SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shiikh Cumar Iimaan oo xaqiijiyey in Muqdisho uu soo gaarey Shiikh Xasan Daahir Aweys

Your browser may not support display of this image.Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Eritrea uu Muqdisho uu soo gaarey ka dib markii 2 sanno ku dhawaad uu ka maqnaa  dalka

Inkastoo saxaafaddu ay shalay qortay in Sheekh Xasan Daahir uu dib ugu laabtay Asmara, haddana warkaan waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Xisbul Islaam garabka taageersan Sheekh Xasan Daahir Dr umar iimaan Ababakar ooh ore u caddeyey in aysan wax wadahadal ah aysan lagelin doonin Dowladda uu madaxda ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed .

Dr. Cumar Iimaan ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir uu Muqdisho u yimid sidii uu wax uga ogaan lahaa howlaha ururkooda uu ka hayo gudaha, isla markaana uu saxaafadda la hadli doono dhawaan wuxuuna ku soo beegmey imaansha Shiikh Xasan Daahir mar uu kala jabey Ururka Xisbul islaam oo isagu dagaalo ka wadey magaalada Muqdisho. 

Sheekh Xasan Daahir ayaa khilaaf xooggan wuxuu kala dhexeeyaa Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo uu burburay dadaal uu waday Madaxweynaha Sudan si uu u dhameeyo khilaafka labada Sheekh sidoo kale wqaxaa burburey dadaal ay wadeen Dowladaha Qadar iyo Liibiya

Waa markii ugu horreysay oo muddo laba sano ka badan uu Sheekh Xasan Daahir yimaado Muqdisho, waxaana uu saldhig weyn ku lahaa tan iyo Markii ay Maxkaamduhu jabeen bilowgii 2007 dalka Eritrea, halkaasoo ay ka hagayeen dagaaladii ka socday dalka. Sidoo ka Sheikh Xasan wuxuu ka mid ahaa raggii dhidibada u aasey Isbahaysigii dib u xoreynta  oo markii dambe ku biirey Dowladii federaalka laguna dhisey dowlada midnimada Qaran

Lama yaqaan in Sheekh Xasan Daahir uu kulamo la qaadan doono Madaxda dowladda Fedaaralka Somalia oo ay walaalo ahaayeen muddo dheer iyo in kale, wayse soo bixi doonaan ujeedooyinkiisa uu Muqdisho u tagay , sidoo kale imaanshihiisa wuxuu ku soo beegmey Xilli  Baarlamaanka Soomaliya uu ansaxiyey ku dhaqanka Shareecada Islaamka hase yeeshee Xisbul Islaam si taxadr leh ayey u soo dhaweyeen ku dhaqnka Shareecada Islaamka

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E_M ail amiin khasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2009

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: