SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOCDAALKII SULDAAN

Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland

Qore: Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 
aftahan@gmail.com 


Qaybtii 1-aad.

Waa faras abaar ka soo doogey oo caato ah, waxaan ku galay Dhoqoshey, 2 June 2008Labadii January 2008 ayaan safar dheer oo ii sii qorshaysnaa ugu baxay Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan muddo dhowr iyo toban sano ah moogganaa.  Waxa iigu dambaysey 1997kii, markii dib mar labaad loogu doortay  Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal.  Qormadan oo taxane noqon doonta ayaan ku eegi doona safar dheer oo laba iyo toban bilood ah, oo Somaliland gobolladeeda oo dhan ah, oo sawir iyo muuqaal ba ah. Qoraalkan waxaad ka dhex heli doontaa safar ka soo bilaami doona Boorame iyo Adan Isak International Airport, Aaskii Qaran ee Marxuun, abwaan Xasan Sh. Muumin, Huteelka Rays ee bilicsan,  Gurigii Ina Riyaale ee Boorama ee ay ku soo baxday (Cigaal ku lahaa) “Siyaasadda guribaa loo iibiyaaye guri lagama dhisto”, Hargeysa iyo burburkii Qaraxyadii 29 October, shirweynihii Xisbiga Kulmiye,  bilicda iyo horumarka caasimadda,  . Berbera iyo haama shiidaalka, iyo badda-cagaha geli,  Buurta Sheekh iyo diidmadii la ii diiday inaan sawirto “Wasiirka dalxiiskaa diiday” askartii istabta sheikh. Sheekh Secondary School iyo warbixin iyo muuqaal qurux badan oo aan ka soo qaaday.

Burco iyo waayaheeda; lacagta qaynbaarta iyo cidda kaantaroosha, xadhigaygii derejo diidka ahaa, diidmadii calan sawirrashada; Jaamacadda Burco, Wakaaladda Biyaha Burco, Mudaharaadkii 15 May 2008 ee lagu eryey badhasaabkii hore Cabdi Xuseen Dheere iyo waayihii ku xeernaa, ololihii Diiwaangelinta, cusbitaalka Maandhaye ee Burco iyo hawlihii ururka TAF. Shirweynihii Doorashada Kulmiye iyo wixii ka dhacay. Qoryaale Secondary School oo aan dhisidiisa qayb ka qaatay. Taallabuur iyo geel-kiis la kala qaadanayo oo ahayd magtii ugu horreysey ee aan xaadir u ahaa.  Dhoqoshey iyo goobtii taariikhiga ahayd ee lagu soo baqtay Argagixisada uu watey Jaamac Kuutiye, Sool: Ood iyo fadhiisinka ciidamadda Somaliland, Caynaba iyo ceelkii taariikhiga ahaa; berdihii weynaa ee Wadaamogoo.

Sanaag: Gar-adag iyo shirweynihii HJ iyo waayihii ku xeernaa;  Baabuurtii kurta laga jaray, geeridii Suldaan Maxamed Cabdi Cali iyo eryidii Boqor Buurmadow; heshiisiintii Siilaanyo iyo Saleebaan-nuur;  Khudbadii Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali,  iyo xidhitaakii shirkaa.

Socdaalkaygii beriga iyo waayo aragnimadii aan ka soo qaatay, iyo faallo aan ka bixin doono doorka hay’adaha ajaanibka ahi ku leeyihiin hoggaaminta dalka, burburka  dhaqan, diimeed, aqooneed, maamuleed ee dalka ka dhacay iyo meelaha aan u nisbayn karo. 

Kamaradaydii Nikon ta ahayd ee suumka dheerayd, tii fiidyowga ahayd ee Jaamacadda Burco, kaamkoodhaydii JVC da ahayd ayaa qormadan igala qayb qaadan doona in badanna ii sahli doona – xasuus ahaan iyo tusaale ahaanba. Koofiyad “cowboy”ga  ah oo aan madaxa gashan jirey, cumaamado aan qoorta ku xidhan jirey, ookiyaallo/ sunglass madmadow oo aan milicda ka gashan jirey, sandhal danbari ah  oo aan qaadan jirey iyo gaadhi Suzuki ah oo cas oo aan wadan jirey ayaan ku caan ahaa, intii aan dalka joogey. Mid yar oo ka mid ah carruurta aan la deriska ahaa ayaa koofiyaddaydii mooday tii askarta, markasta oo aan soo agmaro inta uu cararo oo gurigooda galo ayuu igu odhan jirey “Askariga, Askariga, Askariga”...... eeg sawirka hoose.

http://sth-se.diino.com/suldaan/SuldaanGallery sawirradii Suldaan 2008

Qormadan taxane noqon doonta [insha Allaah] aan isu kii dhex dhigi doonaa sheeko sodcaal, hadal murtiyeed iyo goob-taariikheed aan sawirro, maqal iyo muuqaal iyo sheeko tebin idiinku soo gudbin doono. Goob xasaasiyeedka meelaha qaar kuma talaxtegi doono. Sawirro iyo muuqaallo dhaqan ah oo fardo, geel, adhi, halo dhalay, nirgo, dhaan, maqal  iwm la xidhiidha oo sawir maskaxeed iyo dal tabyo kugu beeri doona, ayaad ka dhex heli doontaa qormadan. Haddaba, ha moogaan inaad qormadan si toos ah ula socotid, adigoo ka heli doona sawirro iyo muuqaallo aad kuu xiiso gelin doona iyo dhacdooyin dhab ah oo sannadkaa tegey ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2008.. Allow maxaan soo jooggey \.

AKHRI QAYBTA 2aad....

Allaa Mahad Leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 
aftahan@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS