“Siyaasadda guri baa loo iibiyaaye, guri
lagama dhisto,” Marxuun M.I Cigaal
Sawirro badan oo la socdey qoraalka
halkan ka daawo
Subaxnimadii 25 January 2008 ayaannu
ka soo kicitinnay xarunta Acadeemiyadda
Nabadda iyo Horumarinta (APD) ee
magaallada Hargeysa, aniga, Boobe Yuusuf
Ducaale, Abwaan Yuusuf-Shaacir, inan u
shaqeeya APD oo camareman ah oo la
yidhaahdo Axmed iyo dhowr nin oo kale.
Waxaannu wadanney laba gaadhi
landcruiser iyo surf ah. Waxaannu afka
saarnay galbeed, waxaannu qaadnay
laamigii dheeraa ee Laascaanood Ilaa
Hargeysa isku xidhnaa (Somaliland
dhexdeeda ah), weli Gabiley iyo
Kalabaydh dhankaa galbeed uma dhaafin,
xagga Itoobiya marka laga reebo, laamigu
aad buu u burbursanaa, oo gaadhigu si
toos ah iyo xawaare joogtaha toona ku
socon maayo, dhowr magaalo markii aannu
sii marnay, istab kasta oo aannu isa soo
taagno waxa nala lahaa ma weftidii baad
la socoteen, waxa hortayo baxay in ka
badan 50 gaadhi oo ay wateen wasiirro,
siyaasiyiin, madaxdii xisbiga Kulmiye,
Udub iyo Ucid, malaha anagaaba ugu
dambeynay oo sideedii subaxnimo marayna,,
laga yaabee.
Waxaannu soconaya, markii dambe
ayaannu gaadhnay degemada Dila oo
laamigii aannu haynay uu halkaa ku
dhammaaday, sawir-maskaxeedka aan ka
haystay Dila wuxuu ahaa inay ku taallo
galbeedka Boorama, hase yeeshee
maalintaa ayey beenowday. Waxay ku
taallaa wadada u dhexaysa Hargeysa iyo
Boorame, Inta kale waxay la mid tahay
magaalooyinkaa laamiga ku yaal, wax gaar
ah oo aan ka tilmaamo waa laamiga dheer
ee Xamar ka soo bilaamaa inuu iyada ku
dhammaado. Waxaannu galnay waddo jay
ah oo god god badan, dhagax dushii la
marayo, goor dambe ayaa dhankaa bidix
waxa naga qabtay buuro waaweyn oo ay ka
mid tahay buurta Saw, iyo Subulaha.
Waakuwii ku jirey gabayga Gaarriye ee
Saxansaxo ee uu kulahaa:
Lix gu' baan Safeeriya fadhiyey Sool
anoo rabaye
Subulaha galbeed iyo lix baan Sibidhlay
taagnaaye;
Saax-dheertan taakada jirtiyo Saawba
waan gabaye
Siyaabliyo iniintaan ku riday Suuftu may
bixine.
Kuwaas oo markii hore aann u haystey
meelo magacood, haddase noqday Buuro ku
yaalla jidka Boorame loo maro. Boobe
wuxuu i tusay geed ilaa kiiloo mitir
xagga galbeed wadada ka xigey oo uu
yidhi waxa mara xadka Itoobiya iyo
Somaliland; kaas oo runtii aad iiga
yaabiyey sida uu ugu soo dhowaaday jirka
Boorame loo maro, markii dambese aan ka
arkay khariidadada Somaliland.
Laba saacadood oo keliya markii aannu
Hargeysa ka soo soconnay, ayey noo
muuqatay Boorame oo ahayd meeshii
safarkayagu ku ekaa. Boorame, yaab kale,
weli wadadii jayga ahayd ayaannu haynaa,
Sawir-maskaxeedka waxa iigu jirey in
Boorame ay ku taal dhulciideed dooxooyin
iyo dhir waaweyn oo gob ahi ku yaallaan,
meel isku siman oo kayn iyo dhir badan
leh; taasina waa beenowday, oo waxay
noqotay magaallo ku taal buur dusheed,
oo halka Hargeysi ay buuruhu sida
Madiina afarta dacal kaga wareejisan
yihiin, Boorama iyadu buur yar ayey
afarteeda dacal uga dhacday, buuro
kalena dusha sare oo aad uga fog ayey
kaga teedsan yihiin. Waa magaallo aan
lahayn daaro dhaadheer oo badan sida
Hargeysa, aadna uma weyna magaallo ahaan.
Laami keliya kuma dhex arag intii aan
marayey inkastoo aanan ku raagin.
Markaannu magaallada soo galnay ayaa
la yidhi ina geeya Huteelka Rays, kolley
halkaa ayaa la iska raacayaaye, sababtoo
ah kolanyadii baabuurta ahayd dib
ayaannu uga yara dhacnay, waxaannu soo
dhex qaadnay magaalada dhexdiidii,
xoogaa markii aannu soconay oo la i
barayo magaallada ayaa guri dhanka bidix
naga qabtay oo deyr ku meersan yahay, la
igu yidhi waakan “Gurigii Daahir Riyaale”,
mid kalena wuxuu yidhi “Aafadda Togdheer
baa la yidhaahdaa guriga”. Waa guri
kaanbool ah oo leh deyr yar oo ku
wareegsan, waxaanay ii raaciyeen xooggaa
xasarad ah oo ahayd, inuu gurigan Ina
Riyaale dhistay isla markii uu noqday
Madaxweyne ku xigeenka, wakhtigaas oo
guddoomiye u ahaa guddidii Aafada
Togdheer; waxay ii sheegeen in wakhtigaa
uu Riyaale Guriga dhistay Marxuun Cigaal
maqlay oo ku yidhi “Siyaasadda guri baa
loo iibiyaaye, guri lagama dhisto,”. Si
kastaba gurigaasi ha ku dhistee, ku
filan haddii uu xilka waayo, gef iyo
godob toona aannu dalka ka gelin, oo uu
noqdo madaxweynihii hore ee
Somaliland... sharafna ugu filan.. kol
haddii aannu ku sii waarrayn..
Aan yara hakiyo qoraalka; oo ujeedada
socdaalkayagii Boorame idinku celiyo;
Waxaannu ka qayb gelaynay jinaasadii
Marxuun Abwaan Xasan Shiikh Muumin, oo
Alle ha u naxariistee, ku geeriyoodey
dalka Norway, si weyn oo maamuus lehna
ay u soo gelbiyeen meydkiisa
Jamhuuriyadda Jabbuuti oo diyaarad khaas
ah soo saartay, calan iyo billad
sharafna soo raacisay, wefti ballaadhan
oo uu ka mid ahaa la taliyaha
madaxweynaha dhinaca dhaqanka iyo
suugaanta way la socdeen. Waxaannu ka
mid ahayn labadayadii gaadhi koloyo
baabuur ah oo jinaasadda abwaanka
Hargeysa uga soo kicitimay, waxa ka mid
ahaa; guddoomiya Kulmiye Axmed Madaxmed
Maxamuud (Siilaanyo), Cabdiraxmaan
Aw-Cali, Iskeerse, Wasiirka Xidhiidhka
goleyaasha Cabdi Xasan Buuni, wasiirka
warfaafinta Axmed X Daahir, wasiirka
madaxtooyada Nuur Amiin, wasiirka
macdanta iyo biyaha Qaasim Sh. Yuusuf;
qoraa sare, Boobe Yuusuf Ducaale, Dr,
Maxamed Rashiid Sh. Xasan, abwaan Yuusuf
Shaacir, Maxamed Aadan Dacar, Abwaan
Cabdiraxmaan Dheere, suxufiyiin caan ah,
fanaaniin, indheer garad, aqoonyahanno
iyo dadweyne farabadan.
Waxaannu tagnay, madaarkii Boorame –
Aden Isak International Airport - Dadkaa
Hargeysa iyo daafaha dalka isaga yimi,
waxa dheeraa bulshadii reer Boorame oo
si weyn ugu soo baxday jinaasada, yar
iyo weyn, dowlad iyo dadweyne, mucaarid
iyo muxaafid, aqoonyahan iyo suugaan
yahan, askar goobta nabadgelyadeeda iyo
anshaxeeda dhowraysey; waxay ahayd madal
tacsiyeed, aad loogu qiiraysnaa
haldooraa geeriyoodey, saxaafadda ayaa
abwaannada waraysanaysey intii
diyaaradda la sugaayey, oo gabayo
baroordiiq ah iyo kuwo taariikhdii
abwaanka ka hadlaaya tirinaayey,
qaarkoodna taariikhdii abwaanka iyo
wuxuu ahaa ayey ka hadlayeen.
Abwaanka waxaa ku tukaday dad
kumanaan gaadhaya oo markii dambena u
sii gelbiyey hoygiisii negaashanaha
isagoo calankii Somaliland huwan,
hareerahana ay hayaan gacalkiisii uu
ifka kaga tegey, wuxuu ahaa aaskii iigu
horreeyey ee dad intaa le’eg isugu soo
baxeen, isaga iyo kii Maxamed Ducaale (Dhoolayare),
Suldaan Maxamed Cabdi Cali, iyo
xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo
intaba loo sameeyey aas qaran oo aan ka
qayb galay.. usha cirka loo tuuraa
dhulka uma dhacayn...
Marxuunka waxaa la bud-dhigey
goobtii lagu aasay aabbihii Sheekh
Muumin, oo ku taallay badhtamaha
magaallada Boorame. Waxaanna uu
Somaliland iyo Somalida kaleba kaga
tegey taariikh lama ilaawaan ah, suugaan
murtiyeed hogatus iyo hiyi-korin ah.
Wuxuu ahaa wadani mu-hindis ah, ababshe
luuqadyahan ah, haasawshe kaftan
yaqaanna, macallin taariikh yahan ah,
aqoonyahan indheer garad ah, la-hiigsade
holdoor ah, wuxuu ahaa,, wuxuu ahaa,
intaan sheegay iyo inta maankaaga ku
jirta ee aan maqaalkan ku dhaafay. Alle
ha kuu naxariisto...
Mar haddii jinaasadii laga soo
dhamaaday maxaa hadhay, dib u noqosho.
Waxaannu dib ugu soo noqonay huteelkii
bilicda badnaa iyo doogga quruxda badan
lahaa, waa Rays huteel – five star hotel
Boorama – dadkii goobta wada joogay
sugitaankii meydka iyo aaskiiba, markii
huteelka Rays la yimi si loo sii qadeeyo
tegitaanka ka hor, waxa loo kala
fadhiistay laba kooxood, mid uu
hoggaaminayo Siilaanyo oo Kulmiye
Boorame la qadaynayey iyo wasiiraddii
iyo weftidii meydka la socotay oo iyana
goob fadhiistey, waxaana kaftan iyo
dacaayad aan kala go’ lahayn halkaa ka
jeedinayey La-taliyaha Madaxweyne Geelle,
oo ahaa nin kaftan badan oo waayo
aranimo badan u lahaa dhaqanka,
taariikhda iyo dadka reer Boorame iyo
Somaliland ba.
Boobe Yuusuf Ducaale na wuxuu halkaa
waraysi ku siiyey telefiishannada
Boorama iyo Hargeysa oo uu kaga
waramayey taariikhdii iyo mahadhadii
murxuun abwaan Xasan Sheekh Muumin.
Labadii galabnimo ayaannu ka soo
baqoolnay Boorame. Socdaal taariikhi iyo
ajarba lahaa ayuu ahaa, 25 January
2008.....