Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar, iyo
iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay
ka timid
... iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay
shirkad si
loogu soo daayo lacagahii Soomaaliya laga xanibay... iyo
ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la'aan darteed u xireyso qaar kamid ah
safaaradaha Soomaalida
- Warbixintii & Faalladii: SomaliTalk.com | April 27, 2010 | Update:
Aug 17, 2010
Tusmo:
- Hordhac
- Qorshaha ku aadan lacagta ee Xukuumadda Shariif
- Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG gashay shirkad
- Wareegtadii Sheikh Shariif ku magacaabay
Camalow
- Taariikhda lacagihii lasoo Daabacday Bururkii kadib iyo meeshay mareen
- Tarjumaadda heshiiskii ay wada galeen DFKMG iyo Shirkadda
Shulman Rogers
- Xukuumadda Sh. Shariif iyo xusul duubka lacag daabacashada cusub
- Xiritaanka Safaaradaha Soomaaliyeed
- Wareegtadii Jangali ee xiridda Safaaradaha
- Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Dowladiisii markay dhacday aan dhicin
- Heshiiska "Dowladdu" lagashay shirkadda Shulman Rogers (faallo)
- Samaynta Lacagaha oo sii ruux togaya Shacabka
- Xiritaanka Safaarahada dhaqaalo la'aan daraadeed
- Xukuumadda Sheikh Shariif oo aan ogolayn in lala xisaabtamo
- Maxaa la gudboon Baarlamaanka DFKMG
Hordhac:
Dukumiinti iyo xog sir ah oo Jariidadda Sharq al-Awsat ka heshay xafiiska Madaxweynaha
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ayaa muujinaya isku dayga xukuumadda
Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay hesho lacagtii iyo hantidii
Soomaaliya ee ilaa
markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre 1991 ku xannibnayd dalka
dibaddiisa, sida bangiga Swiss Bank. Waxana Sheikh Shariif arrintaas u xilsaaray
Cali Cabdi Camalow oo ay qarammada Midoobey hore ugu eedaysay in burburkii
dawladdii hore kaddib uu bangiga Switzerland ka bixiyey lacag dhan $10 million oo
uu lahaa Qarranka Soomaaliyeed isagoo garab siinayey Cali Mahdi Maxamed,
markii dambeyna daabacaadda lacag cusub ka caawiyey Caydiid.
Heshiiskan cusub oo DFKMG ay bilkasta ku bixineyso $50,000 iyo gunno, ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in
Dawladda Malaysiya ay DFKMG ka xannibantahay lacag gaareysa $14 million
oo doolar, lacagtaas oo ay akoon ku shubeen saraakiil katirsan xukuumadda Sheikh
Shariif. Arrintaas oo uu garab socdo heshiis kale oo Shariif Xasan uu la galay Suudaan
si DFKMG loogu soo daabaco lacag Shillin Soomaali ah oo ay ku baxayso $17
million oo doolar. Arrimahaas waxay kaabiga ku hayaan xilli la sheegay in
lacag la'aan awgeed loo xirayo Safaarado Soomaaliya leedahay,
lanaga yaabo in lagu waayo ama lalunsado dhismayaasha Safaaradahaas oo ah dhul uu
leeyahay Qaranka Soomaaliyeed.
Qorshaha ku aadan lacagta ee Xukuumadda Shariif Wareegto[1] uu saxiixay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif, oo ku taariikhaysan
December 13, 2009, ayaa qeexaysa in Cali Cabdi Camalow, oo ahaan jirey Guddoomiyahii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, in si rasmi ah loogu magacaabay
La-taliyaha Madaxweynaha Xagga Arrimaha Bangiyada iyo soo Celinta hantida maqan
oo loo malaynayo boqollaal million, hantidaas oo saraakiishii dalka xakumi jirtey 20 sano
ka hor ay dhigeen bangiyo ku yaal dalka dibadiisa. Wareegtadii Sheikh Shariif ku magacaabay
Camalow:
***
Jamhuuriyadda Soomaaliya Xafiiska Madaxweynaha
XEER MADAXWEYNAHA J.S. Lr. 214, Taariikh 13 Dec. 2009 Magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha Xagga Arrimaha bangiyada iyo soo Celinta
Hantida qaranka. MADAXWEYNAHA J.S., Markuu Arkay: Qodobka 13aad, farqadda (1) xarafka (E), Qodobka 39aad, farqadda
2aad, qodobka 44aad xarafka “D” iyo qodobka 71aad xarafka 2aad ee Axdiga
Federaalka KMG ah ee J.S. Markuu Garwaaqsaday: in ay jirto baahi loo qabo dhameystirka qaabdhismeedka
Nidaamka madaxtooyada, iyo lagama maarmaanna ay tahay in la helo La-taliye
Arrimaha Bangiyada iyo soo Celinta Hantida qaranka. Wuxuu soo saaray xeerkaan:
Qodobka 1aad Laga bilaabo maalinta uu madaxweynuhu xeerkaan saxiixo waxaa mudane Cali Cabdi
Camalow loo magacaabay La-taaliyaha Madaxweynaha Xagga Arrimaha Bangiyada iyo
soo Celinta hantida qaranka. Qodobka 2aad Dikreetadan waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee J.S. MUQDISHO 13.12.2009 Madaxweynaha J.S Shariif Sheikh
Axmed
***
Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000
doolar oo DFKMG gashay si loogu soo daayo (fasaxo) lacagahii/ hantidii Soomaaliya laga xanibay Nuqul kamid ah
dukumiinti qarsoodi ahaa oo ay heshay “Asharq alawsat” ayaa muujinaya
heshiis ku taariikahysan 17-kii February 2010 oo dhexmaray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo shirkadda
Shulman
Rogers oo ah qareenno xarunteedu tahay Washington. Heshiiskaas oo uu
dhexdhexaadiye ka yahay Camalow waxaa
ku cad in DFKMG ay shirkadda kula heshiisay in ay siinayso lacag dhan $50,000
doolarka Maraykanka oo ah lacag qarraran oo bil-kasta ah iyo Gunno (lacag buro
ah ama dheeri ah) oo gaaraysa boqolkiiba 3.5% oo laga bixinayo lacagta iyo
hantida ay Soomaaliya ku hesho caawinaadda shirkadda (caawinaadaasi ha noqoto
mid toos ah ama mid dadban).
Heshiiskaas (oo tarjumadiisa aad hoos ku arki doontid) waxaa kale oo kamid ah
in Shirkadda Shulman Rogers ay DFKMG gacan ka siiso sidii Shirkadda De La Rue
International Limited ay lacagta Shillin Soomaaliga ugu soo wareejin lahayd
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah.
Sida ka muuqata dukumiintiga ay heshay Asharq Al-Awsat, madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, waxa uu si rasmi ah
u magacaabay Cali Cabdi Camalow in uu noqdo xiriiriyaha u dhexeeya isaga iyo
shirkadda. Markii Camalow wax laga weydiiyey heshiiska (dhexmaray DFKMG iyo
Shirkadda) waxa uu ku jawaabay in uu heshiiskan ku wargeliyey Maamulka
Madaxweyne Barack Obama, waa sida ay qortay warbixinta jariidadda ee April 2,
2010. Haddii aan dib ugu laabano heshiiska
qarsoodiga ahaa oo la daah furay ee DFKMG la gashay shirkadda
Shulman Rogers, si ay wardheeraad ah uga ogaato, Sharq Al-Awsat markii ay la xiriirtay saraakiil ka tirsan xukuumadda uu ra’iisul
wasaaraha ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke waa diideen in ay wax jawaab ah
ka bixiyaan heshiiskaas ay DFKMG bil kasta kaga baxayso $50,000 doolar. Laakiin Wasiir sare oo ka
tirsan golahaas ayaa Sharq Al-Awsat u sheegay in aan Golaha Wasiirada DFKMG
aysan ka warqabin arrinta heshiiskan. Wasiirka oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin ayaa isagoo muujinayey in
heshiiskaas aysan golaha wasiiradu war iyo wacaal u hayn waxa uu yiri “Tani waa
markii ugu horeysey oo aan maqlay heshiiskaas, xukuumadduna arrintaas kama wada
xaajoon, lagumana wargelin Golaha Wasiiradda DFKMG.” Jariidadda Sharq
Al-Awsat oo isku deyeysey in ay jawaab degdeg ah ka hesho DFKMG, uma suurta gelin in ay jawaab toos ah ka hesho Sheikh Shariif oo Jabuuti
u tegey (1-dii April 2010) in uu wadahadal la yeesho Madaxweynaha Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle, kana yimid Ethiopia oo uu maalin ka hor kulan kula soo
yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi. Sidoo kale xubno la socdey waftiga
(Shariifka) waxay diideen in ay jawaab
ka bixiyaan heshiiska. Dad arrintan ka warhaya ayaa Jariidadda u sheegay in
qorshaha ay Xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ku dooneyso in ay hesho lacagta
dibadaha lagu xanibay in aysan ahayn hawsha xukumuumadda Kumeelgaarlka ah,
waxayna arrintani ka hor imanaysaa Axdiga Kumeelgaarka ah ee hadda, waana awood
uusan lahayn madaxweynaha KMG Sheikh Shariif. Waxayna Sharq Al-Awsat u sheegeen in Sheikh Shariif yahay
kumeelgaar ee uusan ahayn madaxweyne rasmi ah oo Soomaaliya oo dhan, balse uu
xilka madaxweynanimada haynayo waqti kumeelgaar ah. Ayadoo sidoo kale maamullada
kale ee ka jira dalka, sida maamulka Somaliland, aysan arrintaas ku waafaqsnayn
oo aan lagala tashan, loona xilsaaran Sheikh Shariif, ayey tiri Jariidaddu.
Tarjumaadda heshiiskii ay wada galeen DFKMG iyo Shirkadda Shulman Rogers oo SomaliTalk.com ay
tarjumtey:
***
Heshiiska oo ku
Taariikhsan: February 17, 2010 Kuna socda: Mudane Agaasime Camalow: Waxaad hore noogu sheegtay in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dooneyso in ay xiriir
la yeelato Shulman Rogers (Shirkadda), ujeedaduna ay tahay isku day in la helo
akhbaar ku saabsan iyo dib u helid hantidii ay lahayd Jamhuuriyada Soomaaliya
taas oo laga heli karo (ama ku maqan) dalka Soomaaliya dibadiisa, hantidaas
maqan oo ay kamid yihiin khasnadahii (Accounts) uu lahaa Bangiga Dhexe ee
Soomaaliya iyo faracyadiisii, khasnadahaas oo lagu xanibay amar adiga (Camalow)
kaa soo baxay 1991. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kale oo ay dooneysaa in aan ka
caawino arrinta la xiriirta Shirkadda De La Rue International Limited ama
jaalkeeda (ee lacagaha sameeya) si ay u qadariyaan qandaraaskii ballanqaadayey
in ay lacagta Shillin Soomaaliga ay gaarsiiyaan, kuna wareejiyaan Bangiga Dhexe
ee Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in aan awoodno in arrimahaas aan idinka caawino, waxaana
soo dhaweynayna in aan wada shaqayno. Tani (warqaddani) waxay caddayn u tahay in xiriirkii
markay taariikhdu ahayd July 28, 2009 uu shirkadda (Shulman Rogers) la soo
yeeshay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayadoo loo soo maray adiga oo u ahaa wakiil
(Agaasime). Xiriirkaas waxaa bedelaya warqadan oo ay la socoto dhamman arrimaha
taagan ee la xiriira Shirkadda wakiil ka noqoshadeeda Bangiga Dhexe wixii hadda
ka bilowda, sida loo baahdo ee ku haboon, taas oo la xiriirta ka wakiil
noqoshada Jamhuuriyadda Soomaaliya sida halkan ku xusan. Dhammaan wixii kharash
ah ee waajib ku ah Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in uu siiyo Shirkadda (Shulman
Rogers) ee ku saabsan xiriirkii warqaddii July 28, 2009, waxaa halkan lagu
cadaynayaa in arrintaas ay ansixisay (ama tasdiiqisay) Jamhuuriyadda Soomaaliya,
waana in si buuxda ay u aqbasho Jamhuuriyadda Soomaaliya. Si shakiga looga
baxo, marka la eego arrimaha kor ku qeexan, waxay warqaddani
xaqiijinaysaa in Shirkadda (Shulman Rogers) ay wakiil ka noqoneyso Jamhuuriyadda
Soomaaliya, oo adigu (Camalow) aad wakiil ka tahay, ayadoo la soo maray adiga
iyo in adiga uu kusoo magacaabay Madaxweynuhu, iyadoo la soo marayo adiga oo ah
qofka uu u soo magacaabay Agaasimaha qaabilsan sidii dib loogu soo celin lahaa
Hantida Dhaqaale iyo Arrimaha la xiriira bangiga. Sida aan fahamsanahay,
awoodaada la xiriirta Agaasimaha waxay ku qeexan tahay Wareegtada Madaxweyne ee
lambarkeedu yahay no. 214 ee soo baxday December 13, 2009, oo nuqul ka mid ah
waqaddan lagu lifaaqay. Aniga (Shulman) ayaa ah qareenka masuul ka ah isku dubbarididda hawlaha sharciga
ee la xiriira arrimahaas ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayadoo ay dhici karto in
shaqaale kale ee Shirkaddu ay arrintaas iga caawiyaan marka aan u baahdo. Sidii
aan hore uga wada hadalay, ujeedada Shirkadda (Shulman Rogers) ee wakiilka
noqoshadeedu waxay ku kooban tahay arrimaha la xiriira isku day aan rasmi ahayn
(informal) si loo helo akhbaar iyo sidii dib loogu heli lahaa hantidii
Jamhuuriyadda Soomaaliya taas oo laga heli karo meelo bannaanka ka ah
Soomaaliya, hantidaas oo ay ka mid yihiin lacagahii lagu shubay akoonno
(Accounts) bangiyo kala duwan oo uu lahaa Bangigii Dhexe ee Soomaaliya.
Bangiyada lacagahaas hore loogu shubay oo ku yaal dalalka sida
Maraykanka iyo meel kasta oo kamid ah dunida dacaladeeda, lacagahaas oo lagu
xanibay ammar adigu (Camalow) aad soo saartay sannadkii 1991. Shirkadda Shulman Rogers waxa kale oo ay hoggaan ka noqonaysaa isku day aan
rasmi ahayn (informal) oo lagu qancinayo shirkadda De La Rue International
Limited in ay tixgeliyaan qandaraaskii hore ay ugu ballan qaadeen in ay
lacagta Shillin Soomaaliga gaarsiinayaan kuna wareejinayaan Bangiga Dhexe ee
Soomaaliya. Si shakiga looga baxo, xilligan hadda la joogo anagu (Shulman Rogers)
xagga
sharciga wakiil kama nihin, mana difaacayno, kamana caawinyo Jamhuuriyadda
Soomaaliya iyo hay’adaheeda, wasiiradeeda, saraakiisheeda, wasaaradaheeda ama
safiiradeeda, oo uu ku jiro Bangiga Dhexe. Haddii aad dooneysaan in aan
wakiilnimada arrimahaas ku siyaadino (hawlaha aan idiin qabanaayno), oo aan
markaas isku raacno, waxaan markaas wada geli doonaa heshiis kale oo la xiriira
kordhinta wakiilnimada. Waxaad hore noo weydiisay in ay kharashka (khidmadda ah) ee Shirkadda Shulman
Rogers u qaabayno nidaam ah “Khidmad-Qarraran” (Fixed-fee) halkii ay ka ahaan
lahayd in khidmad ku salaysan saacadaha la shaqeeyey. Waxaan aqbalay in shaqada
Shirkadda ee la xiriirta hawsha ku xusan warqaddan in Shirkadda la siiyo qiime
go’an oo ah $50,000 doolar bil kasta. Haddii xiriirkeenu dhammaado bil dhex
bartankeed, markaas lacagtii ahayd $50,000 ee shirkadda waa in loo qiimeeyo
saami u dhiganta inta bisha ka tagtay. Lacagta go’an (Qarraran) waxaa kale oo dheeraad ka ah in Jamhuuriyadda
Soomaaliya ay Shirkadda Shulman Rogers siiso lacag Gunno ah oo dhan boqolkiiba
3.5% ee lacagta ama hantida loo soo helo Jamhuuriyaadda Soomaaliya (oo uu ku
jiro Bangiga Dhexe iyo faracyadiisa) oo lagu soo helay caawinaadda, toos ama aan
toos ahayn, ee Shulman Rogers. Lacagtaas gunnada ah waa in shirkadda Shulman Rogers lagu siiyo Doolarka
Maraykanka saddexdii biloodba mar, (oo ah March 31, June 30, September 30, iyo
December 31), waxaana laga xisaabinaya lacagta guud ahaan (ama qiimaha hantida)
ay saddexdaas bilood heshay Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo uu ku jiro bangiga
Dhexe iyo faracyada la xiriira), lacagtaas oo la barbar dhigayo ama lagu
qiimayno Doolarka Maraykanka inta ay ka tahay marka lacagta la helay. Waxaa taas dheer in lacagtaas gunnada ah ay kamadax bannaan tahay gunnooyin kale
oo aan ku heshiino, ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo wixii kadambeeya wada
xaajoodka hore ee aan kula yeelanay, sida in la bixiyo latashi loo arko in
adeegiisu loogama maarmaan u yahay ama looga baahan yahay in la gaaro arrinta
heshiiskani ku saabsan yahay (lacagta gunnnada ah waxaa sii dheeraan kara lacag
kale oo soo bixi karta oo lagu bixiyo adeegyo taas oo laga rabo in ay bixiso
Jamhuuriyadda Soomaaliya). Waxaa (kale oo) ka baxsan lacagta go’an iyo gunnadaba, waa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay
u celiso shirkadda Shulman Rogers dhamman kharashka kaga baxay waxyaabaha ku
saabsan xiriirkan, sida ku faahfaahsan lifaaqa Warqadda Heshiiska
Qareenka-Macaamiisha, taas oo qayb ka ah xiriirkeena. Arrinta la xiriirta shaqadeena, waxaa suurtagal ah in loo baahdo in
Jamhuuriyadda Soomaaliya ay lataliyaal (kale) ku yeelayo dalalka adduunka
dacalladiisa kuwaas oo loo malaynayo in ay taal hantida ka maqan dalka
(Soomaaliya). Waxaad fahamsan tahay (adigu, Camalow) oo aad aqbashay, in inkasta oo
aan fududaynayno sidii loo heli lahaa lataliyaasha oo aan jihayno hawshooda,
laakiin ay Jamhuuriyaadda Soomaaliya oo qura ay masuul katahay in ay bixisyo
lacagta la siinayo iyo kharashka ku baxaya, lacagtaas oo dheeraad ka ah laacagta
qararran, gunnada iyo kharashka ay leedahay Shulman Rogers sida ku cad
heshiiskan. Ugudambayntii, waxaan si isku mid ah isugu afgaranay in jiritaanka heshiiskan
iyo akhbaarta ku saabsan xiriirkan aan u tixgelino sir/qarsoodi.
Ayadoo la tixgelinayo is-fahamkaas, haddii aan looga baahan dacwad maxkamadeed
ama baritaan rasmi ah ama arrin la xiriirta xeerar anshaxa, waxa keliya oo aan
akhbaartaas ka bixin karnaa wixii loo arko in ay muhiim u yihiin oo aan u aragno
in ay la xiriiraan heshiiska. Arrimahaas marka la isku soo daro, waxaan hadda
wakiil ka noqonaynaynaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Fadlan waa in aad fahamtid in
ay khasab nagu noqon karto in aan Waxaada Caddaaladda ee Wasaaradda Arimaha
Dibadda Maraykanka u sheegi karno akhbaar ku saabsan xiriirkeena ayadoo la raacayo
diiwaanka hay’adda Arrimaha dibadda xeerka 1938 (22 U.S.C. §§ 611-621), iyo xeerka la cusboonaysiiyey ee dhaqan galay (22
C.F.R. §§
5.1 – 5.1101 (2009)), akhbaartaas oo ay kamid yihiin warqaddan iyo lifaaqeeda. Warqaddani waxay cadaynasaa (oo ay xambaarsan tahay) xiriirkeena oo rasmiga ah,
taas oo looga baahan yahay xeer hoosaadka Shirkaddayada. Waxaan idinla socod
siinaynaa Warqadayadan oo ah heshiiska Qareenka-iyo-macaamiishiisa oo ay la
socoto qaabka loo bixinayo lacagta khidmadda ah (adeegga /billing policy), waa
lifaaq kamid ah warqaddan oo ku saabsan xiriirka. Haddii arrimaha warqaddan ku
cad oo ay la socoto warqadda Heshiiska Qareenka iyo macaamiishiisa, ay yihiin
arrimo kuu cuntamaya oo aad aqbashid, markaas fadlan saxiix meesha hoos ka
calaamadsan, kaddibna warqadda oo saxiixan dib usoo celi waqtiga ugu soo horeeya
ee ay xaggaaga suurtagalka ka tahay. Waxaan soo dhaweynaynaa kalsoonida aad siisay shirkadayada. Waxaadna ku mahadsan
tahay xiriirka aad la soo yeelatay Shulman Rogers. Mahadsanidin. Waxaa saxiixay
shirkadda Shulman. (February 17, 2010).
***
LIFAAQ: Warqadda lifaaqa ah ee (Billing Policy) waxaa ku cad arrimahan: Warqadda Lifaaqa ah ee la socotey heshiiska waxaa lagu faahfaahiyey sida ay
DFKMG u bixineyso lacagta ay kula heshiishey shirkadda, waxaana qoraalkaas kamid
ahaa erayaydan:
***
Halkii lacagta khidmadda lagu xisaabin lahaa hab saacado ah, waxay Jamhuuriyadda
Soomaaliya aqbashay in ay Shulman Rogers siiso khidmad qarraran oo ah $50,000
doolar bil kasta ee ku saabsan xiriirka heshiiskan. Haddii xiriirkaasi dhammaado
ayadoo dhexda laga jiro bisha, markaas lacagtii $50,000 ee bishaas la siin lahaa
shirkadda waxaa loo xisaabinayaa saamiga inta bisha ka tagtay ayadoo laga
xisaabinayo maalinta xiriirku go’ay. Waxaa lacagtaas qarraran dheeraad ka ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay siin
doonto shirkadda Shulman Rogers lacag ah gunno (bonus) oo la mid ah boqolkiiba
3.5% ee hantida ama lacagta loo soo helo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo ay ku
jiraan bangiga Dhexe iyo faracyadiisa), taas oo lagu helay caawinaadda, tooska
ah ama
dadban ee shirkadda Shulman Rogers. Tusaale ahaan, haddii bangiga Dhexe ee
Soomaaliya uu helo lacag dhan $5 million muddo saddex bilood oo kamid ah
sannadka, markaa Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay siineysaa shirkadda Shulman
Rogers lacag gunno ah oo dhan $175,000. Haddii xiriirka dhammaado waxaa markaas
shirkadda la siinayaa saamiga boqolkiiba 3.5% ee lacagtaas inta kaga soo aadda
maalmaha ka tegey bisha, waxaana lacagtaas la siinayaa Shulman Rogers xitaa
haddii aysan weli lacagta (tusaale $5 million) soo gaarin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya
kaddib marka xiriirku go’ay. Waxa kale oo intaas dheeraad ka ah oo ay Jamhuuriyadda Soomaaliya aqbashay in
haddii Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo ay ku jiraan Bangiga Dhexe iyo faracyadiisa)
ay helaan lacag gaaraysa $1,000,000 oo ay ka helaan koontooyin kala duwan, oo
shirkadda Shulman Rogers ay ka qayb qaadatay sidii lacagtaas xanibadda looga
qaadi lahaa, waxaa dheeraad ka ah lacagaha khidmada ee looga baahan yahay
Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay sii bixiso lacag dhan $100,000.
***
Halkaas waxaa ku dhammaaday qoraalkii heshiiska DFKMG iyo Shirkadda Shulman
Rogers iyo qayb ka mid ah lifaaqiisii. Waxaa jira intii ka
danbaysay burburkii dowladii Siyaad Barre in maamuladii ka danbeeyey ay soo
daabacdeen ama soo fasaxdeen lacag dowladii hore loo daabacay iyo lacag cusub oo
hor leh, lacagtaas oo ka qayb
qaadatay burburkii Dadka iyo dalka. Sida ku cad warbixino Qarammada Midoobey, waxaa qayb ka ahaa soo daabicida iyo
fasixida lacagtaas gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee dowladii Siyaad Barre
mudane Cali Cabdi Camalow, mudane Camalow ayaa hada Sheekh Shariif u magacaabay
lataliyaha madaxwaynaha xaga arrimaha Bangiyada iyo soo celinta hantiga qaranka.
Waxaa is waydiin leh maxaan kala soconaa lacagihii hore ee lasoo daabacday iyo
kaalinta uu ku lahaa Mudane Camalow?
Taariikhda lacagihii lasoo Daabacday Bururkii kadib iyo meeshay mareen Warbixin ay 25-kii March 2003 qortay Qarammada Midoobey (S/2003/223)[2],
ayaa waxaa kamid ahaa: Cali Mahdi oo ay la jiraan Agaasimihiisii Guud, Maxamed Xaaji Cali, iyo
Guddoomiyihii Bangigii Dhexe ee Soomaaliya Cali Cabdi Camalow, ayaa ugu yaraan
$10 million oo doolar waxay ka soo saareen bangi ku yaal dalka Switzerland.
Akoonkaas oo markii hore uu furay Cali Cabdi Camalow xilligii (koobnaa) ee uu ahaa
Guddoomiyihii Bandgiga Dhexe ee xukuumaddii madaxweyne Siyaad Barre. Qiyaastii
1990-1991, Jahuuriyadda Soomaaliya waxay heshay lacag dhan $70 million oo doolar oo ay ugu
deeqday Kuwait. Lacagtaas waxaa lagu shubay bangi ku yaal dalka Switzerland,
waxana xilligaas lacgtaas laga soo bixiyey $20 million si ay Soomaaliya
ugu soo iibsato diyaarad ah nooca Boeing 720. Lacagtaas intii ka harsanayd waxay gacanta u
gashay dawladdii Cali Mahdi. (Ilaa haddana akhbaar madax bannaan lagama hayo
akoonkaas, ayadoo dawladda Switzerland aysan ilaa hadda awood u yeelan in ay
meeleyso akoonkaas ama lacagtaas.)
Diyaarad Somali Airlines, goobtu waa Rome, Italy, January 5, 1989
Xuquuqda sawirka: Airliners.net Warbixinta Qarammada Midoobey waxay intaas ku dartay: In loo badinayo in ugu
yaraan qayb kamid ah lacagtaas in Cali Mahdi u adeegsadey soo iibsiga hub uu ka
soo gatay hub-iibiyaha caalamiga ah ee Monzer al-Kassar. Warbixintii UN-ta
ee 2003 waxaa kale oo kamid ahaa: in la caddeeyey in bishii August 1991 ay
"Dawladdii" Soomaaliya si rasmi ah u dalbatay in loo soo sameeyo lacag Shillin Soomaali
ah, waxayna ka dalbatay
shirkadda laga leeyahay dalka Britain oo ah De La Rue. Ugu yaraan hal shixnad oo
lacagta Shillin Soomaaliga ee ay samaysay shirkadda De La Rue ayaa lagaarsiiyey
Muqdisho bishii June 1992, ayadoo u muuqatay in la gaarsiiyey Cali Mahdi oo ka
dambeeyey Siyaad Barre. Arrimahaas kaddib guddi loo saaray waxay 3-dii February
2003 shirkadda De La Rue ka aqbashay in mustqabalka ay marka hore la xiriireyso
Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-Sooranka ee London ka hor inta aysan
xiriir ganacsi la gelin Soomaaliya.
29-kii Janaayo 1991 ayaa Cali Mahdi Maxamed waxa uu noqday madaxweyne kusime
ah[3], kaddib markii Maxamed Siyaad Barre uu 27-kii
Janaayo 1991 laga tuuray xukunka oo uu ka baxay magaalada Muqdisho.
November 1991 waxaa dagaal ahli ah Muqdisho ku dhexmaray Cali Mahdi Maxamed
iyo Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, dagaalkaas waxaa la qiyaasay in ay ku
dhinteen 14,000 qof, ayna ku dhaawacmeen 27,000 qof[4]. Mudadaas jaahwareerku kajirey
Muqdisho waxaa la keenay lacag cusub oo Shillin Soomaali ah, taas oo la sheegay
in lacag dhan 104
billion oo shillin Soomaali ah oo ay ku jirtey 24 billion oo lacag cusub ah ay
gacanta u gashay Cali Mahdi.
Lacagtaas gacanta u gashay Cali Mahdi, oo garabsanaya malaysiyadiisii lagu magacaabi jirey
Xoogagga Waqooyiga Muqdisho (Mogadishu North Forces), waxaa
kamid ahayd lacag cusub oo bangigii dhexe dalbaday ka hor burburkii Soomaaliya, laakiin ayadoo aan dalka lagu
faafin uu dhacay dagaalkii. Lacagtaas waxaa astaan u ah oo lagu gartaa xarafka N, sida N50 ama
N20[5]. (Soomaalidu waxay lacagtaas u aqoon jireen
Naafto".
Sidoo kale, sannadkii 1996 ayaa Maxamed Faarax Caydiid waxa uu dalbaday in loo soo
daabaco lacag Shillin Soomaali ah. Waxaa lacagtaas soo sameeyey shirkad
xarunteedu tahay caasumadda dalka Canada ee Ottawa. Waxaa lacagtaas la soo
daabacay saxiixay Cali Cabdi Camalow, waxaa arrintaas xiririiriye ka ahaa
shirkad laga leeyahay dalka Malaysiya. Waxaa la
sheegay in 1-dii Agoosto 1996 uu Caydiid u geeriyoodey dhaawac kasoo gaaray
dagaalada Muqdisho ka hor intii aysan Muqdisho soo gaarin lacagtii uu dalbaday.
Lacagtaas markii dambe afar shixnadood oo ka mid ah oo lagu qiyaasay 165 billion oo Shilling
Soomaali waxay gaartey wiilkiisa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
Lacagta Caydiid loo soo daabacay waxay ahayd 500 iyo 1000 Shilling. Waxaana
lacagtaas lagu gartaa in ay ku taariikhsan tahay "1996", waxaana saxiixay Cali
Cabdi Camalow oo ku saxiixay in uu markaas ahaa Guddoomiyaha Bangiga
Dhexe. Waxaa xusid mudan in
Camalow loo magacaabay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya bishii October
1990, waxyar kahor intii aysan dhicin xukuumaddii Siyaad Barre, mana jirin intii
xukuumaddaasi jirtey lacag uu si rasmi ah u saxiixay oo kasoo baxday bangigii
Dhexe ee Soomaaliya (Dagaalka Soomaaliya waxa uu bilowday bishii December 1990).
Saxiixa: Guddoomiyaha (Ali Abdi Amalow), Taariikh: 1996
Caddadka lacagta ee la sameeyey burburkii kaddib intii u dhaxaysay 1991 ilaa
2001 waxaa lagu qiyaasay 595 billions SH.SO oo kala gaartay: Cali Mahdi (104
billion sh.so), Caydiid (165 billion sh.so), Ganacsatada Woqooyiga Muqdisho (90
billion sh.so), DKMG ee Qaasim (90 billion), Puntland (86 billion sh.so)
iyo Ganacsato (60 billion sh.so). Sidaas waxaa laga soo xigtey buugga uu qoray
Maxamed Dalmar Cabduraxmaan[5]
oo ahaan jirey Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo buuggiisa
ku xusay in qalalaasaha lacageed ay ka qayb qaadatay dhicitaankii xukuumaddii
Soomaaliya 1991, ayna weli sii hurineyso dagaalka ahliga ah ee Soomaaliya.
Xukuumadda Sh. Shariif iyo xusul duubka lacag daabacashada cusub
Taariikhdaas waadaxa ah oo jirta iyo burburka laga soo maray lacagta
la iska samaysanayo ee qayb ka ah dhibaatada dalka, ayaa xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ee Sheekh Sharif waxay heshiis aan
shacabka Soomaaliyeed loo sharrixin waxay la gashay dalka Suudaan si halkaas
loogu soo sameeyo lacag. Lacagta DFKMG xilligan loo soo samaynayo oo ah 1000, 2000, 5000,
10,000 iyo 50,000 Sh.So. (FG. Waa hal warqad oo ay ku qoran tahay 50,000 sh.so.)
11-kii January 2010 ayay ahayd markii
magaalada Khartuum ay heshiis lacag loogu soo daabacayo DFKMG ku kala saxiixdeen Agaasimaha Madbacadda Lacagta Mohammed
Al-Hassan Al-Bahi oo u saxiixay Dawladda Suudaan iyo Wasiirka Maaliyadda DFKMG
Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Goobta saxiixu ka dhacay waxaa kale oo Dawladda Khartuum goobjoog uga ahaa
Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha qaranka Awad Al-Jaz iyo Guddoomiyaha Bangiga
Dhexe ee Suudaan Saber Mohammed Al- Hassan.
Wakaaladda Wararka ee Suudaan (SUNA) waxay sheegtay in lacagta loo samaynayo
Soomaaliya ay ku baxayso lacag kor u dhaafaysa $17 million oo doolar[6].
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ee hadda, Bashiir Ciise Cali,
waxa uu si cad
uga hor yimid qorshaha Dowladda FKMG ku dooneyso in ay lacago cusub
oo Shillin Soomaali soo daabacato. Sidaas waxa Guddoomiyaha Bangigu
shaaca ka qaaday bartamahii bishii Janaayo
2010. “Ma ahan in xilligan la isku mashquuliyo sameynta lacago
cusub, run ahaantii lacag cusub in dalka lagu baahiyo, waxay u
baahan tahay in laga fikiro, maxaa yeelay dowladdu haatan gacanta
kuma heyso dalka oo dhan” ayuu yiri Gudoomiyaha Bankiga Dhexe
Bashiir Ciise Cali.
"Guddoomiyaha ayaa wareysi uu siiyay BBC (January 16, 2010) ku
sheegay in aanay suurta gal ahayn lacag cusub oo dowladdu ay
xilligan sameysato, taasi oo uu sabab uga dhigay in dowladdu aanay
gacanta ku hayn dalka intiisa badan. Waxaa kale oo uu sheegay in
dhaqaale xumida jirta awgeed aanay suurtagal ahayn, loona baahan
yahay awood lacagta lagu dhaqangeliyo, isagoo intaa sii raaciyay in
ay keeni karto sicir barar ka dhaca dalka." Waa sida ay faafisay BBC[7].
Sawirka dhanka bixid: Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991
Heshiisyadaas ay DFKMG la gashay shirkadda Shulman oo ay kula
heshiisay $50,000 bil kasta & gunno iyo heshiiska Sudan oo ay ku baxayso $17
million, (iyo sida aan hoos ku arki doono $14 million oo Malaysia ka xannibtay
DFKMG), arrimahaasi waxa ay kaabiga ku hayaab - ama la waqti ahaa
- arrin ay dhawaan DFKMG ku go’aamisay in ay
xirto Safaarado badan oo uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed (oo ku yaal daafaha
dunida). Taas oo la sheegay in xukuumaddu aysan bixin karin kharashkooda.
Laakiin sida Jariidadda Sharq Al Awsat ka heshay dublomaasiyiin Soomaaliyeed oo wargal ah, ujeedada
rasmiga ah ee ka dambaysa xiritaanka safaarada waa in la iibiyo dhismayaashii ay ku yiilleen
safaaradaha iyo dhulkii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed, ayey werisey Sharq
Al-Awsat.
August 17, 2010 Madaxweynaha DFKMG,
Sheikh Shariif Axmed
ayaa booqasho tegey magaalada Khartuum, Sudaan “booqashadaas ayaa la xiriirtaa
sidii loo dhameys tiri lahaa heshiis ay Soomaaliya iyo Sudan wada galeen oo ku
saabsan daabacaadda lacag cusub oo ay DFKMG ahi horey u weydiisatay dawladda
Sudan,” Sidaas waxa sheegay safiirka dawladda FKMG ee Soomaaliya u fadhiya
magaalada Khartuum Mahdi Abuukar Maxamuud, oo waraysi siiyey Idaacadda Codka
Maraykanka (VOA).
"Hadda ayaan galay Wersheddii lacagta cusub lagu daabaci lahaa, ee warka ma
dhamaystiri karo ee markale igu soo celi" ayuu yiri safiirka DFKMG ee Suudaan oo
muujinayey in markaas uu waraysiga bixinayey ay gaareen wershedda loogu
daabacayo laacagta cusub.. DHEGEYSO
Xiritaanka Safaaradaha Soomaaliyeed
Wareegto[8] uu 11-kii Januray 2010 soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG
Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa shaaca ka qaaday in la xirayo safaarado badan oo
Soomaaliya ku leedahay daafa dunida.
Arrimahaas xiriirsan waxaa garab
socda, sida ay sheegtay Jariidadda Sharq Al-Awsat, in war laga helay dad wargal ah, oo lagu
kalsoonyahay, uu sheegay in dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay ay Dawladda
Malaysia xannibaad saartay lacag dhan $14 million oo doolarka Maraykanka oo ay
akoono ku shubeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda hadda jirta ee
Federaalka Kumeelgaarka ah. Malaysiya waxay go’aankeeda ku salaysay in aysan
jirin dukumiinti muujinaya meesha asal ahaan lacagtani ka timid iyo in uu jiro
musuqmaasuq soo noqnoqday ee ku baahay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee
Sheikh Shariif. Waa sida ay qortay Sharq Al-Awsat[9].
Warbixintii Qarammada Midoobe ee 10-kii March 2010 waxay ku xustay:
Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah awoodeeda xadidan ee aysan awoodin in ay
mushahar siiyo saraakiisheeda iyo ciidamadeeda ammaanka ayaa curyaamisay kana
dhigtay musuqmaasuq in uu ku fido dhammaan heerar keeda: Saraakiisha hoggaanka
haya iyo ciidamadu si isku mid ah ayey u iibsadaan hubka iyo rasaasta oo xitaa
ay ka iibiyaan kuwa ka soo horjeeda. Dhaqaalaha ka soo xerooda dekedda iyo
garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waa la doc faruurtaa. Qaar kamid ah Golaha
Wasiirada iyo xildhibaanadda baarlamaanka ayaa ayagoo si khaldan u isticmaalaya
fursadda gaar ahaaneed waxay ka qayb qaataan iibinta fiisooyinka, ayagoo si
sharci darro ah Yurub iyo goobo kale ugu dhoofinaya laajiyiin aan sharci haysan,
taasna ku bedelanaya lacag aad u farabadan[10].
Wareegtadii Jangali ee xiridda Safaaradaha
***
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYAA Xukuumada Federaalka KMG ah
Wasaaradda Arrimaah Dibadda REF: MFA-/TFG/M/540/09 Januray 11, 2010 Ku: Dhammaan Safaaradaha Soomaaliyeed - Rugtooda.
Ujeeddo: Dib u habaynta Wasaaradda. Waxaa dhammaan Diblomaasiyiinta lala socodsiinayaa in 10kii Bishan Golaha
Wasiiradu ansixiyeen dib u habeynta iyo soo koobidda Ergooyinka dibadda jooga,
taas soo Madaxweynahu horey u oggolaaday. Markii la qiimeyey xaaladda dhaqaalaha dalkeenna, waxaa Ergooyinka lagu soo
koobay sida soo socota: New York, Rome/Brussels, Moscow, Peiking, Ankara, Tripoli, Cairo, Riyadh,
Damascus, Kuwait, Abu Dabai, Doha, Mascol, Sana'a, Khartoum, Addis Ababa,
Djibouti, Nairobi, Kampala, Tehran, iyo Qunsuliyadaha, Jeddah, Dubai & Aden. Haddaba, Ergooyinka aan ahayn kuwa kor ku sheegan waa
ku la soo xirayo si
ku-meelgaar ah, Wasaaradda ayaa u magacaabi doonta Danjirayaal aan deganeyn (Non
resident Ambassadors) waxaa kaloo diblomaasiyinta lala socodsiinayaa in ay imaan
doonto isku shaandhayn diblomaasiyiinta Ergooyinka ee kuwa la soo xirayo iyo
kuwa sii furnaan doonaba. Waxaa kale la idinla socodsiinayaa in tirada diblomaasiyiinta lagu soo koobi
doono qof ama labo qof. Cali Axmed Jaamac Wasiirka
***
Falanqayn:
Sida ka muuqata warbixinta kore oo u qoran qaab fudud ayaan ku daraynaa
faallo kooban oo dhowr qodob ah;
- 1- Muddane Cali Cabdi Camalow iyo kaalintiisa Burburka dhaqaalaha iyo
dagaalada sokeeye.
- 2-Heshiiska Dowladu lagashay shirkadda
Shulman
Rogers iyo raadinta hantida Shacabka Soomaaliyeed
- 3- Samaynta Lacagaha sii ruux togaya Shacabka
- 4- Xiritaanka Safaarahada dhaqaalo "la'aan" daraadeed
Sida aan soo aragnay Sheekh Shariif ayaa u magacaabay Mudane Camalow La-taliye
Arrimaha Bangiyada iyo soo Celinta Hantida qaranka. Iyo soo celinta hantida
qaranka ereygaas waxaa soo hoos galaya wax kasta oo hanti ahayd oo shacabka
Soomaaliyeed lahaa ee taala dalka dibadiisa, dowladii horena ka dhacday in lasoo
celiyo, yaa soo celinaya Camalow!, yaa loo dhiibayaa laba Shariif!
Waa kuma lataliha Cusub ee Sheikh Shariif ee Xagga Lacagta, Camalow?
Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Dowladiisii markay dhacday aan dhicin ee wali
saxeexaya lacag cusub, soona daabacaya 1996
Waa su'aasha mudnayd inay Laba Shariif is waydiiyaan ama Wasiirada ama
Baarlamaanka amaba Shacabka Soomaaliyeed is waydiinayaan, Camalow waa kuma? Jawaabtu waa:
- Warbixin ay 25-kii March 2003 qortay Qarammada Midoobey (S/2003/223)[2],
haddii aan mar labaad ku celino warbixintaas waxaa ku cad: Cali Mahdi oo ay la jiraan Agaasimihiisii Guud,
Maxamed Xaaji Cali, iyo
Guddoomiyihii Bangigii Dhexe ee Soomaaliya Cali Cabdi Camalow, ayaa ugu yaraan
$10 million oo doolar waxay ka soo saareen bangi ku yaal dalka Switzerland.
Akoonkaas oo markii hore uu furay Cali Cabdi Camalow xilligii (koobnaa) ee uu ahaa
Guddoomiyihii Bandgiga Dhexe ee xukuumaddii madaxweyne Siyaad Barre. Qiyaastii
1990-1991, qoraalka UN-ta waxaa ku cad ugu yaraan Toban Milyan oo dollar in
khasnadaas Camalow kasaaray, lacagtaas maxaa lagu qabtay? waa tanaa, November 1991 waxaa dagaal ahli ah Muqdisho ku dhexmaray
Cali Mahdi Maxamed
iyo Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, dagaalkaas waxaa la qiyaasay in ay ku
dhinteen 14,000 qof, ayna ku dhaawacmeen 27,000 qof[4].Xiligii
Caydiid Camalow muxuu sameeyey?Sidoo kale, sannadkii 1996 ayaa Maxamed Faarax Caydiid waxa uu dalbaday in loo soo
daabaco lacag Shillin Soomaali ah. Waxaa lacagtaas soo sameeyey shirkad
xarunteedu tahay caasumadda dalka Canada ee Ottawa. Waxaa lacagtaas soo
daabacayey saxiixayna Cali Cabdi Camalow, waxaa xiriirkaas, soo xiririiriye ka ahaa
shirkad laga leeyahay dalka Malaysiya. Xiligii Cali Mahdi iyo Maxamed Caydiid
Camalow lacag masoo daabacay meeqaysa ahayd?
Xilligii Cali Mahdi, Mudadii jaahwareerku kajirey
Muqdisho waxaa la keenay lacag cusub oo Shillin Soomaali ah, taas oo la sheegay
in lacag dhan 104
billion oo shillin Soomaali ah oo ay ku jirtey 24 billion oo lacag cusub ah ay
gacanta u gashay Cali Mahdi. Aan eegno Xiligii Caydiid, Afar shixnadood oo
lacagtaas ka mid ah oo lagu qiyaasay 165 billion oo Shilling
Soomaali Maxamed Caydiid kadib markuu u dhintay dhaawac
kasoo gaaray dagaal qabqable kale uu kula jiray magaalada Muqdisho, waxa soo gaarey wiilkiisa Xuseen Maxamed Faarax. Haddaba akhristow xogtaas kooban oo xog aad u yar oo Camalow laga hayo,
marka laga reebo ina Dowladii Cartana u saxiixday inuu raadiyo Hantida Qaranka
ee maqan. Hadaan intaan aan hayno si fiican u akhrino Camalow dhib intee leeg
ayuu ummada Soomaaliyeed u gaystay, marka la isku daro 104+165 Bilyan oo Shillin
oo Cali Mahdi iyo Caydiid u soo kale daabacay dhib intee leeg oo sicir barar iyo
hantii Shacabka Soomaaliyeed in la dhaco ay gaysatay, dabcan cidii xasuusata waa
la'ogaa buuqa iyo sicir bararkii ka dhacay Soomaaliya marka laga reebo Hargaysa,
qabqablayaashii lacagtaas maxay ku qabteen, dagaalkii Cali Mahdi iyo Caydiid
waan soo aragnay 15,000 oo dhimasho ah iyo 30,000 oo dhaawac ah, Cali Mahdi
waxaa intaa u dheer Suntii uu Wadanka Soomaaliya ku xabaalay[11], waxaa
muuqata kaalinta lacagta Camalow u soo sameeyey ama khasnadda uga saaray ay ku
leedahay dhibaatada shacabka iyo bururka hantida iyo wadanka Soomaaliyeed.
Sawirka: Macaluushii ka dhacday Soomaaliya (http://peacecorpsonline.org/)
Xilligii Caydiid (iyo Cali Mahdi) uma baahna inaan halkaan ku faah faahino dhibaatadii uu
ummada Soomaaliyeed soo gaartey: imisaa ku dhimatay? imisaa ku dhaawacantay?
imisaa ku bara kacday? tiro maleh. Waxaase
lama ilaawaan inoogu filan Baydhabo, oo xilligaas loo bixiyey goobtii geerida, caga barar, gaajo
darteed, saamo cuna iyo magacyo kaloo badan. Lacagahii la soo daabacayey maxay
tareen, Camalow lacagtuu soo sameeyey Kaalintee ku leedahay dagaalkii qabiilka?
jawaabta adigaa laguu dhaafay.
Su'aal kale ayaase oranaysa Camalow sidee 1996 ugu saxiiixi karaa lacagtuu
Caydiid usoo daabacay Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya? Su'aal kale
malaga yaabaa in ay suurowdo in Camalow lasoo taago maxkamad qaran oo lala
xisaabtamo? Su'aal kale ayaa iyana oranaysa hadiiba ay dhacdo in Soomaaliya
hantideedii doonato yaa ugu aaminsan uguna mudan? Sidoo kale waxaa
la is waydiin karaa labada Shariif maxay ku doorteen Camalow? jawaab kooban kadib markay xeeriyeen
khibaradda uu u leeyahay meelaha lacagta lagusoo daabaco iyo xogta uu u hayo meelaha wax
yaalaan ayey dabcan u doorteen.
Heshiiska "Dowladdu" lagashay shirkadda
Shulman
Rogers
Makale Camalow ayaa nagu soo noqday oo warbixinta la helay ee aan wali
shaacin ku tilmaamayso Agaasime loosoo magacaabay inuu u dhexeeyo Shirkada
Shulman Rogers iyo Dowlada FKMG, horay waxaan usoo aragnay wareegto
sheegaysay in loo magacaabay lataliyaha lacagta iyo Bangiyada iyo soo celinta
Hantida Qaranka. Laakiin mida Agaasimaha si rasmi ah looma shaacin. Arrinta
labaad oo qoraalka ku cad waa in Camalow dilaal ka yahay shirkada iyo Dowlada
dhexdooda oo isugu soo xiray iyo sababta lagu xushay oo ah in saxiixiisa markale
la isticmaalo. Markale akhri faqrada sidaas sheegaysa:
- "Waxaad hore noogu sheegtay (camalow) in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dooneyso in ay xiriir
la yeelato Shulman Rogers (Shirkadda), ujeedaduna ay tahay isku day in la helo
akhbaar ku saabsan iyo dib u helid hantidii ay lahayd Jamhuuriyada Soomaaliya
taas oo laga heli karo (ama ku maqan) dalka Soomaaliya dibadiisa, hantidaas
maqan oo ay kamid yihiin khasnadahii (Accounts) uu lahaa Bangiga Dhexe ee
Soomaaliya iyo faracyadiisii, khasnadahaas oo lagu xanibay amar adiga (Camalow)
kaa soo baxay 1991. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kale oo ay dooneysaa in aan ka
caawino arrinta la xiriirta Shirkadda De La Rue International Limited ama
jaalkeeda (ee lacagaha sameeya) si ay u qadariyaan qandaraaskii ballanqaadayey
in ay lacagta Shillin Soomaaliga ay gaarsiiyaan, kuna wareejiyaan Bangiga Dhexe
ee Soomaaliya."
Laba arimood ayaa muhiima in laxuso; (A) Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa
heshiiska galaysa ee ma'ahan DFKMG, taasina waxay keeni doontaa dhibaato mustaqbalka
ah. Tusaale ahaan Shariif waxaa u harsan xilligan qoraalkan ku beegan yahay
sideed bilood, hadduu meesha ka baxana dhibka uu gaystaa wuxuu u harayaa ummadda
sida Cali Mahdi Sunta uu aasay. Waxaa ku qumman hadayba dhacayso inay heshiis
galaan
inay isticmaalaan magacooda runta ah ee KUMEEL-GAARKA ah. (B) Shirkadihii horay u sameeyey lacagaha
xilligii Siyaad Barre kadibna xanibay inay gudbiyaan maadaama Bangigii dhexe
meesha kabaxay in dib loola xariiro, qareenadaana ay dacwad ku furaan sidii
lacagahaas ay u fasixi lahaayeen. Waxaa intaa dheer in shirkadaan lagu
shaqaalaysiiyey $50,000 bil kasta iyo boqolkiiba sadex iyo bar 3.5% waxay soo hesho.
Tusaale ahaan haday halsano shaqayso ama wax soo baxeen ama yeysan soo bixin
waxaa lasiinayaa $600,000, waxaa in kabadan nusmalyuun doolar, haday lacag soo
baxdana saamigaan soo xusnay ayey leedahay oo siyaado ka ah lacagtaas joogtada
ah. Haddaba su'aashu waxay tahay maxaa
keenay in qareeno laqabsado oo dacwad wax lagu doonto, dabcan waa cadahay
aduunku wuxuu arkaa inaan Soomaaliya dowlad kajirin iyo lacagaha lagu caawiyo
sida ay u maamulaan.
Haddaba su'aasha is waydiinta leh waxay tahay: lacagtan raadinteeda loo xusul
duubayo maxaa lagu qabanayaa haddiiba ay dhacdo in lahelo? Camalow, Sheekh iyo
Shariif Xasan oo Wasiirka Maaliyada ah sidee ayey u maamuleen lacagihii hore ee soo galay? Mudane Camalow
horaan usoo aragnay lacagihii uusoo daabacay iyo $10,000,000 oo doolar oo
khasnada kasoo saaray meesha ay martay. Sheekh shariif iyo dowladiisa waxaan
lasoconaa muddada yar ee hadda jirtay iyo musuqmaasuqu meesha uu gaaray, waxaana
loo aaneeyaa sababa ugu waawayn ee meel ay lagaari ladahay waxaa kamid ah
masuqmaasuqa, qoraal ay daabacday Maarso 10, 2010 Hayada Qarammada Midoobay
uqaabilsan kormeerka dhinaca cunaqabataynta hubka ay ku sheegtay heerka
musuqmaasuq ee DFKM marayso, waxaana kamid ahaa hadalkeedii:
- "Awooda xadidan
ee DFKM ay mushaar kusiinayso masuuliyiinteeda iyo ciidamadeeda waxaa
curyaamiyey oo daboolay musuqmaasuq meelkasta ka galay. Madaxda iyo Ciidamada
waxay gadayaan hubkooda iyo daawadooda- mar mar waxay ka gadayaan kuwa kasoo
horjeeda. Dhaqaalaha kasoo gala Dakada iyo Garoonka Muqdisho waa la
leexsadaa, (khasnada Dowlada maba soogaaraan) Qaar kamida Wasiirada iyo
baarlamaanka waxay ku xadgudbaan awoodooda gaarka ah si tiro badan oo Fiisa ah u
khiyaamaan, si qaxooti aan sharci lahayn dhuumasho sharcidaro ah ugu geeyaan
Yurub iyo meelo kaleba iyagoo ka uga badalaya dhaqaale culus"
Waxaa
kaloo jirta su'aal caalamka oo dhan la is waydiinayo gaar ahaan Soomaalida laba
Shariif sababta ay u kala hari waayeen meelkastaoo loo baxayo, ilaa ay gaartay in
loo maleeyo xoghayntiisii, aaway shaqadiisii ayaa dadku is
waydiinayaan? Waxaa kaloo iyana qoraalkaan kamid ah in 14,000,000 Milyan oo
doolar looga xanibay Malaysiya, sababtoo ah meel ay katimid lama garanayo.
Arrintu intaa kuma eka lacago maqan oo la raadsanayo ee waxaa iyana jirta in loo
durbaan tumayo in lacag hor leh lasoo daabaco.
Samaynta Lacagaha oo sii ruux togaya Shacabka
Caddadka lacagta ee la sameeyey burburkii kaddib intii u dhaxaysay 1991 ilaa
2001 waxaa lagu qiyaasay 595 billions SH.SO oo kala gaartay: Cali Mahdi (104
billion sh.so), Caydiid (165 billion sh.so), Ganacsatada Woqooyiga Muqdisho (90
billion sh.so), DKMG ee Qaasim (90 billion), Puntland (86 billion sh.so)
iyo Ganacsato (60 billion sh.so). Sidaas waxaa laga soo xigtey buugga uu qoray Maxamed Dalmar Cabduraxmaan
oo ahaan jirey Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo buuggiisa
ku xusay in qalalaasaha lacageed ay ka qayb qaadatay dhicitaankii xukuumaddii
Soomaaliya 1991, ayna weli sii hurineyso dagaalka ahliga ah ee Soomaaliya.
Akhristow dhamaan lacagahaas waxaa loo soo daabacay si masuuliyad daro ah,
waxayna qayb ka ahaayeen dhibaatada ragaaday ee wadanku ladagi la yahay. Inagoo
indhaha ku hayna xaalada xiligan dalka Soomaaliya ku suganyahay, dowlada hada
jirta ay tahay tii ugu tabarta yarayd uguna musuqmaasuqa badnayd, miyaan lagu sifayn karin ruux togid shacab, ama hadaan si kale u dhigno dhidib tirid dal iyo
dad?
Lacagaha qaababka loo soo daabacdo waa kala duwan yihiin waxaase ugu
muhiimsan sadex qaybood; In lacagta qiimaheeda la kocinayo, taasoo ku xiran
dhaqaalaha wadanka oo soo kabtay ama kayd dahabeed oo xoog leh oo loo dhigay
khasnada Iswiisarland, in wadanka isbadan ka dhacay oo dowlad cusub ay dhalatay
iyo in lacagta laftigeeda la ilaalinayo si aan la isaga soo daabacan, maadaama
aduunku horumar kasamaynayo dhina technology -yada . Waa su'aal e Dowlada
Shariif xeerkee bay raacaysaa?.
Waxaa wax laga naxo ah Shacabka Soomaaliyeed ma dowlada Shariif ayey
khiyaamadeeda difaacaan oo waardiyeeyaan mise isbadal iyo wax qabad ayey ka
dhowraan? Nasiib darada ugu wayn waxay tahay waxay saxiixayaan heshiis ummada
faylaha goynaya, sida aan soo sheegnay aduunku oo dhami wuxuu ku mashquulsan
yahay sidii wadankiisa ay uga shaqayn lahayd lacagta nooca ugu yar sida taano (gambadu), laba Shariifna waxay la
shiryimaadeed waxaan soo daabacaynaa 1.000-2.000-5.000-10.000-50.000 taasi waxay
daliil u tahay inaysan wax dana haba yaraatee ka lahayn dadka iyo dalka,
masuuliyada saarana ay u gafeen, ama inay ku dhacayaan hadii aysan joojin
ficilada noocaan oo kale ah khaayamo qarran.
Waxaa xusid mudan inaan la dhagaysanayn ciddii aqoon u leh arinta markaas
faraha lagula jiro,
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali
waxa uu si cad
uga hor yimid qorshaha Dowladda FKMG ku dooneyso in ay lacago cusub
oo Shilin Soomaali ku soo daabacato. Sidoo kale sida Warbaahinta
Suudaan sheegtay waxaa ku baxaya lacagtaas $17,000,000 lacagaha la iska soo
daabacdaa waxay keenaysaa sicir barar guud iyo khasaare ganacsatada ku habsata.
Dhibaatada kale oo warqad ay 50.000 ku qorantahay leedahay waa in danyarta soo
maaliyeed ay quutul daruuriga ay awoodi waayaan, ama ay dhacdo in makhaayad
looga qadeeyo 50,000 sh.so.
Aqoonyahan Soomaaliyeed oo arintaas ka hadlay[12] ayaa maruu ka faaloonayey
sababta keentay in caddadka lacagta kor loo qaado oo laga dhigo 10.000 -50.000
ku sharxay sidan; Iyadoo ay jiraan arrimahaas sare oo dhan, haddana waxaa
muuqata in lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee la soo daabacay wixii ka danbeeyey
2007-dii ay si aad ah hoos ugu dhaceen. Asbaabta ugu weynina ma ahayn dawladdii
ku meelgaarka ahayd oo samaysay hay’ado la dagaallama lacagta been abuurka ah,
ama la hadashay meelihii lagu soo daabici jiray lacagahaas ama maxkamad soo
saartay qaar ka mid ah ganacsatadii soo daabici jirtay lacagahaas. Sidoo kale,
hoos u dhacu xiriir lama leh isbeddel ku yimid qiyamkii iyo anshaxii
ganacsatadii iyo dagaal-oogayaashii soo daabici jiray lacagahaas. Asbaabta ugu
weyn ee keentay in ay hoos u dhacdo ama gebi ahaanba meesha ka baxdo daabacaadii
Shilin Soomaaligu waa hoos u dhaca ku yimid qiimaha Shilin Soomaaliga. Tusaale
ahaan, sida Dalmar (2006) soo guuriyey ,in la sameeyo 1000 Shilin Soomaali ah
waxay ku kacdaa $0.028. Marka, markii qiimaha Shilin Soomaaligu fiicnaa, waxaa
dadka soo daabacaa lacagaasi ay ka faa’iidi jireen 300%, laakiin markii
sicirkii warqadda wax lagu daabaco sare u kacay, qiimihii Shilin Soomaaliguna
hoos u dhacay waxay noqotay in aan wax faa’iido ahi ku jirin.
Haddaba, haddaan dib ugu laabano, xujooyinkii ay soo bandhigeen xubnaha ka
tirsan xukuumadu, waxaan oranaynaa, mar haddii waddamada adduunka ugu waaweyn
sida Maraykanka, Raashka, Kanada, Hindiya iyo Ingiriisku ay ku guulaysan waayeen
in ay sameeyaan lacag aan la been-abuuri karin; ay sidoo kale ku guulaysan
waayeen, iayagoo isticmaalaya aqoon, maaliyad iyo tiknoolojiyo casri ah in ay la
dagaalamaan lacgtaas been abuurka ah, dawladda ku meelgaarka ah oo aan ka
warhayno tabarteeda iyo sumcadeeda ayaa samaynaysa lacag aan la been-abuuri
karin waxay leedahay dib ugu noqosho.Dhinaca kale, mar haddii asbaabta keentay
in dadkii soo daabici jiray lacagtaasi ay u soo daabici waayeen sababo la
xiriira qiimaha ay ku kacayso daabacaadu (face value) oo ka sareeya qiimaha
lacagta, miyaan la oran karin in la dabaacao warqado qiimohoodu yahay 20,000,
50,000 iyo wax la mid ihi waxay dib u soo noolaynaysaa suuqii daabacaada shilin
Soomaaliga.
Sidoo kale, meesha xubnaha ka mid ahi xukuumaddu ku doodeen in ay u naxayaan
shacabka oo ka kala yaraynayaan cullaabta lacagaha faraha badan, miyaysan ogayn
in ay albaabbada u furayaan sicir barar aan la xakamayn karin. Dhinaca kale,
xubnahaasi miyaysan ogayn, sida ay isku waafaqsan yihiin fuqahada Islaamka
xooggoodu, in daabacaada lacag aan qiimeheeda la ilaalin karin oo horseedaysa
sicir-barab, ay tahay xadgudub iyo dadka hantidooda oo xaaraam lagu cuno.
Haddaan soo ururiyo waxaan oranaynaa, daabacaada lacagta cusubi waxay
alabaabbada u furaysaa sicir-barar; waxay dhaawacaysaa dhaqaalaha dalka; waxay
hoos u dhigaysaa kalsoonida ganacsatada iyo maalgeliyayaashu ku qabaan
Soomaaliya; waxay ciriiri-nololeed gelinaysaa nolosha danyarta; waxay
horseedaysaa dulmi; waxaa sare u kacaya danbiyada; waxaa gacanta ka baxaya
amniga iyo kala danbaynta. Dhinaca kale, maadaama xukuummadu gacanta ku hayso
xaafado kooban; dhalliilo iyo ceebo farabadan oo la xiriira maammul xumo,
caddaalad daro iyo musuq-maasuq hawada sabaynayaa; ay sii dumayan hay’adihii u
xilsaarnaa dhaqaalaha dalka sida bangigii dhexe; siyaasad ahaan dalku maalinba
maalinta ka danbaysa u sii kala fur-furanayo miyaan la dhihi karin tallaabada
daabacaada lacagta cusubi waa arrin aan si mandaq (rational), cilmi iyo caqli ah
midna looga baaraan degin. Sidaa waxaa yiri Siciid Cali Shirre oo ah qoraa
Soomaaliyeed iyo Xildhibaan kumeel gaar ah.
Xiritaanka Safaarahada dhaqaalo la'aan daraadeed
Arrinta xiritaanka safaaradaha ama yarayntooda ama qaabayntooda, waxaa
jira walaac badan oo laga qabo, waxaad moodaa xukuumadu inay is hilmaan siinayso
in Jaaliyad xoog leh oo Soomaaliyeed aduunka joogaan, goobaha safaaraduhu
kuyaalaana ay xog toos ah ama dadban ka hayaa, sidoo kale in laga warqabo inta
badan tayo darada meelaha iyo dadka ku magacaaban safaaradaha, ama dowladii hore
ka tagto ama kiro ha ahaadeen' e. Shakigaas shacabka Soomaaliyeed qabaan ayaa
wuxuu keenay in laga walwalo in dowlada FKMG hada jirtaa dhunsato dhismayaasha
shacabka ee Dunida ku yaal, iyadoo ugu soo marmarsiiyoonaysa dhaqaaala la'aan.
Hadaan dhinaca dhaqaalaha fiirino, $17.000.000 + $14,000.000 + $50,000/bilkasta
hayad loo saxiixay. Lacagta Suudaan loo saxiixay, lacagta Malaysiya looga
xanibay isku darkooda waa $31,000,000 (waa $31 million) iyo inta bilood ee hay'adaas
lasiiyo oo aanan hada ku darin. "Hadii loo qaybiyo dowlada muddada u hartay,
lacagaha korana Safaaradaha hada shaqeeya lagu howl galiyo lacag ayaa soo hari
lahayd hadii cadaaladi jirto caqliguna shaqaynayo" sidaa waxaa yiri muwaadin
Soomaaliyeed oo arintan maqlay.
Ummadda Soomaaliyeed waxay niyadda ku hayaan
arrintii badda iyo heshiiskii ay DFKMG ugu yeertay Is-afgarad[13] iyo sida
ay u dhaqmeen markii Is-afgaradkaasi soo shaac baxay, hadalladii ay ku hadleena
duuban yihiin oo wali way xasuustaan, dhaawacii ay arrintaasi gaysatey
haarahiisii wali maboskoon. Taas oo shacabku xasuusto ayey hadda DFKMG ka dhawaajinayaan wixii
ka haray dhismayaashii Safaaradihii Soomaalida in loo socdo, waxayse dhowrayaan
in shacabka Soomaaliyeed sidii badda oo kale yeelaan iyo oo arrintaas khibrad ka qaadataan.
Ugu danbayntii Dowlada KMG Shariif ma'ahan dowlad cid la xisaabtanta haysata, ama
doonaysa in lala xisaabtamo, dowalada KMG waxay ahayd inay la xisaab tamaan Qareenka
guud, iyo Baarlamaanka. Qareenka guud dowaladii tan kahoraysay ayaa ugu
danbaysay, Madaxwayne Shariifna ma magacaabin, dhinaca baarlamaankana waxaa
hogaamiya gudoomiyaha Mudane Aadan Madoobe, isna ma ogala in dowlada xageeda la
fiirsho, mararka qaarkoodna waxaa loo maleeyaa inuu xukuumada ku jiro, dhinaca
kale meeshii loobaahnaa inuu la xisaabtamo. Dood ay qabatay idaacadda British Broadcasting
Corporation ayaa Mudane Xasan Abshir cadeeday inuu Madaxwaynuhu ku yiri 47
yaan Xildhibaan Aadan Madoobe laga qaadin Gudoomiya-nimada xiligeedii ka dhacay,
Dowladaydana yaan lala xisaabtamin, aad ayaa arintaas ummadda Soomaaliyeed ula
yaabtay, waxaase aad loo sii yaabay markii xildhibaankii shacabka matalayey, ama
sharci dhowraha ahaa yiri waayeelay soo jeedintaadii ayaan ku niri, sida Xasan Abshir sheegay. Taasina waxay ku tusinaysaa Mudane Xasan
Abshir shaqadiisa inuusan garanayn iyo inuu shacabka wakiil ka yahay.
Xukuumadda Sheikh Shariif oo aan ogolayn in lala xisaabtamo
Xasan Abshir Faarax oo isagoo ku sugan Muqdisho, April 23, 2010 waraysi
siiyey Idaacadda wararka u faafisa Boqortooyada Ingriiska ee British
Broadcasting Corporation ayaa sheegay in Sheikh Shariif ka dalbaday 47
xildhibaan oo diyaarad la saarnaa in ay ka laabtaan la xisaabtanka xukuumadda[14].
Xasan Abshir oo arrintaas ka hadlayey waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Anagu
dhawaan ayaanu Nairobi ka soo noqonay (April 17, 2010), diyaaradii naloo keenay
anagoo 47 Xildhibaan ah, waxaa nala soo raacay madaxweynaha oo ka soo laabtay waddanka Uganda iyo guddoomiyaha baarlamaanaka oo safar dheer kasoo noqday.
Laba saac oo aan soo soconay annaga iyo madaxweynahu diyaarada dhexdeedii ayaan
ku wada hadlaynay, madaxweynahu waxa uu naga codsaday, waqtiga oo lagu jiro
dartiis, laba motion oo baarlamaanaka ay laba kooxood kala geeyeen, midna ahaa
in dawladda lala xisaabtamo, midna ahaa guddoonka baarlamaanka waqtigiisu in uu
dhammaaday, labadaba in dhulka la dhigo, lagana noqdo, markaa kaddibna
baarlamaankii la furo, dhexdiisana lagu shaqeeyo..."
Xasan Abshir waxa uu sheegay in intii ay diyaarada soo saarnaayeen ay
arrintaas ka aqbaleen, waxana uu yiri
"Arrintaas anagoo tixgelinayna ciriiriga aynu marayno oo tixgelinayna madaxweynaha codsigiisa diyaarada dhexdeedii ayaanu ku aqbalay in aanu ka noqono wax aallaali iyo wixii aanu ku fekereynay oo
la xisaabtan ahaa." Waxana uu intaas sii raaciyey in guddoomiyaha Baarlamaanku
uu la fikir yahay madaxweynaha, waxana Xasan Abshir yiri: "Guddoomiyaha baarlamaankana dhawr goor ayaan kulanay, isaguna ra'yiga madaxweynaha ayuu qabay".
Isagoo intaas raaciyey Cumar Cabdirashiidna ay la heshiisyeen "Markaana xamar
nimid waxaan aragnay Ra'iisul wasaaraha, waana heshiinay," ayuu yiri, isagoo
intaas raaciyey "madaxda ugu waaweyn dadlka, oo ah madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanku markan waa heshiiyeen, anagana waxay noo soo jeediyeen in aanu ka tanaasullo wixii farqi ah ee nagu dhex jirey."
Xasan Abshir oo sii sharaxaya labada qodob ee Sheikh Shariif doonayo in
baarlamaanku ka hadlin waxa uu yiri: "Labadaas qodob ayaa qolona waxay lahayd dawladdu waxay jirtaa sano iyo bar, ee waxa ay qabatay halagula
xisaabtamo, nabagelyadii wax ay ka qabatay, maaliyaddii waxay ka qabatay, dib u heshiisiintii wax ay ka
qabatay, dawladdii halala xisaabtamo, qolona waxay lahayd war guddoonkii waqtigii waa ka dhamaaday ee haka degaan oo rag cusub hala
doorto."
Laakiin beryahan waxaa baarlamaanka ka aloosan khilaaf dhexdiisa ah, taas oo
sii xoogeyneysa in xukuumaddu fursad u hesho in ay samayso wixii ay doonto,
gasho heshiiskii ay doonto, maadaama uu meesha ka maqan yahay nidaamkii la
xisaabtami lahaa: Qareenka guud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Hadalka Xasan Abdshir waxaa kasii horeeyey Mudane Cismaan Cilmi Boqorre oo ah
Gudoomiye kuxigeenkii 2-aad ee Baarlamaanka, isagoo is casilay muujiyeyna walaac
in waxbadan khaldanyihiin, isagoo muujiyey in Baarlamaanku uusan wax awood la xisaabtan xilligan lahayn, waxaana caddayn u
ah hadalka Guddoomiye kuxigeenka labaad, Cismaan Cilmi Boqorre uu sheegay April
17, 2010 ee uu yiri "Waxaan ahaa Magac u yaal", uuna is casiley. Erayadiisii
waxaa ka mid ahaa: "Awalba magac u yaal ayaan ahaa oo xilka aan hayo kuma
shaqaynayn, muddo dhawr sano ahba magac u yaal, markii shir la qabanyo uun ayaa
la ii yeeri jirey, oo kaalay shirka ka soo qayb gal la oran jirey, wax siyaasad
ah la igalama tashan jirin, wax arrimaha dhaqaalaha haba sheegin, arrimaha
maamulka baarlamaanka habaa sheegin, marka awalba magac u yaal ahaan ayaan iska
ahaa meesha iska jooga."[15].
Waxaa kaloo aad la isu waydiinayaa xukuumadaan maxay tahay shaqadeedu?,
maxay u xilsaaran tahay (mandate)? Waxaa lawada xasuustaa shaqooyinka dowladaan loo
igmaday inay ahaayeen;
- 1- Dibu heshiisiin
- 2-Tiro koob iyo Codbixin diyaarin
- 3- Dastuur diyaarin
- 4- iyo inay u gogol xaarto sidii qaran Soomaaliyeed ku soo noqon lahaa
Maxaa u qabsoobay, maxaan u qabsoomin iyo sababaha waa howl u taal
Baarlamaanka. Si kasta oo loo dhaliilayo guddoonka Baarlamaanka, sikasta oo
xaaladda wadanku u qalafsantahay, si kasta oo cabsidu u badan tahay, haddana
masuuliyadii Baarlamaanku u dhaarteen wali waa saaran tahay, waana ay sugaysaa
xisaabtankeedu mar aynoqotoba. Baarlamaanka FKMG ayaa aad loogu xasuustaa go'aankii
taariikhiga ahaa ee ay ku diideen heshiiskii badda oo ummadda Soomaaliyeed ku
waayi lahayd dhulbadeed aad u baaxad wayn. Sidoo kale waxaa laga quudaraynayaa
masuuliyadii ay muujiyeen oo kale inay muujiyaan markasta oo baahideedu timaado,
shacabka Soomaaliyeedna taageeray ka helayaan markasta oo ay waajibaadkooda
gudanayaan; sikasta oo ay tahayba waxaa Baarlamaanka lagudboon inay dib u eegaan
arimahaan soo socda:
Maxaa la gudboon Baarlamaanka DFKMG
Baarlamaanka DFKMG ayaa looga fadhiyey in ay arrimahaas isha ku hayaan oo
xukuumadda kula xisaabtamaan in aysan ku dhaqaaqin heshiisyo aan u cuntamin
shacabka Soomaaliyeed, sidii ay isu hortaageen heshiiskii Is-Afgarad ee
xukuumadda FKMG ku dooneysey in ay dhul baaxad weyn oo ah badda Soomaaliyeed ku
bixiso.
Baarlamaanka ayaa looga fadhiyey in ay arrimahaas baaritaan ku sameeyaan iyo
xisaabtan. Gaar ahaan lacagta la soo daabacayo oo keenaysa dhibaato aan laga soo
waaqsan iyo safaaradaha la xirayo ayadoo aan laga fiirsan raadka ay ku reebi
doonaan shacabka Soomaaliyeed marka la helo dawlad shaqaysa, iyo heshiisyo ay
galaan xukuumaad kumeel gaar ah oo aan
awood u lahayn, heshiis yadaas oo aan baarlamaanka la horkeenin, loona sharxin shacabka Soomaaliyeed oo
ay
saxiixaan xukuumad aan rasmiga ahayn saamaynta ku yeelandoono mustaqbalka.
Ummadda Soomaaliyeed oo dhan meelay joogtaba waxay isha ku hayn doontaa
ficillada iyo dhaqdhaqaaqa Dowlada FKMG iyo Baarlamaanka, waxay markhaati ka noqon
doontaa jawaabaha ay ka bixiyaan xaaladaha taagan.
Ing Maxamed Cali | iyo Xasan Dhooye | Email:
somalitalk@gmail.com |
Tixraac:
[1] Wareegtadii Sheikh Shariif ku magacaabay Cali Cabdi Camalow in uu u noqdo
lataliye, Lr. 214 taariikh 13 Dec. 2009.
http://somalitalk.com/lacag/xeer214.pdf
[2] Warbixintii Qarammada Midoobey ee 25-kii March 2003.
http://tinyurl.com/y6mjzp4
[3]
29-kii Janaayo 1991 ayaa Cali Mahdi Maxamed oo katirsanaa kooxdii Manifesto
waxaa ururkiisii u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya ee kusimaha ah, kaddib
markii Maxamed Siyaad Barre uu 27-kii Janaayo 1991 ka baxay magaalada Muqdisho,
sidaasna xukunkii uga dhacay. Bishii June 1991 ayaa Madaxweynahii Jabuuti Xasan
Guuleed Abtidoon waxa uu qaban qaabiyey laba shir oo lagu qabtay Jabuuti oo ay
ka soo qayb galeen ururadii ku hardamayey Soomaaliya oo kala ahaa USC, SDM, SSDF
iyo SPM. Inkasta oo SNM ay diideen ka qayb galka shirkaas, haddana laba urur oo
ka socdey Woqooyi Galbeed oo ahaa SDA iyo USF ayaa ka qayb galay kulankii labaad
ee July 1991, kulankaas oo lagu go'aamiyey in Soomaaliya ku dhaqanto Dastuurkii
1960-kii iyo in urruraradaasi ay Cali Mahdi u xaqiijiyeen madaxweynanimadii.
(Africa South of the Sahara 2004, Volume 33 By Europa Publications, Europa
Publications Limited).
http://tinyurl.com/y35ssty
[4] Qoraalka "The Banknotes of Somalia" ee uu qoray Peter Symes, December
2005. http://www.pjsymes.com.au/articles/somalia(part3).htm
. Sidoo kale tixraac: Lacagahii Soomaaliya soo yeelatay iyo Guddoomiyayaashii iyo
Agaasimayaashii saxiixay (Reference Site for Islamic Banknotes):
http://www.islamicbanknotes.com/Somalia.htm
. Xeerkii lagu sameeyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Decree Law No. 6 of 18 Oct.
1968 (Xilligii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra'iisulWasaare Maxamed
Ibraahim Cigaal).
http://somalitalk.com/lacag/banklaw.pdf , Dikreetada sharciga ka dhigeysa in Bangiga Dhexe oo keliy auu lacagta Shillin
Soomaaliga u soo daabici karo dalka Soomaaliya waxay ahayd: Decree Law No. 16 of
19/10/1968.
http://somalitalk.com/2004/sawiro/xamar2.html
[5] Buugga uu qoray Maxamed Dalmar Cabduraxmaan oo ahaan jirey Agaasimaha
Guud ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Buugga waxaa lagu magacaabaa
(Monetary and Exchange Rate Policies 1960-2001, The Experience of Somalia.), pp.
41.
[6] DFKMG lacagta loogu soo samaynayo Khartuum waxaa ku baxaya lacag dhan $17
million oo doolarka Maraykanka.
http://www.sudantribune.com/spip.php?article33756 iyo xildhibaano ka soo
horjeeda in lacag la soo sameeyo xilligan: http://tinyurl.com/yyvofov
[7] Waraysigii guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee hadda (2010) uu siiyey
idaacadda BBC-da, Janaayo 16, 2010
http://tinyurl.com/23b36gn , oo uu kaga soo hor jeestey in DFKMG ay hadda
soo daabacato lacag cusub, arrintaas oo ku beegnayd 5 beri kabacdi kaddib markii
Shariif Xasan uu Khartuum ku soo saxiixay heshiis ay ku baxayso $17 million oo
doolar si lacag cusub loogu soo daabaco DFKMG
[8] Wareegtadii 11-kii Januray 2010 uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda
DFKMG, Jangali (REF: MFA-/TFG/M/540/09)
http://somalitalk.com/lacag/safaarado.pdf Cali (Axmed Jaamac Jangali
waraysi uu 5-tii February, 2010 siiyey idaacadda wararka u faafisa dalka
Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC)
http://tinyurl.com/y2z4qeu ayaa sheegay xaqiijiyey in safaaradaha la xirayo ay ka mid tahay Paris.
Dhulka safaaraddu ku taal waa dhisme iyo dhul uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed)
[9] Qayb kamid ah qoraalka waxaa laga soo tarjumay Warbixin 2-dii April 2010
ay qortay jariidadda Sharq Al-Awsat:
http://tinyurl.com/y3468y8
[10] Warbixintii ay qortay UN, March 10, 2010.
http://somalitalkradio.com/2010/mar/un_report_somalia.pdf
[11] Warbixinaddii laga qoray Sunta lagu duugey dalka xilligii Cali Mahdi:
http://somalitalk.com/sun/22.html
[12] Qormadii "Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karto
dhaqaalaha Soomaaliya " ee uu qoray Saciid Cali Shire (Feb 2010) -
http://somalitalk.com/tag/shire/
[13] Sidii shacabka Soomaaliyeed u difaaceen badda Soomaaliya, kaddib markii
DFKMG ay sannadkii 2009 heshiis is-faham la gashay Kenya:
http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda.html
[14] Xasan Abshir waxa uu ka qayb qaatay barnaamij su'aalo lagu weydiiyey
isaga iyo Qanyare, idaacada boqortooyaada Britain ee British Broadcasting
Corporation (BBC). (Qaar kamid ah hadalkii Xasan Abshir Faarax
Dhegeyso,
BBC, Jimce April 23, 2010, waraysigii Yuusuf Garaad la yeeshay.)
[15] Cismaan Cilmi Boqorre oo Sabti, 17 April 2010 iska casiley xilkii
guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka.
http://tinyurl.com/y7b6hab
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2010
|