SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOCDAALKII SULDAAN

Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland

Qore: Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 
aftahan@gmail.com 


Qaybtii 5-aad.

Hadday Ceel Walwaaleed, ku go’aan wadaamuhu,  waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa- Hadraawi

DAAWO: Video clip – Halkan ka daawo

Socdaalkaygii dheeraa ee Boorame markii aan ka soo noqday waxaan dib ugu soo laabtay xaruntaydii Burco oo weli Hadraawi gadhwadeen iigu ahaa, safarada inta badan qaarkood Hadraawi baannu wada soconnay. Socdaalkaa Boorame Hadraawi wuxuu ku maqnaa miyiga Togdheer oo uu laba reer oo is dilay ku heshiisiinayey, afar cisho muu joogin dalka markii uu dhexdhexaadintaa ka qayb galay, si loogu soo joosado abwaanka. Waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa ma qarnigii kow iyo labaatanaad iyo adduunyadan Hargeysi ka mid tahay ee dayaxa tiigsanaya ee xuub-caarada (website) wax ku kala iibsanaya ayaa tolal iyo reero la isugu dilayaa. Haa, sidii baa tolal iyo dhac dumar la isugu dilayaa. Sidii baa aano iyo aargoosi la isugu dilaa, sidii baa hablaha loola tagaa, sidii baa haweenkii loo dumaalaa, sidii baa godobreeb iyo gabbaati la isugu xidhaa.

Arrinta uu abwaanku ku jirey oo Togdheer miyigeeda ka dhacday ayaa ku saabsanayd nin gabadh la soo tegey oo aabbihii u diiday inuu guursado, dabadeedna reerkii inanta dhalay loo cid diray si ay u soo doontaan inantoodii una kaxaystaan, badeedna laba nin oo ay gabadha walaalo iyo ilmaadeer ahaayeen oo loo soo diray inantii kaxeeyeen, ka dibna ay jidka u sii galeen ninkii gabadha la soo tegey iyo mid kale oo la weday dabadeedna ay toogteen oo halkaa ku dileen labadii nin; gabadhiina ka carareen.

Is abaabul dagaal, gar wisiisiday, arrin wajaqantay, iyo waanwaan daba dheeraatay ka dib, waxa labadii reer lagu heshiisiiyey inay mag ka qaataan raggii dhintay; waxaana magtooda laga xaqay laba boqol oo hallaad oo dhogor ah iyo laba boqol oo milyan oo lacag ah (lacagta qaynbaarta ah), iyo laba hablood oo godobreeb ah, looguna ballamay tuullada Taallabuur muddo bil ah guddaheed inay ku keenaan, haddii kale ay arrintu faraha ka haadi doonto.

Walaw, ay dhacdadasi sidaa ahayd, intii aan dalka joogey waxyaallaha iigu yaabka badnaa waxay ahayd, dhaqankii baadiyaha oo aan isbedelin, lana jaanqaadin magaallogalka, aqoonta durugtay ee diin iyo maadiba leh. Siiba, gobolka Togdheer oo caadooyinka qadiimiga ahaa weli ku sii baaqi yihiin, waxa ka dhaca waxyaallo oday ka sheekee ah, hablo la tegis, kufsasho haween, dilalka aano iyo aargoosi, is budhaynta, dagaalka joogtada ah iyo aaska iyo arooska aan xeer islaam iyo ka bani’aadamiga toona ku taagnayn ayaa maalin walba la dhaca dalka siiba gobolka Togdheer. 

Miyiga boqolkiiba 95% dumarka waa lala tagaa, dabadeedna inta la soo xaseeyo ayaa la yidhaahdaa noo meheriya, ninka inanta dhalayna wax kale uma furna aan ka ahayn inuu meheriyo oo gabbaati iyo yarad badan ku xidho, ama inantiisa ku meheriyo lacag aad u badan, si aan berito ka-maalin si fudud loogu soo furin. Dumaasha gabadha saygeedii dhintay ayaa iyana ka mid ah waxyaalaha weli aan laga ilbixin, xitaa gabadha ninkeedii dhintay ikhtiyaar looma siiyo inay doorato cidda dumaalaysa iyadoo aan dhaafayn xeer-dumaaleedka soomaalida – cidda ehel ugu xiga ubadkeeda.

Afartii bishii 3-aad ayaan gaadhi Surf ah oo ay leedahay Jaamacadda Burco ka kaxaystay, uguna tegey tuullada Taallobuur oo xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhow, Hadraawi iyo odayaal kale oo halkaa u jooggey ballantii lagu keenayey xoolihii kiiska ahaa ee magtii raggii la laayey lagu bixinayay.

Wakhtigu waa gu’waa oo horraad iyo diihaal dartood ay xooluhu u le’deen. Geed sare iyo mid hoose toonna ma qoyana, abaar baa dhaharantay, jiilal baa daba dheeraaday, berkedihii baa madhay, dhulkaa omos dartii dildilaacay, xoolihii baa xaab ka waayey, adhigii baa bakhbakhtiyey, geeliibaa fadhfadhiisatay, sammad baa dhacaysa, wadhanweedh baa ku hor-odaaya, habaas baa balliyadii ka kacaya, biyo-dhaamis baa lagu jiraa, weyso iyo wax la cabaa xitaa waa suququul, bidhiq caano lama hayo, shaahu waa bigeys, bariis hadalkii daa, kii reer miyi ahaa mijno cascas iyo macawus gaaban buu lahaa, kii adhi ahaa meer meer iyo mus ku bakhti buu ahaa, kii geel ahaa geed hadhsi iyo galab meer meer buu ahaa, waa gu’waa iyo jiilaal badhtankii.


Sawirro Badan Halkan ka daawo....

Goolaftanka iyo godob-raadinta reerka wax laga dilay, gabashada iyo keeb la yuururka reeraha wax dilay, werwerka iyo wadno farku haynta guddida dhexdhexaadinta ayaannu laba habeen dhexdooda ku noolayn – Hadday Ceel Walwaaleed, ku go’aan wadaamuhu,  waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa- waxa keliya ee dhallinyarada xamaasaddaysan ee doonaysa inay aargoosto lagu baajin karaa – dedaalkii iyo jilibsalaaxiddii guddida dhexdhexaadintana lagu meelmarin karaa waa geelii, lacagtii iyo hablihii oo lagu keeno muddadii loo ballansanaa.

Waxay ahayd markii iigu horreysey noloshayda ka qayb galo meel mag lagu kala qaadanayo. Inkastoo xaaladdu maalintaa degenayd, haddana waa ‘meel baas’ dhiig dad lagu kala qaadanayo, reer reer baa loo kala fadhiyaa, weliba afar meelood baa loo kala fadhiyaa, labada nin ee wax dilay isku jifi may ahayn oo laba meelood bay u kala fadhiyaan, reerkii wax laga dilayna goob bay fadhiyaan, guddidii dhexdhexaadintuna goob bay fadhidaa;

Subaxdii dambe, 7 March 2008, waxa balliga weyn ee gobabka waaweyn leh ee tuullada Taallabuur la soo tubay dhowr boqol oo geel ah (240) iyo dhowr gaadhi oo ku shixnadaysan lacag qaynbaar ah (qaynbaar waa lacagtii hore ee Somalia 50 -100 shl), waxa dhirta gobabka ah hoostooda fadhiistay boqolaal dad ah oo ka kala socda afartii qolo iyo dadweyne magaalada ka soo daawosho tegey.

Sawirro Badan oo qoraalka la socdey Halkan ka daawo....

Waxa la qalay geel iyo adhi badan, si dadkaa wax loo gaadhsiiyo, guddi jajaban, marti soor badan iyo magaallo isxilqaantay ayaa markiiba dadkii kala fulisey, waxaana labadii duhurnimo loo dhaqaaqay tirinta geela, eeggida tayadiisa iyo turxaantiisa. Waxaan maqli jirey ‘waxaasi waa geel kiis’ sow waxa looga jeeddaa waa wax aan dhaqasho iyo iibsasho toona la isugu keenine, dheg-la-soo-qabay la isugu keenay, waa geel aaran, udufaa, nirgo, halo dhalay, halo duqoobey, awr koromo ah, qaalmo abeer ah, iyo kuwo rimay ah isugu jira. Waa geel abaar jooga oo duqaydiisa iyo aarankiisa aan dhogor xumo darteed la kala garan. Geelii baa marka qolo laga tiriyey, qoladii kalena loo tiriyey, lacagtiina sidii si le’eg baa lagu sameeyey. Hablihii iyaga goobta lama keenin balse nimanka loo meherinayo iyo gabbaatigii laga bixinayey baa lagu xidhay, taasi hab maamuus leh bay u dhacaysaa, waxaanay hiddaysanaysaa maahmaahdii ahayd “Meeshii xinjiri ku dhacday ,xabbaa lagu bururiyaa”,

Waxaad gelaysaa jawi naxdin leh, waayo waxa meesha lagu kala qaadanayaa ‘qof dhiigiisii’ oo xaqdaro lagu dilay, taasi badh bay ka tahay mushkiladda abaarta iyo oonka, mushkiladda dilalka, aargoosiga iyo aannada ah ee had iyo jeer ka dhaca dalka. Hase yeeshee, weli waxay ku afwaajinayaan belaayo intaa ka sii weyn, mid aan laba qof ku koobnan doonin ee boqolaal qofi ku nafwaayi doonaan sidii ka dhacday Daroor oo kale.

Haddii, maamul dowladeed oo caddaali ahi jiri lahaa, taasi may dhacdeen, qofna qof si sahlan kuma dileen, reerana mago kumay kala qaateen, hablo aan dookhoodii la weydiinina godobreeb may noqdeen. Waa markii lagu ducays jirey, ilaahow inantii reer miyi hana dhigin, mid sida xoolaha loo kala iibsado (gabbaati) haddii lagu heshiin waayana, la kala dhaco (lategis) oo la isku laayo, oo dabadeed godobreeb laga dhigo oo mid xaqdarro wax ku dilay dartii loo bixiyo, mid la dumaalo inta seygeedii la dilo, mid la kufsado, mid iyadoo dhashay la raro (hayaansho). Mid inta dhexda xadhiga loogu xidho, dhaqashada xoolaha, dhallidda carruurta, dheri karinta, guri dhisidda, dhaan aroorinta, dhigo iyo lool samaynta iwm loo diro, weliba dhebi dabadii iyo hangool lala dhaco. Meeshaa (miyiga) meel dumarka uga xun weligay ma soo joogin, ragga joogana uga caqli xun.

“macno ma leh walaalkaa miyi iyo naag magaalaba’ 

Halkan, hoose, ka daawo cajalad fiidyow ah oo ku saabsan dhacdadaa Taallabuur, geelii oo la tirinayo, caaqilladii oo ka warbixinaya dhibtii iyo jidaashii ka soo martay geel ururinta, ergedii dhexdhexaadinta oo niyadsami ka muujiyey sida loogu hoggaansamay go’aankoodii, dadweynihii geela tirinayey ama celinayey iyo Hadrawi oo sharax ka bixinaaya geedka ‘gobka’ ah iyo waxtarkiisa – daawasho wacan –

DAAWO: Video clip – Halkan ka daawo

AKHRI QAYBTA 6aad....

Allaa Mahad Leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 
aftahan@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS