SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaalo kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Oct 8, 2006

 CASHAR & CIBRO 

 SOOMAALIYA 2006  - Qaybta 1aad

Maxaa laga faaiidaysan karaa oo duruus ah, is bedelada ka dhacaya Soomaaliya, oo runtii, dadka muslimka ah meel kastoo ay joogaan, iyo inta caqliga lihiba ku farxayaan, una noqotay arrin lagu cibra qaato.  

Maqaaladaan wexey isku deyayaan, iney wax yar ka iftiimiyaan, duruusta iyo cibrooyinka ku sugan, is bedelada soomaaliya ka dhacaya, iyadoo lagu iftiinsanayo Kitaabka iyo Sunnada Nebiga Calayhi salatu wasalaam. 

Casharka 1aad: Wuxuu dhigayaa wax walba inuu Ilaahay u qadaray waqti aaney dhaafi Karin. Waqtigoodu markuu yimaadana ay noqonayaan waxaan jiri Karin. Is bedelada Soomaaliya wexey muujiyeen (WARLORD) waqtigiisi inuu Soomaaliya ka dhamaaday Ilaahay idanki. Shalay wuxuu ahaa, arrin suuq ka leh ummad indhala’, oo ciqaaban!! Waxaa shalay dhici jirtey, ardaal kasta, oo dhawr qori iyo xayn mooryaana isku duwada, oo xaafad qabsada, in loo aqoonsado (Qabqable) dabadeedna shirarka iyo golayaasha lagu soo dhoweeyo. Arrimaha Ummadda Soomaaliyeedna la yiraahdo ka tali!! Ilaahow hana cadaabin!! Waa jaahil booskiisu ahaa xabsiga si ummadda sharkiisa looga badbaadsho. Hase yeeshe, Ummadda miyirku ka maqanyahay iskuma raacin iney iska qabato. Waqtigii Qadarta Ilaahay ayaase wax ka dhimanaayeen, oo qadarta lama loodin karo. Kuwii is yiraahda bahalka ummadda ka qabtana iyagaaba lagu qamaamayey. Waa dersi weyn, iimaanka qadartuna waa rukni. Ilaahay subxaanahu watacaalaa wuu u seta dheereeyey, qabqablayaashii dagaalka soomaaliya ka hurinayey, ee dadka iyo dalka iyo diintaba iibsanayey. Markii Waqtigoodii dhamaadayna, Ilaahay gacan adag ayuu ku qabtay.

((وكلك أخذ ربك إذا أخذ القرى إن أخذه أليم شديد))

qaarka weli baxsadka ah, ama meelaha ku dhuumaalaysanaya, ama dadka isku dhex daraya sidii aaney waxba falin, ama u malaynaya iney is bedelka cusubna la jaanqaadi karaan iyagoo belaayadoodi kilkilada ku wata, waa riyoonayaan. Waayo khabiithku wuxuu leeyahay wixii khabiith ah, dayibkuna wixii dayiba, mana is dhexgalaan. Qabqable wuxuu ku dhex noolaankaraa, ama yaqaan, oo keliya, ummad la laayo, khiyaamo, dhac iyo boob, qaad iyo daroogo, inta xun in la adeegsado ama lala shaqaysto inta fiicanna laga fogaado, gaala loo adeego, muslinkana lala colaytamo, taasina nolosha wanaagsan ee ummaddu manta dooneyso iney bilawdo lama soconkarto. Kuwa isku deyaya, haraagii (Warlords)ka iney boos uga helaan nolosha cusub ee soomaalidu dooneyso, ee ku dhisan, diin iyo amaano,  waa kuwo isku deyaya iney qadarta loodiyaan, mana suurta geleyso ilaahay idankii, haddii xitaa dadku si kasta u jeclaystaan oo nafci bidaan, qadartaa ka hiilineysa, sida aynu ka akhrisaneyno sunnada Ilaahay. Dadka soomaaliyeed, waa iney fahmaan, ilaahay khabiithka inaanu jeclayn, saacaddiisu Markey dhamaatana cidi ma baajin karto. 

Qaar badan ayaa meelaha ku dhuumaalaysanaya , magacya cusubna qaadanaya, jariimooyinkii soomaaliya ka dhacayeyna 20 sano in ka badan ka ahaa tiirarka ugu daran. Khamradu in loo baxsho biyaha macaan, kuma xalaalowdo, Ribaduna, faiido in loo baxsho kuma daahirto, Sidoo kale (Warlordku) magac kasta oo loo baxsho kuma xalaaloobo, ilaa uu toobad dhaba la yimaado. 

Is bedelka cusub ee soomaaliya manta ka socdaa, wuxuu u baahan yahay, dadka nadiifka ah, ummadda iyo dalka iyo diinta aan dembiga ka gelin, diin iyo ammaano leh, aqoon shaqada ay qabanayaan u leh, damiir islaanimo, ama xitaa wadani nimo ay ku jirto, oo diinta iyo dalka iyo dadka daacad u ah, wax dhisa ee aan wax dumin, wax hagaajiya ee aan wax kharibin.

Is bedelka soomaaliya manta kuwaas ayaa la jaan qaadi kara, (Warlords) ha ogaadaan, inaaney mustaqbal dambe soomaaliya ku lahayn, ilaahay idankiis.

Qore: SH. Maxamed Idris
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD