Maxamed
Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,
m_dhagaafe@hotmail.com

Maxamed
Dhagaafe Cilmi
|
DIGNIIN CULUS
Tani waa digniin culus oo kusocota ummadda
soomaaliyeed dhamaan.
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan
akhristayaasha qiimaha iyo qadarinta iga mudan, salaam kadib haddii aan u
gudo galo maqaalkayga maanta oo aan uga hadlayno-
khatarta uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee
AIDS-ka iyo sida lagu kala qaadoba maqaalkaan oo ah maqaal kii ugu hareeyay
oo aan qoro waxa aan ka cudur daaranayaa haddii akhristow aad ku aragto
farta ama si kale wax ka khaldan.
Maqaalkaan oo ka kooban sadex qaybood waxa
aannu uga hadlaynaa qaybta koowaad AIDS-ka sida lagu kala qaaddo qaybta
labaad waa digniin iyo xogwaran. Qaybta sadexaadna waa maanso ka hadlaysa
AIDS-ka iyo dhibaatooyinkiisa.
Akhris wacan
Sida lawada ogsoon yahay cudurka AIDS-ka oo
ka dhasha jeermiska loo yaqaan HIV waxa uu fara ba`an ku hayaa dadyowga
kunool koonkan aan duljoogno gaar ahaan waxa uu ladagay dadka kunool
qaaradda Africa oo ah meesha ugu badan oo iminka uu cudurkan kajiro, ayada
oo aan waliba cudurkaan dilaaga ah loo hayn wax daawo ah oo rasmi ahaan wax
uga tari karta ama lagu ciribtiri karo, inkasta oo aay jiraan daawooyin
lagula tacaalo qofka bukaanka ah si kastaba ha ahaatee marka aan eegno
qaaradda Africa waxaa kamid ah dalalka uu ladagay cudurkaani sida dalka
south Africa, Muzanbique, Uganda, Ethoipia, Kenya, iyo kuwo badan oo kale.
Dalka Somalia ayaan wali laga samayn tiro koob rasmi ah oo lagu ogaan karo
inta qof oo qabta cudurkaan oo kunool balse xoggaha lagasoo diro ayaa
sheegaya in cudurku uu ka jiro . Waxaa la soo sheegayaa in 0.9% dadka ku
nool Koonfurta Soomaliya ay cudurkaan qabaan, 1% Waqooyiga Somaliya iyo 1.1%
Waqooyi Bari Somaliya. Arrintaan waxaa loo aaneynayaa dadka ka yimaada
dhanka Itoobiya oo aad ugu badan Waqooyiya iyo Waqooyi Bari Soomaliya. Waxaa
kaloo xusid mudan in ergadii ka qaybgashay shirkii Mbagathi ee Kenya in
badan oo ka mid ah cudurkaan dilaaga ah laga helay, haddana ay dalka dib ugu
soo noqdeen.
Cudurkaan AIDS-ka siyaabaha lagu kala qaado
waxaa kamid ah:
- 1. galmada
- 2. irbad ama sakiin ama maqas,mindi oo
lala isticmaalo qofka jiran
- 3. Xiliyada dhalmada iyo gudniinka ama
qalliinka
- 4. Dhiigga qof cudurka siday ama qaba
oo lagu shubo qof kale
Cudurkaan laguma kala qaado sida qofka
jiran oo aad isku guri ku noolaataan amaba aad wax wada cuntaan. Sikastaba
ha ahaatee soomaalidu waxa aay ku maah maahdaa “Inta dhogortaadu dhantahay
baa la dhawrsadaa”
Qaybta labaad, waa xogwaran iyo digniin!!
Arinta igu dhalisay inaan maqaalkaan qoro
ayaa ah arin naxdin leh oo markii aan ogaaday igu dhalisay inaan digniin u
diro ummadda Soomaaliyeed digniintaas oo ku wajahan sidii looga hortagi
lahaa cudurka AIDS-ka iyo ku faafitaankiisa mujtamaca Soomaalida. Waxaan
kula talinayaa dadka dhalinyarada ah in ay Allaah ka cabsadaan oo iska
ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara cudurkaan dilaaga ah, waxaana idinku
boorrinayaa labadii damacda inay isguursadaan, marka hore inay is baaraan si
loo-helo aamin.
Waxaa dhacday in soomaalida kunool xerada
qaxootiga ee Nikivali oo u dhow magaaladda Mbarara ee ku taal galbeedka
Uganda in loosoo qaaday magaalada Kampala si loo mariyo caafimaad kadib
markii ay dawladda Maraykanku u ogolaatay daganaansho. Soomaalida oo ahayd
tiro ahaan 620 ayaa waxaa lasoo dhajiyay caafimaadkii waxaana la ogaaday in
60 kamid ah ay qabto cudurka TBda halka 5 kale aay qabaan fayraska H.I.V
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN! Waa markii iigu horaysay oo qof
Soomaali ah oo aan aqaan cudurkaan lagu sheego. Naxdin waynaa! nasiibdarro
dadkaan waa iisuurtogali waysay inaan xiriir lasameeyo oo aan ka waraysto
sida ay ku qaadeen, waayo dadka Soomaalida adoo og inay jirran yihiin ayaan
waxba lawaydiin Karin, oo waxaaba laga yaabaa inay kula dagaalaan! Allow
sahal, bal qof walbow is ilaali.
Qaybta sadexaad waa maanso ka hadlaysa
cudurkaan dilaaga ah:
- Aids waa mid daran iyo
- Cudur daano waynoo
- Inuu yahay dilaa culus
- Dadku wada ogsoonyahay
- Waa fayras dabar jara
- Daafaca jiirkoo idil
- Durba wuxuu asiibaa
- Xididdada dureeriyo
- Kuwa dhiiga kala dira,
-
- Waa cudur da`waynoo
- Dhakhaatiirta duniduna
- Daawadiisa waayeen
-
- Daacuunka faafiyo
- Kansarkiyo dabaylaha
- Waa cudur karan oo
- Duniduba ka cabatoo
- Qofka uu ladaris yahay
- Godka aakhirow dira!
-
- Cudurkaan dabkaayoon
- Danbaskiisu damahayn
- Daafaha aduunyada
- Meequu dad helayoo
- U`il daran daraadiis!!
-
- Hayeeshee dadkaygow
- Daa`inkii ilaah iyo
- Diinteena wacanbaa
- Naga daafacaysee
- Dib haloogu laabtoo
- Dambigiyo sinada iyo
- Dabar jara xumaatada
-
- Ma ogtahay dadkaygow
- Ruuxii danbaabboo
- Ibliis daaqad kala baxo
- Xaaraanna door bida
- Alloo deeq u fidiyiyo
- Danbi dhaafid mooyee
- Inuu naarta dalaq oran?!!
-
- Ma ogtahay dadkaygoow
- Dariskeenna dhow iyo
- Afrikada dusheennaa
- Sida AIDS ula dagay?!
-
- Ma og tahay dadkaygoow
- Gaalada dullaysani
- Inaay duluc ku sheegeen
- Wax difaacayaa jira
- Deeq baana loo bixin
- Waase dacar qarsoon iyo
- Kondhom AIDS lagu duray
-
- Waxay doonayaan garo
- Waa dabar go`eeniyo
- Diintoo
ladhumiyee!!
- Digtoonaada
waligiin.
--------------------------------
DHAMAAD
Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,
m_dhagaafe@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30,
2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|