Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo "La
Dagaalanka Burcad-Badeedda"....
- Tarjumadii iyo Faalladii: SomaliTalk.com | Febraayo 2009
Xeerka Qaramada Midoobey ee Badaha
Adduunka waxa uu dhigayaa in fogaan ka durugsan xeebta oo ah 22
km (12 nmi) oo dhanka badda ah ay ka mid tahay dhulka dalkaas xeebta leh. Waxaa intaas sii dheer
in dalka xeebta leh uu leeyahay xuquuqda gaarka ah ee
kalluumaysiga iyo khayraadka badda sida batroolka iyo gaaska ilaa meel biyaha xeebta dalkaas u
jirta 370 km (200 nautical miles). FG: Waxaa xusid
mudan, marka laga hadlayo 370 km oo badda xeebta ka durugsan, in
fogaantaasi ay ka bilaabaneyso 22 km ka dib, waayo 22km ee badda ku
dhow xeebta waxaa loo aqoonsan yahay inay ka mid yihiin dhulka
berriga ah ee dalkaas. Tixraac.
Sh. Shariif waxa uu yiri "la dagaalanka burcad-badeedku waa arrin lama
huraan ah, laakiin wada shaqaynta labada dal, Soomaaliya iyo Maraykanka,
ayaa noqon karta xal wanaagsan." Feb 11, 2009
Qaybta 1aad.
HORDHAC:
August 19, 2008 ayaa magaalada Jabuuti waxaa heshiis ku dhex maray
DFKMG (garabkii ra'iisul wasaare Col. Nuur Cadde) iyo Ururka Dib u
xoraynta Soomaaliya, garabka Jabuuti (ARS-J) oo uu ka mid ahaa Sheikh
Shariif Sh. Axmed. Heshiiskaas oo ay dhex-dhaxaadiyeen Qaraamada
Midoobey (QM), waxaana qoraal soo dhaweynaya heshiiskaas soo saaray
Septermebr 4, 2008 madaxa Golaha Ammaanka ee QM, waxaana qoraalkaas
lagu amaanay wakiilka QM ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla iyo
xubnaha kale ee QM Soomaaliya oo ka qayb qaatay heshiisiintaas.
Heshiiskaas oo dhigayey in 275 xubnood lagu daro baarlamaanka DFKMG oo
laga dhigo 550. Waxaa durbadiiba soo baxday in heshiiskaasi khilaaf dhex
dhigay madaxdii sare ee DFKMG (Madaxweyne iyo Ra'iisul wasaare).
September 20, 2008, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya,
Axmed Walad Cabdalla oo ka hadlayey shir jaraa'id magaalada Jabuuti
ayaa yiri:
"waxaan doonayaa inaan mar kale Indhaha Qaramada Midoobey, qaybta
Nabadgelyada Amaanka gaar ahaan kuwa joog-tada ah, (kusoo jeediyo)
khatarta burcad badeeda sii kordheysa, waxayna dhibaato ku haysaa
dhaqaalaha Gobolka, gaar ahaan Jabuuti, Yaman iyo Kiiniya, waxaana sare
u kacay qiimaha caymiska maraakiibta iyo beeca shidaalka, circa ayey
isku shareereen, rabshadaha ka dhacaya Muqdisho iyo burcad badeeda wey
isku xiran yihiin".
September 24, 2008 dawladda Ruushka ayaa xeebaha Soomaaliya waxay
u dirtay markabka dagaalka ee lagu magacaabo Neustrashimy si uu ula
dagaalamo burcad-badeedda Soomaaliyeed.
October 1, 2008 safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka,
Maxamed
Xandulle ayaa warbaahinta Ruuska waxa uu u sheegay in
madaxweynahii DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, uu militariga
Ruushka u ansixiyay in ay burcad badeedda kula dagaalamaan badda iyo
dhulka Soomaaliya. Laakiin hadal taas ka duwan waxaa sheegay guddoomiye
xigeenka baarlmanaaka DFKMG.
October 2, 2008 Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DFKMG, Prof.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa reer Galbeedka si kulul ugu cambaareeyey
burcad badeeda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in reer Galbeedku lacago
farabadan siiyaan burcadda marka ay maraakiibta qafaashaan, taas oo uu
ku tilmaamay in la cayilinayo burcadda. Waxana uu intaas ku daray "Dowladaha
reer Galbeedku waxaa ay xeebaha Soomaaliya ujoogaan oo keliya in ay
gurtaan (ama xadaan) Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo uu ku jiro
kalluunka".
October 7, 2008 Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay Qaraar
lambarkiisu ahaa
Resolution
1838 (2008), kaas oo ku baaqay in "dalalka danaynaya ammaanka badaha
ay ka qayb qaataan hawlaha lagula dagaalamayo burcadda badweynta ku
aadan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan in ay halkaas u diraan maraakiibta
iyo diyaaradaha militari, hab waafaqsan sharciga caalamiga ah."
Maalintaa waxaa su'aalo la xiriira Soomaaliya la weydiiyey Safiirka
Shiinaha, Zhang Yesui, su'aalahaas oo ahaa Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobey maadaama ay ka hadlayeen burcad badeedda Soomaaliya
"in ay soo hadal qaadeen dhibaatada sunta haraadiga ah ee lagu duugey
xeebaha Soomaaliya iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, oo ay Soomaalidu
ka cabanayaan" ayey weydiisey InnerCityPress. Safiirka Shiinuhu si
deg deg ah ayuu jawaabta su'aashaas uga gudbey isaga oo muujiyey in aan
la soo hadal qaadin arrinta sunta & kalluumaysiga xad-dhaafka ah. [Daawo]
October 9, 2008 ayaa dalalka ku bahoobey NATO waxay isku raaceen in
ay maraakiibta ciidanka u diraan xeebaha Soomaaliya si ay ula
dagaalamaan burcad-badeedda. Waxay NATO xilligaas sheegeen in toddobaad
gudihiis ay ilaa toddoba markab u dirayaan xeebaha Soomaaliya. Waxaa
durbadiiba soo baxay hadallo is khilaafsan oo ka soo baxayey DFKMG oo ku
aadan ogolaanshada iyo diidmada ciidamada shisheeye ee imanayey badda
Soomaaliya.
October 13, 2008 ayaa Dr. Maxamed Jaamac Cali, oo ahaa
xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka caalamiga ah
ee DFKMG, waxa uu sheegay: in kasta oo Soomaaliya dooneyso inay cirib
siibto burcad-baddeeda "Haddana kuma faraxsanin in NATO ay keli la
noqoto qoraalkeeda muujinaya in ciidamada isbahaystay aysan aqoonsanayn
Dawladda Federaalka Soomaaliya." Waxana uu intaas raaciyey: ku
dhawaaqida NATO waxa keliya oo ay caawin doontaa kuwa sida
sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya. "Waxaan beesha
caalamka weydiisaney in ay anaga nagu garab siiyaan in aan dib u habayn
ku samayno ciidankayaga badda oo (markaas) awood u yeelan doona in ay
burcad badeedda ka cirib tiraan xeebaha Soomaaliya. Laakiin NATO waxay
go'aan iska gaareen iyaga oo aan la soo socodsiin dawladda Soomaaliya oo
masuulka ka ah xeebta Geeska Afrika," ayuu Dr. Maxamed Jaamac Cali
waraysi ugu sheegay APA.
October 18, 2008, waxaa sidoo kale Prof. Dalxa, guddoomiye
xigeenka baarlamaanka DFKMG oo ka hadlayey Nairobi uu sheegay in
Baarlamaanka Soomaaliya aan lagala tashan in maaraakiibta shisheeye ay
burcad-badeedda kula dagaalamaan xeebaha Soomaaliya, arrintaasina ay ka
hor imaneyso xornimada Soomaaliya. "Maraakiibta shisheeye wax fasax ah
uma haystaan in ay burcad-badeed kula dagaalamaan Soomaaliya. Sharci
noocaas ah Soomaaliya ma leh. Waa in anaga nagala tashado inta aan
arrintaas lagu dhaqaaqin," ayuu yiri
Dalxa.
October 19, 2008 hadalka Prof. Dalxa mid ka soo horjeeda waxaa
sheegay ra'iisul wasaarahii DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho. Waxana Nuur Cadde yiri "Ciidamada
NATO ogolaansho buuxda ayey u haystaan in ay burcad-badeedda kula
dagaalamaan baddayada, waayo DFKMG ayaa sidaas ka dalbatay Qaramada
Midoobey."
October 21, 2008 waxaa lagu soo waramay in toddoba markab oo ay
leedahay NATO, oo ka socda lix dal, ay gaareen Jabuuti iyaga oo kusii
jeeda xeebaha Soomaaliya.
December 16, 2008 ayaa waxaa cirka isku shareeray khilaafkii Nuur
Cadde iyo C/laahi Yuusuf ee ka soo bilowday heshiiskii Jabuuti (DFKMG &
ARS-J). Maalintaas C/laahi Yuusuf waxa uu ra'iisul wasaare u magacaabay
Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere). Laakiin Gacma-Dheere waxa uu is
casiley December 24, 2008. Waxaa markaas bannaanka u soo shaac baxay
khilaafka madaxda sare ee DFKMG oo gaarey heer aan wax laga qaban karin.
December 29, 2008 ayaa waxaa xilka madaxweynanimada DFKMG
iska
casiley C/laahi Yuusuf Axmed, waxana uu markaas aadey Puntland, kaddibna
ka sii aadey Yemen. Iscasilaadii Yuusuf kaddib, waxaa January 28, 2009
xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG lagu kordhiyey 200 oo xildhibaan oo ah
garabka ARS-J.
January 15, 2009 ciidamadii Itoobiya ayaa 749 maalmood kaddib waxay
ka baxay magaalada Muqdisho oo ay galeen Dec. 28, 2006. Intii ay
ciidamadaasi dalka ku sugnaayeen waxaa cirka isku shareeray burcad
badeedda, waxayna ciidamadii Itoobiya iska caabin xoog leh kala kulmeen
Muqdisho.
January 30, 2009 waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay
Sh. Shariif Sh.
Axmed. Madaxweynaha cusub markii la doortay,
xafladdi dhaarta
Jan 31, 2009, wixii
ugu horeeyey ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa burcad badeedda Soomaaliya.
Sidoo kale waraysigii ugu horeeyey ee Sh. Shariif uu siiyo Warbaahinta
Maraykanka, ABC, waxa uu kaga hadlay burcad badeeda (Warbixin kooban oo
waraysiga ABC waxaad ku arki doontaan dhanka hoose ee qoraalkan). Nuur
Cadde oo filayey in uu xilkaas qaban doono, uma suurta gelin, waayo
xildhibaanada codeynayey waxaa ku jirey
200 oo ka
socdey ARS-J. Waxana uu sidaas ku waayey ra'iisul wasaaranimadii DFKMG.
February 13, 2009 Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uu ra'iisul wasaaraha DFKMG u
magacaabay
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay madaxweynihii
labaad ee dawladdii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
Allaha ha u naxariistee, oo la diley
Oct 15, 1969.
Ciidamada Ku Sugan Badaha Soomaaliya
Qiyaastii 20 ilaa 30 Maraakiibta Dagaalka oo ka yimid 14 dal ayaa la
rumaysan yahay in ay ku gaaf wareegayaan xeebaha la olloga ah Soomaaliya
ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maraakiibtaas tiradooda rasmiga ah
iyo meelaha ay ku sugan yihiin lama oga - arrimo la xiriira xagga ammaanka
awgeed - sidaas waxaa qortay PostChronicle.
Xeebta Soomaaliya dhererkeeda waxaa lagu qiyaasaa 3333 km, oo
ka soo bilaabanaysa Jabuuti oo gaareysa Awdal ilaa Raas Casayr ilaa Raas
Kambooni.
Haddaba waxaan qaybtan ku eegeynaa dalalka ilaa hadda la ogyahay ee
maraakiibta u soo diray Soomaaliya iyo waqtigii maraakiibtaasi tageen
xeebaha Soomaaliya.
MARAAKIIBTA RUUSHKA:
Dawladda Ruushku waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horeysey ee
maraarkiibta dagaal u soo dira xeebaha Soomaaliya (sida shaaca laga
qaaday).
Ruushku waxa uu bishii September 2008 xeebaha Soomaaliya u
dirtay markabka dagaalka ee loo yaqaan Neustrashimy (ma-cabsade) si uu
"maraakiibta ganacsiga uga difaaco burcad badeedda". Intii
uusan markaabsi gaarin xeebaha Soomaaliya waxa uu October 11, 2008 ku
hakaday magaalada Tripoli, Libya si uu sahay iyo shidaal uga sii qaato.
Dabayaaqadii October ama horaantii November 2008 ayaa markabkaasi tegey
xeebaha Soomaaliya. January 7, 2009 ayaa markaabkaas waxaa lagu bedeley markabka kale ee loo yaqaan
Admiral
Vinogradov, waxana uu markabkaasi xeebaha Soomaaliya gaarey isagoo ay la
socdaan dooni ah kuwa wax jiida iyo laba markab oo kuwa shidaalka
qaada ah. Kaddib waxaa ruushka markabkaas ka daba keenay ama kusoo
biiriyey laba markab oo kale oo uu ka soo diray badda madow (Black Sea).
Warar ay faafiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in shaqaalaha saarnaa
markabka Neustrashimy ay la soo derseen xanuun ka dhasha nafaqa darada,
taas oo ay si kulul u beeniyeen saraakiisha Ruushku, sida ay faafisay
RIA Novosti.

Markabka Neustrashimy ee Ruushku u diray Soomaaliya.
Sawirka: Wikipedia
MARAAKIIBTA MIDAWGA YURUB (EU)
Dalalka Midawga Yurub waxay bishii December 2008 xeebaha Soomaaliya u
direen ciidamo Cirka iyo Badda, kuwaas oo bedeley maraakiibtii NATO.
Wajiga koowaad oo ka bilaabanayey December 2008 ilaa March 2009 waxaa ka
qayb qaadanaya qiyaastii toban dal oo reer Yurub ah, oo ay ku jiraan
Greece, France, Germany iyo Britain. Markabka dagaalka ee FDS Karlsruhe oo laga leeyahay Jarmalka ayaa bishii December 2008 waxa uu xeebaha
Khaliijka Cadmeed kula dagaalamay burcad soo weerartay.

Markabka Jarmalka ee Karlsruhe. Sawirka: GoogleImages
MARAAKIIBTA IIRAAN:
Koox Maraakiib ah oo ah kuwa dagaalka ee Iiraan ayaa gaarey Badda Cas
si ay ula dagaalamaan Burcad Badeedda Soomaalida, sidaas waxaa December
20, 2008 sheegay Raadiyaha ay maamusho dawladda Iiraan, sida laga soo
xigtey Fars News Agency. Warkaasi waxa uu soo baxay dhawr toddobaad oo
keliya kaddib markii dalalka reer Yurub ay bilaabeen in ay maraakiibtii
ugu horweysey ee dagaal u diraan xeebaha Soomaaliya. Wararku waxay
xilligaas sheegeen in maraakiibta Iiran ay ku biirayaan maraakiib dagaal
oo aaggaas ku sugnaa oo ka kala yimid EU, US, India, Russia, Malaysia
iyo dalal kale.

Markab reer Iiraan, Sawirka Googleimages
MARAAKIIBTA SHIINAHA
Saddex markab oo ah Maraakiibta Dagaalka ee Shiinaha ayaa waxay
Xeebaha Soomaaliya yimaadeenbishii Janaury 2009, taas oo ah markii ugu
horeysey taariikhda ee dawladda Beijing (Bakiin) ay maraakiibteeda
dagaalka u dirto meel ka baxsan biyaha dalkeeda.

Markab Shiine ah markii Dec. 26, 2008 loo diray
xeebaha Soomaaliya. Sawirka: Xinhua
Saddexda Markab Dagaal ee Shiinuhu u diray Xeebaha Soomaaliya, si ay
ula dagaalamaan burcadda, waxaa wararku tibaaxeen in ay yihiin
maraakiibta ugu casri san ee ay leedahay dawladda Shiinuhu. Markabka DDG-169 Wuhan oo kamid ah maraakiibtaas Shiinaha oo miisaankiisu yahay
7,000 tonnes, waxa uu ku qalabaysan yahay 16 gantaal oo lagula dagaalamo
maraakiibta, 48 gantaal oo ah nooca sagxadda laga gamo oo cirka loo diri
karo, iyo hubka meesha dhaw laga ridi karo iyo diyaarad qumaatiga u
kacda.

Markab Shiine ah markii Dec. 26, 2008 loo diray
xeebaha Soomaaliya. Sawirka: Xinhua
MARAAKIIBTA HINDIYA
Dalka Hindiya waxa uu bishii October 2008 Soomaaliya u diray markab
dagaalka ee lagu magacaabo INS Tabar, markabkaas oo loogu talo galay
inuu waardiyeeyo doonyaha/maraakiibta laga leeyahay Hindiya ee aaggaas
maraya. Markabkaas Tabar waxaa November 18, 2008 weerar ku soo qaaday
doonta laga hago burcadda Soomaaliyeed, waa sida ay sheegeen ciidamada
Badda ee Hindiya, waxa markabkaasi ku jawaabey inuu rasaas ku furo
doonta oo halkaas doontii kudejiyo (Taas oo warar ka daba yimaadeen,
sida hoos ku qoran). Bishii November 2008 Hindiya waxay markabka INS Tabar ku bedeshey
markabka kale ee INS Mysore. Waxaana sannadkan 2009 markabkaas ay ku sii
bedeleen markabka kale ee INS Beas.

Markabka INS Tabar ee India ay u dirtay xeebaha
Soomaaliya. Sawirka: GoogleImages
Ciidanka Badda ee Hindiya waxay sheegeen in November 18, 2008 ay
dajiyeen dooni ay ku tilmaameen Hooyada doonyaha burcadda Soomaalida,
waxayna sheegeen in ay doontaas ku dajiyey meel 528km (285 nautical
miles ) koonfur kaga aadan Salalah ee dalka Cumaan. Waxaana
Hindiya ku adkaysatay in marka hore doontaas rasaas lagaga soo furay oo
ay is-difaacayeen.
Laakiin, waxaa durbaadii xaqiiqo noqotay in doontaasi ahayd dooni
kalluumaysato oo laga leeyahay dalka Thailand, sida uu xaqiijiyay
mulkiilahii doontaas oo magaciisa la yiraahdo Wicharn Sirichaiekawat.
Doontaas oo magaceedu ahaa
Ekawat Nava 5, waxa uu mulkiilahu
sheegay in doontaas oo qalab kalluumaysi geyn lahayd Cumaan ay markii
hore soo weerareen laba doonyood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin
burcad badeed. Doontaas oo markaas ay burcaddu weerarayaan ayaa markabka
Hindiya doontii qudheeedii dajiyey. Waxaa ka soo badbaadey hal nin oo
shaqaalahii ahaa oo lix maalmood kaddib laga helay Gacanka cadmeed,
waxaana la waayey 14 shaqaalahii ahaa.
Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli dawladda Thailand ay
dhexdeeda isku buuqsanayd. Waxaa xilligaas bishii November 2008 ay kooxo
dawladda Thailand ku kacsani la wareegeen labada garoon ee caalamiga ah
ee Bangkok, kuwaas oo dawladda qiilqiil geliyey. Sidaas darteed uma
muuqan in muran doontii ay Hindiya dejisay ay meel dheer gaartey.

Nov 18, 2008. Dooni ay ciidanka Hindiya ku dejineen
xeebaha Somalia oo gubaneysa. Sawirka: GoogleImages
MARAAKIIBTA MALAYISA
September 7, 2008 waxaa xeebaha Soomaaliya gaarey saddex markab oo
kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Malaysiya si ay ula dagaalamaan
burcad badeedda. Saddexdaas markab oo ah KD Pahang, KD Lekiu iyo KD Sri
Inderapura.

Markabka KD Lekiu ee Malaysiya ee loo diray Somalia.
Sawirka: GoogleImages
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Malaysia ayaa waxa uu January 1,
2009 diyaarad kuwa qumaatiga u kaca u diray markab xamuul oo laga
leeyahay Hindiya si diyaaradaasi uga difaacdo burcad badeed Soomaaliyeed
oo markaas weeraray markabka Hindiya oo marayey Gacanka Cadmeed, sida
wararku tibaaxeen.
MARAAKIIBTA TURKIGA:
Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii (Feb. 10, 2009) waxa uu
ansixiyey in dalkaasi uu maraakiibta dagaalka-badda u diro xeebaha
Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeedda Soomaalida. Waxaana la
filayaa in dabayaaqada bishan (February 2009) in Turkiga uu markabka ugu
horeeya ee xeebaha Soomaaliya u dirayo uu noqdo markabka lagu magacaabo
TCG Giresun (F-491).

Markabka TCG Giresun (F-491) ee Turkiga ee loo dirayo
Soomaaliya. Sawirka: Googleimages
MARAAKIIBTA JAPAN
Dawladda Japan ayaa lagu wadaa in bisha March 2009 ay ugu yaraan laba
markab oo kuwa dagaalka ah u dirto aagga xeebaha Soomaaliya si ay
maraakiibta ganacsiga ee reer Japan uga waardiyeeyaan burcadda. Labada markab ee lagu
wado in Japan u diro waa Sazanami (oo ah 4,650-ton ) iyo Samidare
(4,550-ton ). Waxaa la filayaa in maraakiibtaas la diro kaddib marka uu
baarlamaanka dalkaasi ansixiyo, waayo xeerka hadda u dhigan Japan waxa uu
dhigayaa in ay is-difaaci karaan maraakiibtooda, balse xeerkaas waxaa la
doonayaa in la khafiifiyo xannibaadda adeegsiga hubka.

Markabka Samidare ee Japan ee la filayo in lo diro
xeebaha Soomaaliya. Sawirka: GoogleImages
XOOGAGGA LAGU MIDEEYEY MAGACA (CTF-151)
Ciidanka Badda Maraykanka (U.S. Navy) waxay January 8, 2009 shaaca ka
qaadeen in la asaasay hawlagal ciidanka badda oo loogu magac daray
CTF-151 (Combined Task Force 151) oo loogu talo galay in lagula
dagaalamo burcad badeedda ka qawlaysata Badda Cas iyo Bad-weynta Hindiya
ee ku xeeran Soomaaliya. Waxaana hawlgalkaas laga hagayaa Markabka San
Antonio oo ay weheliyaan laba markab oo kuwa diyaaradaha xambaara ah iyo
laba markab oo kuwa ciidanka badda ah. Hawl galkaas CTF-151 waxaa ka
qayb qaadanaya ilaa 20 dal. Waxaana madax looga dhigay Admiral Terence
McKnight oo ka tirsan ciidanka badda ee Maraykanka.
Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga
Shakiyey Burcad badeed.. (Feb 11/12, 2009)

Sawirka Lewis & Clark oo ay
faafiyeen militariga maraykaanka - Jan 29, 2009: AP
Tiro gaareysey 16 Soomaali ah ayaa ciidamada badda ee Maraykanku waxay ku
qabteen laba doonyood oo kala duwan, waxaana dadkaas oo looga shakiyey
burcad badeed lageeyey markabka Maraykanka ee USNS Lewis & Clark, kaas oo ah
markab hubka qaada oo loo rogey xabsi-badeed, sidaas waxaa qortay shabakada
telefishanka ABC. Labadaas dhacdo ayaa ahaa:
- Abaracdii Feb. 11, 2009 ayaa
markabka dagaalka ee Marayknka ee Vella Gulf waxa uu qaybtay 7 Soomaali ah oo
looga shakiyey burcad badeed, kaddib markii uu gargaar dalbaday markabka
ganacsiga ee lagu magaaco Polaris oo sita caalanka Marshall Islands, kaas oo
sheegay in burcaddu isku dayday in markabka soo fuulaan oo ay jaranjaaradii
ka tuureen, oo markaas qaylo dhaan dirsadeen, sidaas ayaa Maraynaku raggaas ku
qabtaytay.
- Dhacdada labaad ayaa ahayd Khamiis Feb 12, 2009 kaddib markii
uu qaylo dhaan dirsaday markabka MV Premdivya oo laga leeyahay dalka
Hidiya oo sheegtay in burcad soo weerartay, markaas ayaa diyaarad ka soo
duushay markabka Vella Gulf waxay rasaas "digniin" ah ku ridey 9 nin oo
Soomaali ah oo isku deyey in ay cararaan. Markii la soo qabtay waxaa lagu
daray 7-dii hore loogu hayey markabka dagaalka.





Sawirada Soomaalida la qabtay Feb 11, 2009.
Sawirada: ABC
Sidoo kale, Khamiistii, Feb 12, 2009, Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca oo ka
duushay markab dagaal oo laga leeyahay Spain (oo lagu magacaabo Victoria)
ayaa rasaas digniin ah ku riday burcad badeed isku deyayey in ay afduubtaan
markab marayey badda la ollogga ah Soomaaliya. Bishii Janaayo 2009 ayaa
dalka Spain waxay badda Soomaaliya u dirtay markabka dagaalka ee Victoria.
Filim laga Duubay Soomaalida lagu qabtay badda Soomaaliya:
Daawo..

Nin ka damida dadka lagu qabtay badda Soomaaliya. Sawirka:
Video
AP
DAAWO: SOOMAALI
LAGU XIRAY MARKAB KORKIIS
Ciidamada Badda ee Denmark oo Rag Looga Shakiyey Burcad-badeed
Soomaaliyeed ku wareejiyey Holland (Feb 10, 2009)
Afhayeen u hadlay Ciidmada badda ee Holland ayaa sheegay in ay Talaadadii
(Feb. 10, 2009) la wareegeen shan nin oo looga shakiyey burcad badeed
Soomaaliyeed oo ilaa bishii Janaayo (2009) ay gacanta ku hayeen ciidmada
Denmark. Waxaa raggaas lagula kala wareeegey dalka Baxrain. Waxaana laga
yaabaa in shantaas nin la geeyo dalka Netherlands (Holland) si dacwad loogu
oogo.
Video: Doon lagu sheegay Burcad badeed Soomaaliyeed oo rasaas lagu furayo,
oo gubaneysa:
Halkan ka daawo.

Denmark oo qabatay 5 "Burcad badeed soomaali ah" Jan 2,
09. Sawirka:
AFP
DAAWO:
Markab Danish ah oo Qarxinaya Doon "burcad"
January 2, 2009 ayey ahayd markii shanta Soomalida ah la sheegay in ay isku dayeen in ay qafaashaan markab ka diiwaan gashan dalka Holland. Laakiin
diyaarad ka soo duushay markabka Absalon ee Denmark ayaa
rasaas "digniin" ah waxay ku furtay dooni ay wateen ragga looga shakiyey
burcad badeedda. Sidoo kale waxaa markabka laga ridey aaladda loogu
talo-galay xaallada degdeg ah ee wax ifisa oo ay ku rideen doonta "burcad-badeeda",
markaas ayaa doontii "burcadda" waxaa qabsaday dab, taas oo ragga looga
shakiyey burcad-badeedka ku khasabtay in ay badda ku boodaan. Markaas ayaa
Markabka Denmark waxa uu badda ka soo qabtay raggii Soomaaliyeed. Waxaa
nimankaas lagu
hayey markabka Denmark wixii ka horeysey Talaadadii (Feb. 10, 2009) markaas
oo lagu wareejiyey ciidmada badda ee Holland.

Markabka Absalon ee Denmark. Sawirka:
timstimes
Markab Ruush ah oo Qabtay Saddex Doonyood oo Soomaaliyeed oo Looga
Shakiyey Burcad badeed (Jimce, Feb 13, 2009)
Markabka Ruushka ee Pyotr Veliky (Peter the Great) ayaa
xeebaha Soomaaliya ka qabtay saddex doonyood oo lagu sheegay burcad badeed.
Wakaaladda Wararka Ruushka, Interfax, oo soo xiganeysey saraakiil ciidmada
badda Ruushka, ayaa sheegay in markabkaasi qabtay 10 nin oo saarnaa
doonyahaas.

Markabka Peter the Great ee Ruushka. Sawirka: Googleimages

"Burcad badeedda waxaa lagula dagaalami karaa dawlad Soomaaliyeed oo xoog
leh"
"Welwelka Caalamka ka haya Burcad-Badeedda, iyo afkaarta khaldan
ee loo nisbaynayo diinta, waxaan ka qaban doonaa waxyaabo la taaban
karo, anagoo ku wajahayna hab fikri ah oo diini ah iyo dhaqankii
ummadda Soomaaliyeed ee saliimka ahaa ee ku salaysnaa diinta Islaamka,"
ayuu yiri Sheikh Shariif Sh. Axmed khudbadiisii ugu horeysey markii
loo dhaariyey madaxweynaha DFKMG,
Xafladii Dhaarta,
Jabuuti, Jan 31, 2009.
Sidoo kale, Sh. Shariif waraysigii ugu horeeyey ee uu
siiyo warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan
ABC, February 11, 2009, waxa uu kaga hadlay burcad-badeedda, isaga oo
sheegay in ciidamada badda ee Soomaalidu ay waardiyeyn doonaan badda, halka
ciidamada ammaanka ee qaranku ay ka hawl gelayaan berriga.
Sidoo kale, Sh. Shariif waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyo warbaahinta
wararka u faafisa Qaramada Midoobey ee Afrikada Bari ee loo yaqaan
IRIN, February 12, 2009, oo weydiisey "Waxaa jira cudud
militaro oo aad u xoog weyn si ay burcad badeedda ugala dagaalamaan xeebaha
Soomaaliya. Ma u malaynaysaa in taasi tahay habka ugu wanaagsan ee
dhibaatadaas lagula dagaalami karo? Waxa uu ku jawaabey: "Waxay ila
tahay habka ugu wanaagsan ee lagula dagaalami karo burcad badeedda
Soomaaliya in ay tahay in la helo dawlad xoog leh oo shaqaynaysa oo awood u
leh qaadista xilka ammaanka dhulka iyo badda. Laakiin sidoo kale waan fahmi
karaa marka maraakiibta la afduubayo in dalalku aysan iska taagnayn iyaga oo
faraha ka laabanaya. Sababtaas weeye tan ay xooggaga shisheeye ee badda
jooga ay ficilka u qaadanayaan."
Waxaa warbixintu
tibaaxday in burcad-badeedda Soomaaliyeed ay u qafaalan yihiin ama haystaan ilaa toddoba markab oo
ay saaran yihiin shaqaale gaaraya ilaa 123 oo loo haysto madax furasho. Taas
oo Sh. Shariif ku baaqay in dadkaas la siidaayo, sida ay sheegtay ABC.
Sh. Shariif waxa uu yiri "la dagaalanka burcad-badeedku waa arrin lama
huraan ah, laakiin wada shaqaynta labada dal, Soomaaliya iyo Maraykanka,
ayaa noqon karta xal wanaagsan."
Warbixintu waxay xustay in Sh. Shariif ka mid ahaa maxkamadihii Islaamiga ee
2006 markii ay qabsadeen Muqdisho ay yaraatay Burca-badeeddu. Laakiin, ayey
tiri warbixintu, dhibaatada burcad badeedda uu dhaxlay waa mid aad uga duwan
tii hore ay u xallin gaareen. Burcad badeeddu waxay bilaabatay kaddib markii
kalluumaysatadii Soomaaliyeed ay afduubeen doonyo iyaga oo dhahaya waxay
baddooda ka difaacayaan sida sharci darrada ah ee looga kallluumaysanayo.
Waxay taasi isu bedeshay in lacag badan oo madax furasho la qaadanayo si
fal-dembiyeed ah.
"Sannadkii 2006 dhibaatadu sida ay hadda tahay waa ka yarayd; waxaa sahlanaa
in lagu socdaalo xeebahaas oo la yiraahdo "Joojiya (burcad nimada)," sidaas
waxa ayiri Ken Menkhaus oo ah macallin wax ka dhiga
Davidson College oo ku
taal North Carolina, USA, oo 25 sano ka shaqeeyey arrimaha Soomaaliya.
Waxana uu intaas ku daray "Waa ganacsi maafiyo hadda. Arrintu aad ayy
saraysaa." Waxana uu intaas ku daray "Waa arrin aan macquul ahayn in laga
fili karo dawladda cusub ee jilicsan in ay burcad badeeda joojiso sannadka
soo socda."
Khamiistii (Feb. 12, 2009) ayaa waxaa madaafiic lagu garaacay markab ku
xirnaa dekeda magaalada Muqdisho. Markabkaas oo lagu magacaabo
Global Progress waxaa la sheegay in uu hub u sidey
"DFKMG" iyo
AMISOM. Waxaa wararku sheegeen in 3 qof ku dhinteen madaafiicdaas, waxaana
la dhaawacay 7 qof. Kusimaha Maareeyaha Dekeda Muqdisho,
Axmed Xasan Wataac, waxa uu sheegay in markabkaasi qalab militari u
sidey ciidamada AMISOM.
Burcadda waxaa keenay adeegyada bulashada oo aan jirin iyo kalluumaysiga
sharci darrada iyo sunta la duugayo
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waraysigii ugu
horeeyey ee uu siiyo warbaahinta reer Galbeedka, gaar ahaan hay'adda
Reuters, Feb 16, 2009, waxa uu kaga hadlay burcad badeedda iyo xalkeeda.

"Kooxaha hubaysan iyo Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya waxaa si fudud loo
xallin karaa haddii la wajaho arrimaha asaaska u ah oo ah dawlad la'aanta,
iyada oo aysan jirin saldhigyadii adeegga bulshada iyo shaqo la'aan baahsan
oo haysata dhallinyarada."
Waxana uu intaas ku daray "ma oranaya burcad badeedda hadda ayaa hore laga
joojin karaa. Waxay ila tahay in la yaran karo. Waxaana xaqiiqo ahaan isku
dayi doonaa in aan asaasno oo xoojino hay'adaha dawladda." Waxa kale oo uu
yiri waa in beesha caalamku wajahaan wax ka qabashada kalluumaysiga sharci
darrada ah iyo haraadiga sunta halista ah oo lagu duugo biyaha Soomaaliya,
kuwaas oo sabab u ah in qaar kamida burcad badeedu ay markii hore hubka u
qaateen.
Arrimahaas is daba socda waxaa ka horeeyey warbixinno sheegayey in xeebaha
Soomaaliya laga soo bilaabo 1991, burburkii qaran, in shirkado iyo dalal
shisheeye ay ku duugayeen Sun. Waxaa taas garab socdey in si xad dhaaf ah
xeebaha Soomaaliya ay shirkado iyo dalal shisheeye u xaalufinayeen
khayraadka badda, sida kalluunka. Prof Dalxa hadaladisii waxaa ka mid ahaa
"Dowladaha reer Galbeedku waxaa ay xeebaha Soomaaliya u joogaan oo keliya in
ay gurtaan Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo uu ku jiro kalluunka".
La soco Qaybta Labaad. Insha Allah