SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hayada OSPAD oo qabatey siminaar ku saabsan Khatarta Cudurka AIDS-ka

Sawirada Halkan Ka Daawo

Hayadda OSPAD oo inta badan ka qayb qaata sidii bulshada ugu baraarujin lahaa khatarta cudurka AIDS-ka ayaa siminaar ku saabsan Cudurkaas ku qabtey Magaalada Muqdisho waxaana siminaarkaas ka qayb galey ilaa boqol xubnood oo isugu jirey dhalinyaro , haween iyo dad ka socdey Xeryaha ay ku jiraan dadka barakacay waxaana iska kaashadey Hayadaha Global Fun , UNICEF waxaana hirgalinayey Hayadda OSPAD


Sawirada Halkan Ka Daawo

Mudadadii uu socdey siminaarkaas ayaa ka qaybgalayaasha waxay si aad ah ugu doodeen khatarta Cudurka AIDS-ka oo marba marka ka dambeysa xaddigiisa uu sii kordhayo iyadoo warbixintii ugu dambeysey uu gaarey 1.5 oo boqolkiiba ah gaar ahaan Bartamaha iyo kooonfurta soomaaliya

Siminaarkaan oo ay casharo ka bixineysey Ustaad Basro Xuseen Daa’uud oo iyadu si aad ah ugu dheeraatey waxyaabaha keena Cudurka iyo siyaabaha looga hortagi karo , waxay tilmaantey macalimad Basro in kororka cudurka AIDS-ka ee soomaaliya ay ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin Dowlad Kontoroosha Xuduudaha soomaaliya maadaama dalalka Deriska la ah soomaaliya uu si daran u asiibey Cudurkaas ,mar ay ka hadleysey siyaabaha looga hortagi karo cudurkaas in ay tahay in la joojiyo galmada xaaraanta ah , in la iska baaro dhiiga inta aan qofka lagu shubin , in la jeermis dilo qalabka wax lagu Qalo ama wax lagu dhaliyo , waxay kaloo sheegtey Macalimad Basro in cudurka looga hortagi karo iyadoo wacyigelin badan la sameeyo gaar ahaan warbaahinta oo ay sheegtey in ka qaybqaadan karaan ka hortaga cudurkaas

khaali Cabduqaadir oo ka mid ahayd dadkii ka qaybgaley siminaarkaas isla markaasna fursada u heley ayaa iyana sheegtey in loo baahan yahay in dhaliyarada ay ka qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa cudurkaas maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul cudurkaas waxayna u soo jeedisey Dhaliyarada in marka ay is guursanayaan labada lamaane ay iska baaraan cudurkaas si halkaas uga soo baxdo qoys ka fiyow cudurkaas

siminaarka waxaa kaloo ka Hadley Dr Xasan Jimcaale oo ka socdey GF AIDS/UNICEF- Somalia HIV M/E MENTOR- CCN-ITALY wuxuu sheegay in dalalka deriska la ah soomaaliya uu aad ugu badan yahay Cudurka loona baahan yahay in dadka soomaaliyeed ay sameeyaan foojignaan dheeraad ah

siminaarkaas waxaaa soo gabagabeeyey Cabdulaahi Xaashi Xasan oo ka socdey Hayadda SCAC wuxuuna kula dardaaarmey xubnihii ka qaybgaley siminaarkaas in ay bulshada ku wacyigeliyaan siyaabaha looga hortago cudurkaas iyo waxyaabaha keena cudurkaas isagoo sheegay in loo baahan yahay baraarujin dheeraad ah maadaama cudurka uu khatar ku yahay bulshada soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2009

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: