Farmaajo oo lagu Fariisiyey Kursigii...
Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG), Maxamed
Maxamed ayaa December 14, 2010 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay
ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin
waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka
dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay
in uu ku tago magaalada Addis Ababa ee lka Itoobiya.
Sida ay shaacisay warbaahinta Addis Ababa, ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu
ka qayb gelayaa shir loogu magac daray “kulankii 5aad ee shirk federaalism-ka
“5th International Conference on Federalism (ICF). Zenawi waxa uu kulankaas
shanaad ku tilmaamay mid taariikhi ah, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho
xukuumadda Itoobiya, ENA.
Xubnaha
DFKMG ayaa marka la doorto waxaa dabeecad u noqotay in ay durbadiiba
booqasho ku tagaan magalaada Addis Ababa si ay ula kulmaan Meles
Zenawi.
Zenawi
ayaa dabeecad ka dhigtay in uu madaxda Soomaalida ku fariisiyo kursi isku mid
ah, ayagoo badanaa u fariista qaab isku mid ah. Halka marka uu qaabilayo madaxda
kale ee Afrika uu ku qaabilo qaab taas ka duwan, sida ka muuqata sawirka dhanka
bidix oo ah Zenawi oo Dcember 14, 2010 magaalada Addis Ababa kula kulmay
madaxweyna Dalka Suudaan Cumar Al Bashiir iyo madaxweyna Rwanda Paul Kagame oo
labaduba ka qayb gelayey shirka uu ka qayb galay Farmaajo.
Itoobiya waa dal deris la ah Soomaaliya, islamarkaasna ay gumaystayaashii
reer Yurub ku wareejiyeen qayb baaxad weyn oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.
Akhri: Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Somaliland oo la kulmay Zenawi
Ra'iisul
Wasaaraha xukuumadda Itoobiya ayaa November 18, 2010 waxa uu magaalada Addis
Ababa kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) oo halkaas oo ku tegey booqasho saddex maalmood ah, kaddibna uu uga
sii gudbey dalka Ingriiska.
Sida ay werisey warbaahinta xukuumadda Itoobiya ee ENA, Meles waxa uu kala
hadlay xiriirka wadashaqayneed in la sii xoojiyo, waxana uu sheegay in uu
Somaliland kala shaqaynayo xagga ammaanka, nabada, ganacsiga iyo isgaarsiinta.
ENA waxay intaas ku dartay in maadaxweynaha Somaliland dhankiisa uu sheegay in
uu xoog saari doono sii wanaajinta xiriirka Itoobiya iyo Somaliland.
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada
Itoobiya" sidaas waxay ku caddahay barnaamijka u deggan Wasaradda Arrimaha
dibadda Itoobiya oo ay
December 2006 sida rasmiga ah u faafisay.
Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Gumaysiga
Itoobiya
Kulan
ay Khamiis August 12, 2010 yeesheen Meles Zenawi iyo Guddoomiyaha Ururka UWSLF
Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa Meles Zenawi waxa uu si jees-jees ah ku yiri
"Dawladda Federaalka Itoobiya waxaa ka go'an in ay horumariso nolosha
SHACABKA Soomaaliyeed," maalin ka horna (Aug 11, 2010) waxaa Zenawi sheegay
in uu ciidamadiisa markale u dirayo Muqdisho "haddii laga fursan waayo."
Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC)
oo waraysi ku saabsan kulanka Zenawi la yeelatay Sheikh Ibraahim ayaa yiri
"Kulanku waxa uu socdey muddo hal saac ah waxana uu tibaaxay dhinacyo badan, oo
ay kamid tahay geeddi socodkii nabadda ee aan soo gabagabaynay iyo sida ay
labada dhinac isku aragtida uga ahaayeen oo aan iskula qiimaynay mid aad iyo aad
u najaxay ee saameeyey oo aan ahayn keliya gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo
dhan laga dareemay heshiiskaas iyo faa'iidada uu keenay. Waxa kale oo aan isla
soo qaadnay gobolka Soomaalida oo 18-kii sano ee tagtay ay dagaalo kadib rideen
gobolada kale ee Itoobiya inuu u baahan yahay horumarin iyo dardar gelin shanta
sano (5) ee soo socota, oo dhan walba oo kaabayaasha kala duwan ee nolosha ah ee
burburay, hadday tahay caafimaad, waxbarasho, waddooyin iyo electic, taas oo
labada dhinacba aan isla qaadanay in ay tahay ajandaha (qorshaha) noo yaal 5-ta
sano ee soo socota."
"Geeddi socokii nabadda ee aan soo bilownay 2-dii Febraayo 2010 ilaa hadda oo
ah 12-kii Agoosto 2010 waxay ahayd muddo aan wax ku daraasayn karno oo aan ku
qiimayn karo dhinaca Itoobiya isbedelka ka jiro "Runtii waxaa noo soo baxay
Itoobiya gobolka siyaasadihii hadda ka hor ku wajahnaan jirey iyo kuwa maanta
18sano kaddib in ay kala duwan yihiin. Tusaale ahaan ilaa 7-jeer oo hore ayaan
wada hadalay, wadahadaladaas waxaa kow ka ahaanjirey qoriga soo dhiib, sidaan
yeel, waan ka raayey, waan diley, waan xiray, waan qabtay, laakiin maanta runtii
arrimo taas ka duwanayaa nooga muuqda, oo ku salaysan horumar, dhaqaale,
Interest ayaa nooga dhex muuqda, ilaa maanta oo aan heshiiskii kala saxiixanay
oo aan nala weydiin hubkii jabhadda, taas waxay ku tusaysaa in Itoobiya ay ka
go'an tahay in ay dadka la heshiiso."
"Intii aan la fadhinay ra'iisul wasaaraha waxaan ka dareenay wax la yiraaho
ITOOBIYADA CUSUB oo uu aad ugu soo celceliyey oo uu xusay Itoobiyadii hore iyo
siyaabaha ay ahayd, dhinacna waxaad moodaa in uu jiro dareen ah ah waxaa la
joogaa waqtigii la is fahmi lahaa oo wax la dhisi lahaa, oo aan wax la
burburiyeen."
Sheikh Ibraahim isagoo ku sugnaa Addis Ababa oo ka jawaabay su'aal la
wydiiyey ayaa yiri "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u
dhashay ayaan nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno
iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo
naga mancinayaa ama noo diidaya in aan dhan kasta ka qayb qaadano, aadna waa
naloola jecel yahay in aan ka qayb qaadano, waana uga mahad celinaynaa
ismaamulka Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin in aan wax walba uga qayb
qaadano." Sii Akhri....
Sh. Shariif oo la kulmay hoggaamiyaha xukuumadda Itoobiya ee Cadaawadda
Soojireerka ah kala dhexeyso Soomaaliya...
Zenawi oo la kulmay madaxweynaha DFKMG xilli IGAD ay UN-ka
weydiisatey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah oo ay ku jiraan dalalka
Safka hore...
Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa markale magaalada Addis Ababa
ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeelgaarka Sheikh Shariif.
Zenawi waxa uu kulankaas ka sheegay in uu fulinayo go'aankii ka soo baxay
IGAD, "marka laga reebo in ciidamo uu u diro Dalka (Soomaaliya)", ayuu yiri
Zenawi oo hore ciidamo ugu diray Soomaaliya, oo uu hore u qiray in ay
dagaaladdii Soomaaliya kaga dhinteen dhawr boqol oo askari (waa sida uu
qirsanyahay'e).
C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, oo (July 6, 2010) u waramayey
Idaacadda wararka ufaafisa Maraykanka ee Codka Marayanka (Voice of
America) ayaa yiri "Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas
aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda
Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay
hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi'iyo."
Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa
(July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka
imanayaan "dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn
dadka Soomaaliyeed".
Dr. Raabeh oo SomaliTalk u
warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn
taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: "Nimanka madaxda ka noqonaya
Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh
Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo
xabashi daba socoto warba kama hayaan."
Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010
Sawirka sare waa Sheikh Shariif oo la fariisiyey kursiga Zenawi, July 6, 2010
xilli ay dhul Soomaaliyeed ku jiraan gacanta Gumeysiga Itoobiya, taasoo ay
dheertahay in ciidamadii Zenawi u soo diray Soomaaliya kaddib markii ay Sheikh
Shariif kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa ka saareen Muqdisho ay halkaas ka
geysteen xasuuq ba'an dagaal socdey 749 maalmood markii dambena ay
shacabka Soomaaliyeed xoog dalka uga saareen ciidankii gumeysiga Itoobiya.
Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo
ciidan ah
Shirkii ururka la baxay IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa
(July 5, 2010) laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay go’aamadii shirkaasi
ka soo baxay, ayada oo IGAD ay golaha Ammaanka ee qarammada midoobay ka
dalbanayaan in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu tahay 20,000 oo
askari.
Qodobkaas waxaa ku xusan in shirku “go’aansaday in lala shaqeeyo dhammaan
qaybaha oo ay ku jiraan AMISOM iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay si
ciidamo gaaraya 20,000 oo askari loogu duro guud ahaan dalka (Soomaaliya) oo
dhan.” Waxaa warsaxaafadeedku intaas ku daray “in (dalka Soomaaliya) loo
diro ciidamo soo farageliya oo ay ku jiri karaan dalalka deriska ah.”
Idaacada wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting
Corporation oo arrinta ciidankaas 20,000 wax ka weydiisey wasiirka dhowaanta
loo magacaabay wasaaraadda Arrimaha Dibadda DFKMG, oo durbadiiba safar ku
tegey Addis Ababa, ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ka mid noqon doonin
ciidamo Itoobiyaan ah. Yuusuf Dheeg oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri
“Ciidamada Ethiopia hore ayey u yimaadeen (Soomaaliya), haddana waa ka
bexeen, marka ciidamo Itoobiya ah oo imanay majirto, laakiin ciidamada kale
ee East Afrika iyo West Afrikca ee hadda aan mushkilad xuduudeed iyo
mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed ayey ka imanayaan.”
Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in
ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan
ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey
gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid
ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay
magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka
mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa,
oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu
dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.
Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga
saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey
Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa
inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley
dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa
intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).
AKHRI: Wareegtadii
ka soo baxday IGAD July 5, 2010.
Taariikhda Geeska Afrika:
Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano
(1936-1941)
Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen
gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin,
waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey
muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa
loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan.
Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen:
Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor
Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in
“markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in
xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay
dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la
siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan
taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu
Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu
Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan
sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa
keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro
taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by
fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku
faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la
gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country
that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa:
Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama
(Italy colonized Ethiopia for five years).
Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu
qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian
nation is something of a rarity in Africa – an independent country
that has managed to avoid colanization by a western power (other
than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the
twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan
ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka
laga reebo shan sano oo ay haysteen faashiistihii Talyaaniga
bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in
la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan
sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow
faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda
laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.
Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay
Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida
gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo
ilaa hadda loo adeegsado.
Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in
shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin
khariidadda.
Let us rewrite Somalia history: “Brief History: The
Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent
country that has managed to avoid colanization by a western power
(other than a one-century occupation by Qabaliyah)”
.
Daawo Filim
laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo
Faafin: SomaliTalk.com / July 6, 2010
|