Daabaco
Boggan | Print
Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009.. ENA
Daahir Riyaale iyo Zenawi: March 13, 2009
Sheikh Shariif iyo kurisga Zenawi
Shariif Axmed iyo Zenawi, Feb 3, 2009
Gaashaanle Sare Nuur Cadde Ma Xasuuqa Shacabka
Soomaaliyeed ayuu Zenawi uga Mahad Celiyey?...
G/sare Nuur Cadde iyo Zenawi, Addis Ababa, Feb 6, 2008
Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa xilligii uu ra'iisul
wasaaraha u ahaa DFKMG -
Muqdisho,
June 5, 2007: Zenawi oo Muqdisho kula kulmay C/laahi Yuusuf iyo
Geeddi, kaddib markii maxkamaadaha laga saaray Muqdisho. Sawirka:
daylife
|
Khal-khalka dhaqaalaha aduunka iyo saameyntiisa
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Dhaqaalaha aduunka ayaa gebi ahaanba hadda ku sugan xaalad aad iyo aad u adag.
Hoos u dhaca dhaqaale ee aduunka soo foodsaaray waa mid saameyn toos ah ku
yeeshay wadamada dunida iyo dadka ku dhaqanba. Dhaqaaleyahanada aduunka intooda
badan waxaa ay isku raaceen in khal-khalkan dhaqaale ee aduunka soo foodsaaray
uu yahay kii ugu xumaa ee dhaca intii ka dameysey dagaalkii labaad ee aduunka.
Maadaama maanta aduunka oo dhami isku xiran yahay ma jiri doono wadan ka
badbaadaya saameynta uu keenayo dhaqaalahaas xumaaday.
Wadamada qaniga ah ee wershedaha leh iyo kuwa saboolka ahba siyaabo kala duwan
ayey u dareemi doonaan hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunidu hadda la ciirsan tahay.
Haddaba dhowr qormo oo taxane ah ayaan ku eegi doonaa arimaha keenay dhaqaale
xumada iyo sida uu qof ahaan kuu saameyn doono.
Maxaa sababay hoos u dhaca dhaqaalaha
Wadanka mareykanka ayaa ah matoorka dhaqaalaha aduunka. Haddii uu matoorkaasi
fariisto ama ay cilladi ku timaado ayaa waxaa si toos ah looga dareemayaa
aduunka intiisa kale.Mareykanka waxaa ka jira suuq leh qeybo kala duwan oo aad u
weyn, haddii ay ahaan lahayd dhinaca suuqyada lacagta,badeecada ama suuqa
saamiyadaba. Mareykanka ayaa waxaa uu waxyaalo badan kasoo gataa wadamada dibada
ah. Waxyaalaha uu soo iibsado mareykanka ayaa aad uga badan waxyaalaha uu dibada
u dhoofiyo. Wadamada ku jira ururka midowga yurub iyo kuwa firfircoon ee qaarada
aasiya sida shiinaha oo kale ayaa dhamaan wax u dhoofiya wadanka mareykanka.
Lacagta mareykanka ee dollarka oo ah lacagta ganacsiga aduunka ayaa iyana waxaa
ay dalkaas ka dhigeysaa mid saameyn weyn ku leh aduunka intiisa kale. Lacago
badan oo ka kala yimid aduunka daafihiisa kala duwan ayaa lagu keydsadaa
bangiyada wadanka mareykanka. Lacagtaas waxaa keydsada dowlado iyo weliba
shakhsiyaad kala duwan. Taasi waxaa ay dhalineysaa in khal-khal kasta oo ku
yimaada suuqyada lacagaha iyo bangiyada ee mareykanka ay si toos ah u
saameyneyso aduunka intiisa badan. Tusaale ahaan wadanka shiinaha oo loogu yeero
“ awooda dhaqaalaha cusub” oo dad badani ay moodayeen in saameyn sidaas ah aaney
ku yeelan doonin jahwareerka dhaqaalaha ayaa noqotay mid aan run ahayn. Maxaa
yeelay shiinuhu waxaa uu alaabo aad u tira badan u iibgeeyaa wadanka mareykanka
taas oo keeneysa in hoos u dhaca dhaqaale ee mareykanka si toos ah looga dareemo
suuqyada wadanka shiinaha.
Haddaba khal-khalka dhaqaale ee iminka taagani waxaa u ka soo bilaamay wadanka
mareykanka, gaar ahaan qaybaha bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay.
Dadka mareykanka u dhashay waxaa ay isla xiriiriyaan xornimada qofka iyo
lahaanshaha waxyaalaha ay ka mid yihiin guryaha iyo gawaaarida. Qofku waxaa uu
aad u dareemaa xornimo iyo kalsooni kolka uu degan yahay guri uu isagu iska
leeyahay. Haddaba sanadihii lasoo dhaafay waxaa ay dadka mareykanka ahi
iibsadeen guryo aad iyo aad u tira badan. Guryahaas waxaa lagu iibsaday deyn
xagga bangiga ka timid. Dadka guryaha deynsadey ayaa qaarkood waxaa ay ahaayeen
kuwo dhaqaalahoodu uu iska xumaa. Dadkaas qaarkood ma aaney haysan wax raasumaal
ah oo loo baxsado haddii dhaqaaluhu xumaado. Bagiyadii waxaa ka baxay lacag aad
iyo aad u badan oo badankood la geliyey guryo.
Arrintaasi waxaa ay keentay jahwareer ku yimid habasami u socodkii lacaga yaala
bangiyada. Waxaa ay taasi keentay hoos u dhac ku yimid qiimihii guryaha deynta
lagu qaatay. Waxaa lacagta bangiyada ka baxday iyana lug ku leh lacag aad u tira
badan oo ay mushahar iyo abaal marin u qaateen madaxda bangiyada. Waxaa kaloo
arinta baasiin kusii shubay hoos u dhac dhaqaale ee guud oo aduunka oo dhan soo
foodsaaray. Lacagahaan bangiga ka maqan waxaa markoodii hore lahaa dad ama
bangiyada kale ee dowlada, kuwaas oo iyana doonaayaa in lacagtooda la siiyo.
Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee ay mushkilada dhaqaaluhu ka bilaamay
waxaa ay goŕansadeen in ay gebi ahaanba joojiyaan lacagihii ay dadka deymin
jireen. Bangiyadaas oo ka cabsi qaba in waxa yar ee lacagta ah ee ay hayaan la
waayo. Cabsida bangiyada soo wajahday iyo joojinta dhaq-dhaqaaqa lacagaha ayaa
waxaa ay xanibaad ku noqotay habsami u socodkii howlaha dhaqaalaha wadanka
mareykanka iyo weliba aduunka intiisa kale. Si dhaqaalaha loo badbaadiyo,
lacaguhuna ay ugu socdaan sidii loogu talo galay ayaa waxaa ay dowlada
mareykanku dooneysaa in lacag badan ku maalgeliso bangiyada kacay si aan
bangiyadaa irdaha loogu laabin. Joojinta ay bangiyadu joojiyeen bixinta iyo
daynta lacagaha ayaa waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay suuqyada kala duwan ee
mareykanka. Tusaale ahaan shirkadihii ma sameyn karaan maalgelin maadaama aaney
heleynin meel ay lacag ka deynsadaan. Waxaa kaloo wel wel weyn soo foodsaaray
dad weynaha mareykanka oo aad uga caga jiidaaya iney bangiyada lacag dhigtaan
iyagoo ka cabsi qabo iney lacagtooda waayaan. Arinkaas cakiran ee dhaqaalaha
ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay, shaqooyinkii, maalgelintii, ganacsiga,
caafimaadka , siyaasada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha.
La soco, faahfaahinta saameyntaas hoos u dhaca dhaqaaluhu ku yeelan karto wadamo
badan oo soomaaliya ka mid tahay. Ha moogaan qaybta labaad ee qormadan.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed xuseen, Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com
Dagaalka xamar: Diin mise dan gaar ah?..
Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | March
15, 2009 |