Waxaa soo tebiyeey:
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Gargaar iyo Dhawr
Nin fiilasoof ah oo magaciisa la yiraahdo Xirsi Magan Ciise ayaa mar uu ka
hadlay gumaysiga wuxuu hadalkiisa ku daray ereyo sidaan ahaa: ”Dadka in ay
dad kale gumaystaan wax uga daran lama arko, laakiin shacabka soomaalida
gumaysigii caddaa baa u dhaamey gumaysigii madoobaa”. Gumaysiga cad wuxuu
uga jeedaa caddaankii Yurub ka yaacay oo gumaystey ummado badan, gumaysigii
madoobaana wuxuu uga jeedey jenneraal Maxamed Siyaad Barre, oo ay asaga isku
qabiil ahaayeen.
Waxaannu dhawaan internetka ku faafinnay gabayo ka mid ah maansooyinkii
laguna diriray gumaysigii caddaa, waxaana hubaal ah in ay soomaalidu isku
raacsan yihiin in ay caddaankii gumaysi ahaayeen, laakiin gumaysigii
madoobaa ay qaarkood jecel yihiin! Haddaba su’aashu waa ”Maxaa gumaysi ah?”.
Waxaa laga yaabaa in aan ereyga macnihiisaba jawaabta ama doodda lagu salayn
ee lagu saleeyo aragti gaaban oo aan cilmi iyo caqli midna cuskanayn.
Soomaali aad u badan baa in gumaysigii madoobaa laga xoroobo af iyo addinba
kula dagaallamay, waxaana shaki la’aan ah in markii dagaalladaas la soo
xasuusto uu qof kastaa garwaaqsanayo kaalintii muuqatey oo uu ka qaatay
Khaliif shiikh Maxamuud Saciid, oo kummannaan erey oo ciilqab xanbaarsan iyo
kumannaan xabbadood ku aaddiiyey gumaysigii madoobaa.
Wuxuu Khaliif asaga oo dhallinyar ku geeriyoodey dagaalladaas, wuxuuna ahaa
nin soomaali ah oo gabayo caro iyo gubaabo xanbaarsan tiriyey ninkii ugu
darnaa. Codkiisa waxaa ka muuqata in ay qiirada iyo dhiillaada uu Khaliif
qabaa ahaayeen wax aan la cabbiri karin, isla markaas wuxuu ahaa nin ay ku
yarayd dabeecadda ”istustus” loo yaqaan.
Gabayadii badnaa oo uu Khaliif ku dagaallamay waxaa ka mid ahaa labadaan
gabay, oo uu ku guubaabiyey qolyo ka mid ah qabiilka dhawaan Puntland la
baxay. ”Gargaar” waa erey la wada yaqaan, laakiin ”Dhawr” waxaa laga yaabaa
in aan la wada ogayn in ay tahay baqdinta nooc ka mid ah. Ereyga dhawr iyo
faallooyin kale, oo kooban waxaa la daalacan karaa markii ay maansada labaad
dhammaato.
Gargaar
Gargaryahay Biciidyahan shalaad, naga geddoodeene
Niman gudacolloobaa mar bay, kala godqaataane
Ha la wada garramo maanta waa, geed maxkamadeede
Ilma Calow giraamaha waqtigu, godolba waa cayne
Soddon iyo sagaal gocoshaloo, nagu gunaadoobey
Oo maanta gabaygaygu yahay, nagu gargaarsiiya
Col gadaansan gaasas is hardiyey, gumuc hinraagaaya
Guutooyin la isku harbiyoo, galowgu ooyaayo
Waxa labo gar la isugu ridoo, gubato qiiqdaaba
Genbi kulul gadaalaha haddii, la isku soo gaaro
Gurmad waa la weydiisan jirey, gacal sokeeye ahe
Tolnimaan idiin soo galnaye, nagu gargaarsiiya
Taariikh gun dheer baa jirtoo, laysu soo guraye
Gobol laga xishoodaan ahayn, gaafihii hora’e
Magaceenna saan loo gumayn, nagu gargaarsiiya
Garaad buu Ibraahiim ahaa, gooshkan ka horow’e
Ninba gaadihii waalidkiis, gabal ka saameeye
Guddoonkii adoogeen lahaa, nagu gargaarsiiya
Walaalkaa gu kaa weyn ducaa, laga gunnaystaaye
Kol hadduu habaar kugu gilgilo, waad ku gubataaye
Inaannaan guhaan idinku layn, nagu gargaarsiiya
Gubni aabbahaa dhalo mar baad, kala gidaaddaane
Hiil la isu geystiyo bah baa, xoologooyo lehe
Golkanuujintii hooyadeen, nagu gargaarsiiya
Caloo gaban ah shiikh Maxamed baa, soo gardaadsadaye
Gaadiidka uma quuri jirin, maalingaallaha’e
Garbuhuu ku soo qaadi jirey, nagu gargaarsiiya
Bari wanan gaboobiyo wuxuu, galax ku quudshaaba
Markuu yare gabaangabis noqdoo, muruqu giigbeelay
Golxobta iyo warankuu u tumay, nagu gargaarsiiya
Kablalaxa isganayiyo Sedaa, loo gudboon yahaye
In uu gaanka reer Diini xigo, Celi garwaaqsoone
Facayaha Gadiid ku abtirsaday, nagu gargaarsiiya
Isgaashaamo buursade innana, layna kala geeye
Geeddiga carruurtaan aqoon, geeska loo raraye
Garka idin caddaadiyo cirrada, nagu gargaarsiiya
Howraarsamaha Gedoba waa, soo gulfahayaaye
Gargarbeela yaan idinku oran, oo itaalgaba’e
Tollalla’aydayada goor walba ah, nagu gargaarsiiya
Geyraha ku soo fool leh buu, galow ka ooyaaye
Anna waxaan la geylamahayaa, geyrta aan qabo’e
Sida geel u ugaankayaga, nagu gargaarsiiya
Ku go’aansey ciribgoyntayada, gebi Marreexaane
Wax ma galabsannine waa faduul, loo goolleeyahaye
Gardarrooyinkaas Wagardhaceed, nagu gargaarsiiya
Haddii gacan la jaro tii kalaa, garab bannaanaane
Midigtoo gungunman bibixdu waa, ginifsi caalwaaye
Sida gobo’da maahmaahdu tahay, nagu gargaarsiiya
Kabaalgeeska iyo caynka waa, la isku giijaaye
Midna gooni looguma rarmeen, geeddi fiidnimo’e
Gumuc leeb la’aan kuma qarxee, nagu gargaarsiiya
Gurya dumey galaayuuska iyo, go’ayda yeeraysa
Gurboodkiyo haweenkay ilmadu, gababaxleynayso
War naagaha dumaalguursiga ah, nagu gargaarsiiya
Gabaahiirta nala dhoobay iyo, gegida leelleelka
Geyraha xagaagoo docaha, naga garaacaaya
Idinkaa gabbaad noo xigee, nagu gargaarsiiya
Ganbo kama duwana koofidaan, ii ganboolaniye
Gelindhiida mooyee wax kale, nala geyaysiiye
Gacmodhigadkayagu waa xujee, nagu gargaarsiiya
Haantiisa awrkii gabaa, gawrac wow halise
Cayaar uma gannoodsado dhufaan, gaaddo buuxsadaye
Dan baa gooha iga yeerisaye, nagu gargaarsiiya
Cayraha gorfaha loo sidii, ganato yaacaaya
Oo guuyadoodii rag kale, galab ka weydaarshey
Gaajada na haysiyo fakhriga, nagu gargaarsiiya
Gawaan weeye Gaalkacayo iyo, gude Nuugaaleede
Waxii aqallo gawriiri jirey, waa gelgelintaase
Geyigiyo baraagaha gubey, nagu gargaarsiiya
Gabdhaha waa la maamuusi jirey, tii gashaanti ahe
Gabayoox aroos lala hurdaa, waa gawaadnimo’e
Garoonshiidka la isugu galmado, nagu gargaarsiiya
Geyaan beele inamihii dorraad, ganacda waallaaye
Hablihii geela laga qaadan jirey, harag ma gooyaane
Guumaysahaa idin hortuban, nagu gargaarsiiya
Guuntoobe dumarkii raggana, goosan baa haraye
Idinkaa gurbood dhalahayoo, naago guursada’e
Inaan eebbahay idin gablamin, nagu gargaarsiiya
Ishayada galaalani wax bay, gulucsanaysaaye
Geeskaad xigtaan araggu wuu, labogardaymoone
Gamiindhugadkayaga eegmada ah, nagu gargaarsiiya
Godobboqorkiqabe khayrka waa, laga gullaalaaye
Inaad garasho noo dayriseen, Guullahaa arage
Si aan samada la idiinka gurin, nagu gargaarsiiya
Rag aan ficil galiilyoon dhulkaa, lala gariirshaaye
Ehelkiin guh iyo ciil qaboo, goomman baan ahaye
Inaan ciidda la idiin geddiyin, nagu gargaarsiiya
Gob salaaftey baan nahaye yaan, saa naloo geline
Rabbigii gahayr naga dhigaa, goolka noo dhaline
Sheekadu gadaal waxay ka noqon, nagu gargaarsiiya
Gar xifaalo gaaf lagu kaftami, geeljire iscaayey
Abtigaa wuxuu kuu gasbaad, goosan subaxaase
Waxa wiilka gabadhiinnu oran, nagu gargaarsiiya
Hal galgalatay weeyoo adduun, galabba waa cayne
Haddaad nabad u gaballaaxsateen, goosh kalaa xigine
Sida gelinba geed hooski yahay, nagu gargaarsiiya
Raggayaga godoobkiisii buu, haadku gigayaaye
Gorgorkiyo waraabuhu ka dhereg, gudurkii reeraa’e
Geerida na haysiyo cidlada, nagu gargaarsiiya
Go’doon noqonnay waagaan sidii, geri ugaareede
Waxaa goonijooggaa na baday, gaanka reer Caliye
Garabkiinna kama maarannee, nagu gargaarsiiya
Ergo lagama guuriyo qabiil, guun ah oo cabane
Odayaal gondaha idin hayaa, soo gannoodsadaye
Gacal iyo walaalowdayada, nagu gargaarsiiya
Caro igu garoortaan qabaa, dhowr gu oo tegaye
Baryadaan la gooraamayaa, waa gartay dhab ahe
Marti goor xun socotaan ahaye, nagu gargaarsiiya
Gallad laguma waaroo xilligu, wuu isgurayaaye
Waxaad goorta goorteeda mudan, garanba maysaane
Nabsaa idinku gaafmeerayee, nagu gargaarsiiya
Nacas guufannaysaan fakarin, maalin kala guure
Gedda loo ordaayiyo naxwuhu, waydin geesmaraye
Biyo galac leh gawraarta dhaw, nagu gargaarsiiya
Siyaasada gurracan oo Gedood, moodde guguc roobe
Gabbacyaynta reer Diini waa, gunud khayaamaahe
Gaadmada shisheeyuhu rabaan, nagu gargaarsiiya
Haddii nala gumaadoon annagu, gaangunnoo maranno
Gadowgiyo waxaa idinka jabin, saab gandaallada’e
In xaggiinna loo ciidan guran, nagu gargaarsiiya
Gorayaduba ugaxdeeda way, baallogelisaaye
Ganka iyo dufkeeday sidii, go’ ugu awdaaye
Wax ka garasho dheer aadnigee, nagu gargaarsiiya
Isgawraca iskala gaabiyoo, gororna yuu fiigin
Iyo gamaska dhiigaysan baa, kuu abaalgudid ah
Waa labagarseeg iyo naxdine, nagu gargaasyiiya
Dhawr
Ilaahay Dhulbahantow wuxuu, noola kiin dhaliyey
Dhubbad iga yaraayow waxaan, kuu dhidhiinsanayey
Dhamastii shisheeyaha waxaan, kaaga dhicinaayey
Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey
Haddaydnaan ka dhiidhiiyin gun baan, ficil dhalaaloone
Walaalkay dhabeedow maxaan, kuugu dhololaayey
Waa udubdhexaad iyo xigtadu, xarig dhufeecaahe
Dhafar soohan weeyiyo sidii, hoosin dhaacle ahe
Haddaan caynka la isku dhifteen, lama dhaqnaadeene
Waxaa dhaxalwadaag looga dhigay, ha isku dhaateene
Dhaqaale iyo ”ii hiilli” way, naga dhexaysaaye
Bal isdhugo Shirshoorow tolkay, kuma dhegaysteene
Dhudhubaha bal jeedaaliyoo, dhaayo furan yeesha
Bal dhexmara Majeerteen dulliga, dhabarka loo saaray
Dharbaaxada naloo geystey iyo, foolka dhacay eega
Dhadhan beele inamihii gabdhaha, xubinta dheeraaye
Waataad dhismaha reerkayaga, dhab u jeclaydeene
Hablahaw ardaa dhigi jirteen, dhume raggoodiiye
Dhosoglow midgaan baa ku helay, meel dhexdhiinna ahe
Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude
Dhalandoorsan guurkood kuwaa, qaar idiin dhaxa’e
Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad guda’e
Dhaddig iyo haddaad naga rabtaan, xidid isdhaafdhaafsi
Dhudub kama helaysaan aroos, dheelmatiin wacane
Dhallintii Ibraahiim sidii, dhuguca loo boobye
Sidii geel Dharoor loo horoo, dhooddi ka cabbaaya
Nin kastaa ku soo dhababacee, dhiigga Talareere
Dhuuxii adoogeen haddaan, habari dhaandhaamin
Amaan hooyadiin dhega adkayn, nama dhasiigteene
Isku dhidid inaan nahay wax baa, noogu kiin dhimane
Dhayal ma aha hadalkaygu iyo, dhaadhac wiilnimo’e
Hadduu maydkayagu dhooban yahay, dhagidii Boohoodle
Asaydnaan dhirfayn waa inaan, idin dhalliilaaye
Labo dhoonhoraad oo Ilaah, dhaayday baan nahaye
Faradheeri mooyee si kale, waysu dhigannaaye
Haddaan qoloba qolo tiir ka dhigan, waynu dheelliyine
Ku dhegsadaye qaylada waxaan, kor ugu dheelaasay
Dhadhab ha iga moodina nin dhii, laysan baan ahaye
Noo soo dhaqsada waxaynu nahay, oday dhacaankiise
Idinkoon rag dhumuc weyn leh oo, dhalada noo waayin
Dhaawiciyo geerida haddii, nalagu sii dhawrto
Ilaahii dhammays idinka dhigay, haydin buux dhimo’e
Dhaantada ragyohow tumanayaa, dheeshu noo darane
Hadduu cood idiin dhalay annagu, dhacannay waagaane
Agoomaha u dhawrteeya waa, xeer inoo dhigane
Ku dhammaade aakhiro raggii, dheemmanta ahaaye
Dhalanteed carruuriyo wax aan, dhaamin baa haraye
Noo dhiciya maatada nabsigu, waa habeen dhixide
Dhinbilihii ”Murgumo” maansadaan, hore u soo dhiibey
War i dhaafsanaa iyo qurjiga, caro dhagsiisaaba
”Maangaab!” dharaartaan lahaa, waydin dhaagsadaye
Waxse dhaadaddaydiyo runtii, dhab u caddaynaaya
Annagoo dhufays idin bidnoo, dhagaxa Hawd joogna
Oo idinku soo dhuumannaad, naga dhaqaaqdeene
Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane
Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye
Hohey! Dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane
Haddaad dhaaban tahay ood lugaha, dhiiqo ku istaagtid
Dhashii aabbaha oo quraa, dhuubta kaa qoda’e
Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye
Qofkii gacalki dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e
Inkastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane
Dan wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jiraye
Dhoys ina adeerkaa ahoo, dhoohan baa badane
Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane
Dharka soo qallaylsada biyaad, dhabacsanaysaane
Dhallaankiyo haweenkay ilmadu, dhabanka yaacayso
Dhafoorrada madoobaadey iyo, dhogor xumaantooda
Dhaddigoodka wada ooyayaa, way dhursugayaane
Waxaan dhoocanaynaa intaan, dhalad wadaagnaaye
Yaa nooga kiin dhow wax baa, laysku dherershaaye
Mase waad na dhiibteen? su’aal, dhaygag laa timide
Haddaan qooro dheeriya lahayn, nalaka dheereeye
Idinkoo dhabaalada arkiyo, waran kudhaabdhaabka
Haddaad hilib dhanaan leedihiin, maal ma dhaqateene
Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye
Daarood dhammaantiis wuxuu, noogu wada dhaartay
Kelinimada noo law dhigtaay, soo dhudhumiyeene
Dhammaw Khaalid iyo Tuuryar baan, dheehin qiiraduye
Barkad baan na dhinac joogsan iyo, dhudo Qayaadeede
Celi dhebi ma yeesheen Hayaag, soo dhakoobsadaye
Duni dhabaqday Maxamuud Garaad, waad isdhigateene
Dhafantii ugaasyadayadii, looma dhaadhicine
Yaxyow dhebedka fooryahaya oo, dhawle waad maqale
Garaad Faarax waa dhool gu oo, dhays la foorara’e
Sahamo u dhakuungalay haddaan, dheegtey wararkooda
Sidkoodii dhawaayaye inay, dhicinse ma aqaane
In kastoo dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay
Mar haddaan dhalaalo aad farteen, dhiishayada gaarin
In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine
War dhiiqdhiiqsi gabay maalintay, talo ka dhoocaarto
Cali-Dhuux haddii iil la dhigay, dhaaxa soo tiriye
Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuub xiraye
Ayagana dhaqaaqjoogsi iyo, dhuukis baa galaye
Labaduba i dhaafsade sariir, daabac dhiina lehe
“Dhamas” seexde duulkaan lahaa, way dhifsanayaane
Gubaabo kuma dhiirradaan, dhuunte reer Hagare
Lafaha kuma dhaqaajaan tixihii, loogu naasdhigaye
Odayaal! dhitaysiga murtidu, waa dhabcaalnimo’e
Dadku kuma dhacaayaan waxaad, dhihi karaysaane
Haddaydnaan dhawaaq iyo hayaay!, igula dheeraysan
Magaceennii dheeraa dib baa, loo dhaqdhaqayaaye
Rabbi baa dhulkiisa cammirtoo, dhuunya aadniga’e
Dhiggiis loo calaacali karoo, dheef baxshaan jirine
Waxba yaanan hoosdhigan gacmaha, nimanka dhuuhayne
In kastaan dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine
Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine
Dhugatadu mar uun bay idlaan, dhiida fuushaniye
Dhirta gubatey dhuxulaha kulhamay, dhumar dhallaandooxa
Dhaleecadiyo ceebaha wajiga, igu dhammaajaysan
Dhabayaco Ilaah lehe mar uun, bay ka fool dhaqane
Ma dhantaalmo qoonkuu Raxmaan, dhinac istaagaane
Rasuulkaa na dheegsoconayiyo, dhawr kun oo malage
Hartiyow abaal dhigo adduun, dhaymo siima lehe
Ereyada iyo ujeeddooyinka gabyaaga laguma wada faallayn karo halkaan,
laakiin ”Dharbaaxada na loo geystey iyo, foolka dhacay eega!” kama uu wado
”fool” ilig ee wuxuu ka wadaa ”waji”, isla markaas wajiga kama uu wado waji
caadi ah ee wuxuu ka wadaa muuqaalka guud oo bulshada.
”Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye” dhibta kama uu wado
waxyeello ama shiddo ee wuxuu uga jeedaa ”xil”. ”Hashii jabtaa ninkeeday
dhibtaa” waxaa laga wadaa qofkii lahaa bay xanuujinaysaa.
”Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane” dharab kama uu wado
qoyaanka aroortii dhirta saaran oo ay gabaddanadu ku reebto ee wuxuu uga
jeedaa lacag yar!
Seetada ama dabarka awrta waxaa ugu daran qaabka ”dhuuxyayn” loo yaqaan oo
ah in labada jeeni inta mid kor loo qaado kan kale xoog loogu xiro. Ratigii
la dhuuxyeeyo waxaa loogu talogalay in uusan daaqin ee uu fariisto, wuxuuna
Khaliif aamminsanaa in uu Maxamed Siyaad ummadda soomaaliyeed dhuuxyeeyey
”Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey”.
”In kastuu dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay. Mar haddaan dhalaalo
farteen, dhiishayada gaarin” dhirindhir iyo dhalaalo midna macnihii loo
yaqiin loogama jeedo. ”Dhirindhir” waa geedka gaaraggooga loo yaqaan oo ah
geedka markii uu dhulku doogsado ugu bixi og oo geedaha kale oo weli qaawan
buu dhirindhirku laacaa. ”Dhalaalo” waa caano yar oo weel salkiis ku jira,
oo sida badan markii uu dhirindhirku laaco weelasha waxaa ku dhibka xoogaa
caano ah (dhalaalo). Laacitaanka dhirindhirka markii uu Khaliif dhalaalo ku
waayey buu dhiishiisii oo maran inta uu eegay wuxuu asaga oo caraysan yiri
”In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine!”.
”In kastoon dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine” waxaa la wada og yahay
in dhaqanka soomaalida aan aad dab loo shidan xilliga doogga, oo ”dhardhaar”
waxaa laga fakaraa waqti abaar ah, haddana markii ay abaartu dheeraato
dhagxanta ama dhardhaarrada si kasta oo uu dabku dusha uga cuno lama rog ee
dhardhaarrada jiilaal waxaa la geddiyaa markii la doogsado, Roobkuna Alle
xaggiisa ayuu ka yimaadaa. U fiirso in uu ku xijiyey ”Abaaraha biciidkii
dhangagay, dhaayin baa xigine. Dhugatadu mar uu bay idlaan, dhiida
fuushaniye”. Sida ay biciid abaari u dishaa aad bay u adag tahay! ”Dhaayin”
waxaa la yiraahdaa daaqa aan cawska ahayn sida caleemaha. ”Dhukaan” iyo
”dhugato” waa cudurro geela ku dhaca, waxaana in laga biskooda ay fog tahay
dhukaanka, oo hasha dhukaanka ahi muddo dheer bay silic ku jirtaa, weliba
xilliga abaarta ah dhukaanku khayr ma uu laha!
Sababta ay gabaygaan ereyadiisu dhammaantood u yihiin kalmado miyiga laga
adeegsado, oo aan ”sariir daabac dhiina leh” ma aha ee erey magaalo loogu
arag waxaa laga yaabaa in ay tahay in uu Khaliif dareemayey in uu reer miyi
soocan la hadlayey. ”Sariir” lafteeda ujeeddo ayuu ka leeyahay, isla markaa
qoriga ”dhoonbir” laguma tilmaami karo in uu alaab magaalo yahay,
”Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane. Dhankaad naga xigtaan
buu xagaa, nooga soo dhacaye”!
Wuxuu ku xijiyey ”Hohey! dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane”!
Baqdinta ama cabsida oo dhan ”dhawr” lama yiraahdo ee qofka aad dhawrta
macneheeda ugu dhuun daloolaa wuxuu og yahay in ay baqdin khaas ah tahay.
Tusaale ahaan meel la og yahay in ay bahallo dugaag ah leedahay, laakiin aan
la ogayn ama aan la saadaalin karin bahallada ku nooli noocyada ay yihiin oo
aan xoolaha iyo dadka in libaax laga ilaaliyo iyo in shabeel laga ilaaliyo
la kala aqoon baqdinteedu waa ”dhawr”, weliba markii ay meeshu cidla tahay
buu macnaha dhawrtu buuxsamaa! Markii hore oo aysan soomaalida siyaasadda
midaysani ka dhexayn baqdinta ay kala baqaan ”dhawr” lagu tilmaami karin,
laakiin siyaasadda wuxuu Khaliif u qaatay in ay ”dhawr” leedahay, oo aysan
dadka badankoodu lahayn garasho ay duleedkeeda ku daalacdaan.
”Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuubxiraye”. Nin baa inta uu hal meel
waddo ah ku qashay wuxuu yiri: ”Nin caqli lehi hilibkeeda i weydiisan uu
mayo, doqonna aniga ayaan iska siinayn”! Sababta uu Khaliif ereyga ”dhabtar”
xagga gabayga Aadan-Carab ugu aaddiyey oo uu oran waayey ”Dhabtar Samatar
iyo Aadan baa, loogu dhuub xiraye” nin gabay yaqaan loo sheegi mayo nin aan
aqoonna lagama dhaadhicin karo.
Gabaygu markii uu guubaabo yahay oo uu yahay gabay uu ninka tirinayaa yahay
dadka dareenka ka hadla waxaa dhammaadkiisa si dadban looga ogaadaa danta uu
ka lahaa ninkii tiriyey. Guubaabadu waxay leedahay wajiyo badan, oo ay ka
mid yihiin xogwarran sida badan caaradka gabayga lagu daro, canaan, cabasho
ama eedsheegasho iyo dhaar. Haddaba dhammaadka gabayga haddii ay quusi ku
badan tahay gabaygaasi waa guubaabo xujo ah oo uu ninka tirinayaa og yahay
in uusan ciidan ku helayn, ee uu hagar laga galay taariikhda gelinayo.
”Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye” inta ka danbaysa wuxuu
Khaliif ka degayaa buur dheer oo uu u fuulay xogwarran, canaan, cabasho iyo
waxyaalo kale oo uu siyaalo qurxoon isugu shaandheeyey. Inta uu buurta ka
soo deganayo oo dhan wax aan quus ahayn dareenkiisa laguma arko, waxayna
muujinaysaa in uusan gabaygu ahayn gabay ciidan lagu doonayey.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan