OGEYSIIS DEG DEG AH ee Somalida Minnesota Marka hore ciid mubaarak dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaan. Waxaan idin
xusuusinayaa maxkamaddii ku saabsaneyd dhoofinta soomaalida u xiran waaxda
socdaalka in ay dhici doonto Arbacada, Feb. 12,003 , sidaa darteeda waxaa dadweynaha
soomaalida laga codsanayaa in ay yimaadaan oo ay ka qeybgalaan dhegeysiga
maxkamadda. Taasi waxay muujineysaa inay Soomaalida Minnesota ka xuntahay
caddaalad darada qawaaniinta waaxda socdaalka ee la xiriira dhoofinta Soomaalida
joogta Maraykanka oon lahay dowladda nabadda sugi karta ee la aqoon sanyahay (oo
ka jirta Soomaaliya).
Waxay qaadiyaasha maxkamadda dhexe (Fed.) ee waaxdeeda 18aad dhegeysanysaa qadiyadda
Jaamac ee ku xiran dad badan ee Soomaaliyeed ee u xiran waaxda socdaalka ee
sugayaa go'aanka maxkamadan. Maalintan ma ahan maalin go'aan ee waa dhageysi
dacwad oo keliya. Sidaa darteed, maxkamadda waxay ka jawaabi doontaa laba
su'aalood:
- Qofka soomaaliga ee aan lahayn dowlad la aqoonsan yahay oo nabadi ka jirto ma
la dhoofin karaa?
- Haddaan la dhoofin karin, maxaa laga yeelayaa dadka u xiran waaxda socdaalka
ee sugayaa dhoofin?
Cinwaaka maxkammadda waa sidan: 316 North Robert Street, St. Paul, MN
Maalinta: Arbacada Feb. 12,2003
Saacadduna 8:30am subaxnimo
Qoraalkan
waxaa diyaariyey:

Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici
Minneapolis/St.Paul, MN USA
hmohamud@midmnlegal.org
Tel.(612)242-3273.
FAAFIN: SOMALITALK.COM | Feb 11, 2003
-dhammaad-
Galabtii
"Baro Xuquuqdaada" iyo Soomaalida Minnesota
Kulan uu ka hadlay ku xigeenka Madaxa Immigration (INS)
Minnesota iyo sharciyaqaano kale oo Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ayaa looga
hadlay diiwaangelinta, cinwaan bedelashada, iyo homeland security, iyo
waxyaabaha sababi kara in qof la tarxiilo GUJI...
USA:
Somalida La Rabo In Ay
isdiiwaan Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland,
Australia, British iyo... GUJI..
Habeenkii
Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan
qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12/2002
40
Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka
immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo
gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI
17/12/2002
Ururka
Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota
-- GUJI
|