SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BOOQASHADII WASIIRKA QURBE JOOGTA IYO JAALIYADDA EE GOBOLKA MINNESOTA

War-saxaafadeed Wasaaradda Qurbejoogta iyo Jaaliyadaha Dibadda


(Minneapolis – April 21, 2009) Wasiirka Qurba joogta iyo Jaaliyadaha Dibadda ee dawladda Soomaaliyeed, Mudane Cabdullahi Axmed Cabdulle “Azhari” ayaa booqasho gaaban ku yimid Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota.

Wasiirku mudadii uu joogay Minnesoto waxa uu shir guud la yeeshay Qurba joogta soomaaliyeed ee deegaankan deggan, isagoo ka bilaabay Casho sharaf loogu sameeyey madasha Casabalanca Hool, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda ururrada bulshada ee Magaaloyinka Mataanaha ah, waxgaradka iyo dhallinyarada.

Subaxdii Abriil 17, 2009, Wasiirka ayaa booqasho gaaban ku tagay dugsiga caalamiga ah ee Magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities International School), halkaasi oo wasiirku indho indheeyey habka waxbaridda ardayda Soomaaliyeed iyo macallimiinta la shaqaeeyey oo isugu jira Soomali iyo Anjabi. Waxaa xusid mudan in arday aanaan halkaan magaciisa ku sheegi karin sababo ruqsad darteed, uu ardaygaasi wasiirka weydiiyey su’aashan” “Mar walba waxaan waalidkay ka maqlaa, Soomaaliya dawlad baa u dhalatay oo waa hagaagi doontaa, marka waa siduu ardaygu hadalka u dhigaye yiri”Goormay Soomaaliya hagaagi doontaa?”. Arrintaasi ayaa wasiirka fajac-galisay, xataa sida saqiirku uu u sugi la’ yahay dhalasho dawlad Soomaaliyeed. Wasiirka oo si gaar ah ula hadlayey ayaa ku boorriyey macallimiinta Soomaaliyeed iyo kuwa ajnebiga ah inay baraan ilmaha soomaaliyeed afkooda hooyo, dhaqankooda iyo diintooda, maadaama aysan ku korin dal Soomaaliyeed, waxna ka garanayn. Wasiirka ayaa sidoo kale ku boorriyey in macallimiintu ay ku soo xiraan waalidka dugsiyada ilmahoodu dhigtaan, si ardayda qabkooda, niyadooda iyo aqoontooduba u kobacdo, taasoo iyana xaqiijinaysa guulaysiga ardayda iyo soo xaadiristooda joogatada ee ay dugsiga imaanayaan.

Wasiirka Jaaliyadda soomaaliyed, Mudane Azhari ayaa SabitidiiAbriil 18, 2009 la kulmay jaaliyadaha Soomalida iyo Iswedhen-ka, oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen duqa Magaalada Minneapolis, R.T. Rybak, Jaaliyadda Iswden&Huseen Samatar oo ah Madaxda Horumarinta Bulshooyinka afrika.Waxaa kulankaasi lagu soo bandhigay suugaanta iyo dhaqanka labada dal.Shirkaasi oo la qabtay isla maalintaasi saacadaha 2”00 ilaa 5:00, waxaa weheliyey shirkii Wasiirku uu ku wargalinayey jaaliyadda

Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Mataanaha ah, halkaasi wasiirku u soo gudbiyey jaaliyadda salaan iyo bogaadin uuuga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Iaad ee dawladda mudane Cumar Cabdirashiid. Wasiirka ayaa dhegaysatay fikrado jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhisnaa suugan iyo tiraabyo kale, isla markaasna ku boorriyey inay mar walba mideeyaan maankooda. maskaxdooda, muruqooda iyo niyadooda. Isla markaasna midnimadoodu ay guul iyo ray rayn u tahay umadda Soomaaliyeed dibada iyo gudahaba.

Waxaa kale oo wasiir Azhari uu booqday masaajidada magaalooyinka mataanaha ah, isagoo la kulmaya culumaa’ u’diinka Soomaaliyeed ee nawaaxiga magaaliyinka mataanaha ah ku dhaqan. Goobaha kale ee Wasiirku uu booqday waxaa ka mid ah goobaha gonacsiga Soomaaliyeed ee waaweyn sida Karamel, Moolka 24-ka iyo kan Cider iyo Lake.

Waxaa kale oo Wasiirku uu la hadlay qaar ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira jeelasha Minnesota, isla markaasna booqday xaruunta dhallinyarada yar yare e dembiyada gala loona yaqaanno Juvenile Justice Center (JJC).

Wasiirka Qurbejoogta iyo Jaaliyaddda soomaaliyed, Mudane Cabdullahi AxmedCabdulle “Azhari” oo isugu ahaa Duuliye hore ayaa isna booqday Garoonka Caalamiga ah ee Magaaloyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo saint Paul (MSP), isla markaasna wada hadal kala yeeshay guddoomiyaha Garoonkaasi Steve Wareham , isla markaasna uu wasiirku guddoomiyaha kala hadlay sidii loo mataanayn lahaa Gegida dayuuradaha Caalmiga ee Muqdisho iyo kan Garoonka MSP.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa shirar kala duwan oo gaagaaban la yeeshay aqoon yahannada iyo waxgaradka soomaaliyeed

Wasaaradda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha Dibadda

La xiriir:
somaliadiaspora@gmail.com 

ama
info@somalidiasporaministry.org

http://somalidiasporaministry.org
 

Cumar C/rashiid oo Taageero Waydiistay Meles Zenawi
zenawi
"Soomaaliya waxay u baahan tahay taageerada Ra'iisul wasaare Meles sababtoo ah hogaamintiisa gaamurtay iyo in uu raad kobcaya ku leeyahay siyaasadaha adduunka," sidaas waxaa yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxa kale oo uu ka hadlay mowqifkiisa shareecada Islaamka.. Akhri... Apr 21

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Jabuuti oo ka Hadley Xiligii la Aqoonsadey Qoxootiga Jooga Dalka Jabuuti... Wareysi muhiim ah - Apr 21

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: