SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

QAYBTII 5aad EE XAJKA:
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 24, 2003

QAYBTA:
1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

 Ku xiriirsan qaybtii 4aad

HAWLAHA LA QABANAYO MAALINKA TOBANAAD

1. Tuurashada Quruuruxa:

Marka subaxdii Mina la yimaado ayaa Jamaraatka saddexda Jamaraat ugu weyn ee Al-Caqaba waxaa lagu tuurayaa toddoba dhagax. Dhagaxda mid-mid ayaa loo tuurayaa ee hal mar la wada tuuri maayo. Tuurya walba waxaa la oranayaa Allaahu Akbar. Jamaraatku wuxuu u samaysan yahay sidii xero ama deyr oo kale, dhexdana waxaa ka taagan tiir. Haddaba dhagaxdu waa inay xeradaas dhex galaan. Laakiin, khasab ma aha in tiirka dhexda ku yaal ay dhagaxdu taabtaan. Sidoo kale haddii dhagaxu soo noqdo oo markuu xerada dhex galo soo boodo xil kaama saarna. Tuuryadu ma aha mid la isla kala jiidayo oo xoog la isticmaalayo ee waa mid khafiif ah oo tartiib dhagaxa loo sii deynayo.

DIGNIIN: Waxa la tuurayaa waa quruuraxaas yar-yar ee aan soo sheegnay. Dad ayaa waxay u haystaan in Shaydaan la soo dhagxinayo markaas ayey tuurayaan wixii ay markaas gacanta ku hayaan sida: kab, dallad, dhalo, iwm, iyaga oo waliba caytamaya oo oranaya “Lacnatul Laahi Caleyk” iyo wixii cay afkoodu karo. Arrinkaaasina ma bannaana Nabigana kama sugnaan, in Shaydaan la tuurayana ma soo aroorin oo arrin sal leh ma aha. Sidoo kale meesha cibaado ayaa loo yimid ee cay looma imaan.

Qofkii aan awoodin inuu dhagaxda soo tuurto cid usoo tuurta ayuu u wakiilanayaa. Qofka la wakiishay marka hore isaga ayaa quruuruxiisa tuuranaya kaddib ayuu u tuurayaa qofka soo wakiishay. Awoodda laga hadlayo wahsidu kuma jirto, cudurdaar la mid ahina kuma jiro. Dhul dheer baan uga nimid arrinkaan muhiimka ah ee gudashada Xajka; Xajka haddii la aqbalana abaal marintiisu ma aha wax aan Janno ahayn, ee aan dadaalno oo si fiican u cibaadaysanno. Alle kallif ma abuurin, dadka tabarta yar sida dadka da’da ah, haweenka uurka leh, carruurta, iwm, haddii aysan awoodin inay tuurtaan quruuruxa, waa loo tuuri karaa.

2. Neef La Gawraco:

Dadka Xajkoodu ahaa Tamattuca iyo kuwa Qiraanka labadaba waa laga rabaa neef gawricidda. Ifraadkase lagama rabo. Marka qofku soo guto dhagax-tuurashada, neef ayuu gawracayaa. Hilibka qaar ha siiyo masaakiinta qaarna ha cuno, qaarna hadiyad ha u bixiyo. Qofkii aan awoodin inuu neef gawraco (sabab dhaqaale awgeed), waxaa laga rabaa inuu soomo toban (10) beri. Saddex beri oo ka mid ah wuxuu soomayaa intuu Xajka gudanayo (maalinta Carrafo ka hor haddii ay suurta gal tahay), ama wuxuu soomi ka hor haddii ay suurta gal tahay), ama wuxuu soomi karaa saddexda beri ee maalinta ciidda ka dambaysa (11, 12, 13). Toddobada maalmood ee kalena wuxuu soomayaa markuu degaankiisii ku noqdo.

Fiiro Gaar Ah: Arrinka laga hadlaayo waa awood ee ma aha doorasho. Looma jeedo ma neef baad gawrici mise toban beri ayaad soomi oo markaas qofkii oo neef awooda uu is yiraahdo oo maad iska soontid lacagtu ha kuu baaqatee. Neefku waa in aanu iin lahayn ee dhan yahay waxna aanay ka maqnayn sida il, dheg, ama aanu jiis ahayn, iwm. Waa in aanu cillad lahayn sida dhutin, indhaha oo kala jeeda, iwm. Sidoo kale da’da neefku waa inay tahay da’da la oggol yahay. Waxar ama nayl da’doodu waa yar tahay. Hal qof waxa laga rabaa neef ari ah (ido ama riyo). Neef ishkin ah (geel ama lo’) waxaa wadaagi kara (bixintiisa/gawriciddiisa) toddoba qof. Sidoo kale nirig iyo wayl waa da’ yar yihiin.

Xusuus: Neefka inaad adigu gacantaada ku birayso (ku gawracdo) khasab ma aha. Neef baad gawracaysaa waxaan uga jeedaa neef baa dushaada ahaaday ee ugama jeedo waa inaad gacantaada ku gawracdaa (ku biraysaa). Haddii aad gacantaada ku gawrici kartid waa fiican tahay haddii kalena cid ayaad u wakiilanaysaa.

Digniin, Digniin, Digniin: Xoolaha yaan lagu cayaarin oo hilibkooda la dayicin. Waa fool xumo in aad neefka inta gawracdid oo hadhow qashinka lagu daro. Hilbaha qaar cun, qaarna masaakiinta ku sadaqayso, qaarna hadiyad u bixi. Haddii aadan asturi Karin neefka, u wakiilo qolooyinka gaarsiinaya masaakiinta. Ogow in aad adigu neefka soo gadatid iyo in aad u wakiilatid bangiga qaabilsan waa isku lacag. Marka walaal neefka ka faa’iddee oo ka faa-iideyso sidaas ayaa ajarku jiraaye.

 Qaybta xigta halkan ka akhri.... GUJI

»» 1424: Maalmaha Muhiimka ah ee Jadwalka islaamka ee Sannadka... 

»» 24ka SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO    

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI... 

pic21a.jpg (21300 bytes)

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”


Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]  

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxa uu kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, gaar ahaan wuxuu ku saabsanyahay  sedex xikmadood oo waa wayn... GUJI.... Wq [sh. Xasan Jaamici]


SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...

Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.