ISKU DIYAARINTA “XAJKA”
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
| Jan 18, 2003
QAYBTA: 1aad | 2aad
| 3aad | 4aad
|
QAYBTII 3aad:
Ku xiriirsan qaybtii
2aad
Hawlaha Xajku waxay bilaabmayaan Maalinta
Tarwiyada ee siddeedda bisha Dil Xijjah.
Haddaba intaan qofku Ixraamkii Xajka
xiran waxaa wanaagsan in uu is nadiifiyo, nadaafad guud. Yacni, ciddiyaha
iska jaro, timaha kilkilaha iyo kuwa gumaarka ka hooseeyaba iska xiiro,
raggu shaarubbada jaraan, qofku jirkiisa nadiifiyo oo qubaysto, isna
carfiyo. Dumarku waa in aanay isticmaalin barafuun iyo waxyaalaha kale ee
ay isku qurxiyaan. Qubayska mooyaane nadaafaddaas guud ee aan soo sheegnay
xataa barafuunka, laguuma oggola markaad Ixraamka xirato kaddib. Sidaa
awgeed ayaa waxaa habboon in qofku nadaafaddaas guud is nadiifiyo intaanu
Ixraamka xiran.
Dhaaranka (labbiska) Xajka ee raggu waa
labo go’ oo cad-cad iyo dacas ama sandal aan anqawga (oday-kaboohista)
gaarin. Dumarku waxay xiranayaan dhar jirkooda oo dhan asturaya laakiin
aan qarinayn wajiga iyo calaacalaha, midabkuu doono darkaasi ha lahaadee.
Waxaa shardi ah inaan dharku ku dhagganeyn khafiifna ahayn oo labadan
goorba jirkoodii muuqan lahaa. Marka ay haweentu la joogto rag geyaankeed ah
wajigeeda ha ka dedato, mararka kalese yaanay wajiga qarin.
IXRAAMASHADA XAJKA
Waxaa jira saddex nooc ee Xajka (Tamattuc,
Qiraan, iyo Ifraad). Qofkii soo niyeystay Qiraa hadde Ixraamkii
uu soo xirtay ee Xajka iyo Cumrada ayuu weli ku jiraa oo markii uu
Cumradii gutey weli waxaa u xiran Ixraamkii uu soo xirtay intaanu Makka
soo gelin ee uu ka soo xirtay Miqaatyadii shanta ahaa midkood. Qofkii soo
niyeystay Ifraadna (Xaj aan Cumro wehelin) maalintaan siddeedaad
ayaa hawlihii Xajku u bilaabmayaan wuxuuna ka soo ixraamtay shantii Miqaat
midkood. Qofkii soo niyeystey Tamattuc, qofkaasi markii uu
Cimraystay waa tii uu Ixraamkii furay oo uu iska raaxaysanayey. Maalinta
siddeedda bisha Dil Xijjah (Yawmut Tarwiyah) ayaa qofkaasi meesha uu
maalintaas joogo ee deggan yahay wuxuu ka soo xiranayaa Ixraamkii Xajka.
Suune ma aha Nabigana SCW lagama werin in Masaajidka la aado oo laga soo
ixraamto. Saxaabada Nabiguna arrinkaas ma samayn. Haddii marka Salaad
farad ah waqtigeed la joogo, qofku ha tukado si uu u Ixraamto Salaadda
dabadeed. Haddiise aan salaad farad ah waqtigeed la joogin qofku ha tukado
laba Rakco oo uu weyso sunnadeed u niyeysanayo ee aanu u niyeysaneyn sunne
Ixraam. Markii uu qofku salaaddaas ka soo faaruqo ayuu niyadii Xajka la
imaanayaa oo inta Talbiyada akhriyo Ixraamanayaa, waana sidaan:
{Labbeyka Allaahumma Labbeyk, Labbeyka
laa Shariika Laka Labbeyk, Inal Xamda, Wa Nicmata, Laka Wal Mulka, Laa
Shariika Laka} {Labbeyka Allaahumma Xajjan}
Ninku dhihidda Talbiyada kor ayuu u
qaadayaa, haweentuse hoos ayey u oranaysaa. Talbiyada qofku ha badiyo hana
wado.
DHAWRISTA IXRAAMKA
Arrimahaan ha sameyn markaad Ixraamato
kaddib:
- · Timahaha xiirin hana jarin
- · Ciddiyaha ha jarin
- · Barafuun iyo catar ha marsan
- · Ha ugaarsan hana dilin xayawaanka
- · Ninka iyo Haweentiisu iskuma tegi
karaan
- · Shukaansi guur (xod-xodasho) ha samayn
- · Meher (guur) ha sameyn
- · Raggu yaanay madaxa daboolin (koofi
iwm)
- · Waad isticmaali kartaa oo laguu oggol
yahay dallad iyo ookiyaale.
Xasuus:
Dharka ixraamka ayaad xiranaysaa intaadan ixraamka xiran. Laakiin, ma
ixraamaneysid adigoon dharkii ixraamka qabin (inaadan dharka Ixraamka heli
Karin mooyaane).
Waxaa subaxdaas siddeedaad la soo aadayaa
Muna/Mina halkaas oo lagu negaanayo maalinta inta ka hartay iyo habeenkaas.
Halkaas ayaana lagu tukanayaa Duhur, Casar, Maqrib, Cishaa, iyo Subxi
sidaan yaana loo tukanayaa.
Halkan ka Akhri
Qabta 4aad.... GUJI...
WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
|
osmanbilad@hotmail.com
Siiradii
Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro 114
Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran Ahmiyadda
Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat Hab
nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada Sakada
Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat Cuntada
xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi CIBAADADA
XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
|