Dagaalka xamar: Diin mise dan gaar ah?
Hordhac:
Sida ay dadka intiisa badani la socdaan Soomaaliya waxaa ay sanadihii
ugu dameeyey soo martay marxalado siyaasadeed oo kala duwan. Waxaa aad u
batay dowladaha lugta ku leh arimaha siyaasadeed ee soomaaliya. Waxaa
batay kooxaha siyaasadeed ee soomaalida ah, kuwa diinta iyo kuwa kaleba.
Kolkii la soo dhisay dowladii uu madaxda ka ahaa madaxweynihii hore ee
soomaaliya Cabdullahi yusuf Ahmed, waxaa isla markiiba bilowday mucaarad
kala duwan oo kasoo horjeedey dowladaas. Waxayse arintu cirka isku
shareertay kolkii dowladaasi u yeeratay ciidamada dalka Itoobiya. Soo
gelitaankii ay ciidamada Itoobiya ee caasimada soomaaliya waxaa ay
abuurtay halgan qeybo kala duwan leh oo looga soo horjeedo ciimadaas
dalka soo galay.Waxaa bilaamay qolooyinka muqaawamada ah ee kala duwan,
walow ay ku mideysnaayeen la dagaalanka ciidamada Itoobiya.Guud ahaan
laba qaybood ayey u kala baxeen muqaawamadii, qeyb wada hadal la gashay
dowladii kolkaas jirtey si ciidamada itoobiya si nabad ah dalka uga
baxaan.Qaybta kalena waxaa ay qaadatay mayal adag oo ay leeyihiin la
geli meyno wax wada hadal ah dowlada, Ciidamada Itoobiyana qori iyo
muruq ayaanu dalka kaga saari. Si kastaba ha ahaatee, Dagaal iyo dhiig
badan ka dib waxaa ciidamadii Itoobiya lagu khasbay iney dalka ka
huleelaan.
Maxaa xigey?
Waxaa wada hadal ka dib la dhisay dowlad midnimo qaran. Dowladaas waxaa
hogaamiye loogu doortay Sheekh shariif sh.Ahmed oo horay ay xulufo u
ahaayeen kooxaha ayidsan in dagaalka la sii wado. Ururada islaamiyiinta
ah ee diidan qaabka wax lagu xaliyey waxaa ay sheegeen in ay dagaalka
sii wadayaan. Walow ay dowlada cusubi ugu baaqday in wadahadal wax lagu
dhameeyo.
Diidmada ka imaaneysa wadaadada qaarkood iyo hanjabaada kala duwan ee in
dagaalku sii socon doono waxaa ay dad badan oo soomaaliyeed ku dhalisay
suàalo badan: Waa maxay sababta dagaalka loo sii wadayaa haddii
ujeedadii ugu weyneyd ee dagaalka loo galay la gaaray? Ujeedadaasi
miyaaney ahayn in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya? Waxyaalaha
yar-yar ee la isku khilaafsan yahay miyaan nabad iyo wada hadal lagu
dhameyn karin? Diintu soow maaha mida nasteexada leh ee na fareysa in
loo turo shicibka iyo maatada?Sow diintu ina fari meyso in aan la
baneysan dhiiga walaalkaaga muslimka ah? Miyaaney diintu ina fareyn
inaan fitno iyo kooxo-kooxo isu leyno ka digtoonaano. Maxaa lagu
diidayaa haddiiba hogaankii dowlada uu leeyahay” war aynu wada hadalo oo
dalka iyo dadka aan xabada ka deyno? Maxaa loo diidayaa in la yimaado
golaha fadhiga nabada si xal loo gaaro? Maxaa loo diidayaa baaqa iyo
fikirka nabada ee culumada waaweyn ee soomaaliyeed? Maxaa loo aqbali
la`yahay ergada iyo fariinta mashaaìikhda caalamka islaamka?
Maxaa loo doortay in dhiiga maatada la daadiyo adigoo aan cidina kuu
diidaneyn xukunka? Suàalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ka guuxaaya
madaxa dad badan oo soomaali ah.
Shiikhoow; Xabadi xal miyaa?
Hogaamiyaasha ururada diinta ee dagaalka ka wada xamar miyaan
masuuliyadi ka saareyn shicibka muqdisho ee baabaàya. Ma isweydiiyey
shiikha dagaalka iclaaminayaa:
o Maxay galabsatay hooyada dagaalka ka daashey ee kolkii ay rajo iyo
nabad kaa sugeysey aad madaafiicda huwisey?
o Maxay galabsadeen hooyooyinka iyo dhalaanka iyagoo daawo saf ugu jira
hoobiyaha lala dhacay, weliba adigoo Allahu akbar leh, magac diina
sheeganaaya.
o Maxay geysteen caruurta iskuulka u socotey ee la guàamaday lana
gabagabeeyey.
o Maxay dhimeen waayeelka awood u waayey iney guryaha ka baxaan oo
adigoo diin sheeganaaya aad gurigii ku dumisey?
o Xaq miyaa in kuwii biyaha iyo baadka kula garab taagnaa kolkii aad
xabashida la dagaalameysey aad ugu abaal gudo madfac iyo qax hor leh.
o Xaq miyaa in kuwii in badan dhiigooda iyo wiilashooda u huray dalka
aad argagax iyo hanjbaad ugu abaal gudo.
Jawaabta suàalahaasi waa iska cad yihiin. Waxaan maqaalkeyga kusoo
xirayaa qodobdaan soo socda:
o Waa in ururada islaamka sheeganayaa ay dhamaantood si deg deg ah u
joojiyaan dagaalka isla markaasna ay ka fogaadaan wax walba oo keeni
kara dagaal hor leh.
o Waxba la idiinma diidanee ka soo qayb gala nabadeynta dalka.Dalka waa
wada leenahay, waana inagu filan yahay dhamaanteen
o Waa inaad timaadaan miiska wada hadalka soona bandhigtaa doodaada,
waxaa hubaal ah in lagu dhegeysanaayo.
o Haddii ay jirto dhaliilo loo soo jeedinaayo shakhsiyaadka iyo qaabka
loo dhisay dowlada cusub, soo bandhig qaabkii lagu sixi lahaa adigoon
madfac ridin dhiigna daadin
o shareecada islaamka in lagu xakumo dalka qof diidani ma jiro, ee
shiikhow kaalay oo ha la wada hadlo, dalkana ha lagu dhaqo shareecada
islaamka. Kolkaas bal aan aragno qofkii diida.
Shiikhoow, shabaabow, xisbi islaamow, raaskambooniyoow, jamhatul
islaamey, waa in si deg deg ah loo joojiyaa dhiiga hooyada iyo dhalaanka
soomaaliyeed.
Mahadsanidin
Abdirisak
Maxamed Xuseen, Eskilstuna, Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com