SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com


ILA BEEGSA AAYAHA.

  Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamed Cadiqaadir Daauud [Stanza] waxeyna soo baxday 30/7/2004. Waa waddani iyo jacayl wada jir ah; balse dulucdeeda waa midnimada iyo wada noolaashaha shanta Soomaaliyeed iyo ammaanta gabadha Soomaaliyeed [garmaamada] waxaadna ka dhadhansan doontaa micnaha miraha ay ka turjummayaan, beydba beydbuu ka sii macaanyahay.
 
                            ILA BEEGSA AAYAHA.
 
Jacaylkii Khadroow bari
Boosaaso igu helay
Baxarsaafka Baydhabo
Igu baantay Baladweyn,
Barka kale Buaaliyo
Beeraha cagaarka'
Bacaadceliska Shalanbood
Libin barashadeennii
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan. 
 
Shaxda bilan Hargeysiyo
Khadroow Booramaad dagi
Burcaad igula noolaan
Wada booqan doonnaa,
Loo bogay dalkeennuye
Xeebta babacaweyn iyo
Barwaaqada Jabbuutaan
Gacalisooy ku soo bari,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan.
 
 
Xayaatii Bullaaliyo
Goob badroolku caygaga
Birqod waa dhulkeennee
Baraan kaaga dhigayaa,
Balliyada Ijaaraa
Barda hoos-qaboow iyo
Gaaris waa ban-raaxee
Ku bacaadsan doontaa,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan. 
 
Baardheera iyo Luuq
Xammar baanka qarankiyo
Baar-Ubax bil-ciideed
Balcad kugu baxnaanshaa,
Haatan waan baxeynaa
Boqorkii ku dhalay iyo
Baxsan hooyadaa baad
Biyadahab I soo bari,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan. 
 
Inanyahay Bureeqiyo
Ubax yaroo baxaayiyo
Cosob roob barbaarshaad
Bilicdoodi leedahay,
Aniguna Billaahiye
U buseylay awgaa
Maalintaan isbarannuu
Igu baahay caashaqa,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan. 
 
Buurta Suurad Baarliin
Baladkeenna ugu dheer
Barqo roob bisleeyaad
Bidhaanteedi leedahay,
Bilistii hablaha kacay
Rag u wada birmanayee
Loo baratammaayaay
Ballankeenni ka adkoow,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan. 
 
Billad weeya caashaqa
Maansada burhaantaan
Ku bacriiminaayee
Waligaa ha baarfurin,
Khadroow guur baraara le'
Inta baal ku duushiyo
Bog-ku-socod dhammaantii
Noo bogaadin doonaa,
Adna timma bad-higilleey
Ila beegsa aayaha
Bandhig iyo aroos wacan.  

Dhammaad

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

Da’yart iyo Abwaanada

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
March 15, 125
QAYBAHA DOODWANAAG

MAANSADA: Bilowga | 1:DAWO | 2:DADNIMO | 3:DARYEEL | 4:DADAAL | 5:DAACADNIMO | 6:DA.YAR | 7:DELEB 8:DAAWAD | 9:DABAQABAD | 10:DEEQ.EEBBE | 11:DEEGAAN | 12:DAWLAD | 13:DAHAB | 14:DIGNIIN | 15:DUCO | 16:DAYN.QARAN | 17:DAN.GUUD | 18:DUL.KA.XAADIS | 19:DULMI.DIID | 20:DOONTII | 21:DULQAAD | 22:DARAJO | 23:DALJIR | 24:DUGGAAL | 25:DABIIB | 26:DISTUUR | 27:DALKA | 28:DAREEN | 29:DADKAYGOW | 30:DANKAHADAL | 31:DEEQA | 32:DARWIISH | 33:DAWAN | 34:DIMOQRAADI
Shuruudaha Maansada ka mid Noqoneysa Doodwanaag:: GUJI

CURIYAYAASHA DOODWANAAG

Inj.Cibaar: DAWO | DADAAL | DULQAAD

Inj.Nabaddoon: DAACADNIMO | DADNIMO!

Shiine: DARYEEL

Stanza: Da’yart iyo Abwaanada


Anwar: Deleb | DeeqEebbe | DulKaXaadis


Hawd: DAAWAD


Xaraare: DABAQABAD


Xiirane: DEEGAAN | DulmiDiid


Bayid: DAWLAD


Baarqab: DAHAB


C/Nuur: DIGNIIN


Mowliid: DUCO


Kawnayn: DOONTII


kurweyne: DARAJO


Baarreey: DALJIR


CabdiWeli: DUGGAAL


Bulxan: DALKA


Siyaad: DAREEN


Mataan: DADKAYGOW


Dhagaafe: DANKAHADAL


Daylaaf: DEEQ


Axmed: DARWIISH


::SUUGAANTII CISMAN DAHIR::

HOOYAA QOYS KU DHISNAA::

:::QUBANE:::
Maansooyin Qubane ah oo ka baxsan Doodwanaag ka akhri halkan: GUJI
::: LUQADAHA:::
Luqadaha Adduunka iyo Heerarka ay Soo Mareen
::: MAAHMAAHYO:::
Maahmaahyo Saddexleey ah oo Cusub oo uu curiyey Abwaan Stanza
::: QAADKA:::

QAADKA vs SUUGAANTA:::


SHALAY IYO MAANTA ::SOM.

AFTAHAN.COM

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD