HIMILADA IYO HALISTA SHIRKA LONDON EE FEBRUARY 23, 2012
“Ruux bukoow, Boqoli kuu talisey!”
Hordhac/Gogoldhig
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena
Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristaha sharafta badanoow, hogaamiyaha wadan ka mid ah deeq bixiyayaasha
Aduunka ugu Tunka weyn -Waa wadanka Ingiriiska e-, ayaa ra’iisulwazaarahooda
David Cameron ku dhawaaqey November 14, 2011-kii in uu shir caalami ah ku marti
galindoono magaalada London, kaasoo loo qabanayo arimaha Soomaaliya, isagoo
markaa jeedinayey qudbad cinwaankeedu ahaa “Siyaasada Arimaha Dibada ee danaha
Qaranka Ingiriiska” isagoo Soomaliya ku tilmaamey, Qaran guuldareeystey (Failed
State) taasoo halis ku ah danaha dowlada Ingiriiska. Nasiib darada jirta ayaase
waxeey aheyd, in aan lagala tashan oo aan loo sheegin Dowlada Fedelaaka ah ee ku
meelgaarka ah, ka hor inta aan shirkan lagu dhawaaqin, oo aan la shaacinin.
Hadii uu Alle idmo, waxaan Qormadan ku falanqeyndoonaa arimo xasaasi ah, ee
fadlan adigoo mahadsan dhameeyso aqrinteeda.
HIMILADA SHIRKA LONDON
Shirkan Soomaalida loogu qabanayo London February 23-keeda, Dowlada Ingiriiska
sida eey sheegtey, waxeey ku martiqaadey madax sarsare oo mataleeysa in kabadan
40-Dowladood iyo heey’ado caalami ah oo eey ku jiraan: Qaramada Midoobey,
Midowga Africa, Midowga Yurub, Bankiga Aduunka, Urur Goboleedka IGAD, Ururka
Islaamka, iyo Jaamacada Carabta. Waxeey sidoo kale shirkan ku casuumtey: Dowlada
Federaalka ah ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Madaxweynayaasha Somaliland,
Puntland, Galmudug iyo madax mataleeysa Ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaacah (ASWJ),
iyadoo ula jeedaduna tahay sidii dadaal mideeysan oo caalami ah Soomaalida loogu
howlgali lahaa, looguna eegi lahaa sababaha iyo saameeynta mushkilada
Soomaaliya.
- Sawirka dhanka midig: (1) Feberaayo 02, 2012 xoghayaha arrimada dibadda
ee Britain, William Hague iyo safiirka Cusub ee Ingiriiska oo DFK la
kulmaya. (2) Hoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriiska Walliam Hague iyo
wafdigii Axmed Maxamed Siilaanyo, Addis ababa, Ethiopia 8th July 2011. (3)
Kulankii Labada Gole ee Somaliland
Aqristoow marka aad eegto maqaamka Aduunka eey ku leedahay dowladan quwada weyn
leh ee Ingiriiska ee shirkan abaabushey, iyo waliba ka qeybgalka Dowladahaa iyo
hey’adahaa caalamiga ah ee faraha badan iyo dhinacyada Soomaalida oo eey ku
jirto- Markii ugu horeeysey-Somaliland, waxaa la dhihi karaa waa shir Ummadeena
Soomaaliyeed ee rajo ku noolka ahi, yadadiilo, rajo iyo Himilo galinaya. Arimaha
ugu muhiimsan ee shirka looga hadli doono waxeey dowlada Ingiriiska ku sheegtey
7-Arimood in eey yihiin oo sidan kala ah:
- 1-Arimaha Amniga:- oo eey ku macneysey- Sidii taageero dhaqaale oo joogto ah
loogu heli lahaa, ciidamada Amison, ciidamada dowlada iyo qeybaha cadaalda.
- 2-Arimaha Siyaasada: - oo eey ku macneysey- Sidii la isugu raaci lahaa waxa ka
dambeeyndoona Dowlada ku meel gaarka ah iyo sidii loo sameyn lahaa, gudi mid ah
oo maamula dhaqaalada Soomaaliya loogu tala galey.
- 3-Arimaha Deganaasho ee
Gudaha: Sidii taageero caalami ah oo mideysan loogu fidin lahaa maamulada
Soomaaliya ka jira.
- 4-Arimaha La dagaalanka -waxa loogu yeero- Argagixisada: Dib
u cusbooneynsiinta dadaaal wada jir ah iyo sii looga hortagi lahaa qatarta ka
imaaneeysa Soomaaliya.
- 5-Arimaha Burcad-Badeedda: Sidii dhabarka looga jabin
lahaa qaabka burcad-badeeddu u shaqeystaan.
- 6-Arimaha Gargaarka Bini’aadamnimo:
Sidii dib loogu cusbooneynsiin lahaa wax ka qabadka xaalada bini’aadamnimo ee ka
jirta Soomaaliya,
- 7-Arimaha dadaalka wadajirka ah ee caalamiga ah: Sidii la
isugu waafaqi lahaa, si wada jir ah wax uga qabashada Arimaha Somaaliya.
Waxaase muhiim ah in si gaar ah loo eego arin muhiimad gaar ah leh, taasoo lagu
cadeeyey waraaqihii sida hordhaca ahaa looga diyaariyey shirkan London, taasoo
ah: Cadeynta Ingiriisku cadeeyey in eey ka go’an tahay, agtiisana Muqadas lama
taabtaan ah ka tahay Midnimada, Qaranimada iyo Madax banaanida wadanka
Soomaaliya, sidaa daraadeedna uu ugu casuumey Somaliland iyadoo uu u arko, in
eey tahay mid ka mind ah mushkilada wadanka Somaaliya. Arintan waxeey muhiimad
gaar ah u leedahay labo arimoodba:
1-Iyadoo suuqa ayaamahan eey ku jirtey in
Talyaanigu wado qorshe Soomaliya Maxmiyad lagu galinayo, taasoo hada meesha ka
baxeeysa,
2-Iyo in Ingiriiska uu ku qanciyey Somaliland ka qeybgalka shirka
looga hadlayo arimaha Soomaaliya, kadib markii booqasho maalmo ah magaalada
Hargeeysa eey ku joogeen biloowgii February ku xigeenka Safiirka dawladda
Ingiriiska ujooga Wadanka Ethiopia, ahna u qaabilsanaha arrimaha Somaliland ee
dawladda Ingiriiska: Ambassador Chris Allen iyo Matt Woods oo ah u qaabilsanaha
Xafiiska Siyaasada ee Safaaradda. Iyadoo sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo iyo
xoghayaha arimaha dibada ee Ingiriiska William Hague-na eey ku kulmeen
Adisababa, iyagoo madaxdaa Ingiriiska eey Somaliland ku qanciyeen labo arimood
oo kala ah:
A-In eey shirka ka siinayaan Qudbad dheer oo eey Qadiyadooda
caalamka ugala hadlaan, B-In eey fursad u helayaan in Madaxdaa halka meel isugu
imaaneeysa ee kasoo qeyb galeeysa shirkan ka dhaadhiciyaan Qadiyadooda Gooni isu
taaga ah Soomaaliland. Waa tan keentey in Labadda Gole ee Somaliland eey fadhi
wadda jir ah yeeshaan maalintii Axada aheyd, ee taariihkduna ku beegneyd
February 5, 2012, kuna ansixiyeen in eey xukuumadda Somaliland ka qaybgasho
shirka London ee arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo, sharcigii hore ee diidayey
ka qeybgalka shirarka Soomaalidana la badalo, iyada uu shir gudoominayey
guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland: Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdilaahi
(Cirro).
- Sawirka hoose: (1) Midig: Kulankii Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva
Kiir Iyo Shariif Sh.Axmed (2) Bidix: Kulankii Madaxweynaha Koofurta Suudaan
Salva Kiir Iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
 Waloow xaqiiqdu sidaa tahay oo Ingiriiskana warkiisu cadyahay, ayaa hadna
shacabka Soomaaliland waxaa loogu darey, in sida DALALKA kaleba loogu casuumey
shirkan, in iyana sidii DAL MADAXBANAAN loogu casuumey shirka. Caqligase wuxuu
sheegayaa, si caalamka Dal madaxbanaan ahaan kuugu tixgaliyaan, horta waa in eey
kuu aqoonsadaan Dal madaxbanaan. Isagoo arintan ka hadlayaa ayaa wasiirka
Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdulaahi Cumar, waxa uu Labada gole
u sheegey “In Dawladda Ingiriiska u cadeeysey maqaamka eey kaga soo qaybgalayaan
shirkaasi, isla markaana ay Somaliland ka mid tahay DALALKA faraha badan ee lagu
casuumay shirkaaasi”. Waxaa kale oo uu wasiirku warbixintiisa ku sheegay “In
madaxweynaha Somaliland laga siiyey hadal si uu aragtidiisa iyo talooyinka ku
aadan arrimaha Soomaalida kaga dhiiban doono, isla markaana uu hogaamiyeyaasha
caalamka ee shirkaasi ka soo qaybgalaya uu si toos ah ugu gudbin doono aragtidda
Somaliland iyo qadiyadeedda” isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri " Somaliland
shirkaasi waxay ka soo jeedin doontaa hadal dheer, oo nuxurkiisu yahay inuu ka
turjumo himilada qaranka Somaliland, oo ay si toos ah ula hadasho
hogaamiyeyaasha caalamka si ay qadiyadeena u taageeraan gacanna uga gaystaan”
wuxuu Waziirku yiri, “Waxeey fursad u tahay madaxweynaha Somaliland inuu la
kulmo 50-Dawladood madaxweynayaashooda, kalana hadlo qadiyada Somaliland.”
Hadii aan meel iska dhigno Mowqifkaa cad ee Ingiriiska, oo aan niraahno sida
waziirku sheegey ayaa xaal noqonayaa, umaleeyn maayo in eey dhib ku heyneyso
Dowlada Federaalka ah ee Ku meel gaarka ah, oo waxaa dhaceeysa oo kaliya, sidii
horeyba u dhacdey ee safarkii madaxweyne Shariif uu ku tagtay Koofurta Suudaan
ee uu kaga qeyb galayey xafladii maalintoodii xorriyadda ee ku beegneyd July9,
2011, ee nasiib daro laga dhinac casuumey Madaxweynaha Somaliland oo sheegta in
uu madaxweyne ka yahay gobollo ka mid ah dalka uu madaxweyne in uu u yahay
sheeganayey Sh. Shariif, calankiisii Buluugleyna ka dhinac babaday Calanka
Somaliland, tasoo sadex fasiraad uun midood noqon kartey: A-In goboladaas
go’itaankooda uu aqoonsadey, B-In kuwa casuumay eey wax isu hoos geliyeen, C-iyo
In wax farqi ahba eeysan u sameeyneyn gebi ahaanba. Taasoo xaqiiqdii nasiib
darro aad u weyn ah.
HALISTA SHIRKA LONDON
Ku dhawaaqista Shirkan London wuxuu shaki weyn iyo cuncun daran galiyey wadamada
Dariska, kuwa gobolka iyo hey’adaha caalamiga ah ee gacanta eey ugu jirto iska
maamulashada iyo koontoroolida Aayaha wadanka Soomaaliya. Waxeey ugu darneyd
markii Dowlada Ethiopia eey qarsan kariweeysey sida eeysan ugu niyad sameyn
shirkan, oo si cad ugu sheegtey wafdigii Mareykanka ahaa ee dhawaan booqanayey
Adisababa, iyadoo leh “Waa in la joojiyaa, howlaha gacmaha badan la iskala soo
galayo ee ku saabsan Arimaha Soomaaliya, kuwaasoo banaanka ka aha Ururr
Goboleedka IGAD.”, ileyn IGAD iyadaa Soomaaliya ku maamulatee.
Dowlada Ethiopia oo eey ka go'antahay in Soomaaliya marnaba eeysan xasilin oo
Nabad, Qaran iyo Midnimo eeysan waligeedna helin, ayaa markii shirkan uusoo
shaacbaxey, mid mid ugu yeertey Dhamaan Madaxda Qeybaha kala duwan ee
Soomaalida, waxaa ugu dambeeyey Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka socdey Maamulka
cusub ee Khaatumo iyo Madaxweynaha Soomaaliland ee Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo iyadoo kala hadashey arimo eey ka mid ahaayeen Shirkan London, inta
kalena hore ayey isu wada geeyeen, si hadii Shirkaas wax eeysan ka warqabin
Ethiopia ama eeysan raali ka aheyn laga soo hoos bixiyo, eey kooxahan u
fashiliyaan, isudiidaan dhexdooda, iskuguna khilaafaan, sidaana uga dhigaan
Shirkoo dhan mid fashilmey oo waxba eeysan kasoo bixin.
Dhinaca kale, Talyaaniga iyo Masar ayaa iyana la inalama tashan, oo inagaa
Soomaali caalamka kale uga dhow dhinac isula buusaya, sidaana ugu shirey
magaalada Qaahiro oo go’aan ku wada gaarey, sidii loo fashilin lahaa shirkaasi
London. Bal ogoow! Soomalli ayaa is heysa oo heshiin la' ayaa wax magaradka loo
sheegaaye, waa wadan dano shisheeye u afduuban mudo 20yrs+ ah.
Waxaa iyana jirta, in Shirkan eey si gaar ah isu wataan oo qorsho eey isla wada
ogyihiin uwada ololeeynaya, sidaa darteedna isugu gaaryeeley qabanqaabada iyo
wada tashiga shirka, wadamada kala ah: Ingiriiska, Mareykanka, Itoobiya, Kenya,
Yugaandha, Faransiiska, Noywey, Sweden, Qatar, Imaaraadka, iyo labo hey’adood oo
kala ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa, waxaana si gaarka ah Darbiga
loogu riixey, wadamo si gaar ah lug ugu leh arimaha siyaasadeed ee Soomaaliya
sida: Eriteriya, Masar, Sacuudi Carabiya, Jabuuti, Shiinaha iyo Ruushka, iyo
labada hey’adood ee kala ah: Jaamacada Carabta iyo Uruka Islaamka.
Dhinaca kale marka aad eegto, koobitaanka lagu koobey casuumaada shirkan,
Madaxda dowlada iyo madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasoo Xafiiska Siyaasada ee
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNPOS) uu roadmap-ka inta soo diyaarsadey
isagoon kala tashan usoo dhiibey, eey tahay qalad halis ah, iyo bahdil ula kac
ah, oo hore loo qorsheeyey, laguna sameeynayo Ummada Soomaaliyeed. Maxaa yeeley
Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey (UNPOS) oo isaga sheegta in uu masuul ka
yahay siyaasada soomaaliya, TFG-duna eey isaga uga dambeeyso arimaha Soomaaliya,
ayaa qorshihiisu yahay in uu isaga oo kaliya soo gudbiyo magacyada shaqsiyaadka
iyo kooxaha ka qeeyb galaya shirkan London, si eeysan shirkan marnaba uga soo
bixin wax ka hor imaanaya qorshaha siyaasadeed ee UNPOS dalka Soomaaliya ku
hogaamiyo, iyo qaabka Masiirka wadankaa oo dhan gacanta eey ugu heysato intaba,
maadaama madaxda dowladu sidii Rati leeylisan oo Baabaco Dheera ah, Dacay ugu
lalineeyso.
Bal u fiirso, Doodwadaagii November 28,2011-dii lagu qabtey Madaxtooyada taasoo
wadaxweyne Shariif su’aalo muhiim ahaa lagu weydiinayey, ee uu daadihinayey
TV-ga Universal iyadoo eey howsha la wadaageen Xarunta Cilmibaariska iyo
Wadatashiga ee (CRD), ayaa madaxweyne Shariif isagoo isku dayaya in uu qiil u
yeelo is dhiibitaankiisa, kadib markii la weydiiyey, in Xafiiska Siyaasada ee
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya “United Nations Political Office for Somalia
(UNPOS)” eeysan idinkala tashanin hadii aad tihiin Dowlada ku Meelgaaka ah
Arimahan Roadmap-ka, waqtina eeysan idiin siinin si aad si taxadar leh ugu
eegtaan roadmap-ka iyo ka qeyb galayaasha shirka, ayaa Madaxweynuhu wuxuu ku
jawaabey “Ma lihi khiyaar kale oo aan aheyn in aan sidaa ku raaco, si aan la
iigu arag nabad-diid!” - Dabcan kadibna aan kursiga looga qaadin-.
Ra’iisulwazaaraha Abdiweli Gaas isagana February 03-deedii 2012-kan isagoo
Nairobi jooga ayuu lahaa "Hal ujeedo ayaan u tageeynaa halkaas (Shirka London),
waana inaan ka dhaadhicino beesha caalamka inay taageero siiyaan qorshaha
Roadmap-ka, waana taas oo qura waxa aan dooneyno oo dhammaan madaxda dawladu
isku raacsanyihiin".

maxaa harey oo loo wada hurguri taagayaa

Sadar muuqda suaal ka dhan
Dowladda Ingiriiska lafsad ahaanteeda iyadoo quwado kalena wakiil ka ah, ayey
tartan kugula jirtaa Soomaaliya qaar ka mid ah Dowladaha Caalamka, oo ay ugu
horeyso Dowladda Turkiga, oo meesha soo gashey iyadoo ka dabaaqtameeysa
walaaltinimada Islaamka iyo taariikho hore ee waqtigii Dowladii Cuthmaaniyiinta
iyo Abaalkii Hogaamiyihii islaamka ee Axmed Gurey. Sidaa daraadeed iyadoo
Mareykanka iyo Midowga Yurub markii horeba Xasaasiyad weyn ka qabeen Ummadan
100% Muslim, Sunni, Imaamu Shaafici wada ahaa, ee 20+yrs si arintaa loo badalo
qorshooyin badan lagu fuliyey Soomaaliya, in hadda Turkiga oo eey ka guuxeeyso
Khilaafah Islaamiyah dib shucuurtaa usoo celiyo waa waxa uu ka dhiidhinayo
Ingiriisku. iyadoo eey sii dheertahay Shidaalkan Soomaaliya iska dhex ceeygaaga
oo Shirkadihii Australian-ka ahaa ee fadeexada weyn ka dhalatey, Kheyraadka
Soomaaliya dhinaca Punland ka boobayaan, halka Kenyana qeybta Badda Soomaaliya
shidaalka laga heley iska fujisaneyso. Marka Ingiriiskana wuxuu doonayaa in aan
loogu dhawaan kheyraadkaa muhiimka ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Waxaa iyana jira Kooxo si hoose isu gaashaan buursanaya, xoogana saaraya in aan
Nidaamka Federaalka ah aan la badalin. Qoladan oo sadex koox ka kooban ayaa
shirka dhinacooda ka sadbursanaya, intii karaankooda ah: 1-Qolada koobaad waa:
Wadamada dariska ah sida Ethiopia iyo Kenya, kuwaasoo danahooda Qaran darteed,
si aad ah uga soo horjeeda, xaqiiqdiina hortaagan Qaran Soomaaliyeed oo leh
Dowlad dhexe oo xoog leh. Waxeeyna qabaan hadii Soomaaliya lagu ilaaliyo Dowlad
taagdaran ama kadarane mid ku meelgaarnimo kusii darsatey, ciidankeeda oo dhanna
lagu koobo 10,000 oo kaliya, maamul gobolleedyo qabaa’illo is diidan ku dhisan
oo aad u farabadanna Soomaaliya laga dhexsameeyo, waxeey meesha ka saareeysaa in
Soomaaliya dib usoo nooleyso mabda’ii ahaa “Soomaaliweyn’ taasoo keeni karta in
gobollada Ethiopia iyo Kenya eey ka gumeeystaan Soomaaliya, dib la isugu dayo
kusoo celinta iyo ku mideynta Qaran weyne Soomaliya eey ledahay. 2-Qolada Labaad
waa: Kooxo Soomaali ah oo dhuuxa uu ka galay naceybka Qabyaalada kusaleeysan,
xukun jaceeylna uu waaley, oo xeeyndaab yar oo loo Oodo Madaxweyne-na loogu
heeso waxkasta siisanaya. Kuwan waxeey aaminsan yihiin hadii dowlad dhexe oo
awood lihi eeysan meesha soo galin, danaha qabiil in eey gaari karaan. 3-Kooxda
sadexaadse waa tan ugu halissan, waana Mareykanka iyo Midowga Yurub, kuwasoo
taageera labada kooxood ee kore, dhaqaale xoogana ku bixiya, iyagoo eeganaya
dano mustaqbalka fog ah. Nasiib darase tan micnaheedu waa in Mareykanka iyo
Midowga Yurubba eey Ethiopia iyo Kenya awood u siinayaan bahdilka, iyo dulleynta
Ummada Soomaaliyeed iyo Soomaaliya sida eey hada tahay in eysan waligeed ka
bixin oo Ethiopia-na eey ku heesto “Sacan weydda ah mar ayuu ii Ruqdaye, yuusan
igu hinqanin oo igu kicin!”
GABAGABO IYO GUNAANAD
Shirkan intaas oo dano shisheeye oo gaar ah, oo wada guracani is dhinac
yaacayaan, waa xaqiiq in eeysan kasoo baxeynin waxa Ummadeenu sida dhabta ahi
ugu Oomantahay, taasoo ah soolaabashada Qaranimadii dhabta aheyd, Sharaftii iyo
Karaamadii eey caalamka ku dhex lahaayeen.
Xaqiiqduse waxeey tahay, Soomaaliya waxaa badbaadin kara oo kaliya Wadaniyiin
Soomaaliyeed oo garasho iyo howl karnimaba leh, waxkastana u hura, oo danaha
qarankooda iyo tan Ummadooda ka hormariya waxkasta. Danjire: David Shinn ayaa si
sax ah u yiri “Waxaan ka qabaa shaki weyn in mushkilada Soomaaliya eey
dhamaaneeyso, illaa laga helayo in Soomaalida danahooda eey iyaga ka tashadaan,
wadankooda gudihiisana ku shiraan, oo dhaqaalahooda ku baxsadaan, iyada oo
shisheeyuhu eeysan walaaqeeynin!”
“The greatest asset of a country is its people”- William Hague
Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
TIXRAAC
1-http://www.youtube.com/watch?v=kAEzWU4a3wI,
2-http://www.fco.gov.uk/en/news/somalia-conference/,
3-http://www.geog.ucl.ac.uk/research/mobility-identity-and-security/migration-research,
4-unit/pdfs/SYDRC%20May%20conference%20report.pdf,
5-http://piracy-law.com/2012/02/02/london-conference-on-somalia-23-february-2012/,
6-http://maritimesecurity.asia/free-2/maritime-security-asia/london-somalia-conference/,
7-http://allafrica.com/stories/201202060417.html,
8-http://allafrica.com/stories/201202062200.html,
9-http://www.youtube.com/watch?v=oMwjfXBed5E,
10- http://www.Aminarts.com
###
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2012
|