SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Siiraddii Nebi Sulaymaan iyo Xikmadaha ku qarsoon


Waa taxane aan ugu talo galnay in ay dadku la noolaadaan Quraanka kariimka ah oo ay noloshooda ugu dabaqaan, una arkaan oo ay islamarkaasna u dhadhamiyaan sidii uu iyaga ku soo degay oo kale. Waxaa mahadda iska leh ilaaha uumay khalqiga kiisa wanaagsan iyo kiisa xun ee inagu manaystay jawharka qaaliga ah iyo ilayskaan damayn(islaamka) waxaana ammaan iyo wanaag u sugnaaday Nebigeenii, sayidkeenii,hogaamiyaheenii, macalinkeenii, Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, hooyooyinkii muuminiinta iyo saxaabadii iyo intii ku raacday xaqa ilaa uu ilaahay ka dhaxlayo dhulka.

Iintaa ka dib waxaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo waxyaabaha cajaa,ibka ah ee aan kala kulmay siirada nebi sulayman(CS) mana ihi caalim ama mufti doonaya inuu dhex mushaaxo badda cilmiga ee se waxaan idiin soo bandhigayaa uun inaad ku cibro qaadataan qisadaa ay ku weheliyaan: gabadh Boqorad ah, qudhaanjo boqorad ah, hud-hud layaaban dad bilaa iimaan ah iyo Nebi ilaahay isagoo wax kasta siiyay kuna idhi kaama xisaabinayne xoolaha ee waxaan doonto ku samee oo hadana aad yaabaysid siduu wanaaga ugu samaynayo.

Nebi sulaymaan(C.S) sidaynu ognahay waxaa dhalay oo aabe u ah Nebi Daa,uud(C.S) oo ahaa nebi cibaado badan oo ay ay la jiibin jireen tasbiixdiisa buuruhu oo uu ilaahay u fududeeyay birta xadiidka ah (Buurahoow la celceliya(jiibiya)tasbiixda, shinbirahawna (la celceliya tasbiixda) waxaanan u jilcinay birta) (Saba: 10) wuxuu ahaa nebi ilaahay siiyay cod aad u qurux badan oo marka uu akhrinayo quraanka ay shinbiruhu istaagi jireen, sida ku sugan axaadiista saxiixa ah: "wuxuu maqlay rasuulku(N.N.K.H) habeen Abii Muusal Ashcariyi oo akhrinaya Quraan markaasuu istaagay oo uu dhagaystay markaasu yidhi(N.N.K.H) "waxaa lagu siiyay Mizmaar kamid ah Mazaamiirtii daa,uud" Nebi sulaymaan(C.S) wuxuu ka dhaxlay cilmiga aabihii nebi Daa,uud(C.S) isagoo ay u sii dheer yihiin fahanka luqada shinbiraha kuna mahadnaqaya gallada iyo nimcada ilaahay siiyay (Wuu dhaxlay Sulaymaan Daa,uud wuxuuna yidhi dadoow waxaa nala baray codka shinbiraha waxaana nala siiyay wax kasta(oo xukun ah) kaasina waa fadli cad)(An-Naml:16)

Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo ururiyay nebi Sulaymaan(C.S) askartiisii oo isku jira jin iyo insiba waayo ilaahay ayaa u sakhiray bal intaynaanse galin isu soo saaritaanka uu sameeyay Sulaymaan aan dib u jaleecno wuxuu waydiisatay ilaahay iyo sidii uu uga aqbalay Nebi sulaymaan wuxuu yidhi ((wuxuu yidhi Ilaahoow ii danbi dhaaf ina sii xukun aan ku habboonayn cid iga danbaysa adaa bixin badane ahe # waxaanan u sakhirnay dabaysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono #shayaadiintana(waxaan u sakhirnay) mid wax dhisid iyo mid wax dhunbasho badan#)) (Saad:35-37)waa aayad ah in loo fiirsado waxa uu ku bilaabay danbi dhaaf intaanu weydiisan xaajadiisii ,waxa la inooga baahanyahay in aan ilaahay weydiisano denbi dhaaf faro badan si markaan arrin inagu cidhiidhi noqoto uu inooga ajiibo Nebiguna(N.N.K.H) wuxuu yidhi " qofka badiya ISTIQFAARKA(denbi dhaaf dalbida) ilaahay wuxuu uga dhigaa shay walba fudayd meel aanu ka filaynna wuu ka arsaaqaa" waa waxyaabaahaynu iska ilawnay ee aynu xasuusano uun markaan dhib la kulano waa inaynu markasta xasuusnaanaa dikriga iyo xusida ilaahay, Nebi sulaymaan markuu denbi dhaafkii weydiistay wuxuu yidhi ilaahaw waxaad i siisaa mulki aan cidina iga daba dhaxlin waxaad tahay ka ku hibaysashada iska leh. Waa ilaahay ka cidduu doono siiya wiilal ciduu doonana siiya gabdho hadduu doono iskugu dara wiilal iyo gabdho hadduu doonana ka dhiga madhalays.
Ilaahay wuu ka aqbalay addoonkiisii, nebigiisii Sulaymaan waxaanu u sikhray dabaysha oo ku socota amarkiisa iyo shayaadiinta iyo waxyaabo kale markaasuu ku yidhi waa kaase sidaad doonto ugu tasaruf kuma weydiinayno’ e.

Addoonkuna waa inuu Ilaahay ku xidhnaado waxyaabaha inaga daboola in la inaga aqbalo ducooyinkana waxaa ka mid ah risiqa xaaraanta ah ee aananay dadka intooda badani u kala aaba yeelin marka laga reebo in Ilaahooda garatay mooyee, sidaa daraadeed ducooyinkaan ducaysanayno markay arrimuhu inagu soo ururaan ee ayna jirin cid inaga furdaamin karta Ilaahay mooyee waa inaan danbi dhaaf waydiisanaa, bal ka waran inaad u tagto qof amah badan kugu lahaa oo aad hadana ku tidhaah xoolo kale i amaahi ma ku amaahinayaa waxa uu ku odhanayaa waa soo bixi horta amaahdii hore, markaa danbiyadeena aan ilaahay waydiisano inuu inaga dhaafo oo aan yeelano wardi maalinle ah ugu yaraan 100 goor aan Ilaahay danbi dhaaf waydiisanayno, Nebi Muxamedna(N.N.K.H) waxaa uu ahaa kii maalintii inka badan 70 jeer Ilaahay waydiisan jiray danbi dhaaf –waana kii ugu khayrka badnaa- 

Wuu soo ururiyay isagoo iskugu keenay meel bannaan ah intiise ay socdeen ayaa waxay ku soo beegmeen boqortooyo qudhaanjo ah oo nidaamkeeda iyo hanaankeeda leh, hadaynu si fiican ugu fiirsanno boqortooyadaa waxaynu ka heli iyadoo ay is jecel yihiin iyo siday boqoraddu ugu digayso raciyadeeda ee aanay ahayn mid nafteeda uun ilaalinaysa way aragtay colkii Nebi Sulaymaan(C.S.) markaasay u digtay ciidankeedii iyadoo ku leh gala guryihiina oo iska jira Sulaymaan iyo ciidankiisu yaanay idin burburine, way sii waday boqoraddu(qudhaanjadu) hadalkeeda si ay u qanciso ilayn markay maqlaan yaanay idin burburine! waxay is weydiinayaan maxaan ku samaynay?! laakiinse si xikmad leh ayay u tidhi “isagoon idin dareensanayn”. waxaa maqlay hadalkaa Nebi Sulaymaan(C.S.) oo dhoola caddeeyay markaasu ku mahadnaqay ilaahay, ilaaha u sahlay inuu maqashiiyay codkaa qudhaanjada u digaysa ciidankeeda ay masuulka ka tahay markaasuu yidhi (( Ilaahoow I waafaji inaan ku mahadiyo Nicmadaad igu galladaysatay Aniga iyo Waalidkay iyo inaan sameeyo wanaag aad ka raali tahay iguna gali naxariistaada Addoomadaada wanaagsan dhexdooda)(An-Naml:19). ilaahoow i waafaji ruuxayga iyo jidhkaygaba inaan kuugu mahadnaqo nimcadaada iyo galadaada aad ku galadaysatay aniga iyo waalidkay waa duco looga baahan yahay inaan waalidiinteena ugu ducayno waayo xaq weyn bay inaga mudan yihiin way ina soo koriyeen oo ay ina koolkooliyeen markaasay kulayl iyo qabaw inaga ilaaliyeen, habeenoo dhan inoo soo jeedeen , dadkuse ma dareensana in waalidku markay dhintaan loo samo falo oo loo duceeyo waxaabad moodaa inay(haddii uu lacag leeyahay) u baryayaan inuu dhinto si ay dhaxalka uga qaataan miskiin! ma lacag ayaad ku bedelanaysaa waalidkaa?, laakiinse wiilka ama gabadha baariga ah waa kuwa raaca dariiqa wanaagsan ee uu ilaahay ku tilmaamay suuratul Axqaaf iyagoo odhanaya markay waaweynaadaan ee ay ku dhawaadaan 40ka waa marka uu qofku caqli iyo cudud, jidh ahaaneedba uu dhamaystirmo.

((Ilaahoow I waafaji inaan ku mahadiyo Nicmadaad igu galladaysatay Aniga iyo Waalidtay iguna toosi inaan camal fiican ood ka raali tahay aan sameeyo,iina wanaaji faracayga(duriyadayda) waana kuu toobadkeenaye, waxaanan ka mid ahay muslimiinta)) (Al-Axqaaf:15)
waa kuwaa hadalka awlaada wanaagsan ee caafimad qaba ruux iyo jidhba ee uu ilaahay siiya qiyamka wacan ee wanaagsan ku shukriyay(mahadnaqaya)nimcada ilaahay iyo inuu ilaahay waafajiyo camalka wanaagsan ee uu ka raalida yahay. hawraar iyo hadal iyo ficilba ku ducaysanayana inuu ilaahay duriyada u wanaajo waayo qofka waalidkiisa ku noqda caaq isna way u taalaa waa tii horeba loo yidhi saddex laguma hodmo.
1. Habaar waalid
2. Hansi gabdheed
3. Hadimo xoolaad


Markay la yimaadaan dadkaa wanaagsani ee u baari ahaa waalidkoodu arrimahaas ayuu ilaahay odhanayaa ((kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehlu-janno Ilaahayna waxa uu u yaboohay yabooh run ah)) (Al-Axqaaf:16) 
Ogooda dhalinyarooy waalidka qiimihiisa iyo qaayahiisa markaasaad adduun iyo aakhiraba liibaabiye! Aan isku dayno inaan dib u xasuusano maalmihii aan tabarta darrayn iyo siday inoola soo dadaaleen, oohinteena siday ugu baraarugayeen, iyo waxyaabo kale oo aynaan ku soo koobi Karin halkan.
Wuu sii watay nebi Sulaymaan hadalkiisii markaasuu yidhi ilaahoow igu kaalmee inaan camal fiican oo aad ka raali tahay aan sameeyo iguna gali raxmadaada inaan noqdo adoomahaaga wanaagsan.

Nebi sulaymaan (C.S.) wuxuu ilaahay weydiisanayaa in uu ku galiyo janada raxmadiisa maaha inuu ku galiyo camalkiisa,Nebiguna(N.N.K.H) wuxuu ku yidhi asaxaabta qofna kuma galayo camalkiisa janada markaasay yidhaahdeen xitaa adiga miyaa rasuulkii ilaahayoow markaasu yidhi: xitaa aniga ilaahay uun baa igu hadheeyay raxmadiisee. 

Lasoco Qaybta labaaad

Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Tel:2522(+4118374)
Email: abdilqani@hotmail.com
abdulqany@yahoo.co.uk
jigseeye@gmail.com
abdilghani@gmail.com
Address: Sha,ab road
Hargaisa - Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: