Caalimkii weynaa ee Sheekh Ibraahim Max’ed Cali (Sheekh Ibraahim Suulay) oo
geeriyooday
Inaalilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun. Bahda Somalitalk waxay Tacsi u
dirayaan dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana eheladii iyo qaraabadii uu ka
geeriyooday Caalimka Soomaaliyeed Sheekh Ibraahim Suuleey.
Alla ha u naxariistee waxaa Magaalada Hargaysa ku geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Ibraahim Max’ed Cali
(Sheekh Ibraahim Suulay), waxaana geeridiisa ka naxay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan, waxa uuna ahaa Sheekh dad fara badan baray diinta Islaamka.
Sheekha oo da’diisu ahayd dhowr iyo 80 jir ayaa waxa mudo xanuusanaa, laga soo bilaabo 1999, wixii waqtigaa ka dambeeyey waxa uu sheekhu
ahaa mid aan soo dhaafin gurigiisa, waxaana la filayaa in maydkiisa lagu aaso
Qabuuro ku yaala Magaalada Hargaysa.
Sheekh Ibraahim Suulay waxa uu 1950-kii lug ku gaaray Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka bartay Diinta
Islaamka, kadibna dib ayuu ugu soo laabtay dalka, waxa uuna ka sii waday fidinta Diinta Islaamka , waxa uuna fadhigiisu ahaa Masjid weyn oo ku yaala Degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Siigaale oo uu ka akhrin jiray Tafsiirka Qur’aanka Kariimka iyo
Axaadiista, sidoo kale markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye waxa uu Sheekhu ka mid ahaa dadkii qaybta weyn ka qaatay dib u heshiisiinta Ummadda
Soomaaliyeed.
Sheekh Nuur Baaruud (Gurxan) oo ka mid ahaa raggii uu wax soo baray ayaa waxa uu sheegay in Sheekhu uu ahaa nin si weyn wax looga bartay Diinta Islaamka ayna ka aflaxeen dad fara badan oo
maanta ku sugan dalka gudihiis iyo dibaddiisa, waxa uuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladdii uu ka geeriyooday Sheekh Ibraahim
Suulay, sidoo kale waxaa tacsi u diray Madaxweynaha Dowladda Midnimadda Qaran, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali
Sharmaake, waxayna dhamaantood qireen in boos weyn uu
faaruqiyey Sheekh Ibraahim, waxayna dhamaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyeen Geerida ku timid Sheekh
Ibraahim. Waxaa sidoo kale Tacsi u diray dhamaan Culimadda Soomaaliyeed gaar ahaan Majmaca Culimadda Soomaaliyeed oo uu ka mid
ahaa.
Sheekh Ibraahim Suulay waxa uu dhalay Maxamuud Sheekh Ibraahim Suulay oo isna ah Sheekh la yaqaano oo ka mid ahaa Maxaakiimtii Islaamiga gaar ahaan waxa uu ahaa Xogyahihii Midowga Maxaakiimta
Islaamiga, sidoo kale waxa uu ahaa afhayeenkii Muqaawamadda ee dagaalka kula jiray ciidamada
Itoobiya, kadibna waxa uu ka mid noqday Culimadda Musaalixadda.
Halkaan ka dhagayso taariikhdii Sheekha oo kooban.
Sheekh C/risaaq Xuseen Ciise |HALKAN
KA DHEGAYSO | Xigasho Horseed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2009
Ururka Al-Shabaab oo deegaanada uu ka taliyo ka
joojiyey Xuska maalinta dhalashada Nabiga (N.N.K.H)
Ahmedou Ould Abdullah "Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan
kadlaayo…" warqad dareeno kala duwan xambaarsan oo ku socota Qurbo joogta
Soomaaliyeed Akhri.. Mar 1
Barre
Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane:
Dhegeyso ama
soo rogo
Xildhibaan
Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "
hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira..
Akhri.. Mar 1
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed" Akhri March 1
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27
 Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18
|