Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Jabuuti Calidaahir Xasan
Calikuri oo ka Hadley Xiligii la Aqoonsadey Qoxootiga Jooga
Dalka Jabuuti iyo Xaaladooda Nololeed: Wareysi muhiim ah
Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Jabuuti Calidaahir Xasan Calikuri oo aan xog
wareysi gaar ah la yeeshey waxna ka weydiiyey xaalada nololeed ee Qoxootiga
soomaaliyeed ee ku nool dalka Jabuuti, tirada ku qoxootiga Soomaaliyeed ee
joogta dalka Jabuuti, sida uu urko dowlada cusub iyo rajada uu ka qabo in dalka
ay dib ugu soo noqdaan dadkii ka barakacay ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya
waxaan ugu horeyn weydiiyey
S ;-
ugu horeyn gudoomiye goormaad dalka Soomaaliya ka soo tagtey ?
J ;-Soomaaliya waxaan ka soo tegey 1995-tii ilaa iyo xiligaas wixii ka dambeeyey
waxaan ka mid ahay Qoxootiga ku nool dalka Jabuuti, soomaaliya waxa ka jira ruux
kasta waa ogyahay, Ummadaha qaar gaajo ayaa dalkooda ka soo qixisa, qaarna
nabadgelyo xumo ayey ka soo cararaan, Soomaaliya ma ahan wadan gaajo looga
cararo ee waxaa keeney amaan derida iyo rafaadka yaala in yar iyo weyn ay
wadankii ka cararaan dalkoodii Hooyo.
S;-maadaama aad tahay Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Jabuuti waxaad faah
faahin naga siisaa xaalada ay ku nool yihiin Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool
dalka Jabuuti ?.
J ;-Qoxootiga Soomaaliyeed mudo badan ayey joogeen dalka Jabuuti, waana
wadankoodii labaad, dalka Jabuuti ilaa iyo markii ay xornimada qaadatey waxaa
jooga Qoxooti ilaa iyo bur burkii dowladihii Itoobiya iyo Soomaaliya
qoxootiyadooda wey soo galeen, in mudo ahna waxaa aqoonsi looga raadin jirey
Hay’ada UNHCR iyo Hay’ada wadaniga Jabuuti ee ONARIS, taasina waxay hirgashey
2007-da, waxayna heleen aqoonsi iyo astaan ay kuwada sixiixan yihiin labada
Hay’adood, qaar waxay ku jiraan Kaamka, qaarna Magaalada ayey ku nool Yihiin,
inkastoo Qoxootiga Afrika iyo kan kale ee caalamka aysan isku mid ahayn,
sababtoo ah midka Afrika noloshiisu aad bey u hooseysaa, taasina waxaa ugu wacan
Garaamka la siiyo oo ay Qaramada Midoobey ay u soo goysey uu yahay 24-kii saacba
wax ka yar 1$ ama hal doolar, kuwa ku nool Xerooyinka, Qoxootiga jooga Jabuuti
ma ahan kuwo la siiyo dhaqaale iyo Garaam ee waa mid haysta Warqada aqoonsiga,
waxa keliya oo laga saacidaa dhinaca caafimaadka.
S ;- marka la eego labad qaybood ee ku kala nool Kaamka iyo Magaalada, ma
yihiin kuwo noloshii aas aasiga ahayd ku haysta ?.
J ;- maya, sideedaba Qoxooti marka uu dalkiisa uu ka soo barakaco, waxay
mas’uuliyadu saaran tahay laba Hay’adood, waxayna kala yihiin Hay’ada UNHCR iyo
Hay’ada wadaniga ah ee u qaabisan Qoxootiga wadanka uu ku qaxay, Hay’adaha kale
ee UN-ka way la shaqeeyaan oo keliya, sida Hay’ada Dowliga ah waxaa laga rabaa
amnigii iyo deegaankii Qoxootiga, hawsha ugu badan inteeda kale waxaa laga
doonayaa Hay’ada UNHCR inay qabato sida Quudin, Caafimaad iyo Wax-barasho in ay
siiso Qoxootiga, iyadoo la kaashaneysa Hay’adaha kale ee Qaramada Midoobey, ilaa
iyo hada lama oran karo noloshii ugu wanaagsaneyd ee Qoxootinimo ayey ku nool
yihiin labada qayboodba, marka la soo koobo xaalada Qoxootiga ku nool wadanka
Jabuuti ma ahan waa xaalad wanaagsan, xag caafimaad uma wanaagsana oo ma helaan
dhakhaatiir fiican, waxayna khatar ugu jiraan in cudurada dhexdooda ay isu
gudbiyaan, haba ugu badnaadeen caruurta yar yar, sababtoo qofka Kaamka ku jira
6-Kgrm ayuu bishii qaataa, marka waxay ku jiraan nolol aan nolol ahayn oo aad u
adag.
S ;-mas’uuliyada aad u hayso Qoxootiga maxaad ugu qabtaa adiga ?.
J ;-waxaan ugu qabanaa inaan la doodno Hay’ada UNHCR, baahida gaar iyo tan guud
ee Qoxootiga ayaan kula doodnaa aniga iyo xubnaha ila shaqeeya, mar hadii ay
hay’adii wadaniga ahayd ay deegaankii iyo amaankii ay balan qaadey.
S ;- waa imisa tirada Qoxootiga Soomaalida ee jooga dalka Jabuuti ?.
J ;- guud ahaan Qoxootiga ka diiwaan gashan Kaamka Cali Cade waa 9000 oo isugu
jira Soomaali, Itoobiyaan iyo Eliteriyaan, magaalada waxaa jooga 120 Qoys,
laakiin marka Soomaalida qoxootiga laga hadlaayo waa 6000 iyo wax dheer, ilaa
iyo hadana ma jiraan meel ay u noqdaan, gaar ahaan dadka ka yimid Gobolada
Koofureed ee Soomaaliya, mana jirto meel loo celiyo Qoxootiga iyo wadan sedaxaad
oo hada balan qaadey in la geeyo.
S ;- dhibaatooyinka Qoxootiga wax xiriir ah ma kala sameysey arintaas ?.
J ;- Dowlada Jabuuti deegaanka iyo amnigeeda ayey leedahay, laakiin quudin ma
laha iyada, taasina waxaa laga rabaa Hay’ada UNHCR, iyada ayaa Qaramada Midoobey
u qaabilsan, dowlada Jabuutina ma ahan wadan weyn, mana ahan wadan dhaqaalo
badan leh, mana laha warshado iyo beero uu ku kabo Qoxootiga jooga, waxaana isla
kowsadey markii uu xurnimada qaatey iyo Qoxootiga ku soo cararey, sababtoo ah
wadan marka uu xornimo qaato oo uu ka soo baxo dhibaato, uuna la kowsado Qoxooti
waa la garan karaa waxa ka imaarkara, dowlada Jabuuti hadal bey ku leedahay
UNHCR, sida aan anaga ugala hadleyno oo kale.
S ;-ma jiraa Hay’ado kale oo idiinku soo booqdey Kaamka iyo kuwa degan
Magaaladaba oo aad kala hadasheen dhibaatada haysata Qoxootiga Jabuuti.
J ;-18-kii bishii 3/2009-ka ayaan shir gaar ah ku yeelaney Hay’adaha UNHCR iyo
kuwa la shaqeya sida WFP, AMDA,IPF iyo ONARIS-ta oo ah Hay’ada wadaniga ee dalka
Jabuuti, Mas’uuliyiin ka yimid Nayroobi oo ka socdey Hay’ada UNHCR iyo kuwo kale
oo ka yimid Jineefa oo ahaa mas’uul u qaabilsan Afrikada Bari iyo Geeska Afrika,
inkastoo xiliyadii hore aan naloo ogolaan jhirin inan la kulano wufuuda
mas’uuliyiinta Hay’adaha ku shaqada leh Qoxootiga aduunka, waxaana ka wada
hadalney dhibaatooyinka haysta Qoxootiga, dhinac kasto, sida nolosha,
wax-barashada, caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka, waxaana isla garaney oo ay
naga qoreen baahida guud ee Qoxootiga ku nool dalka Jabuuti, waxayna balan
qaadeen dhaqaalaha ku baxaya iney ban dhigidoonaan wadamada deeqaha bixiya ee
aduunka si loo daboolo baahida Qoxootiga Jabuuti, mana jiro Hay’ado kale oo nagu
soo booqdey Kaamka iyo Magaaladaba nooc kasta ay yihiin, waligeyna ma arag
Hay’ado Islaami ah oo nagu soo booqdey Kaamka iyo Magaaladaba.
S ;- maxay tahay waxa aad dalbaneysaan hadii aad tahay gudoomiyihii Qoxootiga
Soomaalida Jabuuti ?.
J ;-waxaan beesha caalamka ka dalbaneynaa iney u istaagaan Qoxootiga ku nool
wadanka Jabuuti, sidii ay wax ugu qaban lahaayeen, si ay u helaan noloshii aas
aasiga ahayd, maadama xiligan uu bilaabanayo xiligii kuleylaha oo mararka qaar
uu gaarayo kuleylka 50 digrii.
S ;-Sideed u aragtaa dowlada cusub ee lagu dhisey dalka Jabuuti ?
J ;-dowladu waxay ku magacaaban tahay dowlada midnimada Qaran, waxayna u
muuqataa mid isu soo dhaweyneysa Ummada Soomaaliyeed, marka la eego dowladihii
kala duwanaa ee 19-ka sano la soo marey, waxaana haboon in ay ka faa’iideysato
khaladaadkii kuwii hore ay galeen in aysan marin, sababtoo ah hadii aan wax yar
ka taabto dowladii Cali Mahadi uu madaxda ka ahaa wuxuu xilka qabtey iyadoo
Soomaaliya ay maskaxdeeda ku jirto dowladnimadii, wuxuuna dhisiwaayey ciidankii
qalabka sidey ee dalka Soomaaliya, balse wuu ka faa’iideysan waayey, sidoo kale
Cabdi Qaasim wuu ka faa’iideysan waayey, sababtoo ah Garoonka balidoogle ilaa
iyo Garoonka weynka ee Istaadiyo Muqdisho ay Ummada Soomaaliyeed ku soo
dhaweynayaan oo ay caleemo qoyan u ruxayaan oo ay ciidamadii XDS oo gaaraya
24000 ay isugu yimaadeen goobtaas, si loo soo nooleeyo Qaranimadii iyo
midnimadii Ummada Soomaaliyeed wuu ka faa’iideysan waayey oo ciidamadii wuu kala
direy, dowlada midnimada Qaran waxaa haboon si ay u fududaato soo celinta
haybadii dalka waa in ay dhistaa ciidamadii Qalabka sidey, kan hawl gabka ahna
laga faa’iideysto aqoonta iyo khibradiisa ciidan midka hawlgeli karana loo
dhameeyo qalabkiisa, ciidan dibad lagu soo tababarey ma aaminsani waxaana
filayaa in dad badan ay ila qabaan, sababtoo ah sarkaalkaada wadaniga ah, sida
uu wax kuugu tababaro kuuguma tababarayo nin shisheeye ah, xaqiiqaduna sidaas
ayey tahay .
S;- rajo intee la eg ayaad ku qabtaa in dowladan ay guuleysto in dalkii Hooyo
dib loogu noqdo?.
J;- Walaahi hada rajo 100% ayaan ka qabnaa ama 60%, sababtoo ah wali ma hayno
inta hada ay dhisan tahay, ma hayno ciidankii Qalabka sidey oo loo yeerey oo la
hawlgelinayo, waxaan aaminsanahay 100,000 oo ciidan Ajnabi ah oo la keeno dalka
Soomaaliya, in aysan xal kusoo dabaali Karin Soomaaliya, waxa keliya ee xalka
kusoo dabaalikaro oo aan aaminsanahay oo ay Ummaduna ila qabto in ciidankii
qalabka sidey ee Qaranka Soomaaliyeed laysugu yeero, si ay usoo celiyaan
haybadii iyo qaranimadii aynu lahayn.
Waxaa wareystey:- Wariye Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com