Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
omarabdinur@hotmail.com
TALADA WAX NAGA SIIYA!!
Inj. Cumar C/nur Nuux (Nabaddoon) |
Heshiiskii Cadan!!
Maxaa lagu heshiiyey?...In khilaafka u dhexeeya labada garab
la soo afjaro! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye….laakiin sidee loo soo
afjarayaa? In Baarlamaanka kala irdhoobey meel la isugu keeno si ay qaraarro
mideysan u qaataan! Hadal wanaagsan iyo fikrad fiican weeye…laakiin sidee la
isugu keenayaa? In magaalo labada hoggaamiye ku soo heshiiyeen la isugu tago!
Ma xuma laakiin magaaladee?
Maxaa kaloo lagu heshiiyey? In khilaafka u dhexeeya labada
garab la soo afjaro! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye….laakiin sidee
loo soo afjarayaa? In xukuumadda lakala diro oo mid mideysan lagu
baddelo(government of national unity)! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan
weeye… laakiin sidee bay ku imaaneysaa xukuumad mideysan? In Wasiirka 1aad
la baddelo oo mid raggii mucaaradka ahaa lagu beddelo si labada garab u
midoobaan!! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye… laakiin ma midoobayaan
labada garab haddii sidaas la yeelo?
Laga soo bilaabo maalintii la soo sheegay in Afhayeenka
Baarlamaanka Kumeelgaarka Federaalka Soomaaliyeed mudane Shariif Xasan Sh.
Aadan iyo Madaxweynaha DFKS mudane Col C/laahi Yuusuf Axmed ku heshiiyeen
magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba
rajo ka qabtay in heshiisakaasi jawi iyo yididiillo cusub u furi doono DFKM
Soomaaliyeed ee khilaafka iyo ismaandhaafku hareeyey muddadii ay jirtay ee
sannadka iyo barka ku sii dhow. Ummaddu waxay islahayd mar haddii labadii
oday ee meesha hormuudka ka ahaa heshiiyeen way u sahlanaan doontaa in
mushkiladaha ay soo afjaraan oo xubnaha dawladdooda meel isugu keenaan!!
Qofkastoo indheeradgarad ah oo akhriyey shantii qodob ee
labada hoggaamiye ku heshiiyeen waxaa u muuqatay in heshiiska intii ugu
muhiimsaneyd aan la soo bandhigin! Balse labada hoggaamiye ay dhegta isugu
sheegeen iskuna dhaarsadeen in hawsha sidaas loo soo afjaro!!
Waxaa dhici karta in lagu heshiiyey (waa malo awaal) in
magaalo la isla ogyahay loo raro golaha Baarlamaanka iyo xukuumaddaba. In
awoodda maamulka xukuumadda la qaybsado oo sida hadda ay tahay wax laga
beddelo. Iyo in dhaqaalaha kooxda Jawahar ay gacanta ku hayso ee iyadu isku
koobtay lawada intifaacsado. Heshiisyadaan oo si fafaftiran la isula
lafaguray ayaa dhegta la isugu sheegay lana isku dhaarsaday. Intaa waxaa
dheer in wixii dawladaha deriska ah ku xiran la isla xalliyo oo ninkii
buuggiisa xoogaa madmadow ahi ku qoran yahay lagala hadlo saaxiibbada
dawladda kumeelgaarka ah
Shariif iyo C/laahi su’aashu waxay tahay ma dantiinnaad u
heshiiseen? Mise danta ummadda aad madaxda u tihiin? Odayaal madaxdii
Soomaalida ee maantaay, haddii aad dantiinna u heshiiseen ogaada in
dantiinnu ku jirto tan ummadda aad madaxda u tihiin. Haddiise aad danta
ummadda u heshiiseen iyo sidii dhibka, khilaafka iyo jaahwareerka jira looga
bixi lahaa ka fiirsada go’aamada aad qaadannaysaan. Talada wax ka siiya kana
qaata dadkiinna wanaagdoonka ah, gaar ahaan aqoonyahanka qurbojoogga ah ee
aan mansab iyo maamul midna idinku haysan. Magaalada Baarlamaanka lagu
shirinayo yeysan noqon mid labadiinnu aad dhegta isugu sheegteen, ee ha
noqoto mid lagu doortay faa’iidooyin ay kuwa kale dheertahay, xag nebedgelyo,
xag dhaqaale (waa in Baarlamaanka iyo madaxda dawladdu meel ay degaan oo aan
qarash badan ku bixin laga helayaa), mideyn ay mideyn karto fikradaha
isdiiddan ee qolo walba danaheeda gaarka ah eeganayso. Ogaada minjo
dhiiqo midba mar baa la saaraa.. ee yeysan hawshu idinka noqon
jajuub iyo anigaa iri. Haddii taasi soconeyso intaanba layslama soo gaareen.
Waqtiga hadda lagu jiro looma baahna in khilaaf cusub la
abuuro. Gaar ahaan waa in aan intii hore dawladda iyo Madaxweynaha heshiiska
ula ahayd khilaaf cusub soo kala dhexgelin. Waa in khilaafkii hore la
dhammeeyaa, ama la yareeyaa sidaas baa meeshii la joogay horay looga sii
socon karaa. Haddiise intii horay heshiiska u ahayd kala jabto, wixii wax
qabad ah oo lagu tillaabsaday burburo, dee lama dhihi karo heshiiskiinnu
faa’iiduu soo kordhiyey.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “raad orooryaad dib
looma raaco”. Waxaa idinla gudboon in aydaan dib ugu noqon murankii
iyo khilaafkii aad Kenya ku kala jabteen. Laba magaallo ayaad hadda
degantihiin (intiinna badan). Waxaa habboon in aad labadaas magaalo mid uun
isugu wareegtaan, kadib markaad xallisaan wixii wiiqaya ama ka hor imaanaya
wadajirka iyo horumarka dawladdu higsanayso. Ma habboona, mana aha munaasab
in waqtigaan kala guurka ah la sameeyo isbeddel culus (sida Wasiirka 1aad oo
la baddelo iwm) waayo waxaa ka dhalan kara mashaakilaad hor leh iyo caqabado
kale oo xallintoodu muddo dheer qaadato. Haddii ay lagama maarmaan tahay in
isbeddello waaweyn la sameeyo, waa in ay noqotaa kadib marka mashaakilaadka
jira la xalliyo, Baarlmaanka iyo dawladduna muddo wada shaqeeyaan, danta
guud iyo danta gaarna kala caddaato.
Waanadu waxay waxtartaa dhagtii wax weelaysa..
Nimay meeli u caddahay meeli ka madow..
Talo walaal diide turunturro ma waayo..
Wadajir bay laba gacmood wax ku gooyaan…
Qoraalkii waa iga intaas, haddana aan idiin daba dhigo mid ka
mid ah suugaantii Nabaddoon, waa maansadii BAAQ ee aan tiriyey mar aad
labadiinnu laba doon kala saarnaydeen laba badood oo kala fogna ku kala
sugnaydeen:
BAAQ
Maansadaan BAAQ waxaa tiriyey Inj Cumar C/nuur Nuux –
Nabaddoon. Waxay maansadu soo baxday 18/07/2005. Inj. Nabaddoon oo ka
maansooda xaaladda dalka gaar ahaan dhanka nabadgelyada iyo jiritaanka
qarannimo. Gabaygaan oo tusaaleyn, baaq iyo bayaan isugu jira wuxuu
leeyahay:
-
Haddaan baahi qurgooyo
-
Laga baaqsan karaynin
-
Baqtigu wayska xalaaloo
-
Naftu way ku badbaadi
-
Waxa taa u banneeyana
-
Rabbi baariya weeye!!
-
-
Beryaan aammusanaayoo
-
Dagaal ooge bahoobiyo
-
Dawladdii Em-bagaati (Mbagathi)
-
Aan ka qaaday bannaanka
-
-
Mar haddii baddankoodi
-
Maamulkii laga buuxshay
-
Bog cad bay furayaan iyo
-
Beryaan taas islahaaye
-
Bal aan maanta u baaqoo
-
Bayaankaan u hibeeyo.
-
-
Ilmaheenna bacaadka
-
Iyo boodhka dhex jiifa
-
Ka basaasay tacliinta
-
Madaxdii barritoole
-
Haddii aan la barbaarin
-
Burburkii ina gaaray
-
Saw kasii badan maayo?
-
-
Ruux bukaan la il liita
-
Misna beerka u yaalla
-
Dhakhtar baaniya haysan
-
Haddaad baacugga laaddo
-
Saw bestiis noqon maayo?
-
-
Haddii Beebbe xalkeeno
-
Ama Baalcas ka rayso
-
Dhaaxaa laysku basbeelay
-
Hargeysaba burburkeedi
-
Barre saw ma tijaabin
-
Janankii barbarriiqday
-
Halkee Baydhabo geeyey?
-
-
Kan haddeer bururaaya
-
Balcad saw gubimaayo
-
Nin balaaya hurshaaba
-
Kolley waa ku baxaaye
-
Boqolaal kun dadkeenna
-
Oo badbaado sugeysay
-
Baylah saw noqon mayso?
-
-
Intaad boobe cabbeys iyo
-
Buntukh aad la ordeysid
-
Baladweyn u fariiso
-
Bari koox uga yeero
-
Kooxda Baydhabo joogtiyo
-
Bakool hayska horkeenin
-
Baladxaawiyo Luuqna
-
Barre Hiire ha keeno
-
-
Beeraleyda Afgooyiyo
-
Reer Baraawe xusuuso
-
Boholyow qaran bay
-
Dhammaantood la bukaane
-
Dadkaas waa birlabtiiye
-
Ka badbaadi wax yeelloo
-
Hal barkiis ha ku sheegine
-
U bannee dhinacooda.
-
-
Ha go’doomin Banaadir
-
Waa bu’dii waddankeenna
-
Balaayaa habsatoo
-
Muddo soo barkaneyde
-
U bidhaami jaceylkoo
-
Ugu baaq nabad buuxda
-
-
Hadal bootiyo faan iyo
-
Badda baan ku shab siinin
-
Waxba soo badin mayso
-
Haysku baabi’in reerkee
-
U bidhaami jacaylkoo
-
Ugu baaq nabad buuxda
-
-
Dadku waa u bislaaday
-
Dawlad bay u bukaane
-
Colaad baase dilootay
-
Burcadna waw talisaaye
-
Ha ku biirinnin hooge
-
Ugu baaq nabad buuxda.
-
-
-
Ninna Beebbe dushiisa
-
Balad soo halakoobay
-
Dadku uu bahalloobay
-
Kuma baanan karaayee
-
U bayaani dastuurka
-
Barnaamij dawlo horkeen
-
Inta joogta baxnaani
-
Waxna baadi ku doon.
-
-
Kaligaa ha la boodin
-
Xogta waa la badshaaye
-
Isku biiri aqoonta
-
Baarlamaanka u yeero
-
Dhanka loo bato fiiri
-
Hana boobin codeynta
-
Sumcadday bi’iyaane
-
Baqshiish eex ha dulsaarin
-
-
Baladkii Xamarweyne
-
Iyo suuqa Bakaaro
-
Barbarkaad ka istaagto
-
Burcad baa miraneysa
-
Cidna aan bixineynin
-
Buulo-xuubey dhexdeeda
-
Iyagoon baqaneynin
-
Waa kuwii u bareeroo
-
Yaxye beerka ka toogtay
-
-
Isbaaraa iska buuxda
-
Baabuurtaan soconeynin
-
Dadku waa u Buskeeti
-
Barqadii la cunaayo
-
Waxba yaan la biqlayne
-
Qorshe baahsan u keena
-
Baarlamaan ha heshiiyo
-
Dalku maahan Bakaaree
-
Buqco maamul ka doonta
-
U bareera go’aankaas
-
Berri aad aflaxdeene.
-
-
Intaas wayga bayaan iyo
-
Baaqii aan u diraayey
-
Kuwa beebbaha saaran iyo
-
Kuwa baadda ku haysta
-
Xaruntii baladkeenna
-
-
Bulshoy wayga xasuusin
-
Waxa baabu’u haysto
-
Ubadkeenna basbeelay
-
Bukaan aan cidi eegin
-
Qaran baylah ku raagay
-
Birta loo tumanaayo
-
Waxa laysku baduugay
-
Burburee kala yaacay
-
Ba’ee saw adi maaha?
-
-
Badgariirkiyo roobka
-
Waxa aan ka badbaadin
-
Birmad aan cidi siinin
-
Badda loogu xabaalo
-
Suntii Boon iyo Rooma
-
Cidna looga baqaynin
-
Burburtee kala yaacday
-
Ba’ee saw adi maaha?
-
-
Aqoon loo baxsadaa iyo
-
Cilmi baa dad badbaadshee
-
Saraakiil billanayd iyo
-
Duqii beesha hagaayey
-
Waxa booca jaraaya
-
Ba’ee saw adi maaha?
-
-
Dib u baadh ficilkaaga
-
Bil dhacdaad u egtee
-
Iska baacso qabyaalad
-
Waad barooran hadhow’e
-
Ama boodhka ka qaado
-
Baluugleey calankaaga
-
Dulli aad ka baxdoo
-
Aad badhaadhe heshee
-
Bulshoy taas kala dooro.
===Dhammaad====
W. T. Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan