaalin!
Tixda soo socotaa waxay ka mid tahay gabayada Cabdi Galayax Maxamed lagu soo
xasuusto markii laga fakarayo gabay dhaar ah oo sidii uu ninka tiriyey u
dhaartay ay wax kastaa u dhaceen. Dagaalkii gabaygaan lagu galay waxaa la
sheegaa in uu ahaa gadaal uu Cabdi sharad ku galay in uu beelo dhan halaag
iyo haantooley u geysto.
Dad arrimaha u dhuundalooley waxay sheegaan in uu Cabdi dagaalkaas iyo kuwii
ka horreeyeyba daandaansi iyo kibir u bilaabay, oo uusan jirin xaq ka maqnaa
mar kasta oo uu gabayada bilaabay iyo weerarradii halaagga ahaa oo uu ku
amaagey dad badan. Asagu wuxuu sheegay in had iyo jeer laga gardarnaa, oo
niman uu xeradooda ku jirey geel ay summaddiisu ku taal, dhiigna qabey ay
awrtooda ku fureen aagga Ulasan oo uu Cabdi rumaysnaa in uusan nin
godobtiisa qabaa u soo dhawaan karin agaggaarkaas.
Nin geel uu dhacay oo ay weli summaddii hore ku taal la soo agdegey ninkii
lahaan jirey wuxuu Cabdi u arkaa in ay tahay wax ka baxsan xeerka ragga kala
haga, wuxuuna maalin hore dumay ciidan uu ilaahay xooggiisa ogaa si uu geel
uu sheegay in uu ka maqnaa iyo godobo kle ugu gabbado in uu qabjebiyo
deriska ay weligood wax kala tirsanayeen.
Gabaygaan wuxuu ku sheegayaa guulihii hore oo uu tolku u hawlgalay una
gaarey khayrkii uu rajaynayey, wuxuuna xusayaa qaar ka mid ah goobihii
dhawaan lagu hardamey iyo sidii loogu kala baxay, isla markaas wuxuu
tilmaamayaa hubka uu eegga diyaarsaday iyo qabanqaabada xooggan oo uu ugu
jiro sidii uu asaaggiis guryohooda u bi’in lahaa. Culayska rasaasta iyo
toorreyaha iyo warmaha cusub oo uu ku raran yahay waxaa ka daran abaabulka
uu meel kasta orod ku maray si uu rag hawshood uga faraxalan lahaa. Ilaahay
ammarki sidii uu qiyaasay bay wax u dhaceen, wuxuuna yiri:
Gob nin aan ka dhalan ciilka way, saga gaboobaaye
Guubaabadaan faray tolkay, wuu ku guulhelaye
Aniguna garaaraha miyaan, galabta sii daayey?
Nin hadduu gahayroo degmada, guud isaga yeelo
Mar uun buu gefaa oo tashiga, gebi ka tuuraaye
Guul nagama helin ina Cashuur, geeddiguu wadaye
Gablan baase laga qaaday iyo, geeri foolxumo’e
Haddii uu garaad leeyohoo, godob ka yaabaayo
Amuu guuto naga soo baxdiyo, guluf malaynaayo
Asagoo guhaaddaan u qabey, iga golaynaaya
In ay Ulasan gees kaga furaan, uma guddoonsheene
Geelooda kuma soofiyeen, Go’ay dushiisiiye
Allaylehe guntiis buu lunshoo, garab bannaanaaye
Waatii gabiibaha la dhigay, geesigii xigaye
Waatii Goley laga diliyo, goosankii kale’e
Guryaha ba’ay gamaasaha dumiyo, gacalka aafoobey
Garoorkii la qubay caanihii, gooxa lagu daadshey
Galaayuuska qaylada fidmada, goorna dami weydey
Gungunkeeda Xaashaa lahaa, gooshigii hora’e
Giddigeedba soomaalidii, gudubka loo laayey
Gaddeedii la arag xaaladday, galabsanaayeene
Nabsigay gurteen Eebbahay, waw gabbaanadaye
Goorjiidle geelay dhaceen, gabalki mooyaane
Gashiga iyo xaqay naga qabeen, waa la soo gudaye
Isna si aan ku goobnaba haddaa, loo guntanayaaye
Garbihii na jabe aaladdaan, gaday daraaddeede
Rasaastaan gardaadkiyo kelyaha, geliyey oo buuxshey
Gaalleefahaan xirannay iyo, gawsodahableyda
Warmahaannu gaashaysanniyo, gamaska noo looshan
Yaa nagu galoollaan shardoo, gaydho loo tago’e
Ayadoo gunuunucin haddaan, goray naloo keenin
Gumuca iyo warmaha maalin waa, la isgaantaalayne
Marreexaanka guudkiisa kore, gebi ahaantiisa
Gadiid iyo Wardheeriyo intii, Wagardhac loo gaaro
Gacal iyo Qumane Celiga oo, gaballo waaweyn ah
Iyo niman Galeelleey dhashoo, goomman baa jira’e
Ganbalaali dhacay meel dagaal, la isku gaagbeelay
In kastoy colkii hore gabeen, nagama gaabshaane
Anna Gaalkacyaan qabanayaa, gugakan maanta ahe
Guubaabadii baan ka tirin, gabayadaydiiye
Guutiyo waxaan soo hormarin, gooddi faraweyne
Waxaan soo gamaamadahayaan, gaaddada u marine
Kolba gelengel waa noqon kobtaan, gorodda saarnaaye
God haddaan la ii qodin amaan, gudub la ii seexin
Waxaan sharad Ilaahay ku galay, Cayr inaan gubo’e
Xaggee baa geyiga looga kicin, gaas kalaa dumane
Dhaartaasi ma ay beenoobin, waxaana Galayax lagu tilmaamaa in uu ahaa nin
dagaalka ku samcan, oo hadalkiisa iyo birtiisuba ay kulul yihiin. Tix kale
oo gaaban baynu ku xijinaynaa, oo uu Galayax mar uu ciil xumi ku raagey ku
soo koobay guubaabo iyo canaan. Guubaabadu waxay ahayd in uu col baxo,
canaantuna waxay ahayd in la laayey rag aan u qalmin in la dilo ayada oo ay
nabdoon yihiin raggii ay birtu ku habboonayd, wuxuuna yiri:
Nimanyohow jan baa igu dhaciyo, jeel aan baxahayne
Hadba jimicsigaygaas qalbigu, way jirranayaaye
Sidii aar xabbadihii Jigraha, jeeni lagu gooyey
Oo meelo jeexaa galoo, jiq isku dhawraaya
Oo debedda jeeqaaqayoo, jecel wax uu qaado
Jirriqsiga ilkuhu waa waxaan, ciil la jiifsadaye
”Jigre” waa qoriyihii hore oo xabbadkelyaalaha ahaa. Galayax qori uusan ku
soo dagaallamini malaha kuma uu jiro banaatiikhdii soomaalida soo gaarey oo
hore.
Haddii joogimaynee colaad, jilibka loo qaaday
Amaan jeesanaynoo Bahgeri, lagu jihaadaayo
Jibraahiil ma fiicniyo inaan, julubka laynaaye
Jeeskii xaqeennii qabaa, jiirta soo degaye
Jaajuuska nimankaan u diray, tan iyo jiilaalka
In kastay juskeennii wadaan, Jiidan goleheeda
Iga wallaan jidkaa webi tolkay, jaaha siin karine
Goortay jalleecaanba way, soo jirjiriyaane
Jirinjiir ma dhaafniyo Buleey, jabaqyadii yiile
Dadka laguma jawrfalo miskiin, jooga meelaha’e
Jiirkeenna niman baa cuniyo, johoraddeenniiye
Oo nagu jalbeebanahayoo, jaray raggeenniiye
Haddaydnaan jifada xooga liyo, jebin Maxaad Aadan
Jalaal iyo kitaab baan ka maray, juuq inaan dhaho’e
Waxba aniga yaan lay jirrabin, waan jilbaysnahaye
”Jirjirin” wuxuu ka keenay ”jirjir” oo ah dhabar, oo uu uga jeedo in ay
markii la eegaba dhabarka jeediyaan. ”Johorad” waxaa la yiraahdaa nal uu
habeenkii masku shito oo yaab leh. Haddii maska nuurkaas laga qaado waxaa ku
dhacda habbiso, wuxuuna Galayax tebayaa rag ka maqan iyo nuur ka damey.
”Jilbo” iyo ”jidbo” iyo ”jibbo” soomaalida qaarba si buu ugu dhawaaqaa.
Tixda soo socota Galayax waa uu ka dareen duwan yahay middii aynu hadda soo
dhaafnay oo ciilkqabka iyo guubaabada ahayd, wuxuuna ka maansoonayaa guul
tolka u soo hoyatey. In kasta oo ay rag badani dagaalka kaga dhinteen, oo
weliba Galayax saaxiibkiis Yuusuf oo uu gabayo badan ku halqabsaday uu
dagaalka ku waayey, haddana wax kasta waxaa kala weyn guusha soo hoyatey.
Waxaa jirta falsafo dagaallada lagu galo oo ah in qofkii dhinta loo maleeyo
in uu jannadii galay, si loo illaawo geeridiisa, isla markaas uu tolku
dagaallada ugu dhiirrado ayaga oo guul adduun iyo janno aakhiro midkood isku
hallaynaya. Haddaba gabaygaan wuxuu Galayax raggiisa ku samirsiinayaa in
intii tolka ka geeriyootey ay jannadii galeen, inta kalena ay xoolo iyo guul
gacanta ku hayaan.
In kastoo malyuun naga dhintoo, madaxdii geeryootey
In kastoon maskii Yuusuf iyo, mudaneyaal weyney
Marreexaanku magac buu heliyo, maanta suu rabaye
Raggeennii malkada daadsanaa, marax inoo reebye
Asaguna makaannada jannuu, malab ku quutaaye
Annaguna maqsuud waxaan ka nahay, mootanaanshaha’e
Mashaqada Ogaadeen heshiyo, meydka tiradiisa
Maryihii la wada daadshey iyo, macawistuu xooray
Matagga iyo dhiiggii sidii, mayay hillaacaayey
Maskaxdii la qubay waadigii, maalka lagu gaarey
Maadhiimadaan furannay iyo, qalabkii noo meeray
Mataamada la wada gawraciyo, madiyadaan laynay
Iyo muunad xumadaan Bahgeri, shalay mihiibsiinnay
Iyo baqada milicdaan ogaa, lagu majiiraayey
Iyo muusanawguu Cismaan, murugo ooyaayo
Iyo anigu maaddaan hayiyo, madal ka faankayga
Iyo libinta noo soo martoo, lagu mushaaxaayo
Mashriq iyo maqaariib naflaha, maqalyey joogaaye
Ogaadeen masuubada heshaan, mahadinaayaaye
Mardaaddiga waxaa iigu wacan, midig ka laafyoodka
Waa siduu tolkay ugu mintiday, sidigtii mayrrayde
Oo ay madax-adayg ugu dhinteen, amase meekhaane
Muran laguma faaniyo war aan, mudac ka daybnayne
Masalooyinkaas oo kalaa, lagu madiixaaye
Kibirkii Maxaad Aadan iyo, malihii beenowye
Ayagiyo Makaahiilba lume, mihindiskoodiiye
Waxay shalayto maamulahayeen, waa la maahubaye
Magli iyo rasaas baa la tegey, miiddii reer Xamare
Waxaa maqaddinkoodii la dhigay, labadii meeloode
Waataan dhurwaaga u makalay, miracastoodiiye
Madaxii Wardheer iyo raggii, Miira laga keenay
Goortaan muskeetiga ka ridey, Maahis dabadeeda
Sidaan anigu mawdkii ahiyo, malaggii laynaayey
Muuse iyo Jibraahiil ka tage, muuqadkii hora’e
Sidayada ninkii muruq leh baa, maali kara geele
Maatadu inay yeelataa, waa milgo la’aane
Gabayada Galayax waxay u badan yihiin gabayo waaqica taabanaya, oo aan
istustus iyo tuurasho ahayn ee uu markii uu tirinayey hawl gacnaha kula
jirey. Wuxuu gabayada had iyo jeer ku soo beegi jirey xilliyo uu dareenkiisu
kacsan yahay, oo uu weerar qiiro leh ku jiro ama uu guul gaarey oo uu farxad
iyo rayrayn ku jiro.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2004
SHAAFICI
3 |
QUBANE |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|