SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOODGABAY

Cumar Nabaddoon omarabdinur@hotmail.com



Nabadoon

Dhagaafe

DOOD GABAY

MAXAMED DHAGAAFE CILMI IYO CUMAR C/NUUR NUUX- NABADDOON 

Waxaa dooddaan gabay is weydaarsanaya Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ku nool Afrikada Bari gaar ahaan dalka Uganda iyo Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon oo ku nool Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska, magaalada London. Labada abwaan oo ah rag saaxiibbo ah, ayaa dooddaan gabay isku tusaaleynaya duruufaha mid walba ku haysta halka uu joogo, iyo weliba guud ahaan duruufaha adag ee haysta umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. Gabayga waxaa bilaabay Maxamed Dhagaafe kadib markuu akhriyey maanso uu tiriyey Nabaddoon oo magaceedu ahaa BAAQ, taas oo Nabaddoon u dirayey labada garab ee ay u qaybsantay Dawladda Faderaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed. Dooddii gabayna sidaan bay ku bilaabatay:

  • MAXAMED DHAGAAFE CILMI FILIG:

  • Da’da maanso Cumaroow adaa deeqsi ku ahaaye
    Diintiyo adaa nabadda jecel inaad u dooddaaye
    Colaadaha na dabar gooyey iyo daannadiyo hoogga
    Dadkeennii islaayiyo dhulkii la isku dooxaayey
    Adigaa ka diiroo u dira waano daacadahe
    Adaa jecel inaan doog helniyo dawlad caadilla e
    Nin kastoo damqanayana adaa kicin damiirkiise
    Adaa daawo uga dhiga murtida doqonse yeelkeede
    Aniguna dabuubtaad qortood daabacdaan helaye
    Qalbigaa idoogsaday walaal daacadda ilaahe
    Nabaddoon innaad tahayna waan kuu duraansadaye
    Isku duubnibaa lagu fushaa hawshi daba dheere
    Deeleeydan waxaan kuugu qoray amase kuu doortey
    Doc inaan kawada jeensanoon samaha doon doono

  •  

  • CUMAR C/NUUR NUUX - NABADDOON:

  • Duruufaha ayaa iigu wacan, buugtan daabacaye

  • Deelqaafna uma aan gabyoo, waxaa daliilkiiya

  • Nin kufaar dugsaday baan ahoo, gaal la deris yaale

  • Dibadaha ku raagoo in badan, daalna soo maraye

  • Dalkii iyo dadkii baan ogahay, xeesha loo dagaye

  • Deeleyda gabaygiyo murtida, waan u dirayaaye

  • Adna dooji oo gee mar uun, dawga way garane.

  •  

  • Nin da’weyn ayaa Maxamadow, hadalku deeqaaye

  • Isku duubnidaa lagu fushaa hawshi dabadheere

  • Dabuubtaasi waa hadal ninweyn, doodna kama taale

  • Duceysane adaa iga mudnaa, inaan ku doortaaye

  • Anba daalacdoo waan akhriyey, gabaygi Diiwaane

  • Gogorkaad dirtiyo waan la dhacay, dooddi maansada’e

  • Ha ka daalin maatada inaad, lahan ka daaweyso

  • Ha durduuratee sii mar uun, dawga way garane.

  •  

  • Dalkaan waad la socotaa beryahan, laysu dacareeye

  • Dab munaafaq shiday baa layiri, duul kaluu gubiye

  • Waxaan doonayaa inaan qaxoo, dibu hayaamaaye

  • Dalkii inaan qabtiyo inaan qurbaha docun ka sii aado

  • Labadaa midkaan dooran laa, weli ma daaweyne

  • Talo soo dir waxaan kugu jeclahay, daacada Ilaahe.

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE:

  • Inaad tahay abwaan doora oo diinta u adeega
    Darajaale waan kuu qiroo kuuma diiddani e
    Buuggaagta aad daabacdiyo gabayadaad duubtay
    Dadaalkaad waddiyo waan arkaa doorow waanada e

    Ninkastoo damqanayey murtidu daawadiis tahaye
    Inta daawad aay guran tahoo diiftu wali heeyso
    Diraacdiyo abaaraha dhiciyo daannadiyo hoogga
    Inta dacasku uu baxahayoo dooggu curanaayo
    Nabaddoon maddeyn karo inaan gabayo duubaaye
    Dockastoon wax marinana markaan wow diyaar ahaye
    Darandoorri maansadu marbey daawo noqotaaye

    Afartaas daleeyaye haddaan hadalka sii dooxo
    Dooddaadi Cumarrow haddaan dib ugu soo laabto
    Dunidaan dabaadiga ahoo la isku daan daanshay
    Dockastaba aduunkaan dadkii lagu dukheeynaayo
    Dalkii aad ku nooleyd haddii maanta lagu duulay
    Adoo dayro horay uga qoroon awalba dooneynin
    Muslim diid haddii ay noqdeed daallimada haystay
    Anna aad war iisoo dirtoo talo iweydiisay
    Dalkeeniina aad garan inaan la isku dayneynin
    Inta dawlad laga helahayoon dib u hayaameyno
    Annaguba daraan kuma qabniyo duudsi iyo maage
    Diintana ilmuhu waa bartaan ama dad waaweyne
    Duruus iyo cilmina waan hellaa daa’inbaa jira e
    Midab lagugu  durayiyo majiro duul saraan aheye
    Dadku weysla keennii walaal diir madoobida e
    Daanooyinkii Yurub halkaa lagaga doogtaaye
    Soo daad guree reerka oo boowe nala soo dag

  •  

  • CUMAR - NABADDOON:

  • Dacallada jirkaygiyo wadnaha, daafahiyo geesta

  • Daqarraa ku yaalloo xubnaha, daal xun baa surane

  • Dunidoo dhan baa laga ogyahay, diifta igu taale

  • Dabiibkiina waan kaba tagoo, dool ayaan ahaye

  • Anaa diiday oo maya ku iri, daawaduu qoraye

  • Waxaan doonayoo rabo bal garo, diiday samihiiye?

  •  

  • Diihaalka gaajada ayaan, dacaska jiidaaye

  • Dibjir iyo dagaag baan ahaa, tobanki dayroode

  • Duunyada inaan raacdo oo, daaqsimada geeyo

  • Dalag inaan fashiyo layga waa, dooji beeraha’e

  • Deriskaa i quudiya walow, deeq an dheerahaye

  • Waxaan doonayoo rabo bal garo, diiday samihiiye?

  •  

  • Dooddiyo tusaalahan qoriyo, waxaan dulmeeraayo

  • Waxba yaanan kuu dirin adiga, daalin madaxaaye

  • Dadkeenniyo dalkeennaa la mida, delidhacyeyntaase

  • Dibaddana horaan uga hadloo, waa darxumo weyne

  • Dululaati meel dhexe ma hubo, inaan degayaaye

  • Bari dooxadiisiyo kolaan, Mudug ku daandaansho

  • Ama dhaanka dabagaallihiyo, diinka wada dhowro

  • Dadaal iyo waxaad igu ogtahay, inaan dulqaataaye

  • Habeenkoo dalool tagay kan kale, dacal ka laalaado

  • Ducadiyo baryada Eebbaheen, soo dir waligaaba

  • Digrigiyo adkaartana ogow, doqonta baa mooge

  • Waa deeq ninkii garanayaa, uusan deyn karine

  • Danbi-dhaaf Ilaaheen u bari, degelka Soomaali

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE:

  • Ma dirgado haddaan gabay danniyo, inaan daliilshaaye
    Sida geela oo daran cunaan darar la reemaaye
    Bal aan caawa diif kama mutee, daaqadda u feeydo

    Dalkeenniyo dadkeennaba wixii, daqarro soo gaaray
    Anba waan dareen sanahay oo, waanka diriraaye
    Daltabyadana waan wada qabnaa,dulinku yeelkiise
    Gorgorkaan diriyo waad akhriday, gabaygi diiwaanne
    Adigana duceeysane marabo, inaad dagaagtaaye
    Dululaati iyo kuuma dirin, meel dugaag badane
    Inaad Mudug uduushana walaal, kuuma diidani e
    Hayeeshee dantaan eegey iyo, dunida maantaaye
    Mar haddii ammaankii dalkaba leysu dacarreeyey
    Inaan gaalo daris noqonno waa, dan iyo caalwaaye


    Hayeeshee daliilbaan hayaa daalka kaabi`ine
    Haddii labo dugaag ina Cabdow, damacu kuu keeno
    Hadba kii dirkiis aad taqaan baad,udurugtaaye
    Afrikaanka diirkaan ku nahay, duul walaalo ahe
    Waxan kuugu doorana ma aha, meel dirsooc jiro e
    Haddaad diidday laakiinse waa adiyo dookhaaye

    Daba-gaalle dhaankuu wadiyo diinku kheyr malahe
    Dugsi malahan ee waa Amxaar nooga sii darine
    Inaan dalabka Eebbahay wadniyo ducada mooyaane
    Danyar inaan udoodnoo murtida, didino mooyaane
    Dulqaad inaan lahaanoo an samir dihano mooyaane
    Dariiq kale anigu garan mayee, soo dir gabayaasha

  •  

  • CUMAR – NABADDOON

  •  

  • Haddaan diifta nagu taalla iyo, daalku nagu raagin

  • Haddaan dunida meeshaan marnaba, koox dibjira oollin

  • Haddaan dawlad sharafteen cistiyo, meel dugsiya joogno

  • Anba duubka uma aan xidheen, gabay daliilkiiye

  • Dadkoo seexday goor dhexe murtida, kali madooxeene

  • Diiwaan intaan qoro khalqiga, uma direen buuge

  •  

  • Nin dalkiis lakala iibsadaan, doc u fayoobeyne

  • Haddii laba dugaag Maxamadow, damacu kuu geeyo

  • Hadba diirnax kii aad biddaad, dibu jalleeecdaaye

  • Afrikaanka diirkiyo dhulkaba, deriska ii sheegta

  • Dirsoociyo dhibaatada iyaga, baa u sii darane

  • Dabkii xalay la suray waad ogtahay,dahab Islii yiile

  •  

  • Diinkaba haddii qolofta sare, iyo daaha laga qaado

  • Dubka hoose waa jilicsanyahay, oo difaac ma lehe

  • Sida haaddu ugu soo degtoo, ugu damaashaaddo

  • Dadkeenni waxaa lagu matalay, hilib dallaal yaale

  • Dareenkaas ayaa igu jiraye, talo ma diideene

  • Adna hayga didin Maxamadoow, deeq Allaa imane

  •  

  • Dalkii aadayaa iyo kula degaa, dibadda aad joogto

  • Mar haddaan duruufaha ognahay, meelkastaba daadsan

  • Deg deg iguma jiro oo dulqaad, baan ka doorbidaye

  • Ducadiyo baryada Eebbaheen, soo dir abidkaaba

  • Deelleyda gabaygiyo murtida, dooji weligaaba

  • Dib waxay ka noqotana la soco, dunidan miinaysan!!

  •  

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE:

  •  

  • Cumarroow dabuubtaada gabay, waa duxdheertahaye
    Waa haddal da`weynoo nin raga, daawadiis noqone
    Dulucdiina waad iga heshiyo, diiraddii gabaye
    Inaad tahay abwaankii dalkana, adiga kuu doortay

    Diinkaba haddii qolofta sare, daaha laga qaado

    Inaan haadku deyneyn majiro, ruux dafirayaaye
    Dadkeenniina saas weeye iyo, dahaladeeniiye

  • Sidii ari ninkii daajin jiray, duumo kala goysay

  • Oo dawaco soo weerartoo, midiba duur jeexday
    Dadkeennii ukala yaac dunida, dacalladeedaase
    Darxumada waxaa nooga daran, damaca gaalaade
    Dabar goyn ayey nagu wadaan, diinta lagu taagye

    Qurbahaas dadkii badi galiyo,dalalka aad joogto

    Afrikaanka dariskeenna iyo carab,dusheennaaba
    Midna nama daneynine anaa, diirmadoow jecele
    Haddeey naga damqanayaan sidaan, uma dagaagneene

    Dabkii xalay qabsaday waan ogahay,dahab Islii yiile
    Hayeeshee wixii daaray wali, waala daya-yaaye
    Daahana warkii lagama rogin, daacada ahaaye
    Aniguna daliil kama hayiyo,hubanti diimoone
    Inaan duul ku eedeeyno taas, waan ka digayaaye
    Dabku inuu ka kacay idan ilaah, leetar lagu daaray
    Iyo inuu dadkeenniyo kayimid, dagalka soomaali
    Iyo inuu dirsooc nagu hayoo gaalku nagu daaray
    Midna looma deeynine bal aan, duulka maqan dhowro

  •  

  • CUMAR - NABADDOON:

  • Danta iyo duruufaha jiriyo, daalka iyo hiifta

  • Dibad iyo gudaba xaaladaha, dumiyey Soomaali

  • Dareenkaaga gacaliyow kayga, ways dabbaqayaane

  • Dadaalkuna wuxuu marag u yahay, daacadnimadeene

  • Hayeeshee dab baa inagu shidan, duulka aan nahaye

  • Damintiisa waxa laga rabana, waa dadkoo idile

  • Dariiqee ku gaarnaa xalkiyo, waxa an doonayno?

  •  

  • Wixii shirar naloo dumahayoo, daawo laga waayey

  • Dabaaljoogle beenay ahayd, iyo dano shisheeyaahe

  • Waatii Danyel Arab Moi qirtoo, marag ma doontaahe

  • Dadkeennuna ma garan oo middaas, daah ayaa galaye

  • Dagaal ooge baa kala qoqobay, diiday nabaddiiye

  • Darxumadaan sidee uga baxnaa, dilatay Soomaali?

  •  

  • Haddii tuuggu daaqadda ka galo, daarta gurigaaga

  • Oo dacal ka seexdoo haddana, kugula doodaayo

  • Difaacaaga baan ugu sugnahay, iyo daryeelkaaye

  • Duullaan kalaa soo socdee, dayso xumahayga

  • Oo diiday aan lagu dhihine, loogu daro hiillo

  • Dumarkiyo caruurtuu kufsado, dahabki uu qaato

  • Danbigeeda ayamaa iska leh, waa su’aal dadane?

  •  

  • Inta dalaga kii fali lahaa, uu dab qabasiinin

  • Inta Daylo kii celin lahaa, dacawa siinaayo

  • Inta Daalo oo igara ay, weli dibboodeyso

  • Dagaal ooge taladiis shacbigu, daba nashleynaayo

  • Inta doorka caalimkiyo waddani, la iska diidaayo

  • Inta dalal shisheeyaa xalkiyo, dawlad laga dhowri

  • Dulligaan inaan laga baxayn, baan ka digayaaye

  • Dadkeennii u sheeg yaan Ibliis, dalow ka tuuryeyne

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE:

  • Cumarrow dabbaa inaku shidan waa daliil dhaba’e
    Damintiisa waxa laga rabana waa dadkoo idille
    Waxkastana dawey leeyihiin lagu dabiibaaye
    Haddii duunyo meel aysan jirin baadi laga doono
    Diyow iyo waxaa laga mutaa daal iyo harraade
    Annakuna wixii noo danaan daba mareeynaaye
    Intaan gaal dastuuur uu qoriyo belo u doodeyno
    Dimuquraadi baa wacan intaan daw ka dhiganeyno
    Iska daba wareeg iyo wallaan dirir dhamaaneyne
    Xalku diinta weeyiyo inaan dib u walaallowno:

    Wuu noo digaye waan lagaran Daanyel Arab Moi’e
    Sirtii buu dilaacshiyo waxay damacsanaayeene
    Wixii shirar isdaba joogey oo Dollar ku idlaaday
    Dawo lagama rabin iyo inaan dib u heshiinnaaye
    Waxaa loogu dawgalayba waa, kala dulaalkeene

    Midkastoo dudada loo qabtana waa kasii darine
    Midkii ugu danbeeyaba wakaas leysu dacareeye
    Dagaal oogayaashii nadhigay dibirta aan naalo
    Kuwii dumiyey qarankeena oo nabadda diidaayey
    Iminkeey dagaal hurinayaan kama ay daalaane!
    Haddaad daawadood iga rabtana waa dadkoo kaca’e
    Oo diida mooryaan illeyn waa dugaag falanne

    Haddii tuug daf soo dhoho walaal daaha gurigaaga
    Doc ayaan ka leeyahay hadduu doodda ku idleeyo
    Adna aadan dilin ama darbeyn daanana u geeysan
    Dadkalaan difaac kaaga noqon waa daliil jabane
    Dumarkiyo hadduu guriga dhaco, dahab wixii yaalla
    Dambigeeda adigaa lehoo daallin kaashadaye

    Waxba gabaygu yuu ila durkine waan dabrahayaaye
    Abwaannada dalkoo badan waxaan adiga kuu doortay
    Dareenkaan wadaagnaan arkiyo daacad nimadaaye
    Damqashada ayaa naga dhexoon kuugu dawgalaye

    Dawankaan ruxeynana marbaan gaarin dulucdiise
    Dambarkeedu waa dhawyahaye daa’in idankiise
    Inta kali daneystiyo nin xuni Daawad bi’inaayo
    Dadaalkaan inaan sii wadnaan kaa dalbanayaaye
    Ha la daalacdee ina Cabdow daabac gabayaasha
    Diiwaanka noogali murtidu waa dib keyd wacane

  •  

  • CUMAR – NABADDOON

  • Xalku diinta weeyiyo inaan, dibu walaalowno

  • Kugu diidimaayoo middaas, dood kamaan qabo’e

  • Si daliilku waa saxanyahee,loogu diritoobo

  • Dariiqee ku gaarnaa ayaan, kaa dalboo rabaye

  • Dacal kale haddaan faydo oo, daaqad ka iftiinsho

  • Dadku waa Islaam oo Ilaah, daa’in way garane

  • Daraf iyo ka daraf baa salaad, duhur la oogaaye

  • Damaashaadka ciiddaa dhammaan, loo dabbaaldagiye

  • Muslim dhiiggi inay daadiyaan, duulkan waw sahale

  • Oo aano loo dilo qof aan, kiis dambiya geysan

  • Ma Nifaaq ayaa degey qalbiga, diintu may galine

  • Daliilkoodu waa maxay ninyahow, dooxatadan baasi?

  •  

  • Digtoor iyo sargaal iyo waddani, waa la dilayaane

  • Duub iyo Garaad lama cisiyo, duqi u weynaaye

  • Tacliin lagu dadaaliyo malaha, jiil danboo kiciye

  • Dublamaasigeennaa la mida, Daydaygoo kala’e

  • Dunidaan tagtee loo tartamay, dayaxa guudkiisa

  • Dannigeenna qaar bay la tahay, inaan la daaqnaaye

  • Dameertii fardaha raacday baa, duulkan loo mudine

  • Daliilkoodu waa maxay ninyahow, doqontan cayrtowday?

  •  

  • Inkastoon damqanayoo qalbigu, daalay madaxaygu

  • Oo doodda gabayadii ninyahow, daabacoo badiyey

  • Hayeeshee dadkaan la hadlayaan, diirin abidkoode

  • Dundumooyinkaa lagu matalay, maqal darnaantoode

  • Iyo dhagaxa didibtee biyuhu, simay dushoodiiye

  • Murtidii dux laa laga helaa, doogsin iyo rayse

  • Dib ayuu u aayaa qofkii, daw san laasima’e

  • Dadaalkaan wadaynaa taniyo, daarti aakhira’e

  • Darmaanteennu waa gabayadee, ha is daba yaallo

  • Oo doorkan doorkiisa kale, nabar ha daaweeyo.

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE:

  • Dadku waa Islaam Cumar Cabdow waana loo digaye

  • Damaashaadka Ciiddana bar baan soo dabaaldegine

  • Salaaddana bar baa diiday oon Duhurka aadeyne

  • Inkastood digriga Eebbe iyo barato diinteenna

  • Haddii aan dedaal lala imaan waa ka sii darine

  • Dameer malab sidaad noqon haddaan ficlku daaweyne

  • Dadkeennana bar baa saa sahoo baadi door bidaye

  • Wixii looga digayana bar baa daakhilkaw galaye

  • Dadka dhiigi qaar baa u qaba duunyadoo kala’e

  • Daroogaystayaal baa jiriyo dawdar saaqiday e

  • Kuwo booli daaqoo caqligi dawray baa jira’e

  • Ku dagaalka huriyoo fidnada doonayaa badane

  • Duacaqabe anoon dacal marayn dooddi gabaygaaga

  • Mar haddaan dariiqii wacnaa lagu dadaalaynin

  • Ma qabiil dushaa laga yahaa, diintu waa ficile?

  •  

  • Dadkaan sida dugaaggii is cunay oo is wada dooxay

  • Daliilkooda lagu daalyayoo duul horaa qiraye

  • Damqashiyo waxaan lagu ogeyn dux iyo iimaane

  • Talo loo dirana waxaa u wacan dibu walaalooba

  • Oo diinta raaciyo jidkii Nabigu noo dooray (NNKH)

  • Oo diida kaan doonahayn dowladnimadeenna

  • Oo dayrsha Mooryaanta iyo kali daneystaaga

  • Oo diintu waa mide ka hara toban dariiqaadka

  • Dambidhaaf Ilaah baa hayee khayr ha laga doonto

  • Markaas baynu darajiyo ka helin nabad la doogtaaye

  •  

  • Haddii mawdka Cumarow nadili waayo naga daaho

  • Dardargelinta hawlaha rag baan soo dalbahayaaye

  • Ninkastoo damqanayaan walaal baaq u dirayaaye

  • Dawankii Cibaar baan ku oran dooji beelaha’e

  • Dadkeennii is laayiyo bulshada diiftu weli hayso

  • Si xal kama danbeysiyo midnimo loogu diriteeyo

  • Darmaanteenna waa inaan wadniyo gabaygan deelleye

  • Oo doojinnaa shacabku waa duul harraad qaba’e

  • CUMAR - NABADDOON

  • Dadkaan maanku kaba fooraree, daxalku uu fuulay

  • Dantoodii kuwaan garan la’ee, daadku wada qaaday

  • Damiirkiyo kuwaan laga qufulay, dookhi bani’aadan

  • Dacwadaan u fidinnayno iyo, waxaan danaynayno

  • Kolley kuma duxeysoo ma hubo, inay dabcaayaane

  • Iska daana kuma oran kariyo, doono meel kale’e

  • Duruufaha ayaa nagu qasbiye, duulku waa hamage

  •  

  • Waa duni ninkii shalay kharribay duubka loo xirine

  • Waa duni ninkii deynta qabay, loo diyaafadine

  • Waa duni dayuuskii ikhyaar, darajo dhaamaaye

  • Waa duni dabluhu uu xukumo, janan da’weynaaye

  • Waa duni damiirkii dhintoo, duul xun maamulaye

  • Waa duni dibnaha inaan xidhaa, dani i yeelsiine

  • Hayeeshee dadaal baan haddana, taa ka door bidaye

  • Dubuubtaydan fahan murtida, waan dulmarayaaye

  •  

  • Roob da’ay daruurahoo unkaday, karar dillaacaysa

  • Daad soo rogmaday oo biyuhu, duunyo badan qaaday

  • Dadku uu qarqarayoo ilkaha, daamanka is dhaafshay

  • Dabaylaha cartamayana jabsheen, damalladii raydab

  • Ninkii dumiya gurigiisa oo, daafta hore seexda

  • Durdurradu inay qaadayaan, kama dahsooneyne

  • Danbigii la galay baa xaqii, dadey  walaalow’e

  • Ducadiyo baryada Eebbaheen, baan dalbanayaaye

  • Aammiinta ii daba dhig oo, sacabbadow doogso

  •  

  • Dabaadiga Alloow noo hadee, diinta lagu tooso

  • Deriskiyo qaraabada is dilay, xume la daaweeyo

  • Dabka uu munaafiqu shidiyo, dabin kastoo yaalla

  • Daacadnimo Alloow lagu denshaa, oo la dabar gooyo

  • Qaran dumay dadkii kala firxaday, dalaggi naafoobay

  • Dib Alloow u soo celi mar kale, dawlad lagu raysto

  • Oo nabaddu deeqdaa dhammaan, degelka Soomaali.

  •            

  • MAXAMED DHAGAAFE

  • Asagaa dabbara xaaladaha doorba suu rabo e
    Alle deeqdi haynoogu furo ducadi aamiine
    Soomaali diiddaye haddey samaha dooneyso
    Dariiqey ku socotaba wallaan daawo loo marine
    Inta dacar qabiil aan nafluhu diidney oraneynin
    Dib waxey ka mudan ina adeer daa’inkaa garane

    Dunidaan ninkii deynta qabay loo dayaafadinin!
    Dunidaan ninkii muumin dilay ducada loo raacshay!
    Dunidaan korneylkii dabluhu darajo dheeraaday!
    Dunidaan dagaalkiyo fitnadu meel kastaba duulin!
    Dunidaan dugaaggiyo ninyohow diiratadu leeftay!
    Dunidaan dabaadiga ahoo nabaddi loo diiday!
    Dunidaan la duudsiyey sharcigi Daa’ in ina siiyey!
    Dunidaan dastuur gaal ninyohow diinti laga doortay!
    Dunidaan dadkeennii caqliga doonta laga saaray!
    Dunidaan uu dabafurin ninkii shalayto loo doortay!
    Dunidaan waxbaan dilahayaa daawo laga raadshay!
    Dunidaan an laga daalaheyn dirirta waa yaabe!

    Doqonniimo weeyaan haddaan daraca jiifnaaye
    Dardar galinta waa inaan wadnoon duubno gabayaale
    Digtoonaada waa inaan dhahnaa dawre shacabkiiye
    Daldaloolka waa inaan tusniyo dabinka loo meershay
    Diradiraha waa inaan dhahnaa dayrsha xumihiisa
    Nin dalkiis burburay waa inuu dhab u dadaallaaye
    Inta shacabku doogsanahayoo dagalku nuuraayo
    Dacwadeenna waa inaan wadnaa daa’in abidkeene
    Soo dooji gabayada mardhaw dayrti waa curane

  •  

  • CUMAR – NABADDOON

  • Inkastoo dulqaadkii Ilaah, lagu dakeynaayo

  • Oo deeqda Eebbaheen cidina, diidikaraheynin

  • Cir ma da’o haddaan daruur cukani doojin saymaha’e

  • Dab ma baxo haddii aan shidaal, deeqayaa jirine

  • Dunidana ma soo marin dal aan, dadi u nooleyne

  • Haddii aan dadaal iyo waxqabad, daacaddu horseedin

  • Inay dayri hoortiyo ha sugin, karar la doogtaaye

  •  

  • Digtaatoor intuu talinayoo, dilaya kuu doono

  • Inta eex la doorbidahayee, xaqa la duugaayo

  • Inta diinta laga cararayee, duur la xulanaayo

  • Dumarkiyo cirroolaha intaan, cidi daryeelaynin

  • Ama deriska loo dhacahayee, duhur la xoogaayo

  • Haddii aan dadaal iyo waxqabad, daacaddu horseedin

  • Inay dayri hoortiyo ha sugin, karar la doogtaaye

  •  

  • Durbaankii qabiilkiyo intay, dawanka sheydaanka

  • Dukheyntiyo intay weli wadaan, reero lagu duulo

  • Inta Duubkii beelaha xukumay, balo dallaalaayo

  • Oo dabinka uu dhiganayoo, dedayo waabayda

  • Dalkeennii intii uu dulmigu door ka yahay khayrka

  • Haddii aan dadaal iyo waxqabad, daacaddu horseedin

  • Inay dayri hoortoo ha sugin, karar la doogtaaye

  •  

  • Ood durugsan kuma dhaxatirtiyo, aqal daloolaaye

  • Haddaan dibadda laga jooginoon, Buufis laga daalin

  • Oo Daawad waa gurantahaye, daaqsin lala raadin

  • Deriskiyo haddaan lagu hallayn, kurayo doon doona

  • Haddaan door aqoonyahan mar qura, dawliska u qaadin

  • Oo aan dadaal iyo waxqabad, daacaddu horseedin

  • Inay dayri hoortiyo ha sugin, karar la doogtaaye 

  •  

  • MAXAMED DHAGAAFE CILMI:

  • Asagoon daruur hore lahayn, sagal intuu duubmo
    Cirku waa da`aa goorti uu, daa`in shubayaaye
    Ayadoon shidaal lagu dis-siin, taraqna loo doonin
    Dabna waa baxaayoo marbaa, madag la daartaaye
    U dabbaaldag dayrtiina waa, ina duljoogtaaye

    Inkastoonan diidayn inay, daano inagaartay
    Oo duulxun maamulahayaan, dagalka soomaali
    Oo aan bukaan duumo qaba, cidi dawaaynaynin
    Danyartiyo agoomahana aan, cidi daryeelaynin
    Duqow iyo indheer garadna aan, talo lawaydiinin
    Oo culumadii diinta aan, laga danbaynaynin
    Oo gaal durbaan loo tumoo, dacarti aan leefnay
    Hayeeshee dadaalbaa socdoo, diinti lagu toosye
    Qalbigii nadaxalaystay oo, cudurku daanneeyay
    Duul baa guntaday oo u kacay, inay daweeyaane
    Qabqablana diraacdaani waa, dabar go`oodiiye
    U dabbaaldag dayrtiina waa, ina duljoogtaaye

    Nin hadduu daruustiyo cilmiga, daalacdoo badiyo
    Waa inuu dalkiisiyo anfaco, duulka uu yahaye
    Niman duubka soo wada xidhoo,wada daraawiish ah
    Oo diinta lagu soo carbiyay, gaaladana diiddan
    Oo Daalibaanaa mardhoow, qaban dalkeeniiye
    Dib ayey usoo celin markale, kala danbayntiiye
    Dumarkaa xijaabkii dhigtaa, looga digayaaye
    Qabqablana diraacdaani waa,  dabar go`oo diiye
    U dabbaaldag dayrtiina waa, ina duljoogtaaye

  •  

  • CUMAR NABADDOON:

  • Dunidoo dhan baa laga ogyahay, qaran dufoobaaye

  • Oo diiday inuu soo noqdoo, dib isu ceynshaaye

  • Duunyadu halkii lagu khatalo, waa ka durugtaaye

  • Dareenkiyo xiskaa qaadayoo, baray dadaalkaase

  • Mar haddii dadkeennii waxgarad, duunyadu ay dhaanto

  • Oo dabinka loo dhigo kas li’i, dalaq u boodaayo

  • Dadnimadu maxay noo tartoo, darajo noo keentay?

  •  

  • Inay dawlad curataan rabaa, muran la daayaaye

  • Dadku inuu heshiiyaan rabaa, godob la duugaaye

  • Daqarradii na soo gaaray iyo, daannadiyo hoogga

  • Dagaal ooge wuxuu nagu dhigiyo, diifti macaluusha

  • Amba diinta waan kula jeclahay, inay daweysaaye

  • Daalibaan anoon noqon walaal, duubna soo xiranin

  • Waxaan doonayaa waa raggii, doorkan gudanlaaye

  • Alloow dayri noo curato oon, wada damaashaadno.

  •  

  • Dayax baa cadceeddii iftiin, damiyey waa beene

  • Dadaal li’i dad baa hurumar helay, diiday gacalow’e

  • Lixdankii halkii laga durkaan, dibuga guurnaaye

  • Dab qabyaalad lagu huriyey baa, dumiyey reerkiiye

  • In la damiyo oo laga gudbaan, weli dalbaayaaye

  • Waxaan doonayaana waa raggii, doorkan gudanlaaye

  • Alloow dayri noo curato oon, wada damaashaadno.

  •  

  • Doodgabay muddaan soo wadnoo, daalyey madaxiiye

  • Daldaloolladii wada qirnoo, dooxnay ubucdiiye

  • Daawaduna midnimo bay ku iman, lagu dadaalaaye

  • Iyo diinta oo lagu wada dhaqmoo, Daa’in la ciseeyo

  • Markaas baa dalkeennii u noqon, gogol dadkeenniiye

  • Waxaan doonayaana waa raggii, doorkan gudanlaaye

  • Alloow dayri noo curato oon, wada damaashaadno.

  •  

  •      Aammiin …………Aammiin………Aammiin

Dhammaad

Gabaygan kala xiriir
Cumar Nabaddoon  omarabdinur@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD