SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Waraaq

Warqad ku socota Soomaaliga qoriga haysta.

 In aan kula heshiiyo ayaan doonaya: Qaabkee kuula heshiin karaa?

Magacayga waxaa la yiraahdaa Soomaali heshiis doon ah, magacaygii hore ee aad igu taqiin ee Soomaali reer hebel waan iska beddalay, si aan si fiican isku barano aniga iyo adiga oo markii hore isku magac ahayn, dhib malaha adiga iska wada magacaaga Soomaali reer hebel, laakiin aniga maanta wixii ka bilowda waxaad iigu yeertaa Soomaali heshiis doon ah.

Waxaan rabaa nabad iyo nolol, waxaan doonayaa in aad i aamintid oo aadan marnaba iga cabsoon, i aqoonsatid, hal fursadna i siisid si aad si fiican u barato shaqsiyadayda dhabta ah.

Dad badan iima jeedaan oo aan isku magac ahaan jirnay,waxaa i qariyay carro madow, waxaa lagu aasay dhulka, waxaan rabaa in aan ka soo baxo qabrigii lagu aasay, taasna waxay ii suurggeli kartaa markii aad iga oggolaatid in aan kula heshiiyo, oo gacanta isa saarno, is garab istaagno, in aan is cafino isna caawino, is qabano isna saxno, in aan walaaltinimadeena habaaska iyo ciiddii dabooshay soo ceshano,

Waa ku baryayaa aan heshiino wixii shalay dhacay waa dhaceen inkasta oo ay shalay raad nagu reebtay haddana aan maanta iyo berrito fursad siino si ay iyagana raad ka fiican midkaas shalay ay u sameeyaan.

In aan kula heshiiyo ayaan doonayaa maxaad ka qabtaa, intii aan ku jiray qabriga waxaan la kulmay cadaab badan waxaa aad i qabatay gaajo iyo harraad aan kuu qabo, waan kuu xiisay, waxaan tabay qorraxdii i diirin jirtay, waxaan waayay hawo si aan u neefsado waxaan kala garan waayay maalinta iyo habeenka illeen waxaan ahaa qof qabri ku jiree.

Waxaad tahay fursadaydii ugu dambaysay ee i badbaadin kara qabrigaas mugdiga ahna iga soo saari kara, ila heshii waan ku baryayaa , nolol i sii waan ku baryayaa, biyo i sii, wax aan cuno isii, naxariis i sii, haddii aadan maanta heshiiskaas iga oggolaan way ii dhammaatay mar dambena la iima maqli doono oo sida la ii aasay ayaa qabriga la iigu ilaabayaa, tabar aan ku hadlana heli maayo oo halkaas ayay nafta iiga baxaysaa magacayguna ku tirtirmayaa.

Waan dhimanayaa adiga waxaa cidlo kugu cuni doona waraabe ma naxo ah, ila heshii waan ku baryayaa aan gacanta is qabsanee, garab isku noqonee, aan is caawinee, aan iska kaalmaysanee waraabaha anigana i aasay adigana kugu dulmeeraysanayo ee doonaaya in uu ceeriinka kugu uno iska celinee. 

Waa ku baryayaa  aan heshiino, ila heshii, qabriga madow iga soo saar, iftiin i sii  waxaan kuu ballan qaadayaa in aadan ka shalay doonin haddii aad iga oggolaato heshiiskaas, waxaan doonayaa in shacabkaygu heshiiyaan si magacena dhabta ah ee   Soomaaliya aan dunida  barno.

Waxaa qortay:

Zahra Abdi Hersi (Netherland)

umubakar@hotmail.com

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

info@waddaniga.org

www.waddaniga.org 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: