SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

3- ASLUUBTA IDAN QAADASHADA:  

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

{íóÇ ÃóíøõåóÇ ÇáøóÐöíäó ÂãóäõæÇ áöíóÓúÊóÃúÐöäßõãõ ÇáøóÐöíäó ãóáóßóÊú ÃóíúãóÇäõßõãú æóÇáøóÐöíäó áóãú íóÈúáõÛõæÇ ÇáúÍõáõãó ãöäßõãú ËóáóÇËó ãóÑøóÇÊò ãöä ÞóÈúáö ÕóáóÇÉö ÇáúÝóÌúÑö æóÍöíäó ÊóÖóÚõæäó ËöíóÇÈóßõã ãøöäó ÇáÙøóåöíÑóÉö æóãöä ÈóÚúÏö ÕóáóÇÉö ÇáúÚöÔóÇÁ ËóáóÇËõ ÚóæúÑóÇÊò áøóßõãú áóíúÓó Úóáóíúßõãú æóáóÇ Úóáóíúåöãú ÌõäóÇÍñ ÈóÚúÏóåõäøó ØóæøóÇÝõæäó Úóáóíúßõã ÈóÚúÖõßõãú Úóáóì ÈóÚúÖò ßóÐóáößó íõÈóíøöäõ Çááøóåõ áóßõãõ ÇáúÂíóÇÊö æóÇááøóåõ Úóáöíãñ Íóßöíãñ 58 æóÅöÐóÇ ÈóáóÛó ÇáúÃóØúÝóÇáõ ãöäßõãõ ÇáúÍõáõãó ÝóáúíóÓúÊóÃúÐöäõæÇ ßóãóÇ ÇÓúÊóÃúÐóäó ÇáøóÐöíäó ãöä ÞóÈúáöåöãú} {ÓæÑÉ ÇáäæÑ: 58-59}.

(Kuwa xaqa rumeeyoow! addoomadiina iyo kuwa idinka midka ah een qaan-gaarini saddex munaasabadood idan ha idin weydiisteen  "qolalkad ku jirtaan intaanay soo gelin"; salaadda Fajarka horteed, duhurkii markaad dharka dhiganaysaan iyo salaadda Cishaha kaddib, waa saddex waqti oo idiin gaar ah, saddexdaas waqti waxaan ka ahaynna adinka iyo iyagaba dembi idinma saarna oo waad is dhex wareegi karaysaan, sidaas buuna Eebbe Aayadihiisa idiinku caddaynayaa, Allena waa kii wax walba ka warqaba oo maamul fiican. Carruurta idinku jirtaa markay qaan-gaartana, idan ha u qaateen sidii kuwii ka horreeyayba "qaan-gaarnimada uga horreeyay" u qaadan jireen) (An-Nuur: 58-59).

Idan qaadashadu waxay leedahay asluub barbaariyaha looga fadhiyo inuu ubadka baro, isagoo u hoggaansamaya Aayadaha Alle ee kor ku xusan. Eebbe wuxu Aayadahaas Qur'aanka ah ku amrayaa barbaariyuhu carruurta aan qaangaarin inuu ku abaabiyo saddex xaaladood inay idan u qaataan markay eheladooda u gelayaan.

1-              Salaadda Fajarka (salaadda Subax) kahor, sababtoo ah dadku waqtigaas kahor way hurdaan.

2-              Waqtiga duhurka, maxaa yeelay dadku waqtigaas sida caadiga ah way dhar beddeshaan waxana laga yaabaa inay xaasaskooda la baashaalayaan.

3-              Salaadda Cishaha keddib, maxaa yeelay waa waqti hurdo iyo nasasho.

Waqtiyadaas saddexda ah sababta idan qaadashada loo sharciyeeyay waxa weeye iyadoo laga yaabo in ninka iyo xaaskiisu ay ku sugan yihiin xaalad aanay jeclayn inay carruurtooda yaryari ku arkaan. Hase yeeshee kolka ay carruurtu qaan-gaar gaarto, waxa waajib ku ah inay idan qaataan saddexdaas waqti iyo waqti kale oo kasta, iyadoo loo hoggaansamayo qowlka Alle ee oranaya:

{æóÅöÐóÇ ÈóáóÛó ÇáúÃóØúÝóÇáõ ãöäßõãõ ÇáúÍõáõãó ÝóáúíóÓúÊóÃúÐöäõæÇ ßóãóÇ ÇÓúÊóÃúÐóäó ÇáøóÐöíäó ãöä ÞóÈúáöåöãú} {ÓæÑÉ ÇáäæÑ: 59}.

(Carruurta idinku jirtaa markay qaan-gaartana, idan ha u qaateen sidii kuwii iyaga ka horreeyayba "qaan-gaarnimada uga horreeyay" u qaadan jireen) (An-Nuur: 59). 

Asluubta idan qaadashada waxa kaloo kamid ah qodobbadan:

- Inuu salaamo, keddibna idan qaato:

Rabci waxaa laga weriyay: Nin reer Banii Caamir ah ayaa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo gurigiisa ku jira, idan weydiistay isagoo leh: (Dalaq masoo iraahdaa?). Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu markaas adeegihiisii ku yiri: (U bax ninkaas oo idan qaadashada bar, kuna dheh: Dheh: Assalaamu calaykum, masoo galaa?). Ninkii intuu hadalkii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) maqlay ayuu yiri: Assalaamu calaykum, ma soo galaa?). Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu markaas u idmay inuu soo galo)[1].

- Magac ama Naynaas lagu garto inuu sheego:

 Waxa taas loo daliishaday Xadiithka caanka ah ee ku saabsan dheelmintii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam). Xadiithka oo uu Aanas ibnu Maalik (RC) weriyay, Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu ku yiri: (Kaddib Jibriil wuxuu koray samada dhow, in laga furo ayuuna weydiistay. Waxaa la yiri: Waa kuma?. Wuxu yiri: Jibriil. Waxa la yiri: Yaa kula socda?. Wuxu yiri: Maxamed. Kaddib wuxuu koray samada labaad iyo saddexaad, sama kastana iridkeeda waxa lagu lahaa: Waa kuma?. Wuxuna lahaa: Jibriil)[2].

- Saddex jeer inuu idan weydiisto:

Abuu-Muusa (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkiin hadduu saddex jeer idan weydiisto loona oggolaan waayo “soo gal la dhihi waayo” ha iska laabto)[3].

Saddexda jeer labadii kamid ahba waxa loo baahan yahay inay muddo salaad afar rakcadood ah la tukan karaa u dhaxayso, maxaa yeelay waxa laga yaabaa qofka guriga ku jiraa inuu tukanayo, ama xaaja gudanayo.

- Albaabka in aanu si xooga u garaacin:

Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: (Albaabbada Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) faraha fooddooda ayaa lagu garaaci jiray)[4].

Dadkii hore ee wanaagsanaa albaabada macallimiintooda iyo mashaa'ikhdooda ciddiyaha ayay ku garaaci jireen, ixtiraam ay u hayaan dartiis. Haddiise qofka albaabka loo garaacayaa meel kafog uu joogo ama jeer xoog loo garaaco aanu maqlayn, waxa la garaacayaa hadba intay dantu ku jirto. Albaabbada gambaleelka leh, waa in si fudud oo qofka akhlaaqdiisa iyo edebtiisa ka tarjumaysa loo garaaco ee aan dadka guriga ku jira lagu argaggixin.

- Markuu garaaco inu Albaabka dhan uga leexdo:

Maxaa yeelay waxa laga yaabaa haweenay aanay eegmadeedu u bannaanayn kolka albaabka la furayo inay ishiisu qabato, idan qaadashadana sideedaba waxa loo jideeyay eegmada caynkaas ahi in aanay dhicin darteed.

 Sahal ibnu Sacad Al-Saacidi (RC) wuxu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Idan qaadashada waxa loo yeelay aragga dartiis)[5].

Cabdullaahi ibnu Busur Al-Maazini (RC) waxa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hadduu dad gurigood yimaado iridka iskuma aanu beegi jirin ee dhanka midig ama bidix buu ka istaagi jiray, wuxuna dhihi jiray: (Assalaamu calykum, Assalaamu calykum)[6].

Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Qofkii guri dad iyagoon u idmin fiiriya inay isha ka ridaan baa u bannaan)[7].

Werin kale: (Hadduu qof gurigaaga idan la’aan fiiriyo ood dhagax ku tuurto, ishana uga riddo, dembi kaama saarna)[8].

- Haduu qofka guriga lihi "noqo" yiraahdo inuu noqdo:

Waxa taas daliil u ah Aayadda Qur'aanka ahe oranaysa:

{íóÇ ÃóíøõåóÇ ÇáøóÐöíäó ÂãóäõæÇ áóÇ ÊóÏúÎõáõæÇ ÈõíõæÊðÇ ÛóíúÑó ÈõíõæÊößõãú ÍóÊøóì ÊóÓúÊóÃúäöÓõæÇ æóÊõÓóáøöãõæÇ Úóáóì ÃóåúáöåóÇ Ðóáößõãú ÎóíúÑñ áøóßõãú áóÚóáøóßõãú ÊóÐóßøóÑõæäó 27 ÝóÅöä áøóãú ÊóÌöÏõæÇ ÝöíåóÇ ÃóÍóÏðÇ ÝóáóÇ ÊóÏúÎõáõæåóÇ ÍóÊøóì íõÄúÐóäó áóßõãú æóÅöä Þöíáó áóßõãõ ÇÑúÌöÚõæÇ ÝóÇÑúÌöÚõæÇ åõæó ÃóÒúßóì áóßõãú} {ÓæÑÉ ÇáäæÑ: 27-28}.

(Kuwa xaqa rumeeyoow! ha gelina guryo aan guryihiinna ahayn, jeer aad idan weydiisataan ood dadka deggan salaantaan, sidaas baana idiin wanaagsan, waxa laga yaabaa inaad waano qaadataan eh. Haddaadse cid ka weysaan, ha gelina jeer la idiin idmo, haddii "noqda" la idin yiraahdana "adinkoon cuqdad isgelin" iska noqda, sidaas baa idiin hufnaan badan eh) (An-Nuur: 27-28).

Qofka idanka weydiistay hadduu guriga cid u jawaabta ka waayo waa in aanu gelin, haddii "noqo" la yiraahdana waa in aanu ka xumaan, waana inuu amarka Eebbe u hoggaansamo. Teeda kale, waa inuu qofka guriga leh ee "noqo" yiri u cudur daaraa maxaa yeelay waxa dhici karta duruuf aanu sharxi karin oo arrintaas ku kalliftay inay jirto.
 

4- ASLUUBTA FADHIGA:

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  


[1] Abuu-Daa'uud (5177), Axmed (23515).

[2] Bukhaari (3207, 3887), Muslim (162, 164).

[3] Bukhaari (2062, 6245), Muslim (2153), Abuu-Daa’uud (5180, 5181).

[4] Bukhaari (6242).

[5]  Bukhaari (5924, 6241), Muslim (2156/40).

[6] Abuu-Daa'uud (5186), Axmed (17844).

[7] Muslim (2158/43).

[8] Bukhaari (6888, 6902), Muslim (2158/44).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS