Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net
Anwar Maxamed Diiriye |
Magac & Muuqaal:
Mayricidda Hab-dhigaalka Magac Soomaaliga!
Anwar Maxamed Diiriye
Magac waa eray ama tix,
qof ama wax kale astaan looga dhigo oo loogu yeero; waa war wanaagsan oo qof
ama ummad guud u meel mara; waa wax qof, ummad, dal ama dadyow ay caan ku
yihiin oo lagu asteeyo. Magacu waa summad; waa baadisooc; waa astaan wax
kala hagta oo muujisa sida dad, dalal, dhulal & ashyaa’i u kala soocan
yihiin una kala gaar yihiin, wax waliba oo abbuurani adduun & aakhiraba
waxay leeyihiin magac u khaas ah oo looga garto waxyaalaha kale.
Intaa marka looga gudbo
dulmaridda tafaasiisha erayga magac iyo xikmadda uu xambaarsan yahay, waxaa
mudan in la xuso halka ay qotomaan magacyada Soomaalidu. Magacyadeenu sida
ummadaha kale waa kuwo inaga inoo gaar ah ama aynu la wadaagno dadyow kale
oo ay xadaarad, dhaqan ama caqiido isku kaaya toshay ayna naga dhexeeyaan
dano gaar ahi ha badnaadaan ama ha yaraadaane. Magacyada ay Soomaalidu la
baxdaa way noocyo badan yihiin waxaase ugu muhiimsan laba qaybood oo kala ah
magac guri asal ah ‘dhalad’ oo ku abtirsada afka Soomaaliga sida (Samakaab,
Dhool, Warsame, Diiriye, iwm) iyo kuwo noogu yimmid habab kale sida kuwa
diinta ama dunida Carabta nooga soo gudbey oo aan ugu yeeri karno
‘magacyo dool ah oo ay dani keentay’ sida (Cabdiraxmaan, Cawad, Cali,
Salmaan, Zuhayb, Maryan, iwm).
Waa lagu doodi karaa in la
yiraahdo magacyadan dambe waxay bara-kiciyeen kuwii dhaladka ahaa oo iyagaa
maanta hoggaanka u haya sansaanka magac-bixinta Soomaalidda, marka dhulka
Soomaalida laga eego dhanka kala qoqobnaanta uu saan-caddaalahu sababay
waxaa la oran karaa magac Soomaaliga asalka ah wuxuu si xoog leh uga
suulayaa intii laysku oran jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya halka uu meelaha
kale sida Jibuuti, NFD & Ogaadeeniyaba ay kaga fiican yihiin xafididda la
bixidda magacyaddii dhaladka ahaa, waxaana sabab u ah bay ila tahay
arrimahan hoose:
-
Dadka
Soomaalida ah ee ku dhaqan dhulweynaha Jamhuuriyaddu inta badan tartan
kulama jiraan qowmiyado kale halkaasna habacsanaan iyo waayo aragnimo la’aan
ay keentay keli ahaanshuhu ayaa ka timid; halka shacabka Soomaalida ah ee ku
nool mandaqadaha kale ay har iyo habeen madaxa iskula jiraan ummado kale oo
ka badan, ka dhaqan iyo afba duwan oo ay kula jiraan tartan iyo iska ilaalin
xoog lihi mar walba si aan waxa u gaarka ahi (magaca, afka, dhaqanka &
diintu) ayan uga lumin ugana milmin deedna uga suulin. Cabsida caynkaa ahina
waxay sababtay in ay mar walba digtoonaadaan.
-
Aarradii iyo
irabkii afkii hore ee asalka ahaa oo ka sii guraya dhanka Jamhuuriyadda
halka uu ku sii xoogeysanayo dhanka mandaqadaha kale sababna ay u tahay isku
xirnaanshaha jiilasha oo weli qiime sare ka leh gobolada ka baxsan
dhulweynaha midoobey ee Soomaaliya.
-
Dagaaladdii
sokeeye ee ka dhacay dhanka dhulweynaha oo wiiqay in badan oo xikmaddii
dhaqanka & afkaba ah abuurayna dib u dhac xaga beekhaaminta murtida ah.
-
La bixidda
magacyada qalaad oo u badan kuwa Carabta oo dad badan oo reer Soomaaliya ahi
u arkaan mid barakaysan oo ka fadilan kuwa Soomaaliga ah iyagoon u
aabba-deyin macnaha iyo taariikhda magaca ee u arka in magac walba oo
Carbeed Islaamka ka turjumayo, taas oo aan xaqiiqatan run ahayn una baahan
in laga feejignaado si loo kala barto kan diiniga ah iyo kan iska magac
Carbeedka ah si looga digtoonaado muhiimad siinta magacyada shisheeye ee aan
diinta dadka ku xirayn la bixidooduna ay geesaha ku riixayaan magac kale oo
Soomaali ahaa kuna habboonaa in la xafido si aanu u dabar-go’in. Ogow magac
walba oo dool ah lalana baxaa wuxuu booskiisii ka saarayaa mid isaga ka
horeeyey oo dhalad ah.
Magacyadeenu waa kuwo ku
qotoma macnayaal aad u murti iyo qiimi badan waana kuwo aynu astaan ahaan
ama summad ahaanba aan aad ugu faani karno, muujin karana dhaqankeena iyo
dadnimadeenaba, ilamana ahan in ay jiraan magacyo ka wanaagsan oo booskooda
inoo beddeli karaa laakiin waxaa foolxumadooda loo tegayaa marka loo
dhaadhaco dhanka hab dhigaalka oo muujinaya sida aynu u dayacnay magacyadaas
mudan daryeelka ahna astaanta ugu horeysa jiritaankeena ee aynu sharafka iyo
muuqaalka dadnimaba ku leenahay.
Astaanta ama summadu waa
wax aan isbedelin inta badan waxayna ka dhigantahay wejiga qofka oo kale ama
kaar aqoonsi oo kale oo haddii qof isku khaldo si sahlan dhegta loo soo
qaban karo. Waxay Soomaalidu tiraahdaa “summad awoowiye sinji waa ma
guuraan” taas oo muujinaysa sida ay astaamaha hidde-sidayaashu uga dhex
muuqdaan dadka isku dhiigga ah oo layskugu soo sinji sooci karo inan iyo
aabbihii ama inan iyo hooyadeed. Waxaa hubaal ah in haddii summdda awoowe uu
sinji-guur ku dhaco in habkii sinji-sooca iyo is-aqoonsiguna halkaa uu ku
baaba’ayo, astaantaas cirib-xumada leh ee magacyadeena ku dhacdayna waa mid
maanta la arki karo lana milicsan karo inkasta oo dareenkeedu waa hore dadka
qaarkii ku soo kordhay ayse weydey daryeelkii iyo habeyntii ay mudnayd.
Sinjiguurka ku socda hab
dhigaalka magacyadeena waxaa sabab u ah baa la oran karaa afar arrimood oo
intooda badan ay bulshadeenu mas’uul ka tahay, inta soo hartayna ay ku
qabsatay tahay, waxayna kala yihiin:
-
Daahitaankii
ay naga soo daahday far matasha oo xafidda dhigaalka afkeena oo aan jirin ka
hor 1972kii.
-
Saan-caddaalihii & dhul-mareenaddii kale ee shisheeyaha ahaa oo dalka yimid
oo magacyadeena u hikaadiyey una qoray sidii ay carrabkooda iyo dhuuntooda
uga dhex sanqarayeen dhegohooduna u maqlayeen.
-
Inagoo aan
ku baraarugin mushkiladdda ku dhacday hab dhigaalka magacyadeena goor hore
oo markii farta la qoray la seegay fursad qaali ahayd ayna ahayd in fartii
ugubka ahayd lagu dabbakho laguna sharciyeeyo hab dhigaalka magacyadeena
halka la habaabay oo hab dhigaalkii qalaad ee la dhaxlay uun laga dhigtay
dhaqan inkasta oo mas’uuliyad weyn gadaalse ka dhicisowdey la muujiyey .
-
Iyo halka
ugu daran oo ah in ay dadkeenii xilliyadaas aqoonta higsanayey iyo intii
kale ee iyaga ku raad xigtayba ay carrab la’aantii saan-caddaalaha ay u
sacabba tumeen ayna isticmaalkeedii ka dhigteen wax muqadas ah oo aan wax
laga beddeli karin ayna tahay in lagu boggaadiyo loogana daydo iyaga taas oo
dhaxalkeedii jiilal isdaba taxan uu marin habow ku ridey.
Magaca turjumaad waa lagu
sameyn karaa macnahiisa laakiin hab dhigaalkiisa oo la beddelaa waxay ka
dhigan tahay tiiyoo inta ruux haraga kore laga fiiqay wejigiisa lagu
dhejiyey ruux kale astaantiisii oo markaa ruuxaas la dhalanrogey uu kaga
faraxsan yahay abbuurtiisii hore midda lagu kabay ee been abuurka ah. Bal
aynu tusaale u soo qaadano toddoba nin oo magacyadooda Maxamed la wada
yiraahdo oo mid waliba carrab is tirkiisu god la galay oo magacyadooda u
kala hikaadiyey marka ay qorayaan: Mohamed, Mohammad, Mahammad, Muhammad,
Muhammed, Muhamed, Muhamad ama Cali loo dhigay Ali ama ‘Ali, ma jiraa
Soomaali carrabla’ oo aan karin xarafka ‘cayn’? Waxay ila tahay waa
maya ama ma badna waxaase lagu qancinayaa caynka & xa’da carrabka laga
maroojiyey qofka aj-nebiga ah.
Way adagtahay in aad
aragto qof magaciisa ‘George’ la yiraahdo oo si kale u hikaadinaya si uu u
qanciyo qof aan isaga la qowmiyad ahayn, wuxuuse kugu khasbayaa in aad
magaciisa si saxan u qorto oo aad weliba ugu dhawaaqdo; maxaa inaga
laynookaga waayey dhiifoonaanta ninkaas oo kale? Caalimkii weynaa ee B. W
Andrzejewski markii uu ka soo haajirey Poland ee uu carro England yimid
waxaa caddeyd in magaciisu uu aad ugu dhib batay dadkii Anglo-Saxon-ka ahaa
ee uu soo dhexgalay, laakiin magaciisii uma bah dilin hab qalliban si uu u
qanciyo bulshadaas cusub ee inta sidiisii u daayey ayuu la baxay mid gaaban
oo naynaas ah una sahlan dadkii uu la noolaa kaas oo ahaa (Gosh). Tusaale
kale waa Arnold Schwarzenegger-ka immika guddoomiyaha ka ah gobolka
California ee carrigan Mareykanka oo uu magaciisu ka soo jeedo Slavs-ka reer
Austria oo aan isaguna magaciisa bah dilin si uu u qanciyo dadka uu la nool
yahay ee aan asalkoodu ka iman bariga Yurub. U maleyn maayo in Cabdinuur &
Cabdisalaam ay ka adag yihiin Schwarzenegger & Andrzejewski.
Bal u fiirso Chinese-kan
magaciisu yahay ‘Xiong’ oo hab dhigaalkaas aan waxba laga beddelin oo
aan loo dhigayn magaciisa ‘Hiong’ si loogu qanciyo ummaddaha aan
karin X-da xarafka H-da oo u sahlan halka inaga ‘Xasan’
uu ka noqday ‘Hassan’, waana hubaal in arrimahaas oo dhami ay mudan
yihiin ku dayasho si loo badbaadiyo astaantaamaheena ayna tahay in
magacyadeena loo qoro sida ay codadkeena ku yihiin dhegeheenana ay ugu
dhacaan iyadoo aan cid kale loogu hiillinayn laguna qancinayn nabaad-guurka
aynu gacmaheena ku sababayno ee aanu la beegsanayno summad-qowmiyadeedkeena.
Bal aynu isla eegno waallida magacyadeena:
Asal
Dhalanrog
Cabdiraxmaan
Abdirahman
Wacays
Wais
Xalan
Halan
Qamar
Kamar
Xareedo
Haredo
Geelle
Guelleh
Xarbi
Harbi
Cabban
Abban
Colhaye
Olhaye
Baxsan
Bahsan
Gurxan
Gurhan
Xiddo
Xiddo
Xulbado
Hulbado
Xaali
Hali
…………………………………………………………………..
Immika waxaan tusaale u
qaadanay magacyada dadka laakiin dhammaan magacyada Soomaaliga ahi waxay
qarka u saaran yihiin dabargo marka laga eego dhanka dhigaalka waayo
midkoodna ma badbaadin oo carrab-la’aan aynu inagu buun-buuninay ayuu la
liitaa, bal u fiirso kuwa magaalooyinkana sida:
Asal
Dhalanrog
Muqdisho
Mogadisho
Gaalkacyo
Galcio
Burco
Buro or Buroa
Hargeysa
Hargeisa
Kismaayo
Kismayu
Qarsho
Kardo
Baydhaba
Baidoa
Luuq
Luk
Xalin
Halin
Ceeri Gaabo
Eri gavo
Xudur Hudur
………………………………………………………………….
Haddaba gundhiggu wuxuu
yahay in hab dhigaalka magacyada Soomaalida oo ah mid laga ilduufay
agloolidooda intii goori goor ahayd dib loogu laabto looguna baraarugo
xasilintooda iyadoo la kala araareynayo is hirdiga uu kula jiro afafka ka
faca weyn iyo ummadaha carrabkooda loogu hiillinayo in summadeenii lagu
sabaaliyo. Afku waa Soomaali, dhaqanku waa Soomaali, ummaddu waa Soomaali,
magacuna waa summadoodii waana Soomaali ee waa in hab dhigaalkiisa lagu
mayracaa maskax caafimaad qabta, digtoon oo ay indhaheedu arkaan marka hore
waxa ay iyagu leeyihiin ka hor inta ayan u hanqal taagin waxa toobal-caarada
ku ah. Magac waliba wuxuu leeyahay muuqaalka bulshadiisa; ummad walibana
waxay u egtahay magaceeda!
N.B.
Si aad u fahamto xikmadda qormadan gaaban bal u fiirso magacyada Soomalida
marka lagu dhigayo warqad af kale oo Latin ah ku qoran, sida marka la
turjumayo waraaqaha dhalashada, kuwa socdaalka iyo kuwa dugsiyadaba; waxaad
arkaysaa dhanka Soomaaliga oo soomaaliyeysan iyo dhanka afka kale lagu
turjumay oo carrabla’! Ma qabo in ay jirto dood-cilmiyeed qabta in magaca
dhigaal ahaan la turjumi karo, laakiin in xikmaddiisa iyo murtidiisa af kale
lagu sheegaa waa biyo kama dhibcaan, haddii la doonayo in nuxurka magaca la
fahamsiiyo cid kale oo aan aAf-Soomaaliga ku fahmaynin!
Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net
Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2006
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|