SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENYA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  |June 30, 2003

Qaybtii 9aad

SOOMAALIDA XORTA AH IYO HALGANKA OGAADEENYA

Dadka soomaalida ah waa dad ka mideysan Diin, Dhaqan, Caado iyo luuqad waxayna ku dhaqanyihiin geeska bari ee qaaradda Afrika. Ahmiyadda juqraafiyadeed ee deegaankooda oo dhinaca ku haya Gacanka cadmeed iyo marinka Baabul-mandam ee badda cas ayaa ah midka kusoo jeediyey indhaha iyo dareenka dowladihii gumeysiga, kuwaasoo markii horaba u tafaxeytay gacan ku dhigista soomaaliya. Adeygii ku qotomay dhaqankii asalka ahaa ee ay lahaayeen dadka soomaalida ah ayaa sababay in loo gacan dhaafi waayo danohooda gaarka ah.

Dowladihii gumeysiga ee soo duulay badhtamihii qarniyadii 14aad ilaa bilowgii qarnigii 16aad ayaa dadka soomaalida ah kala kulmay iska caabin ayna fileynin taasina waxay ku khasabtay in ay ku talo galkoodii hore wax ka baddalaan. Markii falanqeyn badan la sameeyey kaddib ayey soo baxday in si ula kac ah oo kasoo horjeedda rabitaankii dadka soomaalida ah loo kala qaybiyo oo inba meel lagu faruur xidho si quwaddooda loo wiiqo danta la leeyahayna loo gaadho. Dhibkii ka dhashay kala qaybsigii afrika in intiisa badan uu ku dhaco dadka soomaalida ah oo loo kala qaybiyey shan gobol oo wali qaar ka mid ah ay gumeysi ku hoos jiraan waa arrin ku xidhiidhsan tashi iyo falanqeyn ay sameeyeen gumeystayaashii wakhti hadda laga joogo sannado badan.

Dadka soomaalida ah oo intooda badan ahaa xoolo dhaqato diin iyo dhaqan xooggan leh aadna u dareensan ujeeddada gumeysiga in ay tahay burburinta afarta arrimood ee iyaga isku xidha ayna daba socoto qabsasho dadkooda iyo deegaankooda ayaan marnaba isu dabcinin lagasoo bilaabo xilliyadaas taariikheed een kor kusoo sheegnay ilaa xilligii daraawiishta ee sannadihii 1900 ilaa 1921 kii.

Dagaalkii gumeysi diidka ahaa ee daraawiishtii uu hoggaaminayey Mujaahid Sayid Muxamed Cabdalla Xasan waxa uu noqday mid dhakafaar ku abuuray aqalkii looga talinayey boqortooyadii awoodda badneyd ee Ingiriiska kaddib markii uu ciidamaddii gumeysiga Ingiriiska ku jabiyey goobo badan oo ay iskaga hor yimaaddeen iyadoo aqal walba oo ka mid ah dhulka Ingiriiska ay Ka dhacday baroor-diiq lagu xusayo saraakiishii ingiriiska iyo ciidankoodii ku jabay soomaaliya, dowladda ingiriiskuna waxay xilligaas ahayd dowladda ugu awoodda weyn adduunka oo uu calankoodu ka babanayey caalamka intiisa badan, daraawiishna waxay noqotay qaaradda Afrika gudaheeda gobanimodoonkii ugu horreeyey ee lagula dagallamo dayaaradaha iyo maraakiibta, guushaana waxaa lagu xaqiijiyey oo kaliya waddaniyaddii iyo midnimadii shacabweynaha soomaaliyeed.

Go’aannadii gumeysiga ee ku talogalkoodu ahaa burburinyta shacabka soomaalida ma noqonin kuwo abuura hoos u dhac ku yimaada dareenka dadka, waxayse dardar galiyeen ku talogalkii dadka soomaalida ah ee ahaa in ay difaacdaan jiritaankooda, Si ay taasi u meel martana waxay labanlaabeen isku xidhnaantoodii iyo midnimadoodii arrintaasoo tabar darro ku keentay ku talogalkii cadowga ummadda soomaaliyeed. Iyadoo aan wax natiijo ah oo la taaban karo laga gaadhin, wax saameyn ah oo lagu yeeshay diintooda iyo dhaqankoodana ayna jirin ayuu bilowday dagaalkii 2aad ee dunida sannadkii 1939kii.

Lagasoo bilaabo sannadkii 1945kii dhammaadkii dagaalkii 2aad ee dunida waxaa dalka soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaq waddaniyadeed oo ay gadaal ka riixeyso khibraddii laga dhaxlay dagaalkii 2aad . Xisbigii SYL oo ahaa mid ka mid ah ururradii siyaasiga ahaa ee u istaagay soo dhicinta xaqa dastuuriga ah ee dadyowga afrika ayaa aasaaskiisii sannadkii 1943kii kaddib markiiba ku baahay qaybaha soomaalida isagoo laamo iyo xafiisyaba ku yeeshay magaalooyinka iyo tuulooyinka gabi ahaanba dhulka soomaalida oo dhan. Xeerkii ururka u dagsanaa ma tilmaameynin in dadka soomaalida ay kala duwanyihiin juqraafi ahaanna ay kala dal iyo jinsiyad yihiin ama uu deegaanku u kala soocanyahay, aragtidaasina waxay salka ku haysay dareenka shacabka soomaalida ee mideysan wuxuuna xuquuq siman siiyey dadka oo dhan. Xisbigii SYL waxay awooddiisu ku fidsaneyd koonfurta soomaaliya iyo Soomaali-Galbeed.

Sidoo kale waxaa gobollada waqooyi ee soomaaliya ka jiray xisbigii siyaasiga ahaa ee lagu magacaabi jiray SNL ee la sameeyey sannadkii 1947kii kaasoo isna aaminsanaa fikirka SYL mid la mid ah. Labada xisbi waxay ku kala sameysmeen laba duruufood oo kala duwan maadaama ay ku kala hoos jireen laba gumeysi oo kala jinsi ah qorshohooduna kala duwanyahay kuwaas oo ahaa Talyaani iyo Ingiriis. In labada xisbi ay mabaadiidoodu is waafaqsanaato waxaa saldhig u ahaa midnimada shacabka soomaaliyeed. Halgankii labada xisbi ma ahayn mid ku kooban dad gaar ah, waxay u wada taagnaayeen guud ahaan soomaalida, taasoo ay caddeyn u tahay qaabkii ay uga howl gali jireen dhaqaalahana uga uruursan jireen dhammaanba qaybaha soomaalida.

Xisbiga SYL wuxuu wakiillo ku lahaan jiray gobollada kala ah Qallaafo, Qabridaharre, Jigjiga iyo degmooyin ka tirsan gobolka Nogob, halka xisbiga SNL uu wakiillo ku lahaan jiray Dhagaxbuur, Awaare, Wardheer iyo deegaamada ku wareegsan, Arrimahaasoo ah kuwa abuuray dareenka midnimo ee u dhaxeeya ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba. Howl galkii mideysnaa ee ay ummadda soomaaliyeed sida wadajirka ah usoo gashay waxa ay natiijadiisii noqotay madaxbannaanidii ay gaadheen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. 

26th Jun 1960kii ayey gobollada waqooyi madaxbannaanidooda ka qaateen gumeysigii ingiriiska. Si ay tiir dhexaad ugu noqdaan midnimada iyo wadajirka dadka soomaaliyeed ayey hoggaamiyayaashii reer waqooyi usoo anbabaxeen koonfurta soomaaliya oo iyaguna madaxbannaanidooda ka qaatay gumeystihii Talyaaniga 1st July 1960kii waxayna halkaas labada gobol ku dhiseen markii ugu horreysay jamhuuriyadda soomaaliya ee uu hadda caalamku aqoonasanyahay.

Dowladdii ugu horreysay ee dhalatay waxaa madaxweyne ka noqday Mudane Aaden Cabdille Cismaan (Aden-cadde) kaasoo xilka hayey Toddobadii sano ee ugu horreysay, waxaana wasiirka koobaad ka ahaa Mudane C/Risaaq Xaaji Xuxeen oo ahaa nin si weyn looga yaqaanno ururkii SYL dhexdiisa. Dowladdaas uu madaxweynaha u ahaa Aden-cadde waxay awooddeeda isugu geysay iyadoo qaab siyaasi ah lagu dhaqmayo midnimada dalka soomaalida in ay noqoto midaan gorgortan gali karin taasoo ahayd sababtii dhalisay dagalkii dhex maray dowladdii da’da weyneyd ee Itoobiya iyo dowladdii Afar sano jirka ahayd ee soomaaliya sannadkii 1964kii.

Waxaa dowladdaas xigtay middii uu madaxweynaha ka ahaa Mudane C/Rashiid Cali Sharma’arke, wasiirka koobaadna uu ka ahaa Mudane Muxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Dowladdan danbe waxay kaga duwaneyd middii ka horreysay waxaa kala aragti duwanaa Madaxweynaha C/Rashiid iyo wasiirka koobaad Mr.Cigaal, iyadoo uu wasiirka koobaad heshiisyo ganacsi la galay dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo labaduba Soomaaliya dhul ka haysta isla markaana uu aqoonsaday qodobkii ku qorraa xeerkii xilligaas ay inta badan ee waddamada Afrikaanku qorteen ee dhigayey in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigu kaga tagay kaasoo ay soomaalidu diiddaneyd oo aanay waxba ka sixiixin. Dhanka kalana waxa uu madaxweyne C/Rashiid arrinkaas ka qabay aragtida Aden-cadde mid la mid ah oo wuxuu aaminsanaa in aragtida soomaali-weyn ay saldhig u noqoto xeerarkii ururradii SYL iyo SNL sidaas darteed waxay kala qaybsanaanta dhinaca aragtida ee madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha keentay in dhaqanka dowladdasi aanu noqon! in mid miisaaman oo si dhab ah u raalli galiya dareenka iyo rabitaanka dadka soomaalida ah, waxaana dowladdaas cimrigeedii ku ekaa dilkii Alla ha u naxariistee madaxweyne C/Rashiid Cali Sharma’arke lagu dilay magaalada Laasa-caano markii ay taariikhdu ahayd 15th October 1969kii.

Lix maalmood uun kaddib Dhimashadii Madaxweyne C/Rashiid waxaa taladii dalka af-gambi kula wareegay ciidamada qalabka sida oo uu hoggaaminayo Major gen. Muxamed Siyaad Barre. Markii ugu horreysayba waxay dowladdaas millatarigu soo saartay xaashidii koobaad iyo middii labaad ee kacaanka waxaana ku qorraa 13 Qodob oo qeexaya siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee dowladda cusub, Waxaa qodobadaa kuwa ugu muhiimsan ka mid ahaa qodobka dhigayey xoreynta dhulalka Soomaalida ee maqan xoog iyo siyaasad midka ay noqotaba.

Lix sano kaddib; dhammadkii sannadkii 1975kii waxay dowladdii kacaanku xeryo tababar uga furtay gudaha jamhuuriyadda soomaaliya naftood-hurayaal ka tirsanaa Jabhaddii Gobanimodoonka Soomaali Galbeed, waxayna markii uu tababarku udhamaaday badhtamihii sannadkii 1976kii howlgal dagaal ka bilaabeen gudaha Soomaali Galbeed iyagoo taageero buuxda oo hagar la’aan ah ka heystay dowladdii millatariga ahayd iyo guud ahaanba shacab weynaha Soomaaliyeed ayey soo hoyiyeen guulo dhaxalgal ah waxayna qabsadeen inta badan dhulkoodii.

Guushaas lagu xoreeyey inta badan dhulka Soomali Galbeed iyo guulihii ka horreeyey ee astaanta u noqday midnimada iyo wadajirka Soomaalida waxa ay dhabarka ka jabeen markii ay sameysmeen ururradii mucaaradka ahaa ee ay ugu horreeeyeen SSDF iyo SNM, uguna danbeeyeen SPM iyo USC kuwaasoo ahaa ururradii sameysmay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre kahor. Waxaa in la caddeeyo ay tahay waxa ay ku kala duwanaayeen iyo waxa ay ka mideysnaayeen ururradaas afarta ah.

Waxay ururradaas ka mideysnaayeen:

In ay Itoobiya oo ahayd cadowgii soomaaliyeed halganna lagula jiray saaxiib ka dhigtaan ayna ka dhageystaan waxa ay ka yeeli lahaayeen mustaqbalka waddankooda, taasuna waxay duudsi ku noqotay qayb ka mid ah xaqa dadka soomaaliyeed, dhaqankaasoo noqday mid ay jideeyeen ururradaas aan kor kusoo sheegnay.

In ay xukunka ka tuuraan nidaamkii Millatariga ahaa ee uu hoggaaminayey Gen.Maxamed Siyaad barre.

Waxayna ku kala duwanaayeen: Marka laga reebo ururka SNM waxay saddexda urur ee kale ka mideysnaayeen midnimada jamhuuriyadda iyo wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxay ujeeddadoodu ahayd oo kaliya in ay baddalaan maamulka dalka ka jira xukunkana qabsadaan, waxa ay ururadaas itoobiya ugu hoos jireenna waxa ahayd in ay ku gaadhaan danta ay leeyihiin. Ururka SNM waxaa u qorsheysneyd oo mar kasta meel ool u ahayd in uu kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taasna waxaa daliil u ah ku dhawaaqiddii ay SNM horaantii sannadkii 1991kii ku dhawaaqday waxa ay ugu yeedheen Somaliland. Dad badan ayaa qaba in arinta ku dhawaaqidda Soomaaliland ay tahay wax ka dhashay is baddalkii ka dhacay soomaaliya kaddib markii Caasimadda laga saaray hoggaankii dawladdii Kacaanka, arrintuse sidaas ma aha ee waxay arintan goosashada ee madaxda SNM salka ku haysay fikir soo jireen ah lagana wada dharagsanaa xog ogaalna ay ka ahaayeen dhammaan maamulladii dalka isaga danbeeyay,! kaasoo soo baxay wax ka yar saddex sano xornimadii kaddib markii ay isku dayeen goosasho koox uu hoggaaminayo Xasan Cabdulle Walanwal oo ku magac dheeraa (Xasan-kayd), arintaasoo dawladdii jirtay ay kaga jawaabtay ku qabasho gacan bir ah si loo ilaaliyo midnimada iyo wada jirka qaranka soomaaliyeed.

Dareen indho la’aan ah oo xaqiiqda ka fog xog-ogaalna aan u ahayn xeerarka caalamiga ah iyo kuwa goboleed oo ay la ban baxeen madaxdii SNM ayaa masuul ka ahaa burburkii iyo gumaadkii ka baxsanaa aadaminimada ee gaadhay shacabkii soomaaliyeed ee sharafta badnaa ee aan waxba galabsanin ee ku dhaqnaa gobollada Woqooyi Waayo aragtida lagu gagaal galinayay Ciidamada SNM ayaa ahayd in shacabka ku nool magaalooyinka Hargeysa, Barbara iyo Burco laga qaadayo xaqiraad iyo gumeysi ay ku sameeyeen maamulladii isaga danbeeyey hoggaaminta soomaaliya lagasoo bilaabo Aden-cadde ilaa Maxamed Siyaad, taasuna waxay ahayd marin habaabin ay madaxda SNM ku qarinayeen xaqiiqda waxa ay doonayeen oo ahayd burburinta iyo kala dhantaalidda midnimada, wadajirka iyo walaaltinimada shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo. Halka ay dowladdii millatariga ahayd ku dagaal galisay ciidamada qalabka sida ilaalinta midnimada qaranka, taasuna waxay tahay mid uu ka garaabi karo qof kasta oo jecel wanaagga! iyo sharafta soomaaliyeed. Waxaa in la kala saaro ay tahay waxyeellada ku dhacday shacabka aan danbiga lahayn iyo ururkii SNM, waxaan xaqiijineynaa in aan ka xunnahay gabi ahaanba dhibaatadii ku dhacday shacabkii reer waqooyiga, waxaase iyana meesha ku jirta oo qof waliba oo daacad ah uu qabay in ay waajib guud ahayd in lala dagaallamo xoogaggii SNM ee watay siyaasad ku saleysan cuqdad qabiil iyo burburinta qarankii soomaaliyeed.

Anagu haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato kama aanaan aar gudanin kana aar gudan mayno danbiyada taariikhda Soomaalida ku cusub ee ay naga galeen madaxda SNM, waxaana ka mid ah danbiyadaas soomaalidu dhaqan ahaan way is dili jirtay wayna is dhici jirtay waxayna arrintu ku danbeyn jirtay in si soomaalinimo ah looga xaalo ugu danbeynna wanaag lagu dhameysto laakiin ma dhici jirin in dad soomaali ah inta la garbo duubo loo gacangaliyo shisheeye ah cadow soomaaliyeed, in ay intay rag garbo duubaan ay Itoobiya gacanta u galiyaan waxaa ka fiicneyd kana cudur yareyd in ay iyagu ku laayaan faras magaalaha Hargeysa.

Wixii nagu dhacay ee ay noo geysteen madaxdii SNM waan ognahay waxayna ku qoranyihiin sadarro uu akhrin doono qof kasta oo soomaali ah, waxaanse caddeneynaa in ayna fuleynin aragtida SNM ee ku aaddan qaddiyadda Soomaali galbeed, sidoo kale waxaan marnaba suurtogal noqon doonin qorshaha SNM ee ah in qurubqurub loo kala jarjaro dhalashada soomaalida sharaftoodana la wiiqo. Qof walba oo soomaali ah wuxuu ku khasbanyahay waajibna ku ah in uu taageero qaddiyadda shacabka soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumeysato iyo Soomaali kasta oo dulman meel kasta oo uu ku noolyahay, sidoo kale waxaa iyana waajib ah in uu qof kastaa oo ay soomaalinimo ku jirto ilaaliyo midnimda jamhuuriyadda iyo wadajirka soomaaliyeed. Dhanka kalana waa in qof walba oo soomaali ah niyadda ku hayaa xisaabtana ku darsadaa in nabad ku wada noolaanshaha iyo dagganaanshaha guud ahaan shucuubta geeska Afrika iyo gaar ahaan qaybaha soomaalidu degtaba ay ku iman karto oo kaliya in ay dadka soomaaliyeed ee Ogaadeenya x! aqooda helaan.

La soco qaybta 10aad ee ugu danbeysa...........................

Tixraac Qaybihii hore:
Akhri: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aadQaybta 6aadQaybta 7aad
Qaybta 8aad |

I  I  D  H  E  H

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)

ONLFSA@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. Faallo
 

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.