SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

 WARARKA XAJJKA 1423

Sucuudiga oo Markii ugu Horeysey Abaal Marin u Ballan Qaaday Warbaahinta Sida Wanaagsan Wax uga Qorta Xajjka

Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in markii ugu horeysey ay abaal marin siin doonto warbaahinta sida wanaagsan uga war-bixisa ama wax uga qorta xajka sannadkan 1423 [wargeysyada dalka Sucuudiga iyo kuwa dibadiisa ahba]. Abaal marintaas (lacag) waxaa la siin doonaa qofka warbixinta ugu wanaagsan ka qora, kan qora sheekada ugu xiisaha badan, iyo kan qaada sawirka ugu wanaagsan.  Abaal marintaas waxaa la bixin doonaa xaflad loo qaban doono February 21 taas oo ay tahay in ay kasoo qayb galaan warbaahinta xajka wax ka qoray.

February 5, 2003: Waa maalinta u dambeysa ee dadka deggan Sucuudigu helikaraan ogolaanshaha Xajka 1423

Wasaaradda arimaha gudaha ee Sucuudiga waxa ay sheegtay in waqtiga ugu dambeeya ee dadka deggan dalka Sucuudiga gudihiisa ay helikaraan ogolaanshaha xajka sannadkan 1423 ay tahay February 5, 2003. Waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay dadka Sucuudiga dibadiisa ku nool ogolaanshahaas heli lahaayeen wuxuu ahaa January 28.

Sucuudiga oo bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423

Wasaaradda Sucuudiga u qaabilsan Xajka ayaa shaaca ka qaaday in ay sannadkaan (1423) bixisay in ka badan 1.3 million Visas. Boqolkiiba afar (4%) xujeyda ka imanaya wadanka Sucuudiga dibadiisa waxay soo marayaan badda, boqolkiiba saddexna (3%) waxay ku imanayaan berriga (dhulka), inta soo hartayna waxay ku imanayaan diyaarado.

Waxa kale oo wasaaraddu sheegtay in maalinta Carafo ay xujeyda u qaybinayaan saabuun, caday iyo dhalooyin biyo ah.

Horay waxaa xujeyda loogu sheegay in dhammaan laga tallaalayo cudurka madaxa ee loo yaqaan meningitis, ha noqdeen xujeyda ka imanaya wadanka dibadiisa ama gudihiisa.

Duqa magaalada Makkah, Dr. Khaled Nuhas, waxa uu ballan qaaday in dawladda hoose ee magaaladu ay xajka sannadkan u xilsaartay 14,000 qof oo shaqaale ah si ay u nadiifiyaan bog-cadda barakaysan ee Makkah.

Dhanka kale Governor-ka gobolka  Makkah, Abdelmajeed bin Abdulaziz, waxa uu dabayaaqadii Janaayo dhaqay (ama amaray in la nadiifiyo) Kacbada si loogu diyaariyo xajka sannadkan 1423.

Wasiirka arimha Islaamka ee Sucuudiga, Shaikh Saleh Al-Ash-Shaikh, waxa uu ogolaaday barnaamij guud oo wacyi gelin ah, barnaamijkaas oo ah wacyi gelin Islaam, iyo sidii xujeyda loogu hagi lahaa in ay sida ugu haboon u gutaan xajka, barnaamijkaan waxaa ka hawl gelaya  600 wacaya [Islamic callers], 140 turjumaan, 144 shaqaalaha wasaarada, 57 dareewal iyo 127 caawinayaal kale ah si qorshahaasi u hirgalo.

Madaxweynaha ururka laan-qeyrta cas ee Sucuudiga, Dr. Abdul Rahman Al-Suwailem, ayaa asaguna xaqiijiyey in uu diyaariyey 116 xarumood oo gargaar caafimaad degdegga ah, kuwaas oo ku yaal goobo kala duwan oo kamid ah goobta barakaysan ee Makkah, waxaana xarumahaas ka hawlgelaya 1,800 oo iskaa-wax-u-qabso ku adeegaya iyo 300 gawaarida gargaarka [ambulances]. waxaa intaas dheer 1,600 dhallinyaro mutadawiciin ah oo jooga goobaha Mina, Makkah iyo Carafat.

Wasaradda Caafimaadka Sucuudiga oo diyaarisay 10,000 qof oo u xilsaaran Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga waxa ay shaaca ka qaaday in xarumha ay u qoon-daysay xajka sannadkan ay hawshooda si rasmi ah u bilaabayaan February 2, waxaana goobahaas ka hawl geli doona 10,000 shaqaale ah, kuwaas oo wasaaradu sheegtay in qaybtood laga soo shaqaaleeyey dalalka United States of America, United Kingdom iyo Malaysia si ay uga shaqeeyaan qaybaha xaaladaha degdega [intensive care units]. Waxaa jiri doona  80 xarumood oo caafimaad iyo 7 cisbitaal oo laga heli doono Mina, Carafat iyo Muzdalifa.

Boqor Fahad oo Marti Gelinaya in kabadan 1,000 Xaaji

Boqor Fahd bin Abdulaziz waxa uu bartamihii bishii Janaayo shaaca ka qaaday in uu sannadkan marti gelinayo 1,000 qof oo muslimiin ah oo sannadkan imanaya xajka, kuwaas oo ka imanaya dalalka South Africa, Senegal, Ghana, Albania, Poland, Japan iyo Latin America. Barnaamijkaan uu Boqor Fahad sida gaarka ah ugu marti gelinayo qayb kamid ah Xujeyda waxa uu bilaabmay lix sano ka hor, waxaana hirgeliya wasaarada arimaha Islaamka sucuudiga, ilaa haddana waxa uu oo marti geliyey 7,455 xaajji oo ka kala yimid  26 dal.

Waxa kale oo Boqor Fahad uu xajka sannadkan 1423 jeebkiisa ku marti gelinayaa 100 xaaji oo ka imnaya dalka Afghanistan.

ISHA: saudiembassy

WQ: Maxamed Cali
SomaliTalk.com | Canada/USA

February 2, 2003



SAUDI HAJJ INFO ...1423
 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

XAJKA & CUMRADA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad6aad7aad

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI...

pic21a.jpg (21300 bytes)
 XAJJKA IYO CUMRADA
MACLUUMAADKA CUMRADA & XAJKA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad6aad7aad
 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
MACLUUMAADKA XAJJKA
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle

XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”
Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxa uu kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon  GUJI.... Wq [sh. Xasan Jaamici]

SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...