SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Asmara Maxamed Xaashi  Ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray Dhaqdhaqaayada Dagaal ee laga abaabulayo Nayroobi oo looga Soo horjeedo Maamulada ka jira  Gobalda Gedo,Jubooyinka iyo Waqooyiga Galgaduud.

Warsaxaafadeedkaan uu soo saaray Maxamed Xaashi ayuu waxa uu uga hadlay waxyaabo badan isagoo ku bilaabay sidan.

Waxaa Mahad Leh Eebihii naga dul qaaday Gumaysiga madoobaa oo ujeedadiisu ahayd in uu na gumaysto.

Ugu Horayntii waxaan ummada Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaaa Soo laabashada Gudoomiyaha Isbahaysiga Shiiq Xasan Daahir waxaana filayaa in ay dhamaan Ummada Soomaaliyeed inta khayrka jecel ay ku faraxday soo laabashiisa iyo wax qabadka dhabta ah oo uu soo wado.

Taa kadib Waxaa jira Shirar ayaamahaan ka dhacaya magaalada Nayroobi kuwaas ooy soo abaabuleen niman sheeganaya magaca Ahal suna balse u adeegaya cadowga ummada Soomaaliyeed kuwaas oon marnaba raali ka ahayn nabada iyo barwaaqada ka jirta Gobolka Gedo iyo Jubooyinka ayagoona doonaya inay colaad halkaa ka huriyaan.

Waxaan uga digaynaa dadka jooga magaalada Nayroobi kuna qabanaya shirarka doonayana inay Goboladaa nabada ah ka huriyaan colaada inay ka waantoobaan arimahaas .

Waayo Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose waxaa ka taliya Maamulada Xisbul Islaam Iyo Alshabaab kuwaas oo uga Wanaagsan kuwii hore marka waxaan leenahay ka waantooba waxa aad ku jirtaan.

Ummada Soomaaliyeed Ilaahay nasri ayuu siiyay wax yar ayaana uga dhiman guushii oo dhan mar dhowna way gaaraysaa Insha alaah ee waxaan idin leenahay ka waantooba colaada micnadarada ee abuuraysaan.

Ugu danbayntii waxaan idin leenahay ha u adeegina cadowga ummada Soomaaliyeed ee kaalaya dadkiina wax la qaybsada ka waantooba colaada aad ku soo dhex jirteen 19sano waa waxii hada ka hor aad u samayseen dhibaatooyinka noocyadaan oo kala ah. 
 

Wabilaahi Towfiiq

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ARS

Maxamed Xaashi

25/04/2009

isbahaysi@gmail.com

Cumar C/rashiid oo Taageero Waydiistay Meles Zenawi
zenawi
"Soomaaliya waxay u baahan tahay taageerada Ra'iisul wasaare Meles sababtoo ah hogaamintiisa gaamurtay iyo in uu raad kobcaya ku leeyahay siyaasadaha adduunka," sidaas waxaa yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxa kale oo uu ka hadlay mowqifkiisa shareecada Islaamka.. Akhri... Apr 21

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Jabuuti oo ka Hadley Xiligii la Aqoonsadey Qoxootiga Jooga Dalka Jabuuti... Wareysi muhiim ah - Apr 21

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: