SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
London, UK



Cali Maxamuud Xiirane

DHOOB-DHOOB

Tixdan gabayga ah ee la yiraahdo Dhoob-dhoob waxay soo baxday 27/09/04,waxaana tiriyay  Cali Maxamuud xiirane.

Gabygu wuxuu waxuu ku saabsanyahay colaadda nagu raagtay iyo dhibaatooyinka ay sababtay. Gabaygu 3 qaybood buu u qaybsamaa oo kala ah cabasho, codsi iyo digniin, wuxuuna u badanyahay maah-maahyo, tilmaamaya boobka la caadeystay iyo taladu markay kula gudboontahay haddaad garab marto caaqibo xumida ay leedahay. 

  • Dhaqso hadalku iigama tagiyo, aniga dheel-dheele
  • Dhaqan uma lihi umana aanan dhalan, ehel dhalleeceyne
  • Wax dhan baan dhursugayoon hubsaday, oon kadhawrasadaye
  • Dhaa-dhaanse hadduu kula dhashiyo, nacas dhaban weyni
  • Dhaxantuba waxay kaaga iman, dhankuu kaa jiro e
  • Nacabkaa ku soo dhuuman iyo tuug ku dhaawiciye
  • Dhiiqada cadoowgii nagu jiidaye naguna dhaylaasay
  • Ee dhibkanaga muddo dheer sugiyo kala dhantaalkeenna
  • Iyo kuwaa u sii dhoohaalayaahi wax is ma dhaamaane
  • Dad sidaas ka dhigan baan arkoon, dhaqan wadaagnaaye
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Dhagax baa ku dhaca meel dhow, oo dhawaqna meel dheere
  • Dhulkayaga Warkaa iiga soo dhacaye, badaha soo dhaafay
  • Waa dhambaal colaad noo sidiyo, Dhiillo iyo yaabe
  • Niman baa ku dhaar maray, inay nabad ka dhowraane
  • Ooy cadow u dhiibaan, dhulkii dhaaddanaan jiraye
  • Qoon dhega lehoon dhawaqana maqline, dhoohan baa jiro e
  • Dhigaalkii odayadii na dhaliyo, dhaxalka noo yaalla
  • Murtidiyo xigmadaheey dheheen, waa lama dhaafaane
  • Dhe-dhenshaa waalan baa la yiriyoo, kii dhergaa darane
  • Soo dhacyeeyna dhurwaagii barteen, xoolo kugu dhaafin
  • Sar-sar adag haddaan loo dhigeyn, iyo oodo dhacameedba
  • Ka dhigaayda dhawaqaad tiraah, wuu dhibsanayaaye
  • Kuu dhaamin maayaa kaaga roon, dhagarta qaarkeede
  • Dad sidaas ka dhigan baan arkoon, dhalyo wadaagnaaye
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Dhubuq-dhubuq horaa laga dhaxlaa, dhabanno sii hayne
  • Dhar-dhaarrada uu dhaalkoodi jabay, dhamacda yaa saaray
  • Nin gurani hashuu dheelmay baan, dhinac fayoobaane
  • Yaa shacabkii dhaantada u tumay, dhaaddahaa jabane
  • Laf dheerta yaa dhuuxii ka shubay, waa dhutinayaane
  • Dhuuggana geelii yaa ku horay, ama dhukaameeyey
  • Dhaaryiga ayaa ula noqdayoo, dhiishii gorofeeyey
  • Wan dhufaanan oo dhergayoos, dhinicu weynaaday
  • Illaa dhegta dhiigga loo daro, oo dhabanka loo tuuro
  • Dhaayaha indhihiisaan arkayn, samada dhuuxoowe
  • Dad sidaas ka dhigan baan arkaa, oo dhiggiisa ahe
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Dhuunkaasha kuwii dhexdhigaye, badaha noo dhoobay
  • Ee dhufeysyada noo dhabbacane, cadaw u sii dhuunta
  • Ee dhafoorka naga toogtayeen, culumadii dhaafin
  • Dhashiikahana nala wada dhacaye, dhiigga naga miirtay
  • Dheelmadkiyo kuwii awal na baday, saan u dhalandhoolnay
  • Ee dhallaankii moowjadaha ku dhumay, dhoofka ugu baaqay
  • Dhidirkii xabaalaha qoda, ayaan qurun ka dheereeyne
  • Dhafar dabin loo qoolay bayse qaar ku dhacayaane
  • Dhool bari ka soo hillaacay baa, dhaan u nagaadaaye
  • Dhedo roob ma noqotee toloow yaa dhabqiyay howsha?
  • Rajadeenni yaa dhumiyayoo, samihi dheereeyey?
  • yaa na kala dhantaaloo dadyahow  dhima awooddeenna
  • Inay taladu naga sii dhuntoon dhidibbo loo taagin
  • Dhakafaar ayaa inala jecel, waxaan dhaboobaynin?
  • Dheeftii saqiirrada ayaa dhunxiyay oo laystay?
  • Dhaca yaa ku faanoo xaq-darro, guriga soo dhoobta?
  • Dhirbaaxada asaaggii ayaanay, dhiillo ugu muuqan?
  • Ayaa dhiig walaal daadshayoo, xinjir ku sii dhaatay?
  • Anigoon ku dheeraan murtidan, anan dhammaynin
  • Jawaabaha dhabtaa waad ogtiin, meeshay dhacayaane
  • Farsamaa wanaag lagu dhisaa, lagu dhuroobaaye
  • Dhiriqdhabad  khiyaaniyo, haddaad dheel ka bixi waydo
  • Oo dhimirkii kaa maqanyahayoos, meel kalow dhoofay
  • kaa dheeri intaad leedihiyo, dhawr hubkaan haysto
  • Adduunyada  dhibaatada ka jirta, aakhiraa dhimmane
  • Dhugmar yeesha Soomaaliyeey, seegnay Dhaxalkiiye
  • Waanada dhegeeystoo mar uun sidatan noo dhaama
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Inkasta oo raggii dhibka waday, dhabarku uu muuqdo
  • Oo aanay dhidibbadeedii adkeyn, dhigihiyo loolku
  • Waa tii la dhadhabay waxbadan, dowlad dhalataaye
  • Middii awal nala dheelisaa ka roon, dhaqan xumaantaane
  • Dhoob-dhoobkii wixii  aad dhisteen, ma la dhalanteedshay?
  • Ma dhabaandhabeen haddana, kuwii shalay naga dhaamay?
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Murti kale waxay nagu dheheen, waa dhaqan awoowgeene
  • Miyirku dhaqsuu seddex uga tagaa, ama u dhaafaaye
  • Hayeeshee dhawaanba waa soo noqdaa, dheefsi laawuhuye
  • Haddii awrka dhebidiisiyo, uu qooqu dhalanteedsho
  • Dhibicda roobkiyo wuxuu dhaafiyaa, dooggii uu dhigaye
  • Dhaanyinkeedii dhirtiyo xareeddii, oo dhaaxa la idleystay
  • Fursaddiisii uu dhumiyiyo dhugtii, waa ku soo dhiciye
  • Mase dhe-dhemin karaayoo, marnaba dheef umay harine
  • Dadaan waxba dhaamin baan arkaa, oo dhiggiisaahe
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Dhallaan badan islaantii dhashay, ee dhalmada daysay
  • Odaygey u dhaxdayna uu tu kale, reer la dhiso maago
  • Is dhuf-dhufadka dhiillada, markuu hadalku dheeraado
  • Ii dhig madaxiyo dhaqan kaama rabo, aan la is la dhaafeynin
  • Dhallaaqdeedii markii ay dhacdo, oo talo dhanaanaato
  • Iney dhoofto ama ay dhiirrato, ooy dhasha la sii joogto
  • Labaday is dhafan-dhaafisaa, arrin dhammaantiise
  • Dhaqankooy adkeeysaa middaas, kaga dheg rooneeyde
  • Maxayse ka dheeftaa haddeer, xaalkii wuu dhumaye
  • Dadaan waxba dhaamin baan arkaa, oo dhiggeedaahe
  • @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
  • Mid la dhaarshay xilkuu dhabar u riday, dhayal haduu moodo
  • Oos dhuuni uu ku iibsado dalkuu, shalay u soo dhaartay
  • Dhaadashiyo ballan inuusan gelin, soow kuma dhaboobeyso
  • Kac na dhaaf dhabqalallaad tehee, soow la dhihi maayo
  • Mid ka soo dhalaaleen dayicin, soow uma dhaaraanto
  • Dhiifooni xumadii uu kasbaday soow kuma dhalleecoobin
  • Caqligiisii dhaafayna dhaqsaba, soow ma dhaabanayo
  • Waxbase kuma dheefee markaas, soow dharrici maahan
  • Faraskiisiina isagaa ka dhacay, oo dhiirigays dhigaye
  • Tariikhdaan dhumine la dhigay, soow uma dhiteysnaato
  • Dhaqaalihii uu horuu dhunsaday, soow lagama soo dhoobo
  • Dhallinyaro careysani dhengadaha, soow la dhici mayso
  • Dharbaaxadu dhegtay uga dhacdaa, soow dhiigga qubi mayso
  • Xabsigii la dhigiyo dhulkii, soow dheeggu kama diido
  • Dhacsaashii isagoo qabana askari, soow dhiibi tiri mayso
  • Xeeriyo fandhaal kala dhiciyo naftii, soow kala dhaqaaq maahan

_________________________

      Cali Maxamuud Xiirane
    
Xiirane2@hotmail.com
              London, UK

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD