SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

Holland: Maxkamad u socota xildhibaan reer Holland oo Quraanka iyo Nebi Muxamed NNKH Aflagaadeeyey

iyo Filim dukumiinti ah oo ninkaas ku saabsan oo uu soo bandhigay BBC Telefishan...

Geert Wilders waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Netherlands  (Holland), waxana uu hoggaamiyaa xisbiga lagu magacaabo Party for Freedom (PVV).

Ninkaas oo ay ka buuxdo Islaam nacayb aad u xoogbadan waxaa mar loo diidey in uu galo dalka Ingriiska. Waxa uu aflagaadeeyey Quraanka Kariimka, waxa uu aflagaadeeyey Nebi Muxamed Nabad gelyo iyo Naxariis Allah korkiisa ha yeelee. Ninkaasi waxa uu ku baaqay in Quraanka laga mamnuuco dalka Holland iyo in cashuur (tax) lagu soo rogo khimaarka ay xirtaan dumarka muslimiinta ee ku dhaqan Netherlands. Waa siyaasiya keliya ee reer Netherlands oo maxkamad lagu soo taagey in uu hurinayo colaad nacayb (incitement to hatred).

Barnaamij dheer ayaa TV-ga BBC waxa uu ka diyaariyey ninkaas. Hoos ka daawo, waa afar qaybood.

Geert Wilders: Europe's Most Dangerous Man?

Ama ka daawo halkan: http://www.livingscoop.com/watch.php

  • Waraysi ay sannadkii hore June 2010 Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) la yeelatay Eng. Maxamed Cali Cibaar oo ku saabsan doorashii xilligaas ee Holland HALKAN KA DHEGEYSO

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: