SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…”


Xildhibaan Ibraahim Saalax Dayfallah oo ka mid ah xildhibaanadii TFG, islamarkaana ka soo jeeda Beesha Carab Soomaali oo aan kula kulmey Caasimada dalka Jabuuti intii uusan ka dhoofin, waxna ka weydiiyey qaab dhismeedka Xukuumada cusub sida uu u arko ayaa wuxuu yiri:

“waxaan u arkaa dowlad lagu dhisey xal raadin, balse aysan ahayn mid xaq raadin ah, sababtoo ah habeenkii loo codeynayey Xukuumada dad badan ayaa wax tabanayey, ilaa iyo xiligaana wali tabanaya, iyagoo leh wixii aan ka mud nayn Xukuumada cusub kama helin, anagu ka Carab Soomaali, ahaan waxaan ka mid nahay beelaha laga tegey, inagoo walib ah Beelaha weyn oo degta Raas kaambooni ilaa Raas caseyr, balad iyo baadiyo, lana ogyahay dowrka shariifka ah ee aan ku leenahay Taariikhda Soomaaliya xag siyaasadeed, Wax-barasho, dhaqaalo iyo mid ciidanba” ayuu yiri Xildhibaan Dayfallah isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

“Dowladihii hore e Soomaaliya waxaan ku lahayn mas’uuliyiin sar sare oo isugu jirey Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, la taliye madaxweyne, Denjireyaal, Qunsuliyado iyo Jananno ciidan, waxaadna moodaa labadii dowladood ee ugu dambeeyey ee lagu dhisey nidaamka 4.5-ka, waxay keeneen in laga soomiyo Beesha, iyadoo qayb weyn ka soo qaadatey dowladihii kala duwanaa ee soo marey Soomaaliya wixii ka horeeyey kuwan lagu dhisey 4.5-ka” ayuu yiri Xildhiban Dayfallah.



Ugu dambeyn Xildhibaanku mar uu ka jawaabayey su’aal aan weydiiyey in cabashadooda uu u gudbiyey mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada iyo in kale ayaa wuxuu “aniga waan kala Hadley madaxda sare ee Dowlada dulmiga aan tabaneyno, xaqeena marna kama tanaasuleyno, waxaana leeyahay dulmiga ma soconayo, xukuumadihii hore waxaa bur buriyey dulmiga ee waa in laga ilaaliyaa Xukuumada cusub dulmiga”.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Wareysi Barre Hiiraale oo ku sugan Doolow oo u waramay Maxamed Gaarane:

Xildhibaan Barre Hiiraale oo waraysi siiyey Maxamed Gaarane Aadan (Somalitalk- Baladxaawo,Gedo).. Dhegeyso ama soo rogo

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS